Sheeko taxan: Horta yaa abaal gala hadduu jirona yaa guda? Q33AAD W/Q: Xuseen “WADAAD”

Sheeko taxan: Horta yaa abaal gala hadduu jirona yaa guda? Q33AAD 

Kutubo muggeey suulka saartay warqaddii saxiixa looga rabay ,waxeey u quntay xaggaa iyo jikada, waxeeyna iyada iyo gabadheeda Raxmo yareey soo gureen weelal (Baaquliyo iyo Saxuun), bakeeriyo, Tarmuus shaah ka buuxo. Kolkii ay intaas dhigeen ayaa waxaa hadlay Garyaqaan Cosoboow: Raalli noqda, Shaah leen cabi karnaa,                                                                                                                                                                                                                                       waqti ma heyno.

Waxaa inuu jawaabo u soo ruuqaansaday Maxaad Cali, intuuna hadlina waxaa hadalkii boobtay Kutubo oo tiri: Idinka waxaad laheydeen soo gelidda, bixidda iyadoonlaydin fasixin ma bixi kartiin ee dhaqanka ha kudheelina ee dulqaata wax yar uun. Waxeeyna raacisa”ununkaba wax weyn idiinma diyaarin e.”

Muggii hee intaas la is dhaafsaday ayaa waxaa soo dhex gashay Maamma Dahabo oo leh: Garyaqaane, waa nagala adkaaday ee waa inaan sabarnaa inta nalaga  fasaxay.                                                                                                                                                                      

Garyaqaan Cosoboowna waa tahay uun ayuu ku jawaabay. Waxuuna sii watay hadalkii uu hore u bilaabay ee ku saabsanaa Dacwadda ilmaha waxuuna yiri: Maxaadoow, horta waxaan idiin sheegaa in canuggiina uu ku xiran yahay gardarro aan geed loogu soo gamban, aniga isaga iyo Dalmarba waan soo arkay, waana fiicnaayeen. Waxaan filaa in dhammaadka asbuucaan ama kan xigo la keeno Maxkamadda, anna waxaan diyaariyay galdacweedkii aan ku daafici lahaa, Minii Rabbi idmana waa soo baxaayaan, waana hubaa inaan ku guuleysaneyno dacwadaan, mugga hee niyaddiisa dejiya, marka maxkamadda la keenaayana waan idiin soo sheegeynaa oo waxa warka idiin keeneyso Maamma Dahabo si aad uga qayb gashaan dhageysiga dacwadda. Midda kale arrinka Shaqada, lagaama eryi karo, waxaa tahay shaqaale Dawladeed, Guddi dishibiliinna arrintaada ma go’aamin, middaas iyada ahna anaa xallihaayo adiga ka naso maalmahaan, anigana iga war sug.

Waxaa hadalkii qaatay Maxaad Cali, isagoo u mahadnaqay Garyaqaanka iyo Maamma Dahabo, waxaa kale oo uu sharraxaad ka bixiyay guriga laga dhacay iyo alaabaha maqan oo ay ugu culus tahay Sopraloogooyinkii dhulka iyo guriga, iyo inaanu aqoon wax uu iyagana ka suubiyo.

Garyaqaan Cosoboow, waxaa galay fajac kale ,waxa uu la yaabay waxa hal waqti isugu keenay mushkiladahaan is wata, waxuuna yiri: Maxaadoow,waxaad la  kulanteen dhibo badan, Midda   Sopraloogooyinka anaa la hadlaayo Agaasimaha waaxda dhulalka, waxaana kula tegeyso    Maammada haddii ay waqti    heyso, waxaana laguu suubihaa   “Duplicatto” Nuqulladii laga reebay.                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                               

Intaas muggoow yiri Garyaqaanka, ayaa  waxaa hadalkii qayb ka soo dhex gashay Kutubo iyadoo leh: Dulbitaakona xoow ahaay, weligeeyba ma maqale.

Intaanu Abuukaatuhu hadlin waxaa u sharraxday Maamma Dahabo kuna tiri: Ereyga asalkiisu waa af Talyaani waxaana loola jeedo warqadihi dhumay bedelkooda. Waxaa kale ay daba dhigtay anaa idinla soo sameyhaayo foogta, minii Rabbi idmo .

Oday Maxaad Cali, isaga muggoow intaas maqlay waxaa maray leeyr ama neecaw qaboow, waxaana ka fuqay utuntii ku taagneyd ee warqadaha dhulka iyo guriga, waana kaa leh:”uuuuuuuuuuuuuf huuuuuuuuuuuuuuuuuuuuf! Waxaad iga fujiseen murug badan ee Rabbi kheyr ha idin siiyo, mugga hee ha la dhaqsado, badarka waa naga qaboobee.

Raxma Yareey, ayaa waxeey Baaquli ku keentay Biyo faradhaq ama faraxal ah, waxeeyna ka bilawday Garyaqaanka, kadibna Aaboowgeed.  Islaamanka iyaga rabta waa ka kaceen muggii la gaaray hunguri cunka, waxeeyna isla galeen Jikada. Waxaa ceeb ku ah ineey Ragga hortooda wax ku cunaan, waxaa ka muuqato ineey dhawrayaan dhaqankii citin sugidda aheyd. Muggaanse Maamma Dahabaa marti u ah Kutubo, waqti badanna ma heystaan, saas darteed inta Odayadu wax cunayaan ayay iyaguna Jikada waxeey taataaba karaan ku sii taataabaayaan. Raxmo iyadu waa uun adeeg kolba doc u socoto.

 

La soco Q.37aad

Waxaa qoray:

Xuseen M.Cabdulle “WADAAD”

huswadad@hotmail.com

 

SHEEKOOYIN