Xero Shaydaan
Waxay ahayd maalin aad u kulul,waa 1978ki ,Bishana waa ogost ,Daahir Guuleed Cali Wuxuu maalintaa ka soo degay garoonka diyaaradaha ee Malik Cabdulasis, Jeddah ee dalka Sacuudi Carabiya. Daahir ,Socdaalkani wuxuu ahaa Socodkii ugu horreeyay ee uu kaga soo baxo dalka Soomaaliya.Daahir kolki ay dayaaradi siday soo caga dhigatatey garoonkaa, waxaa isaga iyo dadkii diyaaradaa ku wehliyey, loo gudbiyay dhinaca waaxda Socdaalka ee gegida diyaaradaha si loo hubiyo loona ogaado, Dalku galka iyo arrimahooda socdaal. Baaritaanka iyo weydiimihii waaxda Socdaalka keddib, Daahir wuxuu usoo baxay banaanka, wuxuuna halkaas kula kulmay Takaasi u diyaar ah qaadista dadka socotada. Iyagoo qof walba geynaya una qaadaya halka iyo goobta uu u socday ee magaalada ah iyo deegaamada ka baxsan ba.
Waxay dadka geeyaan Taksiilayaashaasu, Magaalada Jiddah gudaheeda iyo magaalooyinka waaweyn sida: Maka iyo Madiina oo ay dadka Muslinka ahi u aadaan gudashada Cumrada iyo Xajka.Daahir waxaa ku bilawday welwel iyo sidi uu ku tegi lahaa cinwaanka kaliye ee uu watay, keddib markuu aad uga naxay wadayaashi Tagaasida halkaa taagnaa, kolki ay ku yiraahdeen xaafadda Kilo-Sabca waxaan kuugu geynaynaa (50 Sr)Khontan riyaal oo Sacuudiah,Daahir waxaa wejigiisa ku soo dhacayay hanfi kulul oo aad u xoogan kulaylka jiro Awgiis. Daahir waxaa caqligiisa hareereeyay, kuleylkaana hilmaansiiyay ka fikirka qaabki uu ku tegi lahaa Xaafadda Kilo-Sabca oo ay Xamar uga soo tilmaameen dhallinyaro ay xaafada wada deganaayeen oo horay u yimid dalka Sacuudi Carabiya gaar ahaan magaalada Jeddah.
Daahir wuxuu ahaa nin afgaaban, aad iyo aadna u hadal yar,kolkuu warramayana ay aad ugu adagtahay ruuxa uu la hadlayo in uu maqlo hadalkiisa.Daahir yaraantiisa sidoo kale wuxuu ahaa gooni u socod iyo nin firfircoon oo aad u fikiro, kuna dadaalo in uu ku hormaro xagga waxbarashada, si uu u helo ama u gaaro higsi wacan, laakin nasiib darro taa uma suurta-gelin, Reerkiisa oo aanan deganayn magaalada Muqdisho oo uu ka dhiganayay Jaamcad iyo reerki uu ku soo degay oo uu aad u liitay dhaqaalahooda awgeed, Daahir wuu ku hungoobay gaarida riyadiisa wacnayd iyo in uu waxbarashadiisa ku dhamaysto sidi uu ku taamayay ,Daahir waa kari waayay in uu dhaafo dhaqaale xume soo wajahday darteed qeybta afaraad ,fasalka Labaad ee Jaamacadda Gahayr oo uu ka baranayay maadada Sharciga. Daahir fakir dheer keddib waxaa u soo baxday in uu u shaqo tago dalka Sacuudi Carabiya oo ragga da’adiisa ah ay ku sii qulqulayeen waqtigaa, dhaqaalihi waddanka oo aad u xumaaday awgii iyo xukuumadi jirtay oo iyadana ku fashilantay in ay abuurto shaqooyin iyo ilo dhaqaalo oo kor u qaada haynta dadka Soomaaliyeed.
Daahir marki uu in yar taagnaa garoonka diyaaradaha hortiisa,lacagti uu gacanta horay ugu soo qaatayna aynan ka badnayn Toban(10 Sr) Riyaal oo Sacuudiya ,talana ay ku dhanaantahay iyo sidi uu ku gaari lahaa cinwaanka kaliya oo uu watay ee kilometer toddoba(Kilo Sabca) waddada Maka ee magaalada jeddaha oo ah goob ay ku badan yihiin Soomaalida deggan dalkaas deegaan ahaan, weliba kuwa ka yimaado koofurta dalka Soomaaliya.
Daahir kolkuu in yar taagnaa ayaa waxaa ku soo baxay wiil dhallinyara ah, horana dalka Sacuudiga u joogay garoonkana maalintaa u yimid in uu ku soo dhoweeyo Aabbihii oo u Imaanayay Cimro,balsa aan la socon diyaaradaas oo uu khabarkeeda qabay in uu aabbihiis la imaanayo,Daahir ayuuna ku yiri markuu u gartay in uu yahay Soomaali, kana ay muuqato wejigiisa in uu welwelsanyahay “Walaal maxaa meesha ku taagay”.
Daahir oo ku farxay aragtida wiilka Soomaaliyeed, haddana weydiiyey xaalkiisa, ayaa ugu ugu jawaabay “Walaal hadda dhaw Ayaan diyaarad ka soo degay waxaanan rabay xaafad ka mid ah magaalada, nasiibdarrose, lacagta tagaasida doonayso in ay igu geeyaan ayaa ah mid ka badan tan aan haysto, mana gatanayo qaab kale oo aan ku tegi karo meeshii aan rabay”
Wiilki ayaa waxaa ku yiri. “Adiga magacaa”. wuxuuna Daahir ugu jawaabay “walaal magacayga waa Daahir ee Adiga Magacaa walaal” .Wiilki ayaa ugu jawaabay isagana. “Walaal magacayga waa Saadiq, waxaana degganahay Magaalada Barakaysan ee Maka ,aniga ayaana ku sii marsiinayo xaafadda aad ku socoto ee waa halkee cinwaanka aad doonayso”.
Daahir oo xaalkiisu adkaa, weliba halaska iyo hanfiga wejigiisa durtaba madoobeeyey u dulqaadan la’ ayaa aad ugu riyaaqay soo dhaweynta iyo kaalmada uu kala kulmay wiilka ay hadda is barteen ee Soomaalinimada darteed doonaya inuu u garab qabto, Daahir ayaa u sheegay dhibka meesha ku haystay ugana mahadceliyey gacanqabashadiisa wuxuuna u raaciyey meesha iyo goobta uu rabay oo ahayd Killo sabca.Saadiq wuu gartay goobtii uu Daahir doonayay, wuxuuna ku yiri “Inna keen walaal, gaarigayga wuxuu yaalaa Baarking garoonka”.
Daahir iyo Saadiq waxay isu raceen halki uu yiilay gaariga Saadiq ,waxayna in yar debadeed gaareen gaarigi,waana koreen ,waxayna ku dhaceen waddada dheer Ee loo yaqaan Shaaric Al-Madina oo iyada aad u soo gaabineyso, masaafada dheer ee u dhaxeyso garoonka diyaaradaha iyo xaafada uu Daahir doonayay ,islamarkaasna Saadiq u sahleyso in uu ugu gudbo magaalada Maka oo uu ku socday, joogsigiisa oo aanan badnaan.
Waddadaas kuma yaalo istaagyada kala hagaajiyo isdhaafka gawaarida tirada badan ee dalka Sacuudiga taalo ,waxayna ka mid tahay waddooyinka ugu waaweyn magaalada Jeddah ,waxayna inti ay waddadaa ku jireen uu Daahir bilaabay in uu warreysto Saadiq oo isaga ahaa, nin aad uga duwan dhaqan ahaan Soomaalidi waddankaas ku soo hormartay oo iyaga dhaqan ka dhigtay ruux kasta oo Soomaali ah, marki uu u sheego in uu dalkan ku cusubyahay in ay ku yiraahdaan “Adiga qabiilkee u dhalatay”.Daahir taa kalama kulmin Saadiq waxaana aad ugu sahlanaatay in uu Saadiq ka warraysto xaaladda shaqo ee Magaalada jeddah oo uu saakay ka soo degay garoonkeeda ,Saadiq isaga oo og in ay aad u adagtahay jawaab ka bixinta su’aasha Daahir weydiinayo ayuu wuxuu ugu jawaabay ,walaal sua’aashaa waxa ka horreeyo helitaanka dadki aad ku socotay in aad ku degto ,waayo Saadiq ma doonayn in uu uga warramo in aynan sidaa u sahlanayn in aad shaqo ka hesho magaalada Jeddah, adiga oo aan sharci degganaan iyo shaqo ku lahayn dalka sacuudiga, sidoo kale Saadiq ma doonayn in uu Daahir ugu warramo habka uu u dhaqmo ruuxa Soomaaliga ah ee waddankaas soo galo, isaga oo aanan wadan sharciga dalkaas looga shaqaysto, mana doonayn in uu Daahir oo uu wejigiisa ka aqrisanayay in uu yahay nin firfircoon murugana ay ku hayso gaarista dantii uu dalkan u yimid oo ah shaqo in uu ku sii abuuro welwel kale , tan iyo inti uu awood u helayo in uu helo kana dhergo si aayar ah, hab dhaqanka dadka Soomaaliyeed ee u soo shaqa tago dalka sacuudiga kuna cusub imaantingiisa.
Dadka ku soo gala dal-ku-soo-galka loo yaqaan Cimrada. Saadiq marki uu Daahir ka deyn waayay su’aalihi ku aadanaa qaabka dalkan shaqo looga helo, wuxuu bilaabay in uu hadalki u weeciyo in uu Daahir soo xasuusiyo in uu horta guto sunnada loo yaqaan Cimra ,waxyaabaha kalana uu dib u dhigto iyo in uu wax walba ka hormariyo gudashada cibaadada uu ilaahey na faray, sida shahaadada in uu ilaahey keli yahay iyo shahaadada in uu Maxamed(Nabad Naxariis Korkiisa ha ahaatee) yahay rasuulki Ilaahey ,Salaada ,Soonka ,Zakada iyo Xajka, laakin Daahir waxyaabahaas uu Sadiq la dhexgalay umma muuqanayn, Saadiqna wuxuu doonayay in uu kaga baxsado ka jawaabida dhowr sua’aaladood oo uu Daahir weydiinayay, islamarkaasna wuxuu doonayay in uu ajir ka kororsado in uu Daahir u sheego qaabka looga baahan yahay ruuxa muslimkaa in uu cibadadada looga baahan yahay u guto ,waayo Saadiq marnaba ma doonayn in uu galo ka jawaabida su’aalaha qaarkood, oo jawaabta uu ka bixiyo markaas ay wax u dhimi karto, hawada faraha badan ee ka muuqanaysay wejiga Daahir guuleed.
Saadiq iyo Daahir waxay waddadaas ku soo mareen iyagoo mid walbo midka kale uu ku jiidayo in laga hadlo qalbigiisa waxa uu hiigsanayo ,waxayna Nus Saac keddib soo gaareen Xaafadda kilo-Sabca oo uu doonayay Daahir ,waxaana Saadiq uu Daahir soo dhexjoojiyay Salaada Casir keddib wadda ay Soomaalida kor iyo bari isu dhaafayaan,wuxuuna ku yiri. “Walaal cinwaanki aad ii soo sheegtay waa kan,walaal halkan waa Kilo-Sabca ,waadna degan kartaa adiga oo aanan wax welwel ah qabin ,Soomaalida halkaa isdhaafaysana ruux alla ruuxa aad weydiiso guriga aad ku socoto waa ku geynayaa, haddii uunan aqooninna wuxuu kuu geynayaa ruux kaga war roon cinwaanka aad ku socoto”.