Sheeko taxane ah: Horta yaa abaal gala hadduu jirona yaa guda? Q18AAD W/Q: Xuseen “WADAAD”

Sheeko taxane ah: Horta yaa abaal gala hadduu jirona yaa guda? Q18AA

Qoyskii reer Maxaad Cali, waxaa lagu kala baryay Saddex meel, Hooyo Kutubo oo xagaa iyo Xaafaddii eebowgeed u hoyatay, Axmed oo weli Stationkii 5aad jiro iyo Oday Maxaad iyo Baariyeeydiisi Raxmo oo Mininkoodii waagu ugu baryay. Axmed dheere isaga xaalkiisu Rabbiyaa og, qof bannaanka ka joogo maha uu joogo iyo xaalka loo heysto ma qiyaasi karyo.Guriga Axmed oo ay joogto hooyo Kutubo, markoow waagu baryay, oo la soo kaakacay, Waxaa kushiinka wada galay Xaajiyo Batuulo iyo Kutubo, waxaana u bilaawday kala warqaadasho , waxaana warku bilaabay
Kutubo, oo xalay caro la seexatay, waxeyna leedahay: Xaajiyooy, Odaygaan mahaaw rabo ha ka dhecee,waaba alfanyahee, canugii Axmed ahaa xaalkiisa saan wax yeelnaa? aniga Baasana ma haayee,!!
Xaajiyo Batuulo: Horta abaay Kutubooy, walxaha qaarkood waa laga roon yahay, Maxaad Cali, waa Ilmaha Aaboowgood, xumaa iyo samaana waxaa ila quman inaad qarsato, Odayaal ka xunaa la heystaa, oo yicista aad heysato loogu sabraa ee waxey ila tahay intaan is dejiso Gurigaaga ku noqo,arrinka Axmedna isagaa dhalay oo xal u raadihaayo e, adiga haweenaa ka tahay arrinkaase.
Kutubo: Maanaanba garan warkaaga!! Dhibka ow igu haayo hal Cawa jawna uma dulqaadateen, waana ogahay warkaaga waxa uu yahay.!!
Xaajiyo Batuulo: Kutubaay, aniga reerkaaga u sabar ee dhaqo waxaan aheyn kuma dhihin, ee haddaad igu dhibsatay ka raalli noqo. Kutubana iyadoo is gafooreyso ayay Jikadii ka baxday.
Xaajiyo Batuulo, waa qof deggen, sabar badan, runtana toos u abbaarta, ma taqaan leexleexadka qofka runta kama qariso, waana taa ay ku dhibsatay Kutubo iyo Xaawaleey kaloo badanba..Ma ahan Dumarka dumarka kale la xantamo,waxeey aaminsan tahay in adduunyiyo aakhiro kala badan yihiin.

Maxaad Cali, xalay isagu ma hoyan, cawadu waxey u aheyd cawo baas, waxaa uun u shidnaa filimo kala gedisan, xaguu wax ka bilaabaa mugga waagu beryo,ma canuggiyaan aadaa?? Ma warqadahaan maqanaan xal u doonaa? Ma ku dhacdaan wejiga saaraa? mise waxaan aadaa nimanka dahabka? maanaaseba aqaan habarta dahabkeeda!! Waxa kaliya oon garan karaa waa Raadiyihi aan BBC da kadhegeysan jiray uun. Ar adduunyaa!! Xoow yiri Oday Axmed? Ma habarti gardarrada badneyd oo farta ka xirneyd warkeedoow ii qabtay.. Anaa aqaan xaalkiisa
(Qoray iyo qaaciis waa laysla tuuraa) maya maya..Ar ka joog, xaalka saas maahan! Sabraa sed hela, Sabarka kaasho,Jac mase loo sabri karaa Habartaan habaaran..? Oday Maxaad, muggaan saaxiibkiis Cali gaab warkiisa ma haayo..Cali Gaabaase soo raadshoo guriga yimid mase is helin oo hortiisuu guriga ka qumay..

Maha la joogo waa Stationkii 5aad, waxa muggaan wada fadhiyo waa taliye xigeenkii iyo Maxaad Cali, oo fursad u helay inuu la kulmo taliye xigeenka Saldhigga ,Waxaana loo sheegay in arrinka wiilasha ay ka baxday gacanta Saldhigga , kiiskoodana loo wareejiyay Xeer ilaalinta..Waxaana loo raaciyay in laga wareejihaayo Saldhigga, maha loo jiheyhaayana looma sheegin…Oday maxaad Cali waxa wajahay yaab iyo anfariir hor leh,Xeer ilaalina xeey aheyd, ? Xeey qabataa? maha loo wadaa waa intee? ayuu Odaygu si hoose isu weydiiyay.Muggii uu xoogaa hoos u fooraray ayaa lagu yiri: Xaaji arrinka intaa waa kaaga dhammaaday ee warsan.
Maxaad Cali ayaa hadloo, haddana yiri: Tuugtii na dhacday ma naloo soo heley iyadana?
Taliye xigeenka: Maya, xoolahaas idinkaa dayacdeene ha nagu wareerin, intee laga helaa+
Maxaad Cali : Xaan hee yeelnaa hadda?
Taliyihe xigeenki: taas nooma taal, ee hawlo kalaan leeyahay ee macasalaama.
Waxaa qoray:
Xuseen M.Cabdulle “WADAAD”
huswadad@hotmail.com

SHEEKOOYIN