Sheeko taxan: Quraafaadka Faaliyaha Q18AAD W/Q: Cabdullaahi (Siyaasi)

Sheeko taxan: Quraafaadka Faaliyaha Q18AAD

Cali oo uu soo koray culays xooggan oo dhanka hooyadiis kaga yimid ,aad iyo aadna ay ugu adkaatay arrinta halka ay madaxa la gashay ayaa isaga oo doonayo in uu qaboojiyo hadalka,maslaxana hooyadii ,yiri. “Hooyo ha fududeysan arrinta ,mana aha sida aad wax u aragtay. Waxaan ilaaheey ii keenina iima imaan karaan ee ha igu xiran hooyo macaan“Habaar iyo duco mid dooro”.

 Hooyo oo soo koobtay warkeedi, markaana uu Cali ka saari waayay maskaxdeeda in la daayo Maryan ilayn wax ay galabsatay ma jiraan isagana aan laga dumin gurigiisa uu aad u jecel yahay, xushmada dheeraadkaana u haayo oorida u dhaqayso ,ayaa tiri.“Cali warkayga waa kooban yahay waana Maryan fur oo hadalkayga qaaddo ama aniga haddaba kulama socdo iminka ayaana jawaab cad kaa doonayaa”.

 Cali oo waayay hooyo iyo abti ruux warkiisa dheg u dhigayo ,sandullana ay ku noqotay arrintaa ayaa marki uu mudda la fikirayay sidi uu ka yeeli lahaa arrintaan adag ee sida degdegta ah loo soo hoos geliyay, ayey u ahaa weyday in uu hooyadiis ka dhaqaaqo isaga oo weliba og in ay ku gardarantahay fikradaas ay u soo jeedisay iyada oo u kaashatay abtigiis oo ah nin jaahil ka ah xagga diinta ee ilaahey lacag ku abteleeyay, ayaa hooyadii ku yiri.“wWaayahay waa furayaa Maryan waana maqlay hadalkiina ,laakin ogaada in aanan guur dAnbe isku dayeynin”.

Cali marki uu sandulle ku ogGolaaday arrinti ay u soo jeediyeen abtigii iyo hooyadiis wuu isaga tegay iyaga oo wada joogo ,mabsuudna ka ah Maryan waa la furayaa,wuxuuna aaday adeerkiis oo iyaga xaafad la deganaa,marki uu u tegayna wuxuu la socodsiiyay sida wax u jiraan iyo arrintaa lagu qasbay oo uunan raali ka ahayn haddana dhinaca kale uunan doonayn in uu hooyadiis khasaaro. Adeerkiina wuxuu ugu jawaabay arrinta hore ayaan u ogaa oo galabta waxay ahayd in aan idinkugu imaado guriga abtigaa laakin iima suurta-gelin oo shaqo ayaan lahaa .runti marki aan kaaga hadlana wiilkaygiyow adiga ayaa khaldan waana in aad qaadataa taladaa ay kuu soo jeediyeen Hooyo iyo Abti illayn horaba waa u ogaa in ay Maryan key-madow tahay ,masiibana gadaal ku wadato.Cali wuxuu gurigiisa ku soo laabtay isaga oo aad ugu carreysan arintaa foosha xun ee la soo gudboonaatay ,sandullana uga dhigtay in uu Maryan furo isaga oo weliba og in uu aad ugu xun qaadashada fikirkaas, laakin dhinaca kale ay ku adkaatay in uu hooyadii kaga dhaqaaqo meel cidla ah keddib marki ay dhinac uga soo wada jeesteen ehelkiisa ulana yimaadeen Faalliyaa yiri “Maryan fur” iyo shirkinimo aan loo meel dayin, jaahilnimo haysay reerkiisa awgeed. Wuxuuna mudda usbuuc ah keddib Maryan u sheegay in ay reerkiisa u soo jeediyeen arrintaa,gurigoodina la soo faragalshay,fara-galintaana ay sabab u tahay quraafaadka ay dadka la dhex joogaan kuwa yiraa waxbaan faali naqaan,ilaaheyna ka galo mid ka mid ah danbiyada ugu waaweyn oo ay beni’aadamka qaarkood ka galaan ilaahi abuurtay oo uunan jirin isaga maahine ilaah kale. ,waxayna Maryan ugu jawaabtay Cali iyada oo uunan warkaan ka soo yeeray Cali uunan ugu duwanayn habeenkaa biriq dushooda ku dhacday .

   “Anniga adiga ayaa ninkayga ah waadna garanaysaa oo aniga ku barimaayo haddeer in uunan quraafaadka faalliyuhu ahayn qowl ilaaheey,cid ila kaa qabtana ma jirto ,sidaas darteedna sida aad doonto oo aad u aragto arrintaan in ay kuu gula haboon tahay ka yeel”.

 Cali wuxuu Maryan ugu jawaabay in uu ka ogalaaday reerkiisa in uu furo iyada,isaga oo haddana si kooban Maryan ugu sheegay arrintaa dhinacyada uu ka fiirshay iyo in aynan arrintan ahayn mid qabigiisa ka soo go’day, dhibka uu furriinkan isaga u geysanayana uu ka badan yahay dhibaatada uu iyada u gaysanayo ,waxaa kale oo uu u sheegay in mustaqbalkiisa uu arkayo in uu galay mugdi balsa uu illaaheey ka baryayo in uu labadoodaba daryeelo mustaqbalkooda danbe ,waxaa kale oo uu Maryan ka codsaday in ay ka cafiso wax alla wixi ay ka tirsanayso oo ay ka mid tahay meel ka dhacyadiisa in uu meel weyn kaga dhacay jacaylkoodi, gurigoodina uu u dumiyay sababo daciif ah oo aan meel ka soo qaad lahayn iyo faalliye ayaa yiri, Cali warkiisi wuxuu ku soo gabgabeeyay “Maryan, walaal iga raali noqo aniga oo og in aan ku gefayo, naftaydana denbi ka galayo”.

Maryan halkaa ayaa lagu furay,waxayna ku laabatay gurigi uu marki horaba laga soo watay ee reer Axmed Liibaan.Reer axmed Liibaan aad iyo aad bay uga naxeen ugana xumaadeen sida foosha xun oo ay Cali iyo reerkiisa ula dhaqmeen gabadhooda.waxayna Maryan u sheegeen in aynan jirin wax ka hallaabayo ilaaheey idinkiis gurigeedana ay joogto iyo in ay illaaheey ku sabarto isagaa weyne iyada oo markaas ay aad u niyad jaban tahay,qalbigeedana lagu abuuray welwel iyo walbahaar la soo gudboonaaday nolasheeda danbe balse dhinace kale ay isku canaananayso waxaan ilaaheey kuu keenin kuu imaan maayaan ,wuxuu ilaaheey ku siiyana lagaama qaadi karo ,wuxuu kaa qaadana laguma siin karo.

Waxaana Maryan inti ay ku jirtay billihi cidda tirsiga shukaansanayay Maxamuud oo ka yimid qurbaha marki Maryan la guursaday keddib,fasaxna ku joogay dalka, Maxamuud wuxuu ayaamo keddib Maryan marki ay dhameysatay ciddada u sheegay in uu doonayo in uu guursado iyadana wey ogalaatay codsigaas uga yimid G/shle Cusmaan walaalkiis ,intaa ka bacdina Maxamuud wuxuu Khadiijo iyo Aabihiis weydiistay in la siiyo gacanta Maryan. Reer Axmed Liibaan iyagana way ogalaadeen codsiga wiilkooda waxayna ku balamiyeen bil keddib dhammaadka tirsiinada ciddada Maryan waqtiga ay ku ekayd in uu loo mehrinayo, lana ay aqal galeyso, iyadana aad iyo aad ayey raali uga ahayd in uu guursado G/shle cusmaan walaalkiis, iyadoo weliba isu sheegayso qof walba in uunan dhaafayn calafka ilaaheey ugu deeqo .waxaana mudda usbuuc ah marki ay ka dhinayd in Maryan lagu mehriyo Maxamuud iyo farxadi ay ku wada aqal-geli lahaayeen labadoodaba ay reer axmed Liibaan heleen taar xanbaarsan farxad naxdin leh oo uu soo diray G’shle cusmaan oo beeninayso geerida laga soo sheegay inti uu jiray goobta dagaalka ,wuxuuna taarkaa ku yiri. “Aabbe,Hooyo iyo walaal khadiijo waan imaanayaa ilaahey idinkiis mudda dhow”.

Maryan iyo Maxamuud way wada aqalgaleen kolki uu yimid G’shle Cusmaan oo dagaalki ku soo qaatay G/shle dhexe. Maryan marki ay mudda ka soo wareegtay aqal-galkeedi labaadna waxay maqashay arrin ay aad uga naxday oo mucjiso Ilaaheey ahayd waayo waxaa loo soo sheegay in uu ninki furay (Cali) ku dhintay baski uu waday oo ku dhacay gaari Enna-duwaa(N2) . Maryan,sanadku markuu ahaa 1981 waxay Maxamuud u haysay laba wiil oo ay u dhashay ,isagana waqtigaa wuu iska daayay in uu dib danbe ugu laabto qurbaha ,wuxuuna bilaabay in uu dalka gudihiisa kaga shaqaysto ganacsado.

Dhammaad.

 

W/Q: Cabdullaahi Macalin Maxamuud(Siyaasi)

 

SHEEKOOYIN