Sheeko taxan: Horta yaa abaal gala hadduu jirona yaa guda? Q31AAD W/Q: Xuseen “WADAAD”

Sheeko taxan: Horta yaa abaal gala hadduu jirona yaa guda? Q31AAD 

Reer Xaaji Axmed Waxeey gurigoodii ku soo laabteen iyagoo waajib adag soo gutay, waxaa ka muuqdo farxad iyo reynreyn ku saleysan sida xilkasnimada leh oo ay isugu kaashadeen ka mira dhalintii laga mira dhaliyay hooyntii Kutubo. Weliba waxaa yididiilo hor leh sii geliyay ballanta qareenka oo ay la soo meel dhigeen Maamma Dahabo.

Reer Maxaad Cali iyaguna waa mabsuud, waxeey qolkoodii hurdada ku xaluusheen iyagoo faraxsan, qof kastaana kan kale u garaabayo, waxaa la is yiri: Eeboow, Haddaan gefay raalli iga noqo iyo Aabaay adna sidoo kale. Xaajiga weliba waxuu sii raaciyay “Kutubaay waad ogtahay waxaan isla soo marnay, dhibka jirana siima ahaan doono waana laga baxaa ee Walaasheey aan sabarka dugsano”. Iyadana waxaa uun ay raacisay “Hayabo, Walaalkeey”.

Maalintu waa maalin roobaad, saacaddu waa abbaarihi saddex saac iyo nus subaxnimo, meesha la joogo waa xafiiska qareenka ee ku yaal xaafadda Raqay weyne. Waxaa si lama filaan iyo kedis  oo aan loogu talogelin ugu kulmay dad kala socdo, haddana hal ujeeddo u wada socdo, misana aan iska warqabin. Meesha la fadhiyo waa waa  qolka afaafka hore ee fadhiga sugitaanka qareenka, waxa u dambeeyay oo soo galay waxeey aheyd Maamma Dahabo. Iyadu waxa uun ay rabtaa in ay ballan uga sameyso qareenka galabta si uu u soo booqdo Xaafadda reer Maxaad Cali.

Waxaase ka soo horreeyay oo isla goobta wada fadhiyo waa Col.Cabbaas oo laftiisa u yimid inuu qareenka siiyo warbixin uu ka siday arrinka ilmaha xiran, weliba waxuu wadaa sir culus oo uu rabo inuu qareenka la wadaago intaanu u ambabixin meesha loo bedelay, arrinkaan uu daba socday dartiis. Waxaa kaloo isna goobta wax ka fadhiyo suxufi qoraa ah oo isna arrinkaan wax ka qoray, kalana kulmay handadaad iyo cabsi gelin la xiriirta inuu faraha kala baxo hawlaha aan loo dirsan, haddii kale uu u diyaargaroobo ciqaab adag iyo cawaaqibadarro muggeedu weynyahay. Waxa uu goobta u yimid ayaa ah in uu la socodsiiyo qareenka cabsigelinti iyo cagajugleynti uu la kulmay inti uu ku gudajiray baaristii uu ku sameeyay arrinki ilmaha lagu soo eedeeyey ama  lagu kiisay.
Waxaa muuqdo waa kulan noqon kara afar geesood, waa  dad isku ujeeddo ah dhammaantoodna si iskaa wax u qabso iyo gurmad walaalnimo ah ugu gargaaraya carruurta  awood sheegashada iyo shaatida dowladda lagu xirxirtey ee  dambi aysan gelin dusha loo saaray, iyadoo la yaqaan lana ogyahay kuwii geeystay oo la doonayo inay xornimo ku daaqaan.
Xoghaynta Xafiiska qareenka ayaa waxeey u gashay Qareenka oo mashquulsan kuna mashquulsan diyaarinta gal dacweed culus uu gacanta ku haayay, waxeeyna u sheegtay dadka sugaayo magacyadooda, kolkii ay dhammeysay magacyada ayuu qosol la dhoolla caddeeyay qareenka, umase sheegin sababta ee waxa uun uu ku yiri soo gudbi Maamma Dahabo. Kolkuu saas yiri ayay iyana tiri :Maammada iyadaa ugu imaanshiyo dambeysay mudane. Dhib maahane iyada soo hor daa ayuu yiri qareenki. Waa tahay ayay ku jawaabcelisay xoghayntii qareenka.

Kolkii ay ka soo baxday qolka qareenka ayay tiri: Maamma Dahabo adiga gudub, maammadiina waa istaagtay una gudubtay qolkii qareenka.
Kolkii ay albaabka gashay ayay tiri : Asalaamu calaykum, see la yahay Mudane Qareen?
“Wacalaykum Salaam, Nabad waaye ee idinka ma fiicnidiinoo?” iyadana si diiran ayay ugu  jawaabtay, “Haa, dhib cusub ma qabno. Waxaa uun aan kuugu imid in aan ku weydiiyo haddii aad waqti heyso inaad u tegikarto galabta reer Maxaad Cali si aad isula meel dhigtaan hawshii iyada aheyd”. Waxuu qareenkii raaciyay: Maamma xaafadda ma aqaan ee aan adiga ku soo maro . Waa tahay, ayay ugu jawaabtay, waxeeyna sii raacisay Maammada “Adaan ku sugeynaa ee la soco.” Waa tahay iyo waa tahay ayaa lagu dhammeeyay warkii, weliba Maammada iyadoo aan xitaa fadhiisan ayuu soo afjarmay warkoodii. Maammadiina gadoon ayay ka soo tiri qareenkii, waxeeyna qolkii ka soo baxday iyadoo labadii qof ee kale yaabban yihiin lana yaabban yihiin sida looga hormariyay Maammada, koleey dhaqsaba soo noqotay ayay garteen in arrinkeedu uu fududaa.

Maamma Dahabo kolkii ay soo baxday waxaa dhaafay haddana Xoghayntii , waxeeyna soo baxday iyadoo leh Korneele gudub. Kol.Cabbaasna waxuu halhaleel ku galay qolkii Qareenkii, kolkuu Koloneelku qolki galay ayaa Qareenki istaag ku qaabilay, oo gacan qaaday, si dhoolla caddeyn ah ayay isku salaameen, kaddibna waa wada fadhiisteen waxaana dhex maray hadalladaan: Ii warran Koloneel, maxaa cusub oo soo kordhay? ayuu qareenku ku bilaabay. Waxaa cusub in canaantii aad ogeyd beddel la iigu daray, si aanan u daba socon hawshaan. Meeshaan meel maahan mudane,  “Waxa ka soo socdo iyo webiga yaa weyn”. Cimrigaa dheeraaday geel dhalaayana waa ku tusaa!!! Dalka maha uu ku socdo ma ahan wax fiican, Rabbi yaase leeyahay.
Qareenka: Koloneele, waa gartay ee hadda intaa laguu bedelay? Goormaadse bexee?
Kol.Cabaas: Waxaa la ii bedelay Carajiridiid iyo Cuunkii Cadare, Waxaa la igu amray inaan baxo berri subax, minii kale ammar diiddo lee noqohee xaalka maahinoo Qareen?
Qareenka: Waxaad iigu celisaa, maxaad kala kulantay taliyaha kolkaad siisay warbixinta?
Kol.Cabaas: Waa fiican tahay, laakiin hawshaas adiga laguuma dirsan, saraakiil kale aa gacanta ku heysa ee faraha kala bax, Bedelkaanna waa ii xigay, waxase uun aan hadda kuugu imid inaan kuu ifiyo warbixintii hore aan ku siiyay haddii ay jiraan meelo ifis u baahan ood iiga baahantahay. Aniga diyaar aan kuu ahay inaan karbuuno saddex qaad ah kuugu ifiyo.
Qareenka: Koloneele, aad ayaad u mahadsan tahay, aniga hawsha waa ii dhan tahay, meelo badan oo kale ayaan warbixino iyo daliiloba ka helay, mar labaadna mahadsanid, Arrinkaan kolkuu iga dhammaado ayaan ka shaqeyn doonaa soo celintaada. Dadkii aad ii tilmaantayna qaar waa la kulmay.
Qareenkii waxuu u istaagay inuu nabadeeyo koloneelka waxaana wejigiisa ka muuqday murugo cusub oo muujineyso inuu ka calool xumaaday bedelka lagu dhuftay koloneelka.

Korneyl Cabbaas kama xuma in isagoo sidii loo dhaariyey  ee  adeega dalkiisa iyo dadkiisa ku guda jira uu la kulmo cadaadis iyo awood sheegasho, waxaase uu ka murugeysan yahay in ilmaha yaryar ee aan waxba galabsan  lala tiigsado xukun iyo xarig aysan aan xaq loogu lahayn,  haddii ilmahaas yaryar la badbaadiyo xitaa in isaga xabsi loo dhigo dartood waxba uma arko.

Ragga korneylka u heshiiyey waa ragga ku lacag qaatay inay  dambigaas ku qaadaan  labada wiil kana weeciyaan dhagarqabayaashii dhibka geeystey,  Korneylku wuxuu kale oo ogyahay in xitaa waalidka dhalay gabarta  aysan awood u lahayn inay  runta caddeeyaan iyagoo u cabsanaya lafahooda iyo in gabadhooda sun lagu mudo intey isbitaalka taallo. 

Garsoorku ma oga kamana dheregsana xaalku siduu yahay,  waxaa kuu soo baxaya mararka qaarkood markaad aragto sawirka  caddaaladda ee indhaha ka xiran iyo miisaanka hadba dhinac u ciiraya inay  dhacdo in garsoorku in badan xukumo oo arrin ka fog caddaalada iyo xaqsoorka, waa halka ay halheyska ka dhigtaan waayeelka soomaaliyeed iyo  guudcaddaagu markay garnaqayaan ” Ilaahayoow  eexna hanagu tegin, aqoondari iyo ogaalxumona hanagu cadaabin.Qofka  xafiis fadhiya waa laba midkood mid  si wanaagsan oo quman u guta  xilka oogada u saaran iyo mid si dadban oo qaloocan u adeegsada awoodda xileed ee loo dhiibey isagoo ku danaysta kuna dibindaabyeeya dadkii loo igmaday inuu u adeego oo dhex u ahaado.

Kolkuu soo baxay Koloneel Cabbaas, waxaa markiiba istaagay Ruugcaddaa Suxufi, waxuuna u jeestay xoghayntii isagoo leh: waa gudbi karaa maahoo?
Haa gudub ayay ugu jawaab celisay Xoghaynta, wuuna gudbay, kolkuu albaabka dhaafay ayaa waxaa fadhigii ka soo sara kacay qareenki, isagoo labada gacan ku salaamay, una muujiyay ixtiraam iyo qaddarin iyo soo dhaweyn, waxuuna ku yiri: soo fadhiiso Mudane. Suxufigiina waa kaa fadhiistay, waxaana dhex maray sheekadaan:
Qareenka: Mudane ii warran? Maxaa cusub oo soo kordhay is moogeyn?
Suxufiga: Mudane, arrinkii isaga ahaa warbixintiisa waa sidaan u soo daabacay, horena kuugu sheegay, balse waxaa cusub in aniga shakhsi ahaan la igu bilaabay Cagajugleyn iyo handadaad dhinacyo badan leh.
Qareenka: Mudane, ii jilci, bal xageey ka yimideen handadaadaha iyo cagajugleynta?
Suxufiga: Qayb waa dhinaca dawladda, qaybna waa meelo qarsoon.
Qareenka: Waan garan karaa dhinaca dawladda laakiin dhinaca kale ii jilci?
Suxufiga: Shalay iyo darraad waxaa ii soo dhacay teleefan la igu leeyahay waa inaad beenisaa Qoraalkii aad qortay ee ku saabsanaa Wiilasha xiran, haddii kale wixii aad la kulanto dulqaadkeed lahaaw, iwm. Dhinaca Dawladda lafteeda waxaa la iiga yeeray laba meel oo midi tahay wasaaradda, taas oo su’aalo badan la iga weydiiyay, waxaana ku iri wixii aan qoray anaa daafacaayo sax ahaanshahooda, meesha kalena waa dembi baarista oo iyadana su’aalo badan la igu weydiiyay, inaan dembi galayna la igu handaday .

Qareenkii waxaa usoo baxay in hawshu ay culustahay, sidoo kalena  isaga laftiisa weerarka iyo hanjabaada ku soo fool leedahay,  waa nin isku kalsoon, shaqadiisana aan weligiis cabsi uga gaabsan, aad buu mar kale u xumaaday in muwaadin awood loo sheegtay ilihii bulshada ee u hiilin lahaana la daba joogo, wuxuu kale oo ka baqay in Dahabona ay saameyn ku yeelato, balse, Dahabo waa qof caan ah oo aan lagu degdegi karin iyada lafteeduna ku daaban dad badan oo Madax sare ah oo wanaasgan.

Qareenkii wuxuu yiri: Waan ujeedaa hawshu ma fudada dad adiga kula mid ah oo sidan oo kale loola dhaqmay haddana  aan  ka bixin  ayaa jira, haddii aad is leedahay  saameyn ayay kugu yeelanaysaa  halkaa ku ekee ma doonayo inay naftaadu halis gasho, haddii kalena  aynu inagoo xaqa difaacayna  u dhibtoono.

Suxufiga: Mudane  anigu waxaan wax ku bartey dalkan cashuurta dadweynaha, iyaga ayaanan u noolahay, haddii nafta lay dhaafinayo uga weecan maayo  hanjabaad, xarig iyo dil midna, waxaanan kuu balanqaadayaa ilaa laynaga guuleysto ama god laygu rido inaan garabkaaga taagnaado.

Qareenkii ayaa  aad ula dhacay  geesinimada iyo dadnimo wanaagga ka muuqda  suxufiga wuuna u mahadceliyey, waxaana lagu ballamay in xiriirkooda hadba wixii soo kordha ay joogteeyaan.

La soco Qaybaha kale
Waxaa qoray:
Xuseen M.Cabdulle “WADAAD”
huswadad@hotmail.com

SHEEKOOYIN