Sheeko taxane: Horta yaa abaal gala? Hadduu jirona yaa guda ?Q6AAD W/Q: Xuseen M.Cabdulle “WADAAD”

quotescover-jpg-52

Horta yaa abaal gala..? Hadduu jirase yaa guda.? Q.6aad.

Muggaan waxa Dalmar ay is hayaan, oo ay indhahiisu qabanayaan ma ahan dadkii uu hore u arkay oo sida ka yaabisay u lebisnaa, kuwaan waxay wataan waa dhar caadi ah (Surwaallo iyo shaatiyo iyo kabo sandal ah).Dalmar iyadoo garabka lagu dheggen yahay ayaa qol yar lala galay,waana kaas oo albaabkii gudaha laga xiray,waxa la weydiiyay: “War cusub ma noo heysaa?”

Waxuuna ku Jawaabay Dalmar: “Oo maxayna? Maxaad iga dooneysaan?

Intaasba markii la is weydiiyay, labadii nin ayaa is eegay oo indhaha iskala hadlay oo isla markiibana midba gacan ku dhegey, Dalmarse si fudud isuma dhiibin”.wuxuu bilaabay fagaxfagax (furdudugeyn) iyo iska filqin, qiyaastii in ku dhaw  toban daqiiqo kaddib “Ayaa xabad-xabad dhulka loo dhigay”, garbaduubna loo jeebeeyay.Iyadoo garbaha la haayo ayaa la sara joojiyay, indhahana maro madow looga xiray,waxaana lagu yiri “juuq haddaad tiraa iska jir” , waxaana la saartay baabuur madow oon aheyn kii watay lambarka 888da, kaas oo daba-daba loo soo geliyay iridka dambe ee Saldhigga 5aad.

Miskiinkii Dalmar ahaa, waxaa la wadey isagoo indha xiran, garbaduubna u xiran ,war iyo wacaalna aan u heyn maha loo wato iyo waxa laga raba midna. Fatuuradii la saartay, waxa ay sii xiintaba, waxaa isa soo dhimay xawligii orodka waxaana lagu qabtay Caliyaha(Farriin ama Bereega) kolkii ay tagtay bartii loo wadey Dalmar..

Waxaa horta ka soo degey fatuuradda, labadii nin ee dhinacyada ka fadhiyay,waxayna dheheen soo deg..garabka ayayna qabteen oo waa soo dejiyeen, isaguna maba awoodin inuu soo dego ama meel cuskadaba.Waayo wuxuu u xiran yahay Garbaduud indhaha waa ka daboolan yahay.Dalmar waxaa baabuurki laga soo dejiyay,isagoo weli indhaha ka xiran ayaa la geliyay qol uu fadhiyo nin buuran oo madaxa ku wato koofi (Dambiil) nooca loo yaqaan (Cowboy) waxaa laga furay indhihii ka xirnaa iyo jeebadii garbaduubka ugu xirneyd,wuxuu aad uga naxay ninkaan buuran ee kursiga weyn ku fadhiya ee indha gaduudan ee dhiiga la mood ku fiirinaya koofiyad u eg haruubgaalkii geela oo dhinacyada laga laabeyna madaxa u saarantahay, Fajac iyo amakaag badanaa!!

Dalmar maskaxdiisu waxay u shaqaynaysaa si xawli ah, wuxuu had walba is weydiinayaa maxaad galabsatay, dadkani miyaanay kuwa islaam ah ahayn, maxaay sidaan kuugu gelayaan? waxa kale oo is weydiinayaa Odaygan Buurani waxaa uu isna ku sameyn doono.Dalmar waa kaa is dhiibay, waxa uu sugaanawaa waxa uu kala kulmo uun,tabartaa u run sheegtay, fagfagtii iyo firdidigleyn dambe ma jirto.

Qolka la keenay uu ninka buuran fadhiyo waxa dhex yaal: Laba kursi oo isu eg,Miis ballaaran, Kursi warwareegayo oo uu ku fadhiyo ninkaas buuran, Miiska isaga waxaa dul saaran marwaxad warwareegeyso, Buug weyn oo ah(Diiwaan) wax lagu qoro ,qalin iyo xaashiyo cadcad,Dalmarse waxaas isagu ma kala yaqaan..Waxaa Dalmar la weydiiyay su’aalahaan:

Taliyihii Buurna: Magacaa?

Dalmar oo wareysigii hore iyo sida loo soo galay darsi ku qaatay ayaa yiri: Dalmar.

Taliyihii: Dalmar Hareeri Dubbad saw maahan magacaaga?

Dalmar: Haa.

Taliyihii: Waxaan kaa rabaa inaad wiil diraca noqoto ood runta ii sheegto? Yaa dhaawacay gabadha? Maxaadse ka rabteen?

Dalmar: Ma garanayo waxa aad leedahay.

Taliyihii: Kolleey runta waad sheegiye, adoon dhibi ku gaarin sheeg?

Dalmar: Ma garanayo ayuu ku jawaabay isagoo jijimicsanayo, Gacmahiisana eegayo,meelihii jeebada sida adag uga qabatay.

     Taliyihii waa kaa u yeeray laba nin oo kale oo ku jiray qol ku dhegsan qolka ay joogeen, Waxuuna ku yiri hadal uuna garan Dalmar, micnihiisuse la ahaay wada oo soo jirdila, Waana la hadaafee, niman waaweyn oo xoog iyo laxaadba alle u dhammeeyey ayaa isu celiyey, Feer, haraati, Jilib,Tantoonyo dambi madax ugu garaacid ku tumasho, intaas markay kala daaleen ayay budkii gaabnaa ee askarta ku garaaceen,

     Dalmar waxaa isla qolkii lagu soo celshay isagoon kood weliba kuusan yahay Afkuna dhiigayo, oo garbaha laga hayo hadalna laheyn, waxaana la hor keenay mar kale isla Taliye buuran.Waxaana dhex maray hadalkan:

Taliyihii: Ma qirsan tahay dembiga aad gashay?

Dalmar oo hadalka dhibaayo: Madaxa ayuu ruxay.

Ninkii: Gabadha waad xoogi rabteen saw maaha?

Dalmar: Madaxa ayuu ruxayaa.

Ninkii kolkuu su’aalo badan weydiiyay, Jawaabaha Dalmarna madax ruxid uun noqdeen ayaa wixii la qoraayay la soo hor dhigay ,Suulkana inta la qabtay oo khad buluuga loo geliyay ayaa la saaray qaybta hoose ee warqaddii.. Intaas kaDdibna waxaa dib loogu soo celshay saldhigii laga waday isagoo indhaha ka xiran, markaanse aan jeebeysneyn.

La soco qaybaha kale.

W/Q:Xuseen M.Cabdulle “WADAAD”

huswadad@hotmail.com

SHEEKOOYIN