Sheeko taxan: Horta yaa abaal gala hadduu jirona yaa guda? Q36AAD W/Q: Xuseen “WADAAD”

Sheeko taxan: Horta yaa abaal gala hadduu jirona yaa guda? Q36AAD 

Maxaad Cali, isaga waxaa uu farax la dhex joogaa waaxda dhulka, hawshiisuna waxeey u socotaa si fiican. Isaga war iyo wacaal kama haayo waxa dibadda ka dhacaayo, marmar ayay uun dhagahiisu maqlaan gugaca yeeraayo. Xaalkiisu waa “Nin daar ku jiraa daruur ma arko”.

 Raxmo Yareey, kolkii ay iskuulka ka soo baxday iyadoo oohin la weji badalantay, indhuhuna dhiig noqdeen, ayaa waddada waxaa ku soo helay Roob xoog badan oo aan kala go’ laheyn, kuma leexan iyadu meeleey ku okorato, maxaa yeelay waxeey qarsaneysay murugada heysato iyo sida wejigeedu yahay in la akhristo, saas darted ayay roobkii soo dhex jiirtay iyadoo leh ku hiro mininkiina. Kolkii ay mininka timidna waxaa qabsaday wax aaneey fileyn oo ah in Hooyadeed ku dhegeysato garaaca iyo roobka mahiigaanka ah ee da’aayo, iyada, dharkeedi,iyo Buugaagtii ay Iskuulka kala timidba waa isla fashaqeen, fashaqaasna iyada waxaa u wehliya qarqaryo iyo dhaxan, mana illana dhar dhaxmeed. Garaaca muggeey ku daashay waxeey habaq tiri dhulka meel iridda laabkeeda ah.

Waxaa albaabkii fak siisay Kutubo oo daldalmeyso caayna gureyso, maadaa nala leh? Waxaa tahay qofaan edeb la barin iwm. Mineey furtayba waxaa isheedu qabatay geberteedi oo dhulka habaqjaqsan oo qarqaryo ba’ani heyso, wejiguna bedelan yahay, iyada dhanna wada fashaq ah. Waa taa Iyana oohinta ku dhufatay Waaaw waaw iiiii iiiiiiiiiiii aaaa aaaaa, allow anaa ba’ay, ma waxa aan maanta dhan dhegeysaayay ma geberteeydeey aheyd… Waana taa xaf siisay oo xambaaratay gudahana la gashay.  Raxmo iyadu muggaan war ma leh manaba karto. Kutubo, waxeey bilawday ineey dharkii qoynaa ka bixiso geberta, dhar qallalanna u geliso, Raxmase waxaa kala go’i la’ qarqaryada, weliba muggaan waxaa dhibaayo neefsashada, waxaa ku ceshoontay neeftii, waxaa haayo hunqaaco aan soo bexeyn, sariirta waa iska tuuree, lugaha iyo gacmaha marba mideey tuuree.  Kutubo, markeey aragtay inaaneey sariirta ku hayn Karin geberta ayay dhulka dhigtay. Wejigii Raxmo markii hore oohintu ku gaduutay hadda waxuu isu soo bedelay buluug. Xaalka gabadhu ma fiicna. Kutubo ma taqaan meeleey wejiga aaddiso, waxeey qaban karto uma muuqdaan, gebertana saan ma ku dayi karto.

Roobku weli sidiisii ayuu u qubmaa, albaabka guriga waxeey ka soo tagtay isagoo ballaqan. Kutubo iyadoo weli sideedii u barooraneyso ayaa waxaa albaabka soo istaagtay Fatuuraddii Maamma Dahabo, oo ay la socdaan Maammada ,Maxaad Cali oo mininka la keenay iyo Darawalkii fatuuradda. Maxaad iyo Dahababa muggeey arkeen albaabka ballaqan dareen culus ayaa galay, Maxaad ayaa yiri : Xeey tahay hee Albaabkaan ballaqan? Haddana mug kale maa tuugo na gashay? Isagoon jawaab suginna fatuuraddii ayuu ka soo booday isagoon xitaa xirin albaabkeeda ayuu gudaha u soo gudbay, markiibana maqlay qayla dhaanta Habarta , minoow hee inyarba soo socday waxuu arkay gebertiisiyoo dhulka bilqan, ood u qabto qof xaraarug ba’an haayo, wejigeeduna badalan yahay. Ar waa la murugay, xaa helay geberta ayuu yiri, yaase hee u jawaabaayo, habartu ooyin iyo ba’yeey keliyeey heysaa.  Maxaad waa kaa dib ugu soo noqday Maamma Dahabo iyo darawalkii oo weli halkoodii taagan, sugaayana cidda waxa helay iyo albaabka ballaqan oo dareenka cusulus geliyay Oday Maxaad Cali, waxuu u sheegay sida xaal yahay, iyaguna iyagoo kala kudaayo ayay guriga dalaq soo dheheen.   Maammada ayaa markeey aragtay xaalka gabadha garatay in xaalkeedu fiicneyn kuna tiri: Soo qaada ,dhaqsada si degdeg ah.

Isla markiiba Oday Maxaad ayaa daf soo yiri gebedhii, fatuuraddii ayaa fataq lagu siiyay, waxaana loola kuday gargaarka degdega ah. Waxaa fatuuraddii la raacay Maamma Dahabo, iyo Maxaad Cali, Kutubo waxaa looga tegey iyadoo weli halkeedii barooraheyso, mihii la saraana dhiig laheyn.

Oday Maxaad  ayaa wuxuu leeyahay   waa ogahay maha layga haysto,  ayaantaan  xuskii waalidiinta  waa baajiyey, muggaan meel dhammeeyo hawsheera, meel kalaa fag soo dhahayda,  Maammo Dahabo oo niyada u dhisaysa  ayaa dhahday, Ogoow adduunkaan isku dhammi maahin, maalina waa kula jiryaa maalina waa kaa jiryaa, waxaa la rabaa dulqaad iyo adkeysi, waxaa la rabaa inaan waayo aragnimo ka helno dhibaatada nagu dhacda.Maxaad Cali ogoow  inay  dhab tahay ” Geed walba in gubtaa hoos taal”  dadkaan hareerahaaga socdha mid walba waxaa hayta dhibkiisa, maalin ayaa waxaad arki doontaa aad ka sheekayso oo waxan oo dhami naqdhaan taariikh.

Hadalkaan ayaa qalbiga u qaboojiyey, waxaana la soo gaarey  Afaafka hore ee xarunta caafimaadka  gabarta loo waday, isla markiiba waxaa soo orday  shaqaalihii iyo hawlwadeennadii isbitaalka oo sariir la rooraya, waxayna  qaadeen Raxma yareey oo indha caddeyhaysa, neeftuna dhibeyso, ilaa hadda lama oga laysmana  warsan sida wax u dhaceen, waxaase laga war sugaa muggeey gabartu soo naaxdo.

 

La soco qaybaha kale

Waxaa qoray:

Xuseen M.Cabdulle “WADAAD”

huswadad@hotmail.com

 

 

SHEEKOOYIN