Sheeko taxane ah: Horta yaa abaal gala hadduu jirona yaa guda? Q17AAD W/Q: Xuseen “WADAAD”

quotescover-jpg-52

Horta yaa abaal gala..? Hadduu jirase yaa gudi..? Q17aad

Muggaan waxa wada fadhiyo waa Laba oday oo ay hortaal mushkilado isku miliqsan, Waxa horyaal  waxa ugu horreeyo waa Xalka Qoyska, Arrinka Axmed Dheere xalkiisa iyo Guriga dhacan waxa laga yeeli lahaa. Mushkiladuhu kala culus, haddana xalku kala mudan..Waase haddii miirqab lagu wajaho arrinka oo laga fogeeyo caaddifad iyo fudeyd…Waase in laysku tuurtuura horta hadallo marmar kululaan karo.. Waxaa warkii bilaabay Odaygii Axmed ee martida loo ahaa, waxuuna ku billaabay:”Maxaadoow, seey wax u jiraan? xeey tahay qayladaan cidda ka timid?
Maxaad Cali: “Abti Axmedoow, Cidda waxaa ku dhacay laba mushkilad oo culus, Midda 1aad waxaa naga xiran Canuggaad abtiga u aheyd ee Axmed, annagoo asigii ku mashquulsan ayaa
haddana Bilcaantaan walaashaa ah Waxay dayacday xoolihi yiil guriga; Dayacaaddaasaa keentay am u horseeday in guriga la dhaco, saasaa wax u jiraan hee Abtiyoow.
Axmed: Canugga xiran waa maqlay, oo ii sheegtay Kutubo, xoolaha yaroo guriga laga xaday oo xandhadeedi ahna waa ii sheegtay, Mugga hee iyadoo dahabkeedii iyo beesadi yareyd
ee sholongada ay rabtay ineey canugga ku furdaamiso ka maqan tahay, xaa hee jirood ugu dartay fara saarkana, iyadaaba dhacane?
Maxaad Cali, oo aad uga kululaaday warka Abtiga ayaa yiri: Abtiyoow Habar Kutubo minaan fara saaro meey saan ahaa laheyd? Ma fara-saarin, farasaarkeedana waxku fali maa,ee ma kuu sheegtay in Soboroloogooyinkii Guryaha wada maqan yihiin?
Axmed: Maxaad Caliyoow, saan ku mooday horta ma noqon, Wax kastoo jiro rabtaan joogo waad taqaan ee xaad iigu imaa weysay, intaad Kutubo isugu dameysay Or, aflegaaddo iyo Farasaar? Anaa Uleey lahaay haddeey gardarro sameyso, umana dulqaateen,laakiin inaad iyadoo dhiban farasaarto kuugu dulqaadaa maayo Maxaadoow.
Maxaad Cali: Abtiyoow, waxaan kuugu imid inaad Islaantaan inta canaanato Mininkeeda u dirto, ununkana aan ka arrinsano arrimaha kale ee adiga weynaa maa saan u hadleyso.waa kii si caro ku jirto jaf ka yiri gembarkow ku fadhiyay . Waxaa u kala duwanaaday soow filaayay iyo waxa uu la kulmay, Waa sii hoyaahe nabadeey .
Axmed: Maxaadoow, waxaa ii soo baxay inaad tahay Oday dulmiloow ah, intaad walaasheey farasaartaad muggaad Raalligelin keeni laheyd saan u warramee? Hadda anaad ila jirtaa maahee xaalka si kaluu noqon lahaa, ee iska hoyo, minaad saan u hadleyso waa inoo Foogta e!!

Kutubo iyadana qolkeey ka dhegeysee waxa dhex maraayo odayada, waxeeyna la dhacsan tahay warka eeboowgeed oo caga jugleynta ka muuqato.. Waxaa muuqato Oday Axmed in wax badan ay ku shubtay..Maxaad Cali, Waa kaa markiiba gaddoon ka yiri Gurigii reer Axmed, talona ku sii ciirtay.. War kale maa yaal hee waa inuu mar labaad cagtiisa maalaa illamaa Gurigiisii..
Oday Maxaad Cali, markuu illinka ka baxayba waxaa qolkeeda ka soo booday Kutubo, oo aad kolkaan mooddo ineey ku faraxday Kalaamkii kululaa ee eebowgeed Axmed kula kalaamay Maxaad Cali, waxeeyna bilawday hadal ay leedahay: Eeboow, waxaan u filaa inaad ila aragtay ninkaan inuu yahay dulmiloow aan lala joogi karin, Madaxeeyga iiga qaad , geberteydana iiga soo wad? Qumayga xunkaa..
Axmed: Aniga Maxaad Cali saan kuma ogeyn, waana igala roonaa, Balse Foogtaan warkiisa heleynaa, Minii Rabbi idmo.
Kutubo: Eeboow, usuga maahan hal wax garto waa Laari la dabadabeeyhaayo, Qumayga xunkaa ee Cali Gaab aa korya bari u wadwado.
Axmed: Walaasheey, waxa jira waa koraheynaahe Dembiga kale nagala her.

Maxaad Cali, isagoo daal iyo caro la luudaayo ayuu gurigiisii dalaq soo yiri, Reerkuu xilka ka mudnaa uu u tegeyna ka yimid isagoo Bakeeri shaaha ka soo kaban, Waxase mininka Shaaf carfoon iyo cashana ugu sii diyaarisay fariiddii yareyd oow dhalay ee Raxmo Yareey. Kolkuu soo galay oo ay sida quroon ugu haanyootay ayay tiri: Aaboow , waad soo daahdee Kheyr uun ma jiroo?
Maxaad Cali: Haa maandhaay Rabbi ha ii kaa dhaafo, Waxoowna niyadda ka leeyahay kala raayaan iyada iyo hooyadeed, Cunugteeda muluqdaa inteey garato ma garato waa wax laabta ka xaaran, dhurya dhaqan beeshada. Kabbo yar intuuna jooginba oo uu qolkiisa ku jiray waxay u diyaarisay xoogaagi yaraa ay diyaarisay, waxeyna tiri: Aaboow soo bax oo wax afka ku dhufo.Maxaad Cali oo Hoos gunti iyo Sasamaaniko xiran ayaa qolkiisii ka soo baxay, waxuuna yiri: Maandhaay
Adiga wax ma cuntay hee ?
Raxmo: Aaboow , adiga horta casheey, Hadhoowaan casheeyhaahe.Warka ay ku hadleyso waa Dhaqan Samaa iyo xumaaba ka mida dhaqamada Ummaddu leedahay oo ah
in Haweenku aaney afka saarrin illamaa Raggu dhergaan, iyaguna waa ineey uun sugaan Citinta ka soo noqoto Ragga.Waa layska warsaa in dhaqankaan bannaanada ku nool yahay iyo inuu ka dhintay…Ma yahay mid suubban oo mudan in la sii wado iyo in kale?

Waxaa qoray:
Xuseen M.Cabdulle “WADAAD”
huswadad@hotmail.com

SHEEKOOYIN