Sheeko taxane: Horta yaa abaal gala? Hadduu jirona yaa guda ?Q5AAD W/Q: Xuseen M.Cabdulle “WADAAD”

quotescover-jpg-52
Horta yaa abaal gala? Haduu jirase yaa guda? Q.5aad.
Raxmo oo haadeysaa dalaq tiri qolkii Aabbaheed Maxaad Cali hurday,waxayna si degenaansho iyo miyir qab aan laheyn u tiri: Aabbe Aabbe “Axmed askaraa wadatay ee soo kac”.
Aabbe Maxaad Cali ,Dhawaqa uu maqlaayo ma garan, ma riyaa,ma runaa,ma dhalanteedaa, waxuu isu rogay dhinaca kale, hurdada ayaa meel macaan u mareysan  waayo hiinraaga Khuurada  ka baxaysa  ayaad ka garaneysaa  daalka iyo baahida uu u qabo  hurdada, maxaa yeelay “Salaadda subax suu u baxay ayuu Maqribka kadib soo noqdaa”, Waxa uudareeemayaaa “waa daal maskaxeed iyo mid jireed”,.

Raxmo kuma daahine, markiiba waxay u noqotay halkii hooyadeed ku wareysaneysay dhallinyaradii warka dhiillada leh soo sheegtay, oo iyada lafteeda waxay rabtaa ineey maqasho waxa wiilasha sheegaayaan, waxaa ka muuqdo ineey xiiseyheyso maqalka sheekada, oo ay is leedahay: “yaaneey wax ku seegin”

Odayga kolkii xoogaa la waayay wiilashiina warka dhammeeyeen, odayguna soo bixi la’yahay, ayay hooyo naxariis badan aadday qolkii odaygu hurday, intaaneey qolka gaarin ayeey sii qaylisay oo tiri:
Areey Maxaadoow xaa ku helay? ku aaway ?Xaad la jiiftaa?Intaas markuu maqlay ayuu kasay waxa uu hore u maqlaayay ineey run ahaayeen, Jiifkii ayuuna ka soo booday ,Waxuuna yiri:
“Xaa jiro”?
Hooyo Kutubaa ugu jawaabtay:
-Wiilkii Axmed ahaa askaraa wadatay ayaa la soo sheegee “kac ee u qun xagahaas”.
Oday Maxaad waa kaa isagoon dhega la qabtaa laheyn,warkana sii jirijirin  isku boobay 
dharkuu shaqada uga yimid , horena u sii illaday laba kob oo sandal kala jaad ah..Waxuu ka fekeraa yaad sii wadataa ood wehel ka dhigataa? ,Waxaa maankiisa ku soo dhac- dhacaayo magacyo badan, kolkii dambese waxuu talo ku gooyay inuu sii maro Cali Gaab , oo uu isagu u door biday inuu aqoon durugsan u leeyahay hawlaha Booliiska..

Oday Maxaad Cali waa kaa ku garaacay guriga Cali Gaab oon weli laga kala seexan,Albaabkuu garaacayaa, waa laga furayaa, Reerkuu bariidinayaa:
See la yahay?, Ilmaha ma roonoo?, Saaxiibkiis ayaa maqlayo codkaa uu yaqaan si diirran ayuuna u soo dhaweyhaa: “soo gudub oo soo fadhiiso”,
Oday Maxaad Cali: “fadhi ma yaallee soo lebiso”.
Cali Gaab: Xaa jiro xilligaan hee?
Oday Maxaad Cali: Waxaan aadeynaa Saldhigyada Booliiska.
Cali Gaab: Bisinka xaa dhacay shiminkaan.
Oday Maxaad Cali waxuu ku jawaabayaa:
Waxaa askari wadatay wiilkii Axmed ahaa isagoo meelahaan ku ciyaarayo,lamana oga waxa loo watay.
Cali Gaab: Adeer Maxaadoow “Hadda waa cawee aan u waabariisanno””Wareer Cawo waa loo waabariistaahe”.
Oday Maxaad Cali oo xanaaqay ayaa yiri:
“Birri ma sugi karnee ma i raacee, mise waan iska socdaa?
Cali Gaab: Adeer Maxaadoow “maanaa kaa heri karo” guriga ayuuna hore u galaa si degdeg ah ayuu u soo lebisahaa, Waxuu soo baxaa isagoo ku lebisan dhar isku joog isku midaba, Koofi Baraawena madaxa u saaran tahay, Cimaamad qurux badanna garabka ku sita, waxuuna hore u sii illaday Saandal Si fiican loo buraashay oo wada ifaayo, waana la is raacay.

 
 Cali Gaab: Waxaan u filaa inaan ka bilaabeyno Saldhigga 5aad ee xaafadda, Waxay ila tahay wixii meelahaan ka dhaco in isaga uun la geeyo.
Maxaad Cali: Waa tahay ,isagaba aan ku hormarno.
Waa la is raacayaa, iyadoo lugta la maalayo, jidka inta la socdana waxaa dhex maraayo hadalladaan:
Cali Gaab: Cunugga xoow halleeyaad is leedahay?
Maxaad Cali: Moogi, Axmedse waa canug deggen, balse “maha muggaan tagnaan
arkeynaa”.
Maxaad Cali: Caliyoow Adiga horta yaad ka kasee saldhigaan?
Cali Gaab: Nimmaan saaxiib nahay oo saajin ahaa ka shaqeeyo, “Waase hadduu joogo imminkaan”!! dhibse ma lahoo ,Waxa jira meehaan ka soo ogaaheynaa “Illaah idinkiis”.

Maxaad Cali iyo Cali Gaab waxeey sii lugeeyaanba, waa kuwaan Saldhiggii 5aad dalaq soo yiri. Waxey albaabka hore kula kulmaayaan askarigii gaarka ka ahaa,
waana salaameen: Asalaamu Calaykum.
Askarigii: Wacalaykum Salaam.
Askarigii: maxaa darnaay “Ood rabteen”?
Cali gaab: Canugaa naga maqan, Waxaana naloo soo sheegay in askar boolisa qabatay.
Askarigii: Gudaha taga oo Oobiga weydiiya!.
Maxaad iyo Cali Gaab: waa kuwaa iyagoo socod boobaya u tegey askarigii
Dambibaaraha fadhiyay.
Askarigii Dambibaaaraha: Soo dhawaada! Maxaan idiin qabtaa?
Markaan waxaa warka boobay Oday Maxaad Cali: Wiilaa naga maqan, kaas oo naloo soo sheegay in Booliis ay soo qabteen.
Askarigii Dambibaaraha: Magaciis?
Oday Maxaad Cali: Axmed Maxaad Cali.
Askarigii Dambibaaraha: Waa heynaa isaga iyo wiil kaleba.
Cali Gaab: Maxey halleeyeen oo loo soo xiray?
Askarigii Dambibaaraha: Waxey ku tuhman yihiin dembi culus, oo haddii lagu helo ay la kulmayaan ciqaab adag.
Oday Maxaad Cali : Mahaas marka warka maraayo ,korontadaa ka tagtay,
Dhulkow jilba jawsaday, waana hadli waayay, waxaase hadalkii qaatay Cali
Gaab oo yiri: Waa maxay dembiga loo heysto?
Askarigii Dambibaaraha: Hadda ma idiin sheegi kari! “Baaris ayaa ku socota, Berri
subax u imaada taliyaha.

Maxaad Cali oo socodka dhibaayo,lugahana jiidaayo iyo Cali Gaab,waa kuwaa iyagoo aan wiilkii iyo war qummanba wadin Saldhiggii iska raacay.Maxaad Cali oo hadalka dhibaayo, aad-na u qabto in ceejo lagu
haayo ayaa yiri: “Waxa loo heysto canuggeenna in naloo sheego xaq uma lihin miyaa?”
Cali Gaab: “Haa, laakiin waxaan filaa in weli baaris ku socoto sida naloo sheegayba. foogtaanse warkiisa heleynaa, Rabbi idinkiisa, waana nin Ragga wax ka hallaabi maayaane, Ha la dulqaato, “iyadaaba War jiraa bannaanka imaane”.
Oday Maxaadse; warkaas kuma socdo. Waa kaas lugaha jiidaayo,waxuu ka fikiraa ,waxa uu u sheegi lahaay hooyo Kutubo.Waxey la tahay inaaneey sahlaneyn “Wiilkii ma wado, ma soo arkin, waxa loo heysto ma ogi,” iyo ereyadii saldhigga looga sheegay ee ahaa  Waxey la kulmaayaan ciqaab adag, hadduu ku caddaado dembiga loo heysto.
Hooyo Kutubo iyo ilmaheeda dhegtaa u taagan..Waxey dhawraayaan waxa ay la soo noqon doonaan Aabbe Maxaad Cali iyo Cali Gaab..Waxeey filaayaan kolleey “in aaney fara marnaan soo noqon doonin”.
Reerkiyoo sugi la’ soo noqoshada odayada , waana kuwaasoo calaacalkiina ka dhammaaday, Ayaa albaabka la soo garaacay, qof keliya ma aadine waa kuwaas la wada yaacay, oo qof kastaa rabo inuu Axmed u haanyoodo. Waxaa fak la siiyay albaabkii ganjeellada ; Weger iyo weger, waa naxdin cusub oo
ku timid reerkii, waxey filaayeen odayada qalab qaatay inaaney marnaba soo noqoheyn iyagoo aan wadin Axmed.
Hooyo kutubaa ku bilawday su’aalo Odayadii soo gurya noqday fara-marnaanta, Waxeyna tiri: Xaa jira hee !!Aaway wiilki?

 Oday Maxaad Cali: Wiilkii waa xiran yahay.
Hooyo Kutubo: Hadduu xiran yahay!! “Xaad hee u soo dey weyseen?
Lama odayoo is raacaad aheydeene!!.
Oday Maxaad Cali: Waa aamusay..jawaabna waa ka soo bixi weysay,
 Waxaase jawaabay Cali Gaab oo yiri: Eeddo Kutubeeyeey, waxaa na loo sheegay in wiilkaiyo wiil kaloo la xiranba loo heysto eedeyn culus.
Hooyo Kutubo: Yaahuu!! Walba ma soo aragteen? oo ma weydiiseen usuga waxa ay halleeyeen?
Oday Maxaad Cali: Maya!! berri subax ayaan u tegeynaa Taliyaha saldhigga.
Warka markuu intaas maraayo ,Cali Gaabna dareemay in Kutubeey mihi la saro dhiig laheyn, Ayuu si hoose u yiri Adeer Maxaadoow: Waa noo foogta illaah idinkiis, waana iska qunyay.
Guriga Reer Maxaad Cali, cawada jiif ma jiro..Oday Maxaadna faraqaa la heystaa..Waxaa ku dhacdhacaayo dhagahiisa ereyo badan oo ay carada keentay..Waxow niyadda uga cataabaa :Wiilka maanaa xiray?!!Yaase u joojihaayo,waxaad rabtaba sheeg.Ilmaha guriga joogo, doodda Iyo carada lagalama gaban ,ee wax walbaa waxay ka dhacaayaan hortooda. Waxaa la kala galay qolalkii jiifka.iyadoo hoosta laga wada guuxaayo “Guryamayo”..
Oday Maxaadna waxuu si hoose u yiri gabartiisa Raxmo: Maandhaay Ciyoow seexa bal!!
Waabirigina canjeerada ha la boobsiiyo, si aan walaalkaa quraac ugu qaadno. Raxmana waxay ku jawaabtay: Haye Aaboow.

Saacaddu waa abaarihii 7dii iyo 45daqiiqo ee saqda dhexe kaddib. Rabta la joogo waa Saldhigga 5aad.. Waxaa fak la siiyay albaabkii ay ku xirnaayeen Dalmar iyo asaxaabtii la xirneyd, Waxaa yeeraayo cod:
Dalmar Hareeri Dubbad. ..Dalmar Hareeri…Dalmar Hareeri..

Dalmar waa kaa iska gataati dhacay, daalkii safarka dartiis, waxa la naadihayana warba uma haayo.kolkuu dhawaaqi waayay, waxaa qolka hore u soo galay Askarigii magaciisa naadihaayay, waxuuna ku kiciyay haraati, isagoo leh: kac waryaa!! Maxaad noo dhegeysee?
Dalmar hal mar ayuu jiifkii ka soo booday, isagoo leh: yaah yaah. Haye. loogamase harina, dibaddaa lagu soo tuuray, iyadoo la qadaanqadihaayo.
La soco qaybaha dambe
Waxaa Qoray:
Xuseen M.Cabdulle “WADAAD”
huswadad@hotmail.com

SHEEKOOYIN