Sheeko taxan: Horta yaa abaal gala hadduu jirona yaa guda? Q11 W/Q: Xuseen M. Cabdulle “WADAAD”

quotescover-jpg-52
Sheeko taxan: Horta yaa abaal gala hadduu jirona yaa guda? Q11

Axmed Dheere, ayaa isagoo bahdilan, rafaad,caro iyo ciil dhuuntu laba u kala go’an tahay, dib loogu soo celshay ninkii macasha weynaa.waqtiguna waa habeennimo, qabaw daran iyo dhaxana waa jirtaa waana la sii qooyey oo biyaa lagu furey isaga iyo dharkiisii qol mugdiya oo shamiinta ah baddana ku sii jeeda oo yal qaboow ahi ka soo gelayo Axmed isagu waa qarqarayaa qaboow iyo dhaxan awgeed, Ninkanse marwaxadda ayaa u shidan, weliba wuxuu dareemayaa kulayl oo uu iska qaboojinayaa, ”Waa adduun iyo xaalki oo laba kala bariday, kala war la'”.

Markaan Axmed ,Socod fiican kuma jiro oo lafahaa laga garaacay waa la fiigeeyey oo laba diblaa loo xirey inta beerka dhulka loo dhigay baaldiyo biyo ahna lagu dul shubay, isagoo aan talaabbada hidin karin oo labada garab laga hayo,lugahana dhulkuu ku jiidaya ayaa qolka la soo geliyey.Markii qolka la soo galshayba waxuu indhahiisu qabteen Xaaji Macal oo hortiisa miiska intuu lugaha saartey, BEEBKA sigaarka dhuuqaya, Kibir iyo islaweynina ka muuqdo waa naxariis laawihii amray in sidaan loo soo galo oo loo ciqaabo.

Waxaana markiiba salka loo saaray kursi bira oo ninkaas hor yaalay, waxaana markiiba u soo istaagay ninkii, Waxuuna ku yiri:
Ka warran xaalkaaga? Axmed, isagoon hadli karin ayuu indhaha gulux ku siiyay,hoosna isaga jeestay.saasna loogama aamusine su’aalo badan ayaa dhex maray isaga iyo ninki taliya ahaa ee Xaaji Macal, kuwaas oo ku dhammaaday in warqad la hor dhigo laguna amrey inuu Saxiixo Axmedna wuxuu saxeexay isagoon fahmin waxa ku qoran, waayo waa talax dhigay sidii loo tumayey ee loo lahaa   haa dheh, qiro waryaa dambigaaga ee loo garaacayey, Rag xooggan oo ciidan ah oo ilmo yar oo curdun beerka kaga tuntey, naxdin uma dhina ciil catoow ayuu la gunuunucayaa.

Waxaa markaan Axmed u yimid, laba nin oo iyana dhar cad ah, waxeyna geeyeen Musqul aan ka dheereyn Rabta warqadda looga saxiixay, waxaana lagu yiri, “Carrada madaxaaga iyo wejigaaga ka buuxdo iska dhaqdhaq.” Isna inuu Musqushii galay ayuu fooldhaqday oo luqunta iyo madaxana biyo iska shubay isagoo korkiisa iyo dhammaan xubnuhu kaarayaan.Markuu ka soo baxayna waxaa lagu soo ritay isla fatuuradii Rabta keentay ,isagoo weliba indhaha uga xiran mirif yaroo madow, gacmahana ka xiran.fatuuradu waxa ay kolba meel u jeesataba,waxaa ugu dambeyn dig lagu soo siiyay Rabtii laga watay ee Saldhigga 5aad.Maalintu waa maalin Axada, jawiga magaalada waa qabow, waxaa tiixtiixayo Dhibco roobaad aan badneyd “Fashiiq”, Guriga reer Maxaad Cali subaxaan waa la kala jarmaaday, Oday Maxaad waxuu maanta u kallahay howl maalmeedkiisii uu shalay cudurdaar la’aanta uga baaqday,Saaxiibkii Cali Gaabna isna waxey ku ballameen in qof kastaa shaqadiisa aado, galabtiina la isku soo warceliyo..

Waxa la joogo waa barqo heraad, Hooyo Kutubo waxeey ku fadhidaa Gambar gaaban oo u yaal albaabka ganjeellada agtiisa,waxeey sugee in mar uun Kub la siiyo albaabka.Way dhararsan tahay imaanshiyaha Islaantii ay shalay ballameen, Marmar waxay is leedahay: “Maxaad magaceeda iyo meesha ay degen tahay u weydiin weysay,si aad adiga warkeeda u raadsato, illeen  anigaa la iga maqan yahay”

Hooyo Kutubo ereyadaas iyo kuwa kaloo badan ayay iskula hadleysaa.Hooyo Kutubo iyadoo saas isula tallameyso ayaa Albaabka la soo garaacay,waa taa iyadoon dheg la qabtaa laheyn fak siisay albaabkii.Waxa albaabka ay ka furtay ma ahan Islaantii ay sugeysay, ee waa islaan kale oo xaafadda uun dhinac ka deggen, oo ugu timid ineey ka wareysato xaalka Axmed.Hooyo Kutubase waa taa Huufta leh, kana naxdayba qofkaan ku soo garaacay..Islaantii guriga ku soo garaacday ayaa iyadoo la yaabban xaalka
eedda Kutubo ku bilawday: Xaa lagu baryay?
Hooyo Kutubo: Xamdi Alla.
Islaantii: Eedda Kutubaay canuggii xirnaa aan maqalnay ma la soo
daayay? Xaase hee lagu heystaa?
Hooyo Kutubo: Weli waa maqan yahay, Waxow halleeyayna ma
jirto, ee gardaraa loo heystaa.
Islaantii: Waa kasee, Wallee beledka Dowlad kama jirto?Wiilkeeygaa ii sheegay in iyagoo iska dheelaayo,askarta u timid, ee Axmed Isaga xoow u roori waayay?,Sida ilamaha kale.
Hooyo Kutubo: Abaayooy, Rabtaan Dowlad ma taallee, Rabbi hanaga soo gaaro. Ma helo, xawse la kudaa, maasaa dembi isku og.
Islaamanka iyagoo warka saas u shubaayo ayaa Duhur, laga kor adimay..Hooyo Kutubana waxay la yaaban tahay islaantii ay ballameen oon xilligaan la heyn. Waxeyna sugeysaa qof ayna xitaa magaceeda aqoon, laakiin ay aamintay.

Hooyo Kutubaa leh : Maandhaay Raxmaay ,bannaankaan u baxaa, meelahaanaan ka fiirfiirihaa islaantii, waa intaasoo ay guriga kasi weysee, bal Qadada sii diyaari.
Raxmo : hayabo Hiindadeey.
Hooyo Kutubo waxay iskala bexeen guriga Islaantii soo booqatay,xoogaa markeey socdeenna way kala leexdeen. Kutubana waxey ku toostay jidkii shalay ay qaadday, illaa ay gaartay Bosteejadii Baska,intaa ay socotana dhinacyada ayay saas u eegeegeysay,bal in ay isheeda qabato islaanta.Hooyo Kutubo, iyadoon wax badanba ka maqneyn guriga, waxaa Albaabkii soo garaacay Islaantii la sugaayay, Waxaana albaabka ka furtay Raxmo yareey.
islaantii ayaa tiri: Asalaamu calaykum.
Raxmo: Wacalaykum Salaan.
Islaantii: Eeddo waxaan raadihaayay guriga Kutubo ee kan ma yahay?
Raxmo: Haahe hore u soo gal.
Islaantii: Eeddo waan degdegaa, hawlaan leeyahee aaway Kutubo.
Raxmo: Hiindeey ma dheero, waa imaaheehe xoogaa soo fariiso.
Islaantii: Eeddo Hooyo ballanaan leheynee, Inteey u baxday?
Raxmo: Ma dheeroo adeey meelahaan kaa fiirfiireysay,waana imaahee ee soo fariiso.Islaantii waa taa daashka kursi yaallay ku fariisatay, Raxmana waa kaa Bakeeri shaaha iyo bakeeri Caano ku jiraan agta ka soo dhigtay, una saartay Miis yaroo kursiga ag yaallay.

La soco qaybaha kale.

Waxaa qoray: Xuseen M. Cabdulle “WADAAD”
huswadad@hotmail.com

SHEEKOOYIN