Sheeko taxan: Horta yaa abaal gala hadduu jirona yaa guda? Q32AAD W/Q: Xuseen “WADAAD”

Sheeko taxan: Horta yaa abaal gala hadduu jirona yaa guda? Q32AAD 

Waqtigu waa galab toman iyo koow saac iyo jarjar, jawigu waa qaboow yar oo dabeyli wehliso. Farasmagaalaha jidka hareerahiisa waxaa taxan geedo dhaadheer oo har hel ah, lana harsado mugga qorraxdu kulushahay. Cirkana waxaa duulduulaayo waa shimbiro kooxkoox ah ood u qabto ineey hoyaad tagaayaan. Shimibiraha waxaa ku jiro kuwa loo yaqaan Booloboolo (Boolaboola biibtooy, Canka biyo ku qaaddooy, hooyadeed u diidooy, aabbaheed u diidooy, ubadkeeda siisatooy). Waxaa jawigaas baabuur ku soo dhex qaaday Garyaqaan Cosoboow isagoo wato gaarigiisi ka duwanaa fatuuradaha kale. (Mineey fatuuro fiiq tiraa, Ninkii fadhaaya maa fiyow.) Waxay fatuuraddu kolba dhinac u socotaba waxuu ku hor fariineeyay mininkii Maamma Dahabo. Garyaqaanku waxuu garaacay mininkii uu yimid, isaga oo leh “hoodi, hoodi.” Waxaa uu maqlay jawaab celin ah “hoodayn”. Isla markiibana waa laga furay, waxaana lagu yiri hore u soo dhaaf. Waxaana daaradda uga hortimid Maamma Dahabo oo hagoogan Garbasaar midabkiisu bunni yahay, waxeeyna tiri :soo dhawaaw mudane.

Waa dhawahay, mahadsanidna Maamma, waanse degdegsanahay ee ma soconnaa, ayuu ku xiray warkii.
Maamma Dahabaa tiri: Bisinka inteed u degdegee mudane? Bal horta soo fadhiiso.
Garyaqaan Cosoboow: Maamma Raalli iga noqo, aad ayaan u degdegsanahay, mar kalaan imaahaa, mininkana mininkeeyga waaye.

Xaafadda reer Maxaad Cali, waxaa lagu jiraa diyaargaroow loogu jiro la kulanka garyaqaanka. Kutubo iyo geberteeda waxaa dabka u saaran Falfaliir xoogaa bariisa lagu daray. (Falfaliir iyo fuud abeeso, Isku fuuqe meel fadhiiso.) Waxaana kaloo u karsan Maraq laga sameeyay hilib ari cad ah, Raxmana waxeey reerka jaarka ah ka keentay Muufo kulul oo tinnaar lagu dubay.
Waxaa sidoo kale diyaar ahaa shaah mucamir ah(Barraad) oo ay Raxma Yareey ka buuxisay Tarmuus. Waxaas oo dhan waxa loo diyaariyey martida ku soo socota. Reerka waxa ka dhiman waa uun in la saaro sharuurka, bunkase waa marka ay martida uun timaad.

Cali gaab iyo adeer Hilowle, iyagana waxeey joogaan Mowlacii salaadda maqrib ay ku tukan jireen. Muggaanse waxaa meesha ka maqan Wadaaygood Maxaad Cali oo beryahaan la arag. Iyagoo isa salaamay uun warna is warsan ayaa Canuggii Mu’adinka ka ahaa Mowlaca Addin ku dhuftay: Allaahu akbar allaahu akbar, Allahu akbar allaahu akbar….. Kolkuu addinkii dhammeeyayba, waxaa loo wada joogsaday salaaddii Maqrib isla muggiina waxuu raaciyay aqimkii Allaahu akbar allaahu akbar….
Muggii salaaddii iyo sunnadii la wada tukaday ayaa waxaa mowlaca iska soo raacay odayaal ay ku jiraan Cali gaab iyo Xaaji Hilowle, minii xoogaa la soo wada socday ayaa isla leexdeen Xaajiga iyo Cali Gaab. Xaajiga ayaana yiri: Caliyoow xaad war ka heysaa wadaaygeen? waa kanoo maantana lama haayo e!
Cali gaab: Adeer Hilowloow, aniga maanta xoog uma helin inaan aado, anaa xoogxuma kale i heysay, waanse heleynaa warkiisa, una maley maayo inuu dhib qabo.

Xaafadda Maamma Dahabo waxaa iskala soo baxay Maamma Dahabo, Garyaqaan Cosoboow iyo wiilki darawalka u ahaa maamada. Wiilka waxaa loo wataa waxa uu yaqaanaa mininka reer Maxaad Cali, waa laysla qumay waxaana la watay Fatuuraddii Maamma Dahabo, tii garyaqaanka waxaa looga tegey rabteedii. In Fatuuradda Garyaqaanka aan lagu bixin waxaa lahaa isla garyaqaanka.
Fatuuraddu waxa ay kolba doc u leexataba waxaa ugu dambeyn la yimid xaafaddii reer Maxaad Cali, waxaana laga soo wada degey fatuuraddii marka laga reebo darawalkii oo aan soo deign. Maamma Dahabo ayaa albaabkii gargaraacday KUBKUBKUB. Maba lagu raajin ee horaa fag laga siiyay albaabkii ganjeellada ahaa, waxa albaabka furay waa Raxmo Yareey, waxeeyna ku tiri: Soo gudba.
Daaradda ayaa la sii dhigay miis iyo kuraas meel gees ahna waxaa lagu fidshay Dhambal, muggii ay soo galeenba waxaa ka hor yimid Oday maxaad Cali oo si qurxoon u lebbisan iyo islaantiisi Kutuba oo iyadana jikada ka soo baxday, waxaana la isu salaamay si qurxoon kaddibna, xaajiga ayaa yiri : Soo dhawaada hee, soo fadhiista!
Maammada ayaa jawaabtoo tiri “Waa dhawnahay, mase dheerin”. Waxaana lagu fadhiistay kuraastii taallay barxadda guriga, waxaa is xigsaday maamma Dahabo iyo Kutubo, Maxaad Cali iyo Garyaqaankana dhinac is xigo ayay fadhiisteen. Raxmo Yareey iyada goobta wax kama soo fadhiisan, Darawalkiina waxaa la ballamiyay nus saac kaddib inuu ku soo noqdo. Muggii salka dhulka la wada dhigay ayaa waxaa hadlay garyaqaanka oo yiri: Ma la faayoo?
Waxaa jawaabtii qaatay Maxaad Cali oo yiri: Calaa kulli xaal alxamdullilaah, wixii Rabbi keenay waa qaddar Rabbi, dhibka jiraase ma yara.
Garyaqaan Cosoboow: Dhib aan aheyn canugga xiran maa jiro?
Maxaad Cali: Xoowna u jirin, mihii yareydoo ilmaha masruufkooda aan uga dhacsaayay oon toman iyo toddoba sano ka soo shaqeyhaayay iyana leey yiri “Iska qulqul” inta cid kale la keensaday.
Garyaqaan Cosoboow: Adiga intaad ka shaqeyheysay?
Maxaad Cali: Wakaaladda Kheyraadka iyo Geedmiroodyada.
Garyaqaan Cosoboow: Waa gartay ee ma laguu sheegay waxaad halleysay oo kaliffay taas?
Maxaad Cali: Maya, waxaan shaqada ka maqnaa maalmo yar oo aan ku mashquulsanaa canuggaan xiran, waana u farriin diray dhibka i heysto.
Garyaqaan Cosoboow: Ma jirtaa wax digniin ah oo lagu siiyay?
Maxaad Cali: Maya Maya, muggaan shaqada tegey ayaan ugu tegey canug xunoo fildaran oo qolkeeygi fadhiyo.

Inta is wareysiga guud socday, waxaa maha jus ka tiri Kutubo una quntay xaggaa iyo jikada, waxeey la soo noqotay iyadoo Baaquli ku waddo murxo buna, waxeeyna u dhiibtay Maxaad Cali iyadoo leh “Ha la jabsho”. Waxaa muggii oow maqlay murxaha ha la jabsho hadlay Garyaqaanka isagoo leh: Bun la iima dubaayo, waa degdegaa. Waxaase u jawaabay Maxaad Cali isagoo leh: intaad u degdegee waa isla buneyseynaahe.
Waxaan isla buneyseynaa mugga canuggu dibadda noo yimaad, arrinkaan kalena aan xallino insha allaah, ayuu yiri garyaqaan Cosoboow oo muggaan kala furtay Boorso yar uu gacanta ku watay, kalana soo baxay warqado iyo qalin. Waxuuna ku yiri: Horta bal maxaadoow adiga iyo Xaajiyadaadaba inta ii saxiixa, waa wakiilashadii aad ii wakiilaneyseen inaan daafaco canugga. Marxabba ayuu ku jawaabay Maxaad Cali, waana saxiixyay, Kutubana waxeey saartay suulka bidixeed khad buluugga kadibna waxeey saartay warqaddii. Garyaqaanka waxaa uu dib u saxay khaladaad yaryar oo ku jiray magacyadooda.

Maammo Dahabo waxay aad ula dhacday qoyskan danyarta ah  sida wanaagsan ee dhaqanka Soomaaliyeed ah  ee ay martisoorka isugu diyaareen,  waxay kale oo aad uga heshay  oo intaa isha la raacaysa, gabarta yar ee  Raxmo yareey sida aysan salka dhulka u dhigeyn ee haddii loo yeerona  erayada baarinimada ah ee  ay ku warcelinayso. Habdhaqanka bulsheed ayaa ahaa mid ku dhisan  naxariis iyo is dhawris, inkastoo dhaqamadii ku soo biirey ee magaalada iyo ilbaxnimadu qaybo ka mid ah dhaqanka dooriyeen, haddana waxaa jirta  weli bulsho ku nool hanaankii wanaagsanaa.

Qareenku wuxuu qortey dhammaan wixii uu uga baahnaa ee warbixin dhankooda ahayd, wuxuu kale oo weydiiyey, haddey suuragaltahay carruurtii iyo dhallinyaradii habeenkii la joogtay,  haddey suuragal tahay  si uu uga xaqiijiyo sidii wax u dhaceen maadaama ay ahaayeen dadkii ugu dambeeyey ee la joogay.

La soco qaybaha kale:
Waxaa qoray:
Xuseen M.Cabdulle “WADAAD”
huswadad@hotmail.com

SHEEKOOYIN