Sheeko taxane ah:Horta yaa abaal gala hadduu jirona yaa guda? Q19AAD W/Q: Xuseen “WADAAD”

Horta yaa abaal gala hadduu jirona yaa guda? Q19AAD.

Maxaad Cali, waa kaa isagoo meel la saraa dhiig laheyn ka soo baxay Saldhiggii,Xaalku waa kaa kolba marka xigtaa ku sii ciirayo, markaan waxaaba loo tilmaamay waxaanu isagu fahamsaneyn, (Xaalkiisu waa naga wareegay, waxaa la wareegay xeerilaalinta). Waxaa muuqato in Odaygu inaanu fahamsaneyn xaalka maxkamadaha iyo hawlahooda, weligii ma hortegin maxkamad, xeer ilaalin iyo xitaa saldhig Booliis.Waxeey maskaxdiisu qaban la’dahay sida uu wax u wajihi lahaa, u malahan khibrad iyo waaya aragnimo, waxaa taqaan ayaa meel loo abbaaraa.

Waxauu garan la’yahay sida xitaa uu u kala hormarin lahaa dhibaatada gaamursan ee heysata; Ma waxuu ku socdaa arrinka Axmed ee saldhigyada, mattan Kutubo iyo Xoolaha dhacan siiba warqadaha ka maqan.Dhinaca kale, Kutubo walaalkeed Axmed uma suurtoobin inuu mininka ka soo baxo oo uu raadsho Seeddigii Maxaad Cali, waxaase is helay oo war isula noqday Xaajiyo Batuulo iyo Kutubo, kaasoo daba socdo warkii ku dhex maray jikada ee ahaa Maxaad Cali odayo ka xunaa la dhaqdaa Kibirka iska dhaaf ee reerkaaga dhaqo gurigaagana ku noqo.

Muggaan xaalka sida hore uma koobno, oo waa la isu miisay la isu taanataaneeyay. Xaajiyo Batuulo waxeey leedahay: Islaanyaheey, waxaa lagaa badiyay koolkoolinta ee nimcadaaad ku jirto ha iskadaadin!!
Kutubo: Waa ogahay waxaaad la qaraareyso, waxaa ku haayo danaano,haddii adiga Duqaas laarigaa ku xigo aniga waxaa ii joogo Eebowgeey, usagaana meel iga saaraayo, waadna ogtahay walaalkeey muggoow dhirfo suu u dhaqmo, adigana haddaad is waasho anaa meel ku saaraayo. (Waxaad mooddaa inaanu iyagu uba muuqan xushmadda xididnimada leedahay, gaar ahaan Kutubo)
Xaajiyo Batuulo: Adoo mininkeeyga jootgo maad i leedahay anaa meelku saaraayo?
Kutubo: Haa, haddaad u soo danaaniso, Bur iyo biyaa loo kala baxaa.

Warka oo intaa maraayo ayaa waxaa maqlay Xaaji Axmed, oo xagooda soo aaday, isagoo xanaaqsan, waxuuna ku soo qaylihaa :Xaa jiro Bilcaamanyhow,Xeey tahay qaylada idinka yeereyso?
Xaajiyo Batuulo: Xaaji ,Islaantaan walaashaa ah ee farta ka xiran, la warran!edeb heeygula joogto, minii kale heey dhaafto.
Kutubo: Ar bal daya doqontaan, mininka eeboowgeey ay i leedahay ha ii dhaafto, haddii la socaayo, adaa soceyso, abbaay heeleey!!

Xaaji Axmed, ayaa madaxa gacanta ka saaray Aabbaaydiis,  ku leh: Is deji, Xaajiyo Batuulana kul eh: Na kici bal Xaajiyooy! Waxaa qolka isla galay Xaajigi iyo Xaajiyadiisa si uu si hoose ugu maslaxo, Xoogaa muggeey gudaha qolka ku jireen ayaay ka soo bexeen iyagoo wada socda, waxeeyna u tageen Kutubo, oo ay hoyaad u ahaayeen, oo la yiri Raalli ahaaw.
Daldalin badan kaddibna waa qaadatay maslaxaddii iyo hoyaadkii loo soo hoyday. (Wallee kala quman, oo kala garasho dheer).

Waa galab casarliiq ah, Waxaa Mowlac ku kulmay Odayadii is yaqiin, ee sheekada hore uga dhex muuqday waa Maxaad Cali, Saaxiibkiis Cali Gaab iyo Adeer Hilowle oon filaayo inaan la illaawin Ducadii dheereyd ee quruxda badneyd uu ku duceeyay in Rabbi sahlo ammuuraha. Waxaa la sugaa waa Salaadda maqrib, dadka meesha joogo qolyo waxeey aqrisaayaan Kutub quraan, Qolyo waxeey tukaayaan Salaad TaxiyatulMasjid, qolana Salaad sunno ah, Waxaase dood dhex martay Laba oday oo meesha fadhiyay midkii 1aad ayaa hadloo yiri: Xeey tahay Salaaddaan Sunnada ah ee uut ukanaayo Odaygaas.?
Odaygii 2aad: Xaa jiro waa iska sii sunneysaa inta laga gaaro maqribka e?
Odaygi 1aad: Yac, xeey tahayna Sunnamaa la tukadaa Casarka kadib?
Odaygii 2aad: Yaayaa, Sunnada miidaaba waqtileh, ma cibaadadaa waqti leh, Beri walba wax noo keena idinka?!!Oday Hilowle yo Saaxiibadiis, waxeey dhegta u taagaayaan dooddaas, laakiin iyadoo la isku dheggen yahay, ayaa wiil da’ yar addimay: AllahuakbarAllaahuakbar.

La soco  qaybaha kale

Waxaa qoray:
Xuseen M.Cabdulle “WADAAD”
huswadad@hotmail.com

SHEEKOOYIN