Sheeko taxan: Horta yaa abaal gala hadduu jirona yaa guda? Q28AAD W/Q: Xuseen “WADAAD”

Sheeko taxan: Horta yaa abaal gala hadduu jirona yaa guda? Q28AAD 

Maamma Dahabo, waa isaga huleeshay reerkii ay soo booqatay, kaddib markii ay istaagga uun isku wareysteen iyada iyo Xaajiyo Batuulo, kuna ballameen ineey iyada u soo direyso Gaadiidkii sii qaadi lahaa soona celin lahaa Reer Xaaji Axmed iyo Islaanta la caracelihaayo oo ah Kutubo.

Xaajiyo Batuulo, kolkii ay sagootisay Maamma Dahabo, waxeey u soo gudubtay gudaha mininka, waxeyna warbixintii loo sheegay u soo jeedisay Saygeeda Xaaji Axmed iyo Kutubo, waxeyna ku tiri: “Maamma Dahabaa ii timid, iyadaana noo soo direyso baabuur na qaado, mugga hee Xaaji is deji, karakabadana naga dhaaf”. Waxaa kale ay Maamma Dahabo ii sheegtay “In Abuukaatihii ay u qabatay rabyo inuu la kulmo Maxaad Cali iyo Kutubo, waxuuna dalbaday inuu isaga idin soo booqdo, mugga hee waqtiga iyo meesha uu idinkula kulmaayo aa leydinka rabaa”.
Intaas kolkeey sheegtay Xaajiyada, waxaa warkii boobay Xaaji Axmed oo yiri: “Arrinkaas abuukaataha, muggaan tagno Maxaad agtiisaan ka warrameynaa, ee maxaa kaleey kuu sheegtay Maammada?”
Xaajiyo Batuulo, waxeey ku warcelisay “Waxaa suurtowdo in asbuucan la keeno maxkamad”. Saas ayay ii sheegtay Maammada.
Xaaji Axmed: Waa tahee, idinka uun ha na daahina ee fatuuradda muggeey timaad ha gabgableynina ee hore isu diyaarsha.
Kutubo, iyada war kuma darsan, waa uun aamusan tahay, inkasta oo uu jawi naxdin geliyay in maxkamad la keeno, waxaa ka muuqato ineey dareen ka qabto maxkamad keenidda. Iyada ma oga in maxkamad keeniddu ay dhaanto iska haynta la iska haayo dadka, iyagoo weliba dembi la’aan ah, dhinaca kalena waxaad mooddaa in Kutubo ay saluugsan tahay xaqsoornimada garsoorka weliba iyadoo arkeyso in hadda xitaa xaq darro u xiran yahay wiilkeeda, waxaa ay uun is leedahay amaa looga daraa.
Xaajiyo Batuulo, waxeey u gudubtay intaas kaddib jikada, waxeeyna bilaawday in ay dabkii ay saaka wax ku karisay dib u nooleyso,iyadoo dhuxul cusub ku dartay, babisna u raacisay si uu dhaqsi ugu baxo ama huro ama faaxo , xoogaa muggeey ku jirtayna waxeey saartay Dherigii ay suugada ku jirtay si ay u kululeyso, kaddibna waxeey soo bixisay Baasta Fiino ay hore u karisay, waxeeyna dusha uga dartay suugadii, ka dibna waxeey ku kala shubtay laba saxan, iyadoo u kala waddo Xaajiga oo ay gooni u aqooleyso iyo iyada iyo dumaashideed oo saxanka kale ah, Moosna waa soo raacisay. Kadibna waxeey ku noqotay jikada si ay biyaha Liimo ee u qasan ay baraf ugu soo darto una keento. Xaaji Axmed Qolkiisa ayay ku siisay qadadiisa iyada iyo Kutubana jikada ayay isaga qadeeyeen. Waa Qado iyo Casho wada socda kolkaad fiiriso xilliga ay tahay, waxaa la jooga Gabbaldhacii, qorraxduna sii liiqeysay, maqribkuna dhaw yahay. waa tii liiqeyso, maqribkuna dhaw yahayba.

Cali Gaab, Waxuu ka noqday guriga reer Maxaad Cali, isagoo yaabban, farahana jaccaayo. Ma waxuuna faraha jacinaa, waxaanu fileyn ayuu saxiibkiis kala kulmay, jidka ayuuna iska soo qabsaday isagoo hoosta iskala hadlaayo. Saaxiibkiis waxuu la noqday qof ku cusub oo aan aheyn Maxaadkii uu yaqiin, Ar sidaani maxeey aheyd?Ma loo dambeeyay ninku?Seey wax ka yihiin [naqdeen]? iyo kuwa la mida ayay ahaayeen ereyada uu hoosta uga tallamaayay Cali gaab.

Reer Maxaad Cali, iyaguna waa uun halkoodi, iyaga uunaa iska soo horjeedo, Odaygu kolna geberta ayuu u imaahaa kolna qolkiisa ayuu ku naqahaa . Waxaa dilayba diqdiqleynta u dhexeyso qolka iyo jikada ama daashka ay gebertu fadhido, ma yaqaan wax uu qabto oon sugaal uun aheyn, waxuu is leeyahay haddaad baxdo ama lagu soo dhaafaa… Cidda dhafarkii xalayna waa ka muuqdaa, haddana nasashoba uma taal inta arrinka sugidda meel ka koraayo. Maxaad Cali isaga hadda wax kastaa oo heysto waxaa uga daran imaanshiyaha Kutubo uun.

Kutubo iyo Xaajiyo Batuulo, kolkeey dhammeysteen Qadadoodii, xaajigana laga soo celshay citintii uu ka tegey iyo weelkiiba, waxeey u gudbeen qolkii gaarka ahaa ee Kutubo martida ku aheyd, waxeeyna billaabeen hawshoodii diyaarinta aheyd. Waxeey kala furfureen Alaabtii la soo iibiyay, waxeeyna gooni uga soo saareen dharkii ay xiran laheyd ee lagu celin lahaa Kutubo, Kabihii ay sii gashan laheyd, alaabihii kalena Boorso gaara ayaa lagu xireeyay. Taas oo ah midda gacanta lagu sii qaadayo. Kutubo, waxeey u dhaqaaqday xaggaa iyo musqusha iyadoo gacanta ku sii wadato Rummay Caday ah. Xaajiyo Batuulana waxeey bilawday iyada ineey lebisato, xiratana dhar qurxoon, waxaadba mooddaa in iyaduna ay aroosad tahay, la yaabse maahanoo waa tii la dhihi jiray “Mugga naagi aroosad tahay naagaha oo dhammina waa la mid”.
Xaaji Axmed, kolkuu tukaday Salaaddii Maqrib ayuu ku bilaabay “haye, diyaar ma tihiin iyo dhaqsada”. Haye Xaaji uun baa ka soo bexeyso qolka ay ku jiraan xaajiyooyinka.
Muggaan, waxaa yeeraayo Guux Baabuur iyo BIIB BIIB BIIB… Waxaa muuqato codkaasu inuu yahay fatuuraddii ay soo dirtay Maamma Dahabo…Waxa ugu horreeyo oo shanqarta maqlaahi waa Xaaji Axmed, muggii hee BIIBBIIBTu wadar goor yeertay, ayuu u qumay qolkii ay islaamanku ku jiraan, kuna yiri : xeey tahay saan, fatuuraddi waa tan dibadda ka ciyeysa e, soo baxa.
Kolkuu ka noqday ayuu Albaabkii aaday, una baxyay xagga fatuuradda , waxuuna la kulmay darawalkii oo ka soo degey oo u soo dhaqaaqay inuu albaabka garaaco, kolkuu indhaha dhac ku siiyay ayuu ku bilaabay bariidin “See la yahay igaarkeey?” “Fiican adeer,” ayuu ugu jawaab celiyay wadihii fatuuradda.
Fatuuraddu waa fatuurad qurxoon oo leh midab madoow, dhaldhalaalka ka muuqdo waxaad mooddaa in si fiican loogu soo qubeeyay, Xaajiga waxuu indhaha la raacay fatuuradda iyo sida ay u dhaldhalaaleyso, laakiin waxaa daymooshadaas ka kala jaray wadihii oo ku leh : Adeer, Cidda diyaar ma tahay?
“Haa hee, bal kaalay alaabtaan ila saar Baabuurka,” waxaa saas yiri Xaaji Axmed oo rabo inuu alaabta Diiqadaa uu sii raro inta ay iyaga ka soo baxaayaan.
Haye adeer, ayuu ku jawaab celiyay inankii yaraa ee darawalka ahaa. Muggii uu hore u soo galay guriga arkayna alaabta inta ay la eg tahay ayuu ku yiri: Adeer alaabtaan ma qaadi karo, Alaab kalaa saaran baabuurka oo xitaa haddaan dejiyo, ma qaadi karo, laakiin horta meeqa qof ayaa i raaceyso?
Xaajiyada, kutubo iyo aniga, ayuu yiri Xaaji Axmed. Okeey Adeer, dhib maahan wixii muhiima hadda ayaan qaadeynaa, wixii kalena waa u soo noqoheynaa. Xaajiga maasaaba dhihi karo maya, warkiisu waa uun “Hayabo Maandhoow”. Waxeey bilaabeen in alaabtii wixii la saari karo sanduuqa dambe ay saaraan, inta kalena lagu ballamay in loo soo noqdo ama mar kale la qaado.
Kolkii alaabtii la raray, waxaa markiiba soo baxay Islaamankii oo kaalay arag ah, lebiska ka muuqdo lagu indha daraandaraayo, barafuunka ka carfaayo sanka lala raacaayo. Xaaji Axmed isagaaba deymo kale u celshay Xaajiyadiisa iyo walaashiis, waxeeyba la noqdeen dad cusub aanu aqoon. Waxeey gacanta ku wataan laba Boorso gacmeed dumar iyo Boorso kaloo xoogaa weyn oo lagu wado arad tirka iyo cara celinta Kutubo, iyadaba waxaa adag in meel loo helo, Waxaa war ka horgeeyay Xaajiga isagoo leh : Intaan saarnaa Boorsadaan aad waddaan. Waxaase u jawaabay Wadihii oo leh : Adeer dhib ma lahan dhexdooda ayay dhigaayaan. Darawalkii ayaa ka furay Albaabkii dambe ee fatuuradda kolkiibana dalaq ayay ku dheheen Islaamankii, Xaajiga waxuu iska furay Albaabka hore wuuna koray, Wadihiina ,dhankiisa ayuu ka galay fatuuradda, waxuuna bilaabay inuu dhaqaajiyo Fatuuradda, laakiin Xaajiga ayaa dhaqso hadloo yiri: Maandhoow jooji bal ha dhaqaaqin, Albaabka guriga ayaa furane aan iska xirno e.

La soco Q.32aad
Xuseen M.Cabdulle “WADAAD”
huswadad@hotmail.com

SHEEKOOYIN

Cart
  • No products in the cart.