Sheeko taxan: Quraafaadka Faaliyaha Q16AAD W/Q: Cabdullaahi (Siyaasi)

  Sheeko taxan: Quraafaadka Faaliyaha Q16AAD W/Q: Cabdullaahi (Siyaasi) Maryan iyo Cali kulankoodi labaad,wuxuu sii kordhiyay sheekadooda ,wuxuuna gaarsiiyay in ay si caddaana oo ka baxsan isu sarbeebid wax isugu sheegaan. Kullamadi xigayna waxay kor u qaadeen himmadi ay u haayeen in ay maalin maalmaha ka mid ah wada aqal galaan qoys wada dhistaan guriga ay leeyihiina ku bahoobaan.Maryan,waxay Cali kulamadaas mid ka mid ah uga warantay in ay abaarta ku dabar go’een Aabbaheed, hooyadeed iyo walaalaheed inti ay nolashooda soo gaartay ayaamihi abaarti dabadheer loogu magacdaray ku habsatay dalka Soomaaliya meelo badan oo ka mid ah, waxayna ugu danbayn uga warrantay sida ay qoyskan ugu soo biirtay nolasha guriga G/le Cusmaan oo illaaheey ku jilay.

Waxaa kale oo ay uga warrantay wanaagga ay u sameeyeen G/le Cusmaan iyo Khadiijo, iyo sida ay uga war haayeen una dhaqaalaayeen iyo in aynan waxba uga duwanayn labadooda carruura Mahad iyo Maryan. Sidoo kale Calina wuxuu Maryan uga warramay xaaladda reerkiisa iyo sida ay u noolaayeen isaga,walaashiis iyo Hooyadiis illaa gacatiisa wax ka qabaneyso iyo guud ahaan noloshooda waxay ku sugnayd tan iyo intay gacantiisa wax ka qabatay . Maryan ,mudda bil ah ka bacdi iyadda oo magaalada kala baratay ayey maalin qudaar looga diray suuqa Xamar weyne ee ku yaal faras magaalaha Muqdisho ku soo aragtay nin uu dhalay adeerkaad ee da’diisa tahay shan iyo afartan jir isaga oo taagan wejiga hore ee dariishada laga goosto tikidyada lagu raaco basaska dowladda hoose waxayna ugu yeertay magaciisa iyada oo ka shakisan in uu yahay iyo in kale maadaama ay mudda ka soo wareegtay waqtiga ugu danbaysay aragga reeraheeda oo ahayd abaarti ka hor, iyadana ay aad u yarayd waqtigaas,waxayna tiri. “Yuusuf Cali”.

Ninkina wuu ku soo jeestay magaci ay Maryan ugu yeertay isaga oo aad uga yaaban gabadhaa u yeertay ee quruxdeeda xad dhaafka tahay ,wuxuuna soo aaday xaggeeda isaga oo is-leh bal horta hubso ninka ay gabadhan u yeertay in aad adigga tahay iyo in Yuusuf kale yahay,wuxuuna ku yiri marki uu soo gaaray iyada oo taagan kawaanka hilibka geeskiisa qorax galbeed oo ku dhoweyd shubaakada laga goosto tikidhka basaska dowladda hoose.“Adiga miyaa ii yeertay walaal”?. Maryan marki uu soo ag-istaagay ninki ay u yeertay intaana ku yiri ayey ugu jawaabtay.“Haa, anniga ayaa kuu yeray walaal ee ma garanaysaa Shirdoon Geele”. Ninkina intaa keddib wuxuu yiri.“Haa, waa addeerkeey oo Aabbaheey Cali Geele ayuu la dhashay ee adiga yaad ahayd”. Maryan marki ay hubsatay ninkaan in uu yahay ina adeerkeed way isu sheegtay waxayna uga warrantay xaaladeeda gebi-ahaanteed, laga soo bilaabo maalmihi abaarta kala rartay reerkooda iyo markaa halka ay ku sugan tahay.Yusufna wuxuu uga warramay isaga iyo reerka inti ka badbaaday abaarti dabadheer in ay uga baxsadeen xeryaha gargaarga degdegga ah mid ka mid ah ee ku dhowaa degmada Gaalkacyo, keddibna ayaamihi xeryaha gargaarka loo raray goballada koofureed ee dalka oo dadka ku nool u badan yihiin beeraleey in iyagga loo gudbiyay Xerrada gargaarka ee degmada Sablaale, halkaana uu ku bartay kaxaynta gawaarida waaweyn.waxaa kale oo uu u sheegay in uu yahay darwal u shaqeeyo dowladda Hoose faraca basaska ka shaqeeyo caasumadda iyo in uu deggan yahay degmada Wadajir ,lana joogaan ciyaalkiisa iyo hooyadood. Marki uu is-wareysiga u dhamMaaday ayaa Maryan waxay ina-adeerkeed u sheegtay habeenkaa soo galayay saacadda hore haddii uunan shaqo lahayn in uu ugu yimaado saacadda marki ay tahay toddobada fiidnimo guriga weyn ee Biixaani hortiisa si ay u barto reerka ay la nooshahay ,keddibna ay u barato guriigiisa iyo ciyaalkiisa.

intaa keddibna Yuusuf waa ka aqbalay ballanti ay u dhigtay walaashiis, sidaas ayeyna ku kala tageen Maryan iyo Yusuf iyada oo aan hadal kooban lagu tilmaami karin farxadda hareeraysay inti ay isu warrameeyeen labadooda ,oo ay weliba farxaddas mararka qaar u dheerayd indhahooda oo ay soo koraysay ilin fara badan farxad awgeed. Yuusuf habeenkaa wuu tegay ballanti ay u dhigtay ina-adeertiis keddibna Maryan ayey isku arkeen halki ballanti ahayd,waxayna geysay gurigi reerki ay la noolayd ,bartayna reer axmed Liibaan oo ay galabnimadi u sii sheegtay in ay Subaxnimadi ku soo aragtay magaalada gudaheeda nin uu dhalay Adeerkeed Cali Geele .Maryan iyo Yuusuf sidaa ayey isku heleen waxayna Maryan ayaamo keddib baratay guriga ina-adeerkeed iyo carruurtiisa iyo hooyadoodba. Maryan waxay isla maalmahaas Cali oo qalbigeeda lahaaday u sheegtay in ay aragtay ina-adeerkeed si lama filaan ah magaalada gudaheeda,iskana warhayaan iyo in uu deggan yahay magaalada Muqdisho una shaqeeyo Dowladda hoose faraca basaska rakaabka caasumadda daad-gureeyo. Maryan iyo Cali wuu sii kordhay jacaylka ay isu hayeen maalinba maalinta ka danbayso. Cali ayaana Maryan u sheegay kol haddii ay isla garteen in ay iney nolol wadaagaan in uu gacanteeda ka soo doonto reerkeeda,una soo gogol fariisto, maadaama jacaylka ka dhexeeyo uu gaaray waqti uu ku habboon yahay in ay noqdaan reer wada nool ahna natiijada lammaane kasta oo jacayl wadaaga si aanu waqti uga dhumin.

Laakin Maryan iyada Cali waxay u sheegtay in aynan iyada la habboonayn in ay ka baxdo guriga G/sle Cusmaan isaga oo aan gacantiisa ku bixin. Calina wuu ka garawsaday talada ay Maryan u soo jeedisay waayo wuu ka warqabay xaaladeeda guud iyo in uunan G/le Cusmaan uga duwanayn aabbaheed. Maryan iyo Cali marki ay isku raaceen in ay arrintooda la sugaan G/le Cusmaan inta uu ka imaanayo ayaa ayaamo keddib waxaa reer Axmed Liibaan taar u soo diray mid ka mid ah asxaabta G/le Cusmaan, wuxuuna ugu soo sheegay in uu wiilkoodi goobta dagaalka ku dhintay keddib marki ay xoreeyeen isagga iyo koox uu hoggaaminayay degmo ka mid ah kuwi Xabashida ku gumaysanayeen dadweynaha Soomaali galbeed.Reer Axmed Liibaan aad bay uga nixisay geerida ku timid wiilkooda iyagga oo haddana og in ay dhimashada xaq tahay, isla-markaasna raali ka ahaayeen goobta uu ku shahiiday wiilkooda kol haddii uunan jirin ruux maalitiisa dhaafayo,waayo way ogaayeen in uu naftiisa ku deeqay soo celinta dhulka Soomaaliyeed ee Xabashida gumaysato, beri horana ay reer Yurub u boobeen. Reer Axmed Liibaan waxay wiilkoodi tacsiyadiisi u fadhiyeen toddobo maalmood, Khadiijo oo ahayd xaaskiisa iyo labadiisa carruurna way yimaadeen labo maalmood keddib marki ay reer Axmed Liibaan maqleen geerida ku timid wiilkooda ,taarna u direen iyadda oo la joogtay ehelkeeda oo Kismaayo degganaa.

Waxaana dadki tacsiyada ugu yimid ka mid ahaa Cali oo ay ku barteen Maryan badbaadinti uu ka badbaadiyay bohol ay halis u ahayd in ay ku dhacdo habeen ay ku dhex-dhuntay magaalada Muqdisho gudaheeda, kana habowday guriga, waxaa kale oo ka mid ahaa dadki Maryan tacsiyada ugu yimid ina- adeerkeed oo ay Maryan uga warrantay in aynan uga duwanayn gabdhooda reer Axmed Liibaan. Maryan aad iyo aad bay uga nixisay geerida ku timid G/le Cusman oo aan waxba uga duwanayn Aabbaheed dhalitaan mooyee sida uu u dhaqaalayn jiray, waxaana iyada oo la aamusan naxdinti iyo tiiraanyadi ay ku reebtay geeridiisa mudda bil ah keddib marki laga kacay tacsiyadi lagu sagootiyay G/le Cusmaan u yimid Cali oo ahaa kii qalbigeedi ku guulaystay iyadana sidoo kale ay u jeclayd, ayna hore ugu ballameen in ay arrintooda la sugaan imaantigga G/le Cusmaan. Waxayna Maryan kulankaa Cali u sheegtay in ay diyaar u tahay in uu guursado , waqtiga uu doonana ka soo doonan karo Reer Axmed Liibaan oo iyaga mas’uul ka ahaa iyada. Cali isagana sidoo kale ma uunan doonayn in waqti kale uu ka dhumo kol haddii aynan jirin sabab uu dib ugu dhigo in uu gacanteeda soo doonto, wuxuuna Maryan u sheegay in uu mudda laba usbuuc ah keddib marki uu soo tabaabushaysto wax alla wixi uu filayo in uu waqtigaas ugu baahan karo xaaladda gurigiisa ee Maryan ku aadan in uu soo doonanayo gacanteeda saas darteedna ay u sii sheegto reerkeeda.

Maryan iyo Cali kolki ay ballantaa ku kala tageen, Cali wuu soo doontay gacanta Maryan waqtigi uu Marayan kula ballamay isaga oo ay la socdaan Hooyadiis iyo Adeerkiis, wuxuuna guriga reer Axmed Liibaan yimid iyada oo la sugayo imaantinkiisa isaga oo doonanayo gacanta gabadhooda maryan,waxaana joogay maalintaa Khadiijo ,Adeer axmed iyo Maryan ina adeerkeed iyo naf’ahaanteeda. Halkaa ayeyna gacanta Maryan ku bixiyeen reer Axmed Liibaan iyagga oo aad iyo aad raali uga ah ninka ay gabadhooda siiyeen.Waxayna labada reer isku raaceen kuna ballameen kol haddii Cali iyo Maryan degdegsanyigiin sida ka muuqato wejiyadooda in habeen kaliya laga wada dhigo nikaaxa iyo aqalg-alkooda,howshaana ay ahaato mudda laba usbuuc keddib ah. Maryan iyo Cali waxay aqal galeen muddadi loo qabtay oo ahayd laba usbuuc ka bacdi,waxayna ku aqal-galeen gurriga uu degganaa Cali oo ay hoyadiisna qol ka degganayd, waxayna arooskoodi ay ku aqal-galeen loo sameeyay xaflad tan ugu qurux badan ee gabar iyo wiil aqal-galayo ay u dhigaan dadka ku nool magaalada Muqdisho. Cali iyo Maryan waxay todobbadi ka soo baxeen iyagga oo mabsuud ka ah, aad iyo aadna ugu faraxsan gurriga cusub oo ay dhiseen iyagga oo aan jiid-jiid la isugu keenin oo ay iyagga isdoorteen jacayl mudda soo jiitamayay awgiis , asaaskiisana ahaa mid ka soo unkamay barasho ka timid xaalad wada kulmisay iyagga, keddib Marki uu cali Maryan ka badbaadiyay khatar ay ku sugnayd habeenki isbarashadooda .

Cali marki uu toddoba baxshay Maryan ,maxabadi qeybteedi horana wada qaateen, wuxuuu dib u bilaabay shaqadiisa, mudda toban ceshaa keddibna wuxuu isagga oo wado baskiisi isku dhaceen gaari laand-roofar ah magaalada gudaheeda.Cali isagga iyo qoladi wadatay land-droverka waxba kumma gaarin isku dhicidaas laakin baskiisi ayaa wax ka gaareen wejiga hore, heshiis iyo wada xaajood ayaa lagu dhammeeyay dhibki soo gaaray labadi gaariba keddib, Cali shaqadiisa ayuu dib ugu laabtay mudda sddex maalmood keddib ah kolki baski laga sameeyay meelihi uu ka halaabay.  

W/Q: Cabdullaahi Macalin Maxamuud(Siyaasi)

SHEEKOOYIN