Sheeko taxane: Horta yaa abaal gala? Hadduu jirona yaa guda ?Q10AAD W/Q: Xuseen M.Cabdulle “WADAAD”

quotescover-jpg-52
Sheeko taxane: Horta yaa abaal gala? Hadduu jirona yaa guda ?Q10AAD 

Hooyo Kutubo ayaa iyadoo gacanta bidix ka laafyooheyso,gurigeedii ku soo noqotay.Waxaa galay farxad iyo yididiilo cusub oo dhaanto tii odayada.Waxeey albaabka guriga ka soo gashay iyadoonba aheyn, hooyadii carada iyo weji macbuusnimada la baxday.Waxaa ka muuqdo dhoolla cadeyn iyo furfurnaan aan bixiddeedii ka muuqan..Waxay soo heshay kalsooni.Waxeey is tustay Rajo ka soo hormuuqato.aanse xaqiiqdeeda la garan karin.

Raxmo Yareey oo la yaabban isbedelka hooyadeed ku soodhacay ee sida dhaqsahaba leh u soo celshay. Ileeyn ma maqna ,muddo ay ku tagto guriga Abti Axmed.Haddana wejigeediiba maahan,wejiga cusub ee ka muuqdo hooyo Kutubo.Waxeyna weydiisay:“Hiindadeey macaan: wax maad ilawday?”

Hooyo Kutubo: Maya !! ee hawshaan u baxay ayaa ii soo dhammaatay.

Raxmo: “See ahaantaana hooyo? Hadda leeba baxdee!!”.

Hooyo Kutubo: “Waan ka joogay aaditaankii Xaafadda Abti”meel kalaa raja iiga soo muuqatay. ee Aaway Odaygiina?

Raxmo: Aaboow hadda ayuu baxyay, waxuuna i yiri: “Qado ha loo diyaarsho Axmed,iyo Joodari, uu dhulka isaga dhigo”.

Hooyo Kutubo: Waa tahay Maandhaay, ee xaad hee dabka saartay?Muggaan hee anaa qadada qaadaayo , si aan u soo arka bal canugga sow u yaallo.

Raxmo: habarteey, maadaaba qaadi karo joodari ha loo diyaarshaa Aabow igu yiriye. Waxaan dabka saaray Bariis Baasarac ah.

Hooyo Kutubo: Waa tehee, bal wax uun diyaari!

Rabtu waa Saldhigii 5aad ,Saacaddu waa 12:46 (Lix sac iyo afartan iyo lix daqiiqo) Saqda dhexe kadib.Albaabka dambe ee Saldhigga waxaa dabadabo loo soo geliyay Fatuurad Madaw, oo muraayadaheeda aan wax laga arkeyn..Waxaa la socday oo ka soo degey laba nin oo ku lebisan dhar caadiya..shufeerkiina waxuu ku haray Fatuuradda shukaanteeda. Askari lebisan ayaa dibadda ka furay qolkii uu ku xirnaa Axmed Dheere, Axmed Dheerena, waa kaa si Raaxo leh ugu hurdo joodarigii loo keenay,waxuu maqlay Magaciisa:Axmed Maxaad Cali.Axmed Jiifkii ayuu kasoo booday,waxuu u soo jeestay xagga albaabka uu codka uga imaahayay.Indhahiisa waxeey qabteen Askariga oo Gacanta ugu yeerayo, wuuna soo baxyay.Garabkaa la qabtay waxaana qol ka mida qolalka Xafiisyada saldhigga loogu geeyay nin ku lebisan dhar cad oo ah Dembi-baaraha kiiskooda, waxaana dhex maray hadaladaan:

 

Dembi Baaraha: Magacaa?

Axmed: Axmed Maxaad Cali.

DB: Hooyadaa Magaceed?

Axmed: Kutubo Xamuud Jimcaale.

DB: Meeqa sanaad jirtaa?

Axmed: Toman iyo lix sano.

DB: Waad ogtahay sow maahan, waxa aad haleyseen ineey dembi adag yihiin?

Axmed: Xaan halleynay oo dembi ah?

DB: Dhegeyso, noqo wiil fariida, waan ku caawinaa, waana ku sii deyhaa ee seey wax u dheceen uun ii sheeg?

Axmed: Ununkoo quful siddeed dheeleyno, ayaa waxaa noo yimid Dalmar, xoogaa muggoow nala joogay,oon is wareysannay ayaa askar Fatuuro wadato noo yimideen, ilmihii nala joogayna naga kala kudeen,aniga iyo Dalmarna Rabtaas ayaa nagala soo watay.

DB: Waan ku gartay, laakiin arrinka Gabadha ,maxaad ka tidhi?

Axmed: Ma helo arrinkaas.

DB: Ma noo sheegi gadhaa magacyada ilmaha idinla joogay?

Axmed: Cabdi, Jilay, Hinqaasle, Madoobe,Dheereeye,iyo…

DB: Wax kale oo aad inoo sheegeyso meey jidhaan?

Axmed: E eheeeeeeeeh..

DB: Ku mee Askari? Kexee ,kuna wareeji XX!!

Askarigii: Ayaa salaam u saaray Dambibaarihii,haggaag taliye ayuu ku yiri.

Askarigii, waa ayaa garabka markiiba ku dhagay Axmed, ulana dhaqaaqay xaggaa iyo albaabkii dambe ee Saldhigga 5aad.Labadii nin ee dhar cadka ahaa ayaa gacanta loo geliyay,Axmed Dheere , waana kuwaa markiiba ku ritay Fatuuradii.Labada dhinac ayayna ka kala fadhiisteen.Miraaq madow ayay indhaha uga xireen, labada gacanna waa ka jeebeeyeen.Waxaana markiiba la dhaqaajiyay fatuuraddii..xiim xiim xiim.

Axmed Dheere Waxaa dhexda gashaday   nin aanu aqoon isagoo weliba niyadda ka ooyaya, rabta lagu socdaana war iyo wacaalba aan u heyn.Waxuu hoosta ka akhrihaa Aayado quraana,Rabbiyoow i bixina hoostoow ka leeyahay.Fatuuraddii Axmed qaadatay, waxeey marba jiho aaddaba, waa taa ugu dambeyntii tagtay Rabtii eedeysanaha loo watay.

Waxaa fatuuraddii dig laga soo siiyay Axmed oo jeebeysan,indhahana calal madow uga xiran.Maha la keenay, waa meel aad uga qaboow,Rabta laga keenay, waxaa yeerayo waa hugun Hireed .Waxaa la geeyay Xafiis yar oo uu fadhiyo Nin aad u buuran, Indhahana dhiig yihiin, Shaarubo dhaadheerna leh, Madaxana xiiran yahay,Macal aad u buuranna leh, Jeegada madaxa caddiin la laalaaban tahay. Markii indhaha laga furayba ninkaas ka yaabshay ayuu indhaha ku dhuftay.Nimankii keeneen axmed , Waxeey Ninkii kursiga fadhiyay ku wareejiyeen warqad qoran oo saldhigga looga soo dhiibay.Ninkii waxuu isha mariyay waxa ku qoran warqadda, kadibna waxuu su’aalo ku bilaabay Axmed, waxeyna u dheceen sidaan:

Ninkii: Waryaa, Canugyahow xunkaa Maxaa idiin geeyay gabadha?

Axmed oo naxsan lana yaabban hadalkaan qalafsan ayaa ku jawaabay:Maba ogi geberta aad sheegeyso.

Ninkii:Hadda waxa laguu heysto oo laguu soo xidhay, ma ogi miyaad i leedahay?

Axmed:Waxaas wax kama ogi ee idinka Muslin miihidiinoo? Wallaahi.Billaahi.Tallaahi ma ogi waxaas.

Ninkii waxuu u yeerayaa nimman qol ku dheggen ku jiro,waxuuna  yiri ereyo ay ka mid yihiin “Ha la soo bisleeyo”Ma bisla..Weli waa ceedhiin.

 

 

La soco qaybaha kale

Waxaa qoray:

Xuseen M.Cabdulle “WADAAD”

huswadad@hotmail.com

 

SHEEKOOYIN