Sheeko taxan: Quraafaadka Faaliyaha Q10 W/Q: Cabdullaahi Macallin Maxamuud (Siyaasi)

pizap.com14732612463621
Sheeko taxan: Quraafaadka Faaliyaha Q10AAD 

Maryan iyadana waxaa qolki ay Sahro ka aaday dugsiga tababarka ee Xalane u kaxeeyay Hooyo Faadumo oo ay markiiba kala kulantay xannaanayn, xurmayn iyo soo dhoweyn aan waxba ka duwanayn tii lagu soo dhoweeyay marki ay ku soo biirtay nolasha guriga G/sle Cusmaan,waxaa kale oo Khadiijo ku tuurtay hadal kaftan ah Maryan inti aynan aadin qolki loogu talagalay waxayna ku tiri “ Maryan ha isdhihin waa maxay reerkan ku geynayo qol aad kaligaa ku tahay”.

Inti aynan Khadiijo hadalki kaftanka ahaa oo ay war kaga dooneysay Maryan afkeeda ka soo dhammaan,ayaa waxaa dhinaca Maryan ka hadashay hooyo Faadumo oo markiiba hadalka Khadiijo u qaadatay in aynan Maryan jeclayn keli ahaanteed in ay seexato, waxayna tiri “ Gabdhaydi ma jeclin adiga wixi ku dhibayo in aan sameyno, waayo maanta waad ii siman tihiin gabadhayda Sahro iyo adiga,waxayna dadka kala wataan dabeecada kala duwan,sidaa darteed haddii aadan jeclayn kali seexadka ,kaalay aniga ila seexo ama Khadiijo sida aad jeceshahay”.

Khadiijo oo iyada hadalkan furtay, garatayna in hooyo Faadumo u qaadatay sida uu yahay ilayn waa ruux waayeel ah oo aan ku jirin kaftan iyo duqeyn toonaba ayaa tiri “ Eeddo ,aniga ayaa kula kaftamayay hadalkan oo gurrigeeniba keligeed ayey qol lahayd waxayna ahayd boqoradda reerka, wayna ogtahay in ehelka G/le Cusmaan aynan sameynaynin wax iyada dhibayo”.

Waxaana Khadiijo inti ay hadalka waday hadalki soo dhexgalay adeer Axmed oo aan jeclayn hadalka faraha badan ,berrina safar ugu tegay wiilkiisa, si fiicana u yaqiin in ay Maryan lahayd qol u gaar ah ,wuxuuna yiri “Gabartaydi waan ogahay in aadan islahayn qolka keligaa aad ku tahay maxay kuu seexsheen,warkoodana inta ka baxdid ,orad ii seexo hadda waad daalantahay, goor kalana ha noo ahaato sheekada”.

Maryan way aamusnayd inti ay hadalka isku dul dhaafsanayeen adeer Axmed, hooyo Faadumo iyo Khadiijo ,waxayna la aamusnayd aadna ugu farxsanayd reerka ilaaheey ku jilay wanaagooda iyo sida quruxda badan oo ay isaga danbeeyaan isagana war haayaan waxayna niyadda iska lahayd “tolow haddii dadka oo dhan ku wada joogi lahaa is-jeceyl, iska warhayn iyo nabad sida reerkan oo kale , oo ma iyadaaba wax ishaysta la arki lahaa dunidan maanta khatarta ku sugan “.

Maryan marki adeer Axmed ku yiri hadalkaa waxay hore u raacday hooyo Faadumo si ay u geyso qolki iyo sariirti loogu talagalay in ay seexato. Maryan marki la geeyay qolki loogu talagalay,hooyo faadumana ka soo baxday waxaa ka soo dhacday hurdo aynan is arag Afar iyo Labaatan saac.Khadiijo iyo ciyaalkeedina waxay iyagana tageen qolki loogu talagalay inta aynan imaan ka hor, waxaana in yar debadeed u soo gashay hooyo Faadumo oo doonaysay in ay ka soo xanbaarato Mahad oo isaga waddada inti ay ku soo jireen si fiican u hurday, hooyo Faadumo wiilki ay ayeeyada u ahayd waxay u xanbaaratay qolkeeda. Khadiijana marki laga xanbaaray Mahad waxaa iyada iyo maryanteedi ku yarayd oo baalka ugu jirtay ka soo dhacday hurda wacan oo aan ka duwanayn tii Maryan ka soo dhacaday, daal ku dheeraaday awgiis.

Maryan si ka fudud oo ka duwan ayey nolasha reerkan ula qabsatay kolki ay ku soo biirtay guriga G/le Cumaan iyo Khadiijo waayo ehelka G/shle Cusmaan waxba ugama duwanayn gabadhooda wayna ka war haayeen nolasheeda mudadi ay wiilkooda iyo xaaskiisa kula noolayd degmada Gaalkacyo iyada oo aan waxba uga duwanayn wiilka iyo gabarta ay dhaleen,sidaa darteedna waxay u ahayd gabar ay u yihiin Awoowe iyo Ayeeye ama Abkow iyo Abooto oo aynan arag sidi ay u dhalatay,markaana loo keenay weliba intaa waxaa ula sii jiray G/le Cusmaan Aabbihiis oo Gaalkacyo ku soo arkay sida ay u-xurmayn jireen wiilka uu dhalay iyo xaaskiisa. Maryan waxay bilowday in ay u sheekayso hooyo Faadumo oo ku bilowday xannaaneyn iyo daryeel aan waxba ka duwanayn kii ay ku hayn jirtay Khadiijo oo ay marmar is dhihi jirtay hooyadaa waxba kama duwana oo aan ahayn in aynan caloosha kuugu qaadin.

Maryan waxaa maalinti labaad habeenkeedi magaalada u waday Khadiijo oo iyada magaalada ka rabtay in ay ka soo iibsato wixi ay u baahan tahay, islaheydna Kismaayo kama heleysid ee hore u qaaddo iyo in ay Maryan u soo iibiso dharka ay gabdhaha dhalinta yar ee ku dhaqan magaala weynta Muqdisho ku tilmaamayeen sanadkaa in uu yahay moodadi u danbaysay ee ku habboon in ay labistaan sanadkaa. Waxayna magaalada gudaheeda marki ay tageen ka soo dhammaysteen waxyaabihi ay doonayen in ay ka soo iibsadaan gebi’ahaantooda , waxayn ku soo laabteen guriga.

Maryan habeenkaa wuxuu u ahaa habeenki u horreeyay oo ay u degto magaalada Muqdisho gudaheeda ee weligeedba looga sheekayn jiray, waxayna kala soo laabatay oo ay ka soo qaaday madax wareer iyo maskaxda oo ay ka daasho keddib marki ay ku indhasarcaaday guryaha sida quraxda badan u dhisan ee ku yaal bartanka magaalada ,isuguna xiriira si habeysan ,waddooyinka isugu soo dhacayo si heer sare ah oo aynan iyada hore u arag ,haddana geddigood laami wada ah, hareerahoodana ay ku safan yihiin tiirar dushooda sare suran yihiin nalal kala duwan oo magaalada oo dhan ifinayo, kana dhigayo in aynan maalin waxba ka duwanayn magaalada sida la isugu jeedo, gawaarida faraha badan ee yar yar ,noocya kala duwanna ah ee magaalada wadooyinkeeda kor iyo bari isu dhaafayo,dadka faraha badan ee isku dhaafayo waddooyinka iyo suuqyada waaweyn ee magaalada isla markaasna aan lahayn wax is fiirinayo, iskuna qaylinayo.

Khadijo iyada naf’ahaanteeda magaalada waxay kala soo noqotay wareer ka yimid wax iibsiga iyo guuxa ka baxayo dadka wax kala iibsanayo iyo gawaarida qaarkood codka ay sameynayaan,waxaa intaa uga darnaa Maryan oo weydiinaysay wax walbo oo ay aragto kuna cusub iyo waxa loola jeedo. keddib marki ay guriga yimaadeen iyaga oo labadadoodaba daalan , madax wareerna uu ula jiro daalkaa ayey dhaqsiba u casheeyeen ka bacdina waxay kala aadeen sariirahooda iyaga oo aad ugu baahan jiif , weyna seexdeen.

Maryan habeenkaa waxay la seexatay wareerki ay magaalada kala timid, wuxuuna habeenkaa ahaa Khamiis, waxaana maalinimada khamiista galabnimada guriga yimid Sahra oo ku soo baxday fasaxa habeenka jimcaha soo galayo la siiyo ardayda soo dhammeysatay dugsiyada sare ee dugsiga tababarka Xalane ugu xareysan tababar gaaban oo ah barashada askarinimada, kaasoo qaadanayo mudda shan bilood ilaa lix bilood ah. Sahro marki ay timid guriga waxaa la is baray Maryan iyada oo mid walbo ka warheyso sheekada tan kale.

Maryan imaantinga Sahro aad bay ugu faraxsanayd waayo waxaa niyadeeda ku soo dhacday in kasto oo ay xalay ku soo madax wareertay magaalada in aynan dhaafin fursadan ay ku heli karto in ay magaalada u raacdo Sahro oo habeenkaa kaliya fasax ku joogto gurriga, iyada oo islamarkaasna ka baqanayso in ay ku degdegto weydiinta Sahro in ay magaalada u raacdo ayey haddana tiri iyaga oo qolka kuwada jiro,reerka intiisa kalana qololkooda ku kala jiraan, “ Sahro ,magaalada miyaad aadeysaa caawa?”.

Sahro oo marki ay guriga ku soo laabatay salaantay reerka ,welina aanan nasan bilowdayna is qurxin iyo in ay dhar aad u qurux badan isaga bedasho kii ay wadatay, wejigeedana uu ka muuqdo in ay tahay ruux magaalada u degayo,xiisana ay u hayso ayaa Maryan ugu jawaabtay “ haa waan tegayaa ee maxaad dooneysaa oo aan kuu keenaa”.

Maryan oo weli ka gaabineyso weydiinta in ay magaalada u raacdo Sahro ayaa tiri, “maya,abbaay waxba doonimaayo ee waan iska kaa weydiiyay”.

Sahra hadal kuma soo celin, weyna ka aamustay dibna u bilawday in ay timaha shanlaysato oo ay feereyneysay inti aynan Maryan wax weydiin ka hor, Maryan iyadana way aamustay ,weydiin danbana kuma soo celin oo waxay islahayd ha ku degdegin in aad tiraa magaalada ayaan kuu raacayaa ilayn gabadhan haddeer baad barataye.In yar debadeedna waxaa u soo gashay Khadiijo iyaga oo wada aamusan ,Maryanna ay fiirsanayso masawira qurqurux badan oo uu Maxamuud ka soo diray waddanka debadiisa , sahrana ay ka shaqeyneyso timaheeda , waxayna Maryan ku tiri. “ Maryan maxaa ku helay oo aad la aamusan tahay caawa, sow adiga sheekaynayay inti aynan Sahra imaan ka hor”.

Inti aynan Maryan ka jawaabin hadalkaa waxaa hadashay Sahro oo dooneysay in ay ogaato waxa Maryan aamusiyay kol haddii ay sheekaynaysay ka hor inta aynan imaan iyada, waxayna tiri , “Maryan maxaa ku helay oo aad la aamusantahay sow tan lagu leeyahay waa sheekaalay”.

Maryan oo aynan jirin labadoodaba cid garatay waxa ay u aamusantahay ayaa tiri iyada oo ka baxsanayso in Sahro u aragto aamusnaanteeda in aynan doonayn sheekadeeda, “ Abbaay aamusnaantaan waa wax iska caadi ah ,mana’aha in aanan sheekadaada rabin ee caawa magaalada ma kuu raacaa”.

Kadiijo ayaana tiri inta aynan Sahra ka hadlin in ay maryan magaalada u raaceyso iyo in kale “ oo ma intaas baad la aamusnayd, waa maxay magaalada ma kuu raacaa , orad isa soo diyaari soona labiso ,ogowna Sahro waa walaashaa waana ruuxa kaliya ee laguugu aamini karo in aad magaalada u raacdo inti aad kala baraneyso macnaheeda”.

Sahra oo markaa aan ku socon arrin khaas ah ,doonaysana in ay u daawasha tagto Filim aad loogu ammaanay, sheekadiisana ay ku maqashay dugsiga tababarka milatariga ee Xalane gudihiisa , habeenkaa haddii uu dhaafana loo gudbinayo goballada kale ee dalka ayaa tiri.“Maryan waad i raacaysaa ee orad soo labiso soona dhaqso”.

Maryan intaa marki lagu yiri aad bay uga mabsuuday waxayna ku dhaqaaqday in ay is diyaariso si ay Sahra u raacdo. Khadiijana iyada oo Sahra la balamayso ayey tiri.Sahra ,abbaay ka warhaay Maryan, ilayn waad taqaanaa in aynan magaalada Muqdisho kala aqoon”.Sahra oo Khadiijo u muujineyso in aynan Maryan uga duwanayn walaasheed ayaa tiri. “Khadiijo ,waayo qofka aan ka warhaynayo haddii aanan ka warhaynin Maryan”.

Sahra marki ay intaa tiri Khadiijo iridka ayey ka baxday iyada oo ku kalsoon Maryan haddii ay Sahro magaalada u raacdo in aynan waxba ka hallaabayn, waxayna aaday qolka u shisheeyo ee gurigga oo ay joogtay hooyo Faadumo iyo gabarti yareyd ee uu abtiga u ahaa adeer Axmed, wax yar keddibna Maryan way is diyaarisay waxayna labisatay dhar aad u qurux badan ee quraxdeedi cajaa’ib ka lahayd sii kordhisay, intaa keddibna Sahra ayaa tiri , “Maryan inna keen waan baxaynaa”.

 Maryan iyo Sahra qolki ayey ka soo wada baxeen, waxaana iyaga oo doonayo in ay ka baxaan guriga u yeeray adeer Axmed ,wuxuuna Sahra ku yiri , “Maandhaay Sahra, xagee u wadaa gabarta”.Sahra ayaana ugu jawaabtay si usluub ah oo ay ku karaameyneyso Aabaheed ,waxayna tiri, “Aabe waxaan gaaraynaa magaalada, si dhaqsiya ayaana u soo laabanaynaa , haddii ilaaheey yiraa”.Adeer Axmed : “Sahra ka warhaay gabarta waa walaashaa , kaalay lacagtan qaata, yaana lagu soo daahin magaalada.”.

W/Q: Cabdullaahi Macallin Maxamuud (Siyaasi)

SHEEKOOYIN