Sheeko taxan: Horta yaa abaal gala hadduu jirona yaa guda? Q30AAD W/Q: Xuseen “WADAAD”

Horta yaa abaal gala?Hadduu jirase yaa gudi? Q30aad

Waxaa daarada muggaan wada fadhiyo waa labadii reer ee xididka iyo gacalka ahaa. Waa Reer Maxaad cali, oo uyuka mininkooda la fadhiyo, iyo reer Abti Axmed oo soo cara celiyay Kutubo iyadoo aroosad cusub ah. Waxaana hortooda yaal suxuun ay ku jiraan alaabooyin kala gedisan oo kala ah(Xalwo Laflaaf, aan laga aqoon tii Xalwo Hilaal, Doolshe,Buskud,Shushuumoow,iyo sharbeed oo cabitaan ah). Kutubo iyadu, waxeey noqotay marti ama aroosad cusub oo hadda la soo hooyay, waxaa gurigeeda ku aqoolaayo waa Xaajiyo Batuulo iyo Raxmo yar. Minii xoogaa layska soo wada horjeedo asiin qof juuq yiraa jirin, alaabtiina hortuban tahay, ayaa Xaajiyo Batuulo tiri: Dhaqsada hee, ha la cuno alaabtaan, ununka fadhi nooma yaalo e, waa sii socon laheyne. Intaasna kuma simine waxeey sii raacisay “Aroos luguma raago, lagamana raago e” . Kolkeey Xaajiyada intaas tiri ayaa hoosta la iska wada dhugtay. Raxma yar oo markii hore ilmo(Illin) ku taagtaagneydna hoosta ka dhoolla caddeysay, garatayna in waxa arooska loola jeedo ay HIINDEYDEED tahay!!.Kolkii alaab alaabtii rabta tiil xoogaa gacantu gaartay ayaa Xaajiyo Batuulo hadashoo tiri: Xaaji Axmedoow, waa socon laheyn ee maad hore u socotiin hee!!.

Intaanu Xaaji Axmed hadlin waxaa hadalkii qaatay Maxaad Cali, isagoo leh “Waxaan ka mahadcelihaa sida quruxda,dadnimada leh ee aad xaalka u soo afmeerteen,” waxuuna raaciyay “Rabbi ha idinka abaal mariyo wanaagga aad noo sameyseen, Walaal jira, la’aantiin abaar , Rabbi haydin barakeeyo, mooradiina ma marato, soo dhawaada hee”.

Kolkuu Maxaad warka saas ku dhammeeyay, ayaa waxaa ka jawaab celiyay Xaaji Axmed, isagoo leh: “Maxaadoow, ununka waxaan waajib nagu aheyn ma suubin, weliba gudashada waajibka waa la soo daahnay ee lafteeda raalli hanagala noqdo.” Xaaji Axmed mugoow intaas yiri ayuu waxuu daymooday Xaajiyo Batuulo, asuu yiri:” Xaajiyooy muggaaga hore u soco hee.”

Xaajiyo Batuulo ayaa soo ruuqruuqaansatay oo gaada kor u togtay.  “Warka waa saad u dhameyseen, waxaa uun aan rabaa inaan warbixin idinka siiyo xaalka Wiilka xiran, sidaad la socoteenba waxaan arrinka wiilka kala xiriiray Maammo Dahabo, oo ah qof samaha jecel, mar walbaana gargaarto inta baahan ama dulman, waxeeyna u qabatay Qareenka ama garyaqaanka ugu magaca dheer beledka, waxuuna ballan qaaday inuu dibadda keeni doono minii Rabbi idmo, Haddase waxuu rabaa inuu idinla kulmo, waxaa uu rabaa inuu idin siiyo warbixin kooban, kaddibna wuxuu rabaa inaad warqado u saxiixdaan, si uu maxkamadda asbuucan dhaceyso u soo afmeero xaalka ilmaha. Mugga hee waxaa laydinka rabaa inaad sheegtaan meesha uu idinkula kulmaayo.” Waxaa saas tiri waa Xaajiyo Batuulo.

Xaajiyada markeey dhameysay warbixinteeda, ayaa waxaa hadlay Maxaad Cali isagoo leh: Xafiiskiisa maan ugu tagnaa mise usugaa noo imaanaaya?

Xaaji Batoolo: Eeboow Maxaad usagaa idiin imaahaayo, ee berri galab seey idinla tahay, ma la soo ballamiyaa?

Xaaji Axmed: Haahe u soo ballamiya, uyuka mininkooda eey joogaane, dhib maahane ha la dedejiyo. Maadaama Maxkamaddu ay dheceyso asbuucaan.

Warka oo mahaas socdo, ayaa Fatuuraddi hoon soo yeerisay BIIB BIIB BIIB, war maa  jiro hee, waxaa la go’aanshay in berri galab la soo ballansho Qareenka. Fadhigiina waa laga kaagacay. Muggii la wada joogsadayna, waxaa alalaase kale ka wareegtay Xaajiyo Batuulo, Raxma yarna muggaan waa taas oo waa la jiibisay.

Waxaa gadoon laga soo yiri mininkii reer Maxaad Cali, minii xoogaa la socday ayaa waxaa darawalkii la hadashay Xaajiyo Batuulo iyadoo leh: Intaadan guriga  noo  gudbin  na  sii marsii   Maammo Dahabo aan rabnaahe.                                                                                                                                                          

Wiilkii yaraa ee darawalkana, Marxabba eeddo ayuu ku jawaab naqay.  Wax badan intaan la soconba waxaa fatuuraddii lagu hor fariineeyay mininkii Maammo Dahabo, waxaana markiiba ka degey Xaajiyo Batuulo iyo darawalkii, Xaaji Axmed isaga rabtiisii ayuu ku sii negaay ee ma degin. Waxeey garaaceen albaalkii, isla markiibana waa laga furay, waxeeyna weydiiyeen Maamada ineey soo jeeddo iyo in kale, waxaana lagu yiri hadda ayay Salligaan ka kacday ,waa soo jeeddaa. Geber yar oo rabta wax ka fadhiday ayaa u quntay si ay ugu sheegto in la rabo. Waxaana qolkii loogu galay ka soo wada baxay gabertii yareyd iyo Maamadii oo wada socda. 

Muggii ay soo baxday ayay aragtay Xaajiyo Batuulo oo u joogto, waxeeyna ku tiri Xaajio u soo gudub qolka fadhiga, Xaajiyada ayaase diiday oo tiri: Reerkii hadda ayaan ka nimid, waana xalinay mushkiladdii dhexdooda aheyd, ee berri galab haddeey suurowdo u ballami Garyaqaankii. Marxabba ayay ku jawaab celisay Maamadiina, waana la is nabdeeyay, ii soo bari iyo ii soo bari ayaa lagu kala dhaqaaqay.

Maammo Dahabo waa qof gobonnimo u dhalatay, nolosha aad  wax uga taqaan, lama farin lamina barin inay  kaalmeyso dadka liita, danyarta iyo saboolka  ee waa dhalan, waxaa jira in dadka qaarkood qofka samafalka badan ee xoogga furan u yaqaanan dabaal  dantii mooge ah, halka qofka gacanta furana ay u yaqaanaan maangaab la sirsiran karo.

Dhaqanka wanaagsan waa mid bulshada ku kasbato magic iyo muuno, adduunka kale waa laysku milgeeya  qofka samafalka badana  waxaa loo sameeyaa xus iyo taariikh,  Maammo Dahabo hawsha wiilasha cid u dirsatay ma leh balse, markay  xansatay ee xuuraantey  iyadaa go’aansatay, garatay ina Maxaad Cali in ehelkiisu  halkan joogo, hase yeeshee xitaa ma  taqaan Dalmar cidda uu yahay iyo cidda dhashay  toona waxay ugu samafalaysaa uguna  gargaareysaa inuu dulmanyahay oo ay rabto inay hiil iyo garab u noqoto.

 

La soco qaybta

 

Waxaa qoray:

Xuseen M.Cabdulle “WADAAD”

huswadad@hotmail.com

 

 

 

SHEEKOOYIN