Sheeko taxane ah: Horta yaa abaal gala hadduu jirona yaa guda? Q16AAD W/Q: Xuseen “WADAAD”

quotescover-jpg-52

Sheeko taxan: Horta yaa abaal gala hadduu jirona yaa guda? Q16AAD 

Aragtiyaha Odayadu waa kaaf iyo kala dheeri, Oday Maxaad isagoo la wareersan arrinkii Kutubo ayaa haddana la huwiyay Raja xumo kaloo ka soo muuqatay Canuggii Axmed ahaa . Maxaad Calina isagoon warka ceshan karin oo si uun wax uga tufay ayuu haddana la qaraaraaday, Odaygi oo hadda sheegaayo dhib kaloo reerka u noqday iyo culeysyadii hore iyo warka uu wado isma qabtaan ayuu ku tallamayaa.
Oday Maxaad Cali oo caro cusubi ka muuqato ayaa hadloo yiri:“ Eeboow Caliyoow warka ii balballaari?“
Cali Gaab: “Wadaayoow, arrinka waxaa la leeyahay waaweynkaa ku jiro, ilmahana waa lagu dembi tirahaa!!
Maxaad Cali: Xeey tahay waxaad sheegeyso, Rabbi yaa weyne, Adoon i warwareejin warka xooggiisa i sii??
Cali Gaab: Dembiga waxa geystay waxeey ahaayeen Saddex dhallinyaro oo fatuuro watay, mahana waa ka carareen.Waxaa lagu soo qoray wargeyska in kiiska loo haayo laba qof oo dambiilayaal ah haddaaney iyagu caddeyn dembi la’aantooda.Tani waxeey cagsi ku tahay sida aad aragtaan aragtida Garsoorka oo ah eedeysanuhu waa dembi laawe illaa Maxkamadi ku caddeyso dembiga loo heysto,waxeey ku xasuusinee Heestii Abwaan Cabdi Qays ee “Adduunyooy Xaalkaa ba‘ Waa dhagar socoto, waa duni wada sirqa badan, Allow na mooti.

Waxaa dib u bilawday wada hadalkii Odayada, Waxaana uun lagu qanciyay Oday Maxaad in arrinka uu u raadsado Qareen u doodo canugga,Intaas kadib ,Cali Gaab ayaa weydiiyay dhibka cusub ee reerka ku soo kordhay,Maxaad Cali, waa kaa aamusan ee is moogeyhaayo xaalka la weydiihaayo, maxaa yeelay waxoow ogyahay in odayga godob loo haayo oo wehel ahaan iyo maslaxaba uma wadan karyo, muggoow xoogaa aamusnaa arkayna in war laga sugaayo ayuu yiri: “Habartii Kutubaa guriga ka tagtay, waa carootey, dhibse maahin ee bal anaa ka daba tegaayo.”
Cali Gaab: “Adeer Maxaadoow xaa hee jiroo keenay ineey tagto iyadoo dhibki canugga yaal, gurigina dhacan yahay?
Maxaad Cali: “Habarta ma fiyaaboo waxaa haayoo Saar aan beryahaan laga tumin iyo waraaboow duqoobay.”
Cali Gaab: ayaa amakaagay oo yaab hor leh galay, hadalkiina ku soo gunaaday. Eebooboow na kici aan kula soo sasabee, waa uun la sasabaa dumarka waa carruur cagaweyne.

Maxaad Cali: waa mahadsan tahay eeboow, waxaan kaaga soo dhamaa waayo, waa kula soo xariiraa ee ii hoyo.Cali Gaabna waa kaa iska hoyaatagay, markii uu macasalaameeyay Saaxiibkiis. Muggaanse waxa talamayo waa uun Odayga talada ku ciirsan tahay ee Maxaad Cali, Isagoo u soo hadaafaayo mininkiisa ayuu haddana sii daldalmaa, waa daldalan maskaxeed, oon dadku maqleyn, waxuu leeyahay ma haddaan aadaa Xaafadda Abtiga mise “Wareer cawo waa loo waabariistaahe” ma foogtaan u kallahaa? Horta xaan sheegaa muggaan hee tago xaafadda, Mug kalena waxoow leeyahay: xaan hee ka jaraa aniga, waa inaan is adkeeyaa, wax badan ayaan Habartaan u dulqaatay, waa in iyada dib loo soo celshaa oo weliba raali gelin la i siiyo, amaan iyada iyo qayladeedaba isla tuura “Qori iyo Qaaciis waa laysla tuuraahe“.. Maya maya ha degdegin waa ilmaha hooyadood, kula soo halgantaye bal dulqaado.Mar waxaa qalaw ku soo leh oo u sawirmaayo Garoobada Xaafadda degen inuu mid ka raadsado. Ma Caasho Ruunaa, ma Canab Hurudooyaa,ma Xaliimo hadaaftooyaa mise Cosobeey Cagoole? Maya maya, maskaxduu wareejiyay haddana oo waa kaa leh, Waa ceeb inaan berri sugaahe waa inaan wejiga saaraa xaafadda Abti Axmed.Oday Maxaad Cali, waa kaa muggaan hee go’aansaday inuu wejiga saaro xaafadda Abtiga, waana kaas socodka bilaabay, xaafaddana ma dhawoo ma dheera, waxa u gaadiida oo uu rabo inuu maalaana waa uun labada Addin..Wixii uu waddada haayaba oo uu kolba korya koofur u leexleexdaba waa kaa soo hor istaagay Albaabkii Reer Axmed.

Abti Axmed, isaga iyo islaantiisaba waxaa agtooda Gambar gaaban u yaallaa waa Kutuboo warka u shubeyso oonba kala joogsi laheyn. Kolkaan waxaad mooddaa ineey ka go’day fiqfiqdii badneyn,Waxeey hoosta ka soo gashay Libaax culus ay is leedahay waxaad ku dengiigtaa dul Libaax.. Abti Axmed iyo Islaantiisu iyagu waa uun koobihaayaan warka.. Islaanta Oday Axmed iyada Gacantaa dhabanka u saaran oo waaba amankaagsantahay, waxa ay la yaaban tahay musiibooyinkaan is wata ee reerka soo dul degey hal tabiin kaliya. Oday Axmed isaga waa maruu farajaco iyo maruu koobiska wado, Kutubo iyada in warka laga kala jaro ma rabto, waxa ka go’an waa ineey warka dhammeyso dembiga oo dhanna dusha ka saarto Xaajigeeda, waxeey waddaana kama marno kicin  ay walaalkeed ku kiciheyso oo hadalkeeda marmar waxaa soo gelaayo ereyo Beerlaxawsiya, waxeey rabtaa inuu Billaawihiisa tunto uu yiraa inta dhig madaxa walaasheey.. Abti Axmedse warkaas kama suuroobo.

Iyadoo meeshii lays ag fadhiyo ayaa Albaabka garaac ka yeeray, Waxa laga furayna waxuu noqday Maxaad Cali oo Baakoor gacanta ku wato.. Kolkii Albaabka laga furayba waa kaas reerka bariidada guud huwiyay, horena u soo socday.. Kutubase markeey Indhaha ka qaadday ayay Oohin cusub afka furatay, abti Axmed oo markii hore Jiinbaarta barshimo u saarnaa ku santeecsanaa ayaa soo fadhiistay oo yiri soo fadhiiso Maxaad, Islaamankiina waxuu ku yiri Guriga gudaha u gala.. Islaantii Abtiga ayaa hore u wadday Kutubo oo leh xoow iga soo daba jaraa gurigiisa waa uga
imide.. balse waa kuwaas oo guriga isla galay Rabtana loo baneeyay Odayadu ineey isku xog-wareystaan.
Waxaa qoray:
Xuseen M.Cabdulle “WADAAD”
huswadad@hotmail.com

SHEEKOOYIN