Sheeko taxane ah:Quraafaadka Faaliyaha Q8AAD W/Q: Cabdullaahi Macalin Maxamuud(Siyaasi)

pizap.com14732612463621

Sheeko taxane ah:Quraafaadka Faaliyuhu  Q8AAD 

Maryan waa daayay welwelki hayay, waxaa ugu badan ee ay ka fekeri jirtey wuxuu ahaa sidee yeeli doontaa ayahaaga dambe. Waxayna habeenki ay reerkan u soo gashay bilawday, in ay si caadi ah ula qabsato habdhaqanka nolasha guriga ka jirtay,maalinba maalinta ka danbeyso jirkeeda wuu soo qurxoonaanayay waxayna sanad ka bacdi waxbarasho ka bilowday dugsiga waxbarashada dadka waaweyn. Maryan waxay baratay aqrinta iyo qorista afka Soomaaliga oo ay abaarti dabadheer ka bacdi dowladda Soomaaliya ollale ballaaran ku qaaday in ay dadka Soomaaliyeed oo dhan gaarsiiso in ay aqriyaan iyo in ay qoraan afkooda hooyo.Maryan way baratay farta soomaaliga, Dhamme Cusmaan oo iyada nolasheeda mas’uul ka ahaa, waa la dalacsiiyey   waxaana wareegto lagu siiyey darajada Gaashaanle.

Maryan waxay noqotay gabar ay aad u jecel yihiin dadka deggan deegaanka ay ku nooleed,waayo waxay aheyd gabar aad u adeb badan, dad la jirkeedana aad u fiican yahay, waxaa kale oo ay la soo baxday qurax iyo bilic, Maryan waxay ahayd gabadh midabkeedu maariin dhalaal ah oo dhiig furan,dherer haween kan ugu wanaagsan, dhexyar oo laba qaar u kala qaybsan, haddana aan weyd ahayn ee hilib tin iyo cirib isku jaan go’an leh,waxay lahayd indho waaweyn iyo sunniyo sida bisha isku qayday, tima dheer   oo ka degaya dhabarka, Ciridka wuxu ahaa dugul madoow ilko siman oo cadcad sida cadceeda, markay dhoola caddeyso aad moodo iney birbirqayaan, qofkii arkaana aanu ka jeesanayn quruxdeeda, hannaan iyo hubqaadba gabar eebbe hibbo u siiyey ahayd, qofki arkaana u maleynayo tilmaamihii,Xaaskii Nebi Ibraahin(NNKH) ee Saara ama Suleekhadii Nebi Yuusuf(NNKH).

Maryan waxaa reerki ay la joogtay G/shaanle Cusmaan iyo xaaskiisa Khadiijo ku soo kordhay gabar waxayna ku samiyeen Maryan keddib marki ay Maryan noqotay sida runta ah mid aan uga duwanayn ilmahooda sida ay u ixtiraameyso iyo wanaagga ay kula joogto.

 Maryan waxay u gudubtay fasalka saddexaad ee waxbarashada dadka waaweyn sanadkana wuxuu ahaa 1977, da’deeduna waxay madaxa la sii galaysay toddobo iyo toban jir. Maryan iyada oo isu diyaarineyso in ay u fadhiisato fasalka saddexaad, suuqana ugu maqan in ay buuggaag ka soo gadato ayaa waxaa guriga u soo weydaartay G/shaanle Cusmaan oo isaga loogu soo sheegay xarunta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee degmada Gaalkacyo in uu u shaqo tagayo goob ka mid ah goobihi ay dagaalka ka wadeen Jabhada Xoreynta Soomaali Galbeed si uu uga kaalmeeyo waayo aragnimadi uu u lahaa sahminta meelaha cadawga deggan yahay iyo dagaal gelinta ciidanka.

Maryan waxay guriga ku soo laabatay G/le Cusmaan iyo Khadiijo oo wada fadhiyo, labadoodi ciyaalna uu Mahad kala joogo oo markaa da’diisu ahayd afar jir, gabdhoodi yaraydna ay mar hore ka seexatay, marki ay guriga soo gashana salaan keddib waxay u gudubtay qolkeeda ,waxaana u yeeray G/shaanle Cusmaan iyada oo markaa dooneysay in ay iska soo dhigto alaabti ay soo iibsatay.Maryan marki loo yeeray way soo fadhiisatay iyada oo ka yara shakisay fadhigan, garatayna in uunan caadi ahayn ,waxaana G/shaanle Cusmaan ku yiri.“ Maryan waxaan rabay in aan kula socodsiiyo arrin muhiim ah oo annaga oo dhan na khuseeyo si degdeggana noo soo guda galay caawa”

 Maryan iyada oo aan garan waxa uu soo wada, niyaddana ay iska leedahay war caawa maxaa jira?, miyaa G/le cusmaan laga soo doontay gacantaada ,saas darteedna uu doonayaa in uu kaala tashto, maya,maya,waxba ha degdegin ee ka war sug waxa uu doonayo in uu kuu sheego reerka oo dhanna khuseeyo, ayaa tiri,.“ Walaal maxaa innagu soo kordhay caawa”.

G/le Cusmaan ayaana ku yiri oo isaga iyo xaaskiisa ka wada tashteen sida ay ku sugnaaneyso xaalada reerka inta uu dagaalka ku maqan yahay, cadowgana ka soo dhicinayo dadka iyo dhulka ay ku gumaystaan Soomaali Galbeed ayaa yiri. “Maryan waxaan shaqo u aadayaa goobaha dagaalka ka socdo haddii ilaaheey yiraa wixi berri ka dambeeyo, waxaana anniga iyo Khadiijo isla meel dhignay inta aan dagaalka ku maqanahay in aad aadaan magaalada Muqdisho, kuna degtaan Aabbaheey,waad taqaanaa sida aabbaheey kuu jecelyahay oo waad ogayd maalmihi gabarta ii dhalatay oo uu siyaarada gaaban nagu soo gaaray sidi uu kuu dhaqaaleyn jiray, waxaa kale oo Khadiijo ii sheegtay in ay u gudbeyso reerkooda oo deggan degmada Kismaayo oo aynan iyada mudda soo booqan,waxaa iyagana horay u raacayo Mahad iyo Maryan,adigana haddii aad doonto waad la gudbeyso haddii aad isleedahayna Muqdisho oo aadan weligaa arag maalmo sii joog waa ku kaas ,Khadiijana way kuu soo laabanaysaa oo Muqdisho ayey imaanaysaa iyada, Mahad iyo Maryan keddib marki ay Kismaayo joogaan laba bil”.

Maryan oo arrintan ka fajicisay degdegna ay ku noqotay jawaabtana kala soo daahday G/shle Cusmaan ayaa tiri “ kol haddii ay sidaa tahay ehelkaaga ayaan la sii joogayaa oo waa runtaa Muqdisho waan u baahnaa in aan arko, keddib marki walaasheey Khadiijo ay ku so laabatana Muqdisho iyada ayaan ku wareegayaa, adigana waxaan illaaheey kaaga baryayaa in aad ku soo guuleysato howsha aad u socoto, xabashina illaahey ha jabsho, Amiin”.

   In yar debadeed marki la isla meel dhigay gebi’ahaan wixi guriga ku noolaa sidi ay ku sugnaan lahayd xaalada reerka inta G/sle Cusmaan ku maqan yahay shaqadaa loo diray.Maryan way istaagtay,casho loo dhigay ayeyna ka soo qaadatay qolka kariska ,marki ay cashaysana way seexatay.

Galabki xigayna G/le Cusmaan ayaa guriga irid bannaankiisa soo dhigay gaari uu ka soo kiraystay saldhiga baabuurta xamuulka iyo dadkaba qaaddo oo uu doonayay in uu reerka ugu raro alaabta,ka bacdina uu Muqdisho geeyo.waxaana in yar debadeed lagu raray gaarigii wixi alaab ah oo ay horay ugu qaadan lahaayeen magaalada Muqdisho.

Keddib marki la raray gaarigi,G/shle Cusmaan wuxuu isugu yeeray Khadiijo iyo Maryan si fiicanna ula ballamay,intaa keddib wuxuu si gaar ah ula ballamay Maryan oo iyada aan aqoon u lahayn magaalada Muqdisho maqal maahine iyo in ay Gaalkacyo ka xigto dhanka koofureed wuxuuna ku yiri “ Maryan, ma filaayo in reerkayga dhibaato kaaga immaaneyso inta Aabbaheey noolyahay iyo wiilka da’ahaan igu soo xiga Maxamuud oo isaga hadda ku maqan qurbaha.

Maryaneey adigana waxaan kaa rabaa inkasto oo aad maanta ka duwan tahay maalinti aad nagu soo biirtay, oo aad waano ka dhantahay ,wixi adiga kuu dan ahna waad garaneyso, haseyeeshee waxaan u gogol xaaranayo waxaa weeye. Maryaneey Muqdisho ma’ahan magaalada Gaalkacyo oo kale magaala yar , mana deggano dad is yaqaan sida magaaladan,midda kale marki aad gaarto Muqdisho haddii ilaaheey idmo kuna degto Aabbaheey ,waan aqaanaa aad buu kaaga ilaalinayaa wixi adiga ku dhibayo in uu ku yiraahdo waayo aad buu ii jecelyahay aniga,wuuna ogyahay in aan aad kuu jeclahay kaagana warhaayo sidi Mahad oo kale.

Haddaba Maryaneey ha yaraato saantaada, haddii ay dhacdo in magaalada Muqdisho ku soo jiidatana, ilayn wax badan bay kaga duwan tahay magaaladan, aad ayeyna ugu weyntahay, indhahaada ha feejignaadaan,kana digtoonow kuwa laga soo nacay cirka iyo dhulka waalidkoodana habaarey ee joogo magaalada Muqdisho dadkana dago, waana iga intaa hadal iyo dhammaantiis ee Maryan indhahaaga fur,kana digtoonow cadawga nagu dhex jiro ee gabdhaha yar yar dulleeyo”.

Marki uu G/shle Cusmaan hadalkii ka baxayna waxaa hadal gaaban oo uu ku jiro ixtiraan ku tiri Maryan, oo iyada dhegaheeda u furtay hadalkiisa lana socotay sida uu u waaninayo wanaag badnaanteeda ayaa tiri . “Walaal Cusmaan, balan ayaan kaa qaaday in aan ku fullinayo oo weelaynayo waanadaada, meel dheer ayaana ka marayaa kuwa aad sheegayso ee siriqda la ilaalsanayo dadka jilicsan, walaal waxaan mar kale ku leeyahay ilaaheey guul la taaban karo ha idinka gaarsiiyo howsha wanaagsan oo aad ugu jirtaan dadkiina iyo dalkiinaba”.

La soco qaybaha dambe.

W/Q: Cabdullaahi Macalin Maxamuud(Siyaasi)

SHEEKOOYIN