Sheeko taxan: Quraafaadka Faaliyaha Q14AAD W/Q: Cabdullaahi (Siyaasi)

pizap.com14732612463621

Sheeko taxan: Quraafaadka Faaliyaha Q14AAD

Calina ,wuxuu gurigga reer Axmed Liibaan yimid iyada oo diyaar loo yahay soo dhoweyntiisa, duhurnimadi maalinti Jimcaha ,waxaan iridka uga hortegay Maryan oo sugaysay imaatinkiisa si ay u barato xogtiisa iyo in uu yahay nin madax bannaan keddib marki uu xalay ku beeray cudur aynan hore u qabin. Maryan waxay u salaantay si aad iyo aad u qurux badan,waxayna geysay qolka nasashada, keddibna waxay u kacday in ay u sheegto in uu Cali yimid Khadiijo iyo Sahro oo iyaga ku jiray qolka kariska marki uu Cali soo galayay guriga. Khadiijo iyo Sahrana way u yimaadeen si fiican ayayna u salaameen, una soo dhaweeyeen.

Waxaana inti ay Cali ka wareysanayeen caafimadkiisa u soo gashay Hooyo Faadumo oo Maryan u soo sheegtay in uu yimid wiilki ka badbaadiyay khatarti ay ku sigatay xalay. Hooyo Faadumana way salaantay, xoogaa yar ayeyna la sheekaysatay , kana wareysatay xaaladiisa waxay ku laabatay qolkeeda oo Maryan yareey hurdaysay, Mahad yarana ay ku ciyaarsiinayso meel sariirta dhinaceeda ah gabadhi uu abtiga u ahaa Adeer Axmed. Maryan iyo Sahrana waxay markiiba galeen qolka kariska ,waxaana Cali ku soo hartay Khadiijo oo aan ogalayn in uu cidla dareemo inta uu ka imaanayo adeer Axmed oo markaa ku maqnaa salaad Jimco, caadidiisana tahay in uu masjidka ku soo daaho . Khadiijo waxay sheeko u bilawday Cali, waxayna uga warrantay xaalada reerka guud ahaan ,marki ay dhameysana waxay Cali ka wareysatay xaaladiisa guud . Calinna markaa ayuu sheekadi ka qabsaday Khadiijo, wuxuuna u sheegay in uu yahay wiil doob ah oo la degan hooyadiis oo ku soo dadaashay illaa gacantiisa wax ka qabanayso iyo in ay gabadh la dhalatay oo lagu qabo degmada Marka ay jirto oo xaas ah carruurna leh wiilka ciyaalkeeda u weyna uu bilaabayo dugsiga hoose sanadka fooda ku soo haayay, Aabbihiis in uu dhintay isaga oo aan waxba kala garanayn iyo in uu joogo adeerki oo iyaga ka war haya , ilaa haddana xiriir wanaagsan ka dhaxeeyo oo la socda xaaladiisa mar walba sida ay ku sugan tahay, lana degan iyaga xaafada Xamar-jadiid ee degmada Waerdhiigley,waxaa kale oo uu u sheegay in ay isaga shaqdiisa tahay darawalnimo uu ku bartay hoosada shaqada ee wasaarada Gaadiidka isaga oo halkaa u joogay barashada farsamada gawaarida ,shaqada uu hadda gacanta ku haayana in ay tahay Bas uu ugu shaqeeyo Abtigiis ,aadna ugu kalsoon isaga in uu ugu shaqeeyo baskiisa.

Wuxuu Cali sheekadi uu Khadiijo u waday ku oo koobay in uu maalintaa uga soo tegay howshiise darawal ay saaxiba yihiin keddib marki ay qasab ku noqotay in uunan ka maqnaan reerkan casuumadda u sameeyay ee xushmeeyay maadaama ay yihiin dad garanayo darajaynta ciddi wanaag u sameyso. Waxaana isaga oo ka baxay sheekadi uu Khadiijo u waday iridka ka soo galay Adeer Axmed oo ka yimid masaajidka ,soona maray suuq iyaga ku dhawaa. Cali wuu istaagay marki uu soo galay Adeer Axmed si fiican ayuuna u salaamay ,waxaana Adeer Axmed ku yiri:“Soo dhowaaw wiilkaygi,gurigana waa gurigaagi ,waxbana ha iska dhigin marti”.

Adeer Axmed waa fadhiistay marki uu intaa ku yiri Cali, Calina wuxuu fadhiistay kursi dhinaciisa ah ,halkaas ayeyna sheeko, is-wareysi iyo is-barashaba ka bilaabeen Adeer Axmed iyo Cali. Khadiijo oo iyada agtooda taagnayd inti ay isi-salaamayeen waa isaga baxday qolka fadhiga marki ay is-wareysi isku bilaabeen, waxayna aaday in ay u soo diyaariso qadadi. In yar keddibna adeer Axmed iyo Cali oo ay iyaga sheekada isugu baxday ayaa la soo hoos dhigay Qada khaas ah oo ay ka muuqato in aynan ahayn Qado ay reer si joogto ah u karsadaan. Keddib marki ay qadada ka bogteena ,Adeer Axmed iyo Cali way faraxasheen, inyar marki ay nasteena, welina ay sidoodi u fadhiyaan ayaa Cali yiri:  “ Adeer Axmed aad baad ugu mahadsantihiin sida wanaagsan ee aad ii soo dhoweyseen ,waxaana kaa codsanayaa in aad i fasaxdaan haddeer ,waayo waxaan ka soo tegay shaqo ii qabya ahayd ,waxaana Baski xalay aan wadday u soo dhiibay darawal kale, saasdarteed waxaan rabaa in aan ku laabto shaqadi si aad ula socotaana ma aqaan , maanta waxaa jiro ciyaar kubbadda cagta ah oo ay dadka aad u xiisaynayaan ,waxaana rabaa in aan ka shaqeeyo halkaa galabta haddii ilaaheey idmo”.Adeer Axmed ayaa ugu jawaabay oo yiri:“Wiilkaygi mahad adigaa mudan ,aad baana ugu farxayaa marki aan arko nin da’ada aad tahay ah oo u fikirayo si wanaagsan iyo in ay shaqada tahay mid ka mid ah waxyaabaha ruuxa beni’aadamka ah lagu qadariyo, isla-markaana inta badan nin walba ninka uu ka shaqa jecel yahay waa ka edeb badanyahay, shaqadana waxay sabab u tahay kordhinta aadaabta. Wiilkaygi fasax ayaad tahay ,waxaana kaa rabaa in aad mar-mar na soo booqato ,gurigana waa gurigaagi”.

Cali iyo adeer Axmed marki ay intaa isdhaafsadeen waxay u soo wada baxeen bannaanka qolka fadhiga ,waxayna iska horjeedka qolalka ugu yimaadeen reerka intiisa kale oo ayagana qadeeyeen, nasashana halkaa u fadhiyo, Cali ayaana Khadiijo ku yiri isaga oo u hadlayo sidi nin aan marti ku ahayn gurigga: “Walaal Khadiijo, degdegtayda ha moodina in aan idinka cararayo, waxaan ku degdegayaa shaqo ,waqtiga aan firaaqo u hello in aan idiin imaan karo, waan imaanayaa ilaahey idinkiis ee macsalaama iyo maalin wanaagsan”.

Cali marki uu intaa yiri ,hooyo Faadumo oo la dhacday sida aadaabtaa oo uu ula hadlay ayaa ugu jawaabtay: “Guriga waa gurigaagi,goor walba oo aad timaadana qalbi furan ayaan kuugu soo dhoweynaynaa ”.Hooyo marki ay ka baxday hadalka ayaa Khadiijana ku tiri:“Walaal inta aanan ku fasaxin ka hor ,waxaan jeclaa in aan kuu sheego,aniga, berri Subax oo Sabtiya in aan u ambabaxayo degmada Kismaayo oo ehelkayga deggan yihiin haddii Ilaaheey yiraa, waxaana rajeynayaa in aan Muqdisho ku soo laabto laba bilood keddib ,markaas ayaan is-arkaynaa haddii Ilaaheey idmo, haddana fasax ayaad tahay ee galab wanaagsan, gurigana waxaan filayaa imaantingaaga in uu nuur u yahay, waayo aad baan ugu fiican nahay dadka wanaagsan in aan isbarano.”

Cali marki ay Khadiijo u sheegtay in ay aadeyso degmada Kismaayo ,fasaxna uu yahay si uu shaqadiisa ku laabto, wuxuu macsalaameeyay reerka oo idil,waxaa kale oo uu Khadiijo u rajeeyay in Illaaheey uu nabad geeyo ,safarkeedana u fududeeyo, intaa keddibna iridka xagiisa ayuu aaday si uu u baxo, waxaana sagootiyay Maryan oo isla-markaa reerka u muujineyso in ay albaabka guriga soo xirayso marki uu ka baxo Cali, waxayna si hoose Cali ugu tiri Marki uu ka baxayay albaabka , “Walaal ha naga goosan ,midda kale,aniga khaas ahaan waxaan rabay in aan iswareysano”.

Cali, Marki ay Maryan hadalkaa ku tiri, ugama jawaabin ,wuxuuna isku dhigay jidka .Maryanna iridka guriga ayey xirtay iyada oo la yaaban ,Cali wuxuu ugu jawaabi waayay.Maryan waxay ku soo laabatay reerki oo fadhigoodi ku noqday marki ay macsalaameeyeen Cali, waxayna ag-fadhiday xoogaa yar, keddibna waxay aaday sariirteeda si ay u dhameys-tirto hurdadi xalay ka kala go’aday. Maryan, waxaa hurdadaa ka toosiyay goor ay toddobadi fiidnimo tahay Sahro oo doonaysay in ay ku tiraa waan baxayaa ,waxaana ku laabanayaa xerada Xalane.Maryan iyadana way ka soo toostay hurdadi waxayna macsalaameysay Sahro.

Maryan, cashadi keddibna iyada oo fadhida qolkeeda, kana fakareyso Cali wuxuu ugu jawaabi waayay galabta iridka marki ay ka soo xireysay ,islamarkaana dhowr fikradood oo kale duwan isaga jawaabeyso sababaha keeni karo in uu cali ka jawaabi waayo hadalki ay ku tiri kolki ay sagootinaysay oo ahaa “In aan is-wareysano ayaan rabaa” ayaa waxaa u soo gashay Khadiijo oo markaa doonaysay in ay la sheekaysato ,lana balanto madaama ay Kismaayo aadeyso subaxnimada soo haysay, laakin ,waxay Khadiijo iridka ka soo gashay Maryan oo ku fadhido kursi ag-yiil sariirta ay ku seexato ,kuna sii jeedo derbiga qolka labada gacmoodna ku hayso foolka .Khadiijo aad bay uga yaabtay sida Maryan u fakereyso oo si xad dhaafa ahayd ,waxayna inta ku soo dhowaatay ku tiri.“ Maryan maxaa ku helay oo sidaa ugu fikiraysaa”.

Maryan waxay ku soo jeesatay codka ay gadaasheeda ka maqashay,kolki ay soo jeesatana waxay aragtay Khadiijo oo agteeda taagan, waxayna tiri. “Abbaay soo fadhiiso, misa waxaad doonaysay in aad meel ii dirto”.

Khadiijo oo weli ka yaaban ,waxa ay Maryan sidaa ugu maqneed ayaa tiri. “Waan soo fadhiisanayaa laakin waxaad iiga warameysaa marki aan qolka soo galayay waxa aad ka fikiraysay ee aad sidaa ugu sahwisay ,misa Maryan waad xanuunsan tahay caawa”.Maryan ayaana Khadiijo si fudud ugu jawaabtay ,waxayna tiri:

“Abbaay ma xanuunsani, meel aan ku maqnaana ma jirto ee waxaanan hayn howl sidaa darteed halkan ayaan iska fadhiistay”.

Khadiijo kuma aynan qancin sababti ay Maryan u sheegtay waayo hore uma aynan arag Maryan oo sidaa u fadhido ,kana fakereyso meel ka fog agagaarkooda sida ay ku qiyaastay iyada,ayaa mar labaad ku soo celisay.“Maryan,ma garan cidda aad u sheegayso ,aniga haddii aad iga qariso waxa maskaxdaada saa uga shaqaysiiyay”.

Maryan oo weligeed u sheegi jirtay Khadiijo waxa ay dooneyso in ay ku dhaqaaqdo ayey ku adkaatay in ay ka qariso caashaqan taabtay ee markiiba nabar ka fikirsiiyo ku noqday,waxayna tiri:“ Abbaay ma jirto cid kale oo aan u sheegayo wixi aan adiga kaa qariyo. Midda kale addigaba waad garaneysaa in aanan lahayn hooyo kale oo aan kala tashto arimahayga. Saas darteed waan kuu sheegayaa nabarkaa igu dhacay ee igu beeray fikir aanan qabi jirin aniga oo og in aad tahay ruuxa kaliya ee aan kala tashan karo arrintan aan doonayo in aan kuu sheego”.

Maryan iyada oo hadalki wadato ayaa Khadiijo ku tiri :“Maryan wixi jiro addiga oo aan iga qarin ii sheeg si aan go’aan wanaagsan uga wada gaarno arrinta saa kaaga fikirsiisay”.

Maryan waxay halkeedi ka wadday sheekadi, waxayna Khadiijo u sheegtay Marki uu ku bilaabmay caashaqa yara maskaxdeeda ka shaqaysiiyay iyo waxyaabaha ay ku dooratay Cali ,uguna aragtay in uu yahay nin haddii ay ooridiisa noqoto qaadi karo xilkeeda, si fiicanna u dhaqan karo haddii ay isku darsadaan aayaha nolashooda . Maryan, marki ay dhameysay sheekadi waxaa ka qabsatay Khadiijo oo doonayso in ay talooyin ka siiso arrimahaa ay u sheegtay Maryan iyada oo la kaashanayso waaya aragnimadeeda ,waxayna ku tiri: “ Maryan,horta maanta kuma dhihi karo ma’aadan gaarin heerki aad ikhtiyaarkaaga ku dooran lahayd ninki aad gurigiisa dhaqi lahayd. Midda labaad aad baan raali uga ahay ninkaa qori tuurka kuugu dhacay ee aad rabto in uu noqdo ninki aad gurigiisa dhaqi lahayd laakin waxaan kaaga baahanahay in aadan ku degdegin arrinta. Marki aan u soo laabto sheekadi aad ii-sheegtay oo ahayd Cali aad bay u wanaagsantahay adaabtiisa ,waan kuugu raacay taa laakin weli war umma hayno qalbigiisa in ay ku jirto in uu guur doonayo iyo in kale . Midda kale hadalki aad ku tiri marki uu ka baxayay iridka wuxuu uga jawaabi waayay ma’ahan in uunan ku danaynaynin ama uunan doonayn in uu kula sheekaysto, waayo arrinta waxay ku ahayd degdeg, waana ku adkayd in uu hadalkaada ka jawaaba laba sabab awgood. Kow,in uu ka xishooday reerka oo uu soo martiyay in ay u arkaan nin aan u imaan casumaadda lagu xushmeeyay, tan labaad ma uunan garan waxa aad doonayso in aad kala faqdo iyada oo aan hore waxba idiin dhex marin.

Maryan,waxaan hadalkayga ku soo koobayaa .Cali haddii uu salaam u yimaado guriga kuna soo doono adiga, waxaa soo celiyay hadalki u danbeeyay ee aad ku tuurtay, waxaadna ku garaneysaa isaga ayaa kaa raad-raadinayo in uu ogaado wixi khaaska kuu ahaa ee aad ku tiri “waxaan u baahnaa in aan iska wareysano” .Maryan ,marki uu Cali salaam u yimaado markaana aad garato in uunan raadinayn sirta qalbigaada ku jirto ,Maryan caashaqaada yara qabooji. Dhinaca kale Haddii ay dhacdo in uu isku dayo ogaashada xogtaada ,fursadaas ha dayicin waana nin kuu soo galay una qalmo in aad ooridiisa noqoto laakin iyadana isla-markaaba waxaan kaa rabaa in aad digtoonaato jileecna uunan ku taaban waayo sheydaanka shaqo xuma kama nasto iyo marin-habaabinta ummuraha fiican oo aad ka fikireyso”.

Khadiijo marki ay dhammeysay talooyinki ay siinaysay maryan,waxay aragtay gabadhi oo maqan kuna baxday dhuuxista hadalki ay u waday waxayna ku tiri marki ay dhowr ilbriqsi ka aamusnayd.“Maryan haye ,waxaan u malaynayaa in aad garatay macnaha hadalkayga”.

Maryan oo ay ka soo hareen indho wax fiirsho ,kuna howlan daawashada dibnaha Khadiijo ,doonaysana in uunan hal eray reed marin dhegeheeda iyo qalbigaadaba fikradaha ka soo burqanayo maskaxda Khadiijo oo kaashanayso waaya aragnimada ay ku leedahay arrimaha caashaqa ayaa ku jawaabtay: “Aabbaay waa gartay macnaha guud ee hadalkaada waxaana kaa balan-qaadayaa in aan ku camal falo talooyinka aad iga siisay arrintan uu igu furfuray caashaqa sida fudud ugu beermay qalbigayga. Abbaay waxaan ku sugnaa in ay maskaxdayda la qaraxdo fikirki uu igu abuuray caashaqan haddii aadan caawa iga soo gaari lahayn,waxaana ugu jiray khatar”.

W/Q: Cabdullaahi Macalin Maxamuud (Siyaasi)

SHEEKOOYIN