Sheeko taxane ah : Il iyo Baal Q1AAD W/Q: Shaafici Maxamed W/Q: Shaafici Maxamed Soomane

Sheeko taxane ah : Il iyo Baal Q2AAD 
Waa aroor kale oo Axad ah, Ramadaan ayaa soo gelaysa oo kaabiga taagan, dadkii guriga joogey waxay u dhaqaaqsanyihiin ka qayb galka madasha arooska ee Diiriye Waran. Aniga diyaargarowgii feker ayaa iga mashquuliyey, maalinka arooskayga caynkaan u ekaan lahaa ayaan sii tijaabinayaa, waa markii ugu horreysey noloshayda ee aan guur ku tallamo, waxa aan sugayaa in mar kale waayuhu igu marti qaadaan nolosha lammaananimada midda aan u qalmo .
Quruxdaydii oo ifka u soo baxday ayaanu wada haasaawaynaa, ku dhowaad hal saac ayaan muraayadda hor taagnaa oo kolba doc iska jeedaalinayey. Waxaan ku naxay jabaq yarida guriga, mise keligay ayaaba jooga guriga, aniga oo yare degdegsan ayaan qolkii furaha ku soo rogey oo horey u soo dhaqaaqay, mise xidhiidhiyihii (Albaabka gudaha ) ayaa qof sakatuurada ku rogey, waan yar farxay aniga oo filaya in aan weli la iga tegin waxaanna ku dhawaaqay ” naa Albaabka ha igu xidhina “. Waxaase si kedis ah iiga horyimid Xamse koranto, Xamse waa habar-Wadaagay ay hooyo Asli dhashay, waa curadkii habaryartay, waa dhammeys qunkii u buuxa oo lixaad dheeriya leh, wuxuu ku lebisanyahay dharka fudud ee guri ku jooga ah (macawis iyo garan fiino ah ). Iskuma badnin oo badanaa ismaba aragno inkasta oo aannu isku hoy ku noolnahay, ” Heey maanta waad shidantahay walaashayeey ! ” ayuu igu salaamay “mahadsanid walaale “ ayaan ugu jawaabey aniga oo ammaanta ku faraxsan sidoo kale ereyga walaashayeey uu meel xasaasiya i taabtay, cabbaar ayuu i hor taagnaa isaga oo ereyo aan walaaltinimo kobocday moodayey igu soo ganayey, balse hal mar ayaan is bedeley markii uu ereyo jinsi ila soo galay, wax aanan ka filanayna igula hadlay.
Qaadan waa ayay igu noqotay markii uu iigu hanjabey in uu awood ii isticmaali doono haddii aanan codsigiisa u fulin. Aniga oo ashqaraarsan ayaan catow bilaabay markii aan arkay in ay waxani dhab ka yihiina waxaan go’aansaday in aan iska difaaco cadowga naftayda weerarka ku ah. Dhirbaaxo ayaan dheg iyo dhaban fujiyey qaylona afka ayaan furtay, isna awoodiisii oo dhan ayuu ii adeegsadey, ugu danbeyna dantiisii ayuu iga fushadey, anniga oo dilan darxumona igu xoonsantahay ayuu Alle iga waday, isaga oo mar kale iigu hanjabay in uu dunidaba iga qarin doono hadii uu hadal hayntiisa iga maqlo.
Waa walaalkay, waa kii cadowga iga dhicin lahaa, waa kii kaalinta aan tebayo ii buuxin lahaa. Dayac iyo miciin la’aan weynaa, foolxumo badanaa xaalada aan ku jiro, mustaqbalkaygu mugdi badanaa. Waxa aan go’aansaday qiimahay doonto ha igu qaadatee in aanan qarin waraabaha mustaqbalkaygii ku ciyaaray noloshaydiina mar kale dhudhunka ka jebiyey.
Aniga oo joodari xun lugaha barkiyey jidhkayga intiisa kalena bannaanka daadsantahay oo meyd u eke ah ilmadayduna xinjirow ku dhowdahay, ayay soo noqdeen gacalkii gurigu mayee cadowgii noloshaydu, ciilba ma qabeen haddii aysan habaryartay waraabahan ii koriseen.
Muuqooda markii aan arkay ayay murugadii igu soo laba kacleysay, hiq mooyee hadal ayaan kari waayey. Habaryartay markii ay ogaatey falka wiilkeedu geystey ayay wejiga ii bedeshey, waxaad moodaa in ay eegmada igula hadlayso wiilkeedana ay ku leedahay baraawe hooyo waad la heshay yarta.
Horaantii ubuxii noloshaydu dugsanaysey ayay ii ahayd,haddana mooji wax bedeley beryahanba iima ay jajabneyn, waxa aan filayaa waa caado sharci noqotay in cid walba loo jajabnaado inta khayraadkiisu dihinyihiin ee laga faa’iideysanayo, haddii uu gudhona aan dan laga gelaynin .
Xamda oo ila dareen qaybsatay mooyaana dadka intii kale waxay igu khasbeen in aan waayahayga laabta ku haysto wiilkoodana aanan fadeexadeyn.
Mustaqbal baan lahaa, aayahayga danbe wanaag ayaan ugu rajo weynaa dhaawac weyn ayaase boqmaha iga gooyey. Anoo arkaya ayay himiladaydii hortayda ku gubatey, illintaydiina way awoodi weydey in ay demiso. Waxa aan fahmi waayey in ay dunidu aniga gaar ii fiijinayso iyo in la ila qabo.
Marka aan duni leeyahay waxaan xusuusnahay ina rag mooyee in aan duni kaleba jirin, waayo haddii ay jirto maxay garab ii siin weydey markii dunida ina rag i colaadisey. Xamse wuxuu ka mid yahay ina raggii weligiiba noloshayda saameynta ku lahaa, waa ina raggii hooyaday geerida xilka leh u sababay annagana rajonimada na baday, waa ina raggii ayeyday geerideedu sababsatay, waa ina raggii guurkiisu nolosha i nacsiiyey ee la igu khasbay.
Kanna waa inna kale rag noloshaydiiba af duubtay oo haadaan ku hubsaday. Balse ma ihi qof sidaa ku rajo dhigaya, waxaan ahay doqon Alle taqaan, soomaalida ayaa ku maahmaahda “doqon Alle taqaan lagama gar helo” anna waxaan leeyahay doqon Alle taqaan ma nasiib xumaato. Alle ayaan ku mahadiyey in uu i tusay colaada ina rag ganbooleyda u qabo, waxa aan hoosta ka xariiqday in aan ina rag iyo jiritaankiisaba intaa ku ilaawo, noqonse weydey oo Cumar ayaa ina rag iga noqday, waa kii keli ahaa ee aan xoogaa niyad sami ah xusuustiisa ku dareemi jirey, waxa aan ka fekerey suurta galnimada sii socodka xidhiidhkayaga kaddib marka uu ka war helo xaaladayda.
Waa goor fiid hore ah, waa aniga iyo cumar, diyaar garow qurux badani igama muuqdo, goob mucaashaqiintu waqti ku qaataan ayaannu fadhinaa weliba laba kursi oo meel koone ah xiga. Laydha macaan ee saxansaxada wadata ayaa dareenka xubbiga u kaalmeynaysa. Aniga waxaas oo dhami iima muuqdaan, hadalkaga xitaa ilmo ayaa la socota codkayguna wuu bedelanyahay, I arag in aanan qoftii uu yaqaaney ahayn. Waan jeclaa in uu qalbigayga waxa gubaya ila arko, danse kama lihi oo aniga ayaaba diyaar u ah in aan farta ka saaro wax walba oo isoo food saaray.
Hal mar ayaan is hayn kari waayey, isaga oo sheeko aanan bilowgeeda ogeyn wada ayaan kedis kaga dhigay ” Cumar dareen iga tan badiyey ayaa igu khasbaya in aan wax walba sideeda kuugu sheego, waan ku khasbanahay bilow ilaa dhamaad in aan kuu sharaxo adiguna aad dhegeyste ka ahaato”. Markaa dhabanadayda ilmo aanan qarinayn ayaa qulqulaysa, baalashayda hoose illin kulul ayaa qoysey, run ahaantii filan waagii ku dhacay ayaa wax shoog u eg ku ridey, isaga oo bedelan ayuuna dhidhi ” Laki ma caafimaad qabtaa “ ? Weydiintaa war celinteeda xitaa ma xusuusan, mawjad hafisay ayaan ku af rogey, noloshaydii ayaa alif ilaa ya’ soo hordhigay, illinta, cabudhka,duufka iyo daleesha iga muuqataa raaxo ayay ii tahay aadame kalena dulqaad uma yeesheen dheqeysiga warkayga iyo daawashada wejigayga.
Waxaan la yaabay Cumar jaah wareer mooyee in uusan wax kale dareemin, markii uu helay mucda hadaladaydana uu sidii qof sheeko caadiya dhegeysanaya qaxwe kolba u kabanayey. Ma filayn sidaase ma carartaa ayaa i qabatay, waxa aan ka shakiyey hadalada aan ku hadlayo iyo kuwa uu maqlayaa in ay isku mid yihiin iyo in kale, qalbi adeygiisa ayaa quus i geliyey, jawaab iga nixisa in aan halkan kala kulmayo ayaa isku kay sawirtay. Waanse aamusi waayeyba sidii cajilad la daaray ayaan u daldalmayey isna ii dhegeysanayey. “Wataa noloshaydii bilow iyo dhamaadba Cumaroow” ayaan mar kale si kedis ah ugu soo gaba gabeeyey. ” Laki ii dul qaado markayga” ayuu hadal iigu bilaabay ” Laki waxaad is weydiinasey Cumar iyo qalbi adeygiisa. Halkan ayaa i bartay qalbi adeyga, marka aan halkan leeyahay waxaan u jeedaa dunidan iyo xiligan oo is kaashaday, ha u filin aniguna in aan noloshayda wax ku saabsan kaaga sheekeynayo balse keliya waxaan kuu sheegayaa in aan noloshaada saameyn taban ku leeyahay “
halkaa markii uu marayey ayaan si dareen kale leh u dhegeystey mucda hadaladiisa, isaga oo hadalkii sii wata ilmona gadhkiisa qoysey ayuu yidhi ” ma rumeysanaysaa haddii aan ku idhaahdo waxaan ahay dhiigii hooyadaa galaaftay ? ” Cumar Maxaad ku hadlaysaa!” Ayaan ku qayliyey, ” haa Laki aabbahay ayuu ahaa ninkii hooyadaa geerida xilka leh baday “. Wadnuhu in uu i istaago ayaan ku sigtay, maskaxdaydiina culeys ayaa fuulay. mooji go’aankaa goor aan qaatay balse qaabkii aan isaga dunida ku dhaafin lahaa ayaan ka fekerey, aniga oo mawjado kale dhex dabaalanaya ayuu igaga naxsaday ” waxaan jecleystay booskii hooyadaa in aan kuu buuxiyo, taasina waa sababta aan jacaylka kuugu qaaday aniga oo og taariikhda noloshaada, waan mahadinayaa nasiibka isla soo keen doontay, waxaad ogaataa in aan diyaar kuula ahay sidii aan waayaha ku dayrshey kaaga samata bixin lahaa, magtii hooyadaa ee aad dumarka ka noqotayna aan naftayda kuugu hibeeyo.
Laki iska ilow waayahaas iyo xusuustiisa, sidoo kale ilow Xamse iyo waxyeeladiisa, kaalay ila samee nololsha quruxda badan ee aad xaqa u leedahay “ Jawigii ayaa mar kale si kale iyo wax kale isugu kay muujiyey, weligay ma maqal hadal damaca intaa le’eg nolosha ii geliya. Wakaa ayaankii aan gardaadintiisa sugayey ii godladey, waxaan dareemay quwadda dahsoon ee ababintaydii iyo oori noqoshadaydii isku hillinka qaadsiisay.
Marka uu dareenkaagu kaa tan bato ma ogid hareerahaaga waxa ka socda haddaad ogaatidna dan kama lihid. Waxaan ku war helay aniga oo laabtiisa ku dheggan iyo ilmadiisa oo dhabarkayga ku tifiq tifiq leh. Inta aan qummaati wejigiisa u eegay oo labada garab qabtay ayaan ugu war celiyey ” haddii aan noloshaa xaq u leeyahay diyaar ayaan aniguna u ahay “. Isaga oo gacmo naxariisi ku abtirsato dhabankayga curdanka ah ilmada kaga tiraya dhaayihiisuna qummaati kuwayga u eegayaan ayuu iigu jawaabey ” Haa xaq baad u leedahay in aad nolol ta ugu quruxda badan ku noolaatid “. Habeenkaas waxay noloshaydu xaq u yeelatay in aan mar kale u wanqalo,magac kalena ugu yeedho, ileyskii ii baxay ayaan ilaa hadda ifsanayaa, balantii uu Cumar ii qaaday ayaan hooskeeda hadhsanayaa, colaadii aan ina rag u qaaday ayaan biyo la’aan ku liqay, waxaanna ogaadey in ay ragga iyo dumarku yihiin IL IYO BAAL.
DHAMMAAD
W/Q: Shafici-soommane

SHEEKOOYIN