Sheeko taxane: Horta yaa abaal gala? Hadduu jirona yaa guda ?Q8AAD W/Q: Xuseen M.Cabdulle “WADAAD”

 

quotescover-jpg-52

Sheeko taxane: Horta yaa abaal gala? Hadduu jirona yaa guda ?Q8AAD

Waxa is raacay waa Oday Maxaad Cali iyo Saaxiibkiis Cali Gaab.Oday maxaad Cali; waxuu gacanta bidix ku sidaa Quraacdii loo diyaarshay Axmed Dheere, taas oo ka kooban: Baaquli isku daboola oo ay ku jirto Kurjad Canjeero is kor tuban, Tarmuus af-dheere ah oo uu ka buuxo Shaahii carfaayay ee Raxmo Yareey, Dhalla yareeyay ku jiraan caano lo’aad saaka uun la soo lisay.waxeeyna ku jiraan foodaro barshineed oo uu dhegta ka haayo.

Odayadii waa kuwaa ku dhacay dhabbaha dheer ee aada Saldhigga 5aad, iyagoo sii socob boobaya, oo aadba mooddo ineey raagsan yihiin,inkastoo ay saas u socod boobayaan haddana intaas waa hadlaayaan,waxaana la is weydiihaa, sidii laga yeeli lahaa talooyinkii Adeer Hilowle iyo Beesadii hooyo Kutubo soo dhiibtay,iyo sida loo wajahayo Taliyaha,Waxaase Cali gaab warka ku soo gooyay:

Adeer Maxaadow bal aan horta maha tagno, kaddib talo iyadaa iska imaaheyso e.Oday Maxaadna waxuu ku jawaabay : hayabo.

Waxii la socdaba ,waxaa albaabka laga soo istaagay Saldhigii loo socday..Waxaa albaabka taagan Askari Qori Ak47 ah Xambaarsan,waxuuna weydiiyay: Maxaa dooneyseen?Waxaa u jawaabay Cali Gaab oo yiri: Waxaan dooneynaa Taliyaha

Saldhigga, oo waxaa naga xiran canug?

Askarigii: Taliyaha weli ma imaan, mana la gaarin waqtigiisa e,Canugga xoow halleeyay?

Oday Maxaadaa hadalkii boobay oo yiri: Ununka ma helno waxa uu halleeyay.

Askarigii: Goormaa la soo xiray?

Cali Gaab: Xalay Fiidki ayaa la soo xiray.

Askarigii: Hore u socda oo xaggaa jardiinka fadhiista.

Cali Gaab: Waa tahay, ee waxaan ku weydiiyay Saajin Caliyoow ma joogaa?

Askarigii: Maya fasax ayuu ku maqan yahay oo magaalada ma joogyo,Abkoowgiis oo baadiyo ku geeriyooday tacsidiisa ayuu jiraa.

Cali gaab iyo Oday Maxaad iyagoo quus joogo ayay fadhiisteen jardiinka loo sheegay ,fartana loogu fiiqay.

Kolkii Odayadii ay cabbaar fadhiyeen meesha ayna arkayaan dad gelaayo saldhigga, kana baxaayo , iyagana wax la hadlaa jirin Quraacdii canuggana meesha ay ku haayaan ayaa Cali Gaab istaagay una qummay xagga askarigii, si uu bal hoos ahaan isugu dayo inuu helo irid laga galo arrinka canugga, waxuuna ku yiri: Waxaan rabnaa inaan ogaanno arrinka canugga iyo xalkiisa ,ee seen wax yeelnaa?

Askarigii: Hore u gala Saldhigga waxaa hadda yimid taliye ku xigeenka ee bal isaga u taga,wixii aad kala kulantaanba.

Cali Gaab waxuu gacanta ugu yeeray Oday Maxaad oo jerdiinka fadhiyo,Waana kuwaa gudaha u galay Saldhigga, waxayna markiiba arkeen Taliye ku xigeenka oo xafiiska dambibaarista taagan,waxeyna ku bilaabeen:Aslaamu calaykum. iyadoo aan salaantii loo riddeyn ayaa lagu yiri:Maxaa rabteen?

Cali Gaab: Taliye canugaa naga xiran tanya xalay, Mugga hee Afbilawna

waa u sidnaa, in naloo soo daayana waa rabnaa.

Taliye Xigeenka: Horta soo deyntiisa waxaa ka horreeyo in la ogaado

waxa loo heysto, haddii uuna dembi laheyn waa la sii deyhaa, haddii kalena maxkamad ayaa loo diraa.

Maxaad Cali: Bisinka..

Cali Gaab: Taliye bal horta ha nala tuso, quraacna waan wadnaahe.

Taliye Xigeenkii: Waxuu markiiba u yeeray askari maha taagnaa,waxuuna ku yiri: quraacda ka qaad, hana la tuso, 5 daqiiqo, lana joog adiga.

Waxaa is raacay Odayadii iyo askarigii lagu daray, waxay galeen qol yar oo mahaba aan ka dheereyn.. waxaa la furay kiishkii quraacda ku jirtay, waa la fatashay..iyagana waxaa la yiri inta jooga, waxaa socday Askarigii, waxuu aaday qolkii Axmed, dibadda ayuuna ka furay waxuuna u yeeray Axmed Maxaad Cali.Axmed ayaa isagoo faraxsan oo moodo in la sii deyhaayo soo rooray, qolkii ayaa laga soo bixiyay waxaana loo keenay

Aabbihiis iyo adeer Cali.. Axmed Waa kaa oohinta bilaabay kolkuu indhaha ka qaaday Aabbihiis.Odaygiina waa kaa is celinba waayay ee isna oohintii oohin kale ku kordhiyay.Cali Gaab ayaa hadloo,waxuu yiri:

Adeer Maxaadow Waqti ma heysanee oohinta naga jooji bal, aan canugga wareysannee ,seey wax u jiraan..Oday Maxaad oo garwaaq-saday hadalka Cali Gaab ayaa ku jawaabay: waa tahay.Cali Gaab: Axmedoow see wax u jiraan, Xaad halleysay?

Axmed: Ununkoo Xaafadda isaga ciyaareyno, ayaa waxaa noo yimid Dalmar oo beledka ku cusub, intaan is wareysaheynay ayaa Booliis 888 wato noo yimid oo na qabtay aniga iyo Dalmar, ilmihi kaloo nala ciyaarayay waa naga kala kudeen.

Cali Gaab: Muggii maha leydin keenay xaad halleyseenaa laydinku yiri? Axmed: Geberaa silsillad ka goosateen,boorsana ka dafteen,iyadiina dhaawacdeen.

Cali Gaab: Xaahee ka jiro warkaas Axmedoow?

Axmed oo oohin is celin waayay, hoostana ka fiqfiq leh ayaa yiri: Adeeroow Xabadna kama jirto arrinkaas.

Kolkii warku intaas maraayo Askarigii ayaa ku yiri: Waqtigii waa idinka dhammaaday ee maca-salaama.

Odayadii waa iska soo bexeen..Waxeyna soo aadeen xaggii dambibaaraha Askarigiina waxuu quraacdii ku wareejiyay Axmed..Axmedna waxuu ku yiri: Aaway Dalmar, ha ila cunee quraacda?

Askarigii: Adiga iyo Dalmar isma arkeysaan ee horta adiga quraaco,wixii kaa haro ayaa loo geyhaa e.

Axmed Waxuu daboolkii Baaquliga ku reebtay xoogaa Canjeero ah,Bakeerigii dheeraana waxuu ku shubtay shaah uu caano ku darsaday,inti hartayna, waxuu u taagay askarigii ,waxuuna ku yiri: Ha loo geeyo Dalmar.

Askarigii waxuu ka qaaday alaabtii uu Axmed u reebay saaxiibkiis Dalmar,Isagana waxaa lagu celshay Qolkiisii.

Cali Gaab iyo Maxaad Cali ,waxii ay dambibaaraha taagnaadaanba, waxaa ugu dambeyntii u suura gashay in xafiiskiisa loogu geeyo Taliye Xigeenka Saldhigga Dhamme Boodaaye,Taliye xigeenka iyo Odayadana waxaa dhex maray hadaladdaan:

Taliye Xigeenka: haye, ma soo aragteen wiilka eedeysanaha ah?

Cali Gaab: Haa, wiilkase waa dulman yahay, waxowna halleynaa loo heystaa?

Taliye Xigeenka: Hadduuna wax halleyn, waa la soo deyhaa,laakiin dhibka jiraa, waxuu yahay, Gabartii ku caddeyn laheyd ama ma ahan dhihi laheyd, Xaaladdeeda caafimaad ma fiicna, waxey ku jirtaa xaalad miir beel ah, waxayna taal Osbitalka,Gabarta si weyn ayaa middi loogu dhaawacay.

Maxaad Cali: hadda xaan hee yeelnaa, ununka canugeenna ,waxaas aad sheegeyso shuqul kuma lahane?

Taliye Xigeenka: Arrinka waxaan u gudbiheynaa xeer ilaalinta, laakiin innagaba weli baaris ayaa noogu socoto,gaar ahaan Axmed, maxaa yeelay saaxiibkiis Dalmar, wuu qirtay Dembiga ineey galeen.

Oday Maxaad Cali, kolkuu warkaas maqlay, isagoo ay caro ka muuqato

ayuu yiri: wiilkeyga Dulmi aa loo heystaa…wiilkeyga waxaas shuqul kuma lahan, kamana suurtowdo.

Taliye Xigeenkii:hadduuna dembi laheyn wuu soo bixi doonaa, eemacasalaama,waana soo istaageen soona bexeen Odayadii.

Odayadii ,markaan iyagoo niyad jabsan ayay ka soo bexeen Xafiiskii taliye xigeenka, iyagoo aan dhinacna dayin ayay ka soo bexeen saldhigga, waxayna wejiga saareen xaggaa iyo xaafaddii, Maanta shaqa maalmood-koodii midkoodna uma dhaqaaqin, xitaa farriin ka maqnaasho ah ma dirin.Oday Maxaad, weligiis shaqo kama maqnaan ,maanta maahee,Shaqa ka maqnaanshase wax kaloo uga daranaa jiro, oo uu isaga aad uga fekeraayo,waa waxa uu kala kulmi doono Hooyo Kutubo.

La soco qaybaha kale

Waxaa qoray

Xuseen M.Cabdulle “WADAAD

huswadad@hotmail.com

 

SHEEKOOYIN