Sheeko taxane: Horta yaa abaal gala? Hadduu jirona yaa guda ?Q9AAD W/Q: Xuseen M.Cabdulle “WADAAD”

quotescover-jpg-52

Horta yaa abaal gala? Hadduu jirona yaa guda ?Q9AAD.

Odayadu waxa ay waddada haayaanba, waxaa la soo gaaray xaafaddii Reer Maxaad Cali, Waxayna istaageen Albaabka hortiisa ,Cali Gaab markaan waxuu rabaa inuu ka gudbo, Waxaa u muuqdo waxa lagala kulmi karo eeddo Kutubo. Oday Maxaadse waxuu yiri:  “Adeer Caliyoow hore noo geli guriga bal,aan iska wareysanno saan wax yeeli leheynayne”

Cali Gaab: “Adeer Maxaadow, waxaa ila roon, inaan adeer Hilowle galabta u tagno, kalana tashanno sidii wax la yeeli lahaa,wiilkana bal galabta, ha loo qaado Qado,Rumay,Iyo Joodari yarow derbiga qabowgiisa isaga dhigo.

Maxaad Cali ayaa isagoon qanacsaneyn rabtiisa looga dhaqaaqay, Usugana waa kaa aayar Albaabkiisii u garaacay, waxaa kolkiiba fak ka siisay albaabkii Ganjeellada ahaa Raxmo Yareey oo xiimeyso.Waxaa ka muuqatay sii sugitaan ah in “uun kub la siiyo Albaabka”.  Hooyo kutuboo Baaf dhar ku dhaqeysaa, iyadana soo haadday , kuna bilawday Su’aalaheedii kululaay ,waxayna tiri: Aaway wiilkii?

Oday Maxaad oo su’aalahaa dhibsaday ayaa yiri: Wiilkii waa xiran yahay,waanse soo aragnay.Hooyo Kutubo: Aheey Ah?! yaa tanoo kale arkay? Canug aan wax halleynaa layska xirahaa, Waxaas war aan maqli karo maahan,ewelaanse ogaa inaadan dhiig leheyn,waxna ku toorneyne i sii beesadeyda, anaa dad u raadsaayo canugeyga e,Aniga ewelba waa ku ogaa inaadan ilmaha wax ku faleyn,qofka caloosheeda ku qaadday oow Axmed ka maqan yahay waa aniga.

Raxmo Yareey, oo iyada warkaas horteeda ka dhacaayo, ayaa tiri: “Hooyo Saas ha dhihin Aabow waa kula dhalyay Axmed,Dowloowna u xiran yahay, Canugiisana hagramaayo, waxaana la yiraa “Ammar Dowlo Mudiic”ee is deji habarteey.

Intaas markuu xaalku maraayay Oday Maxaad Cali, waa kaa sida tuug la qabtay kiishkii beesada ku jirtay Miis yaroo daashka yaal dusha ka saaray, qolkiisana u sii gudbay, usoon juuq laheyn.

Hooyo Kutubana, waa taa kaligeed isla hadleyso, waxayna gurxumeysaa erayo ay ka mid yihiin:

“Tol beelayeey, Tanna xa ii soo arkay,Xageen miciin bidaa?Iwm.”

Raxmo Yareey, ayaa intaa hadal dejin iyo waano iyo sasabidba ah la daba socoto,Kutubo waxeey tiri : “Raxmooy ii soo qabo garbasaarka cagaaran, ee ku jiro qolka Odayga.”

Raxmo: waxey garatay in habarteed diiddan tahayba iney hore u gasho qolka Aabowgeed, Waxeyna tiri: “Hooyo inteed xilligaan  u garbasaar qaadahee?”

Hooyo Kutubo: Ma helee, ii soo qabo Garbasaarka..Maandhaay maanaaba fadhi ii yaallaa..

Raxmo: “Waa tehee ,Habarteey intaad hee aadee hadda?”

Hooyo Kutubo: “Waxaan aadaa guriga Reer Abti Axmed.”

Raxmo: “Hooyo arrinkaan Aabbe iyo Adeer Caliyaa ku jiree, uma dhaaftidoo iyaga uun…Abtina usagaaba iska xanuunsane,ha sii murjine.”

Hooyo Kutubo   dheg jalaq uma siinshadallada Raxmo Yareey, waana taasoo albaabka jik ka sii siisay ee dhaqaajisay,waxeey afka saartay waddada hor marta gurigooda, xoogaa markeey ku toostayna , waa taa midig u leexatay..Waxeey ku socotaa Guriga Walaalkeed Axmed,Xaafadda uu degenyahay Abti Axmed ma dhawa; lugna kuma gaarto, ee waa ineey jidka u sii joogsataa Baska aado Xaafadda Abtiga.

Hooyo Kutuba, waa taa taagan Boosteejada Baska, waxeyna ku kulmayaan ,dhawr qofoo iyagana Baska sugaayo, xoogaa yar kolkeey taagneyd ayaa waxaa meesha soo istaagay islaan kaloo iyadana Baska u timid meesha , waxayna tiri: “Asalaamu calaykum.”

Hooyo Kutuboo isku buuqsan ayaa tiri: “Wacalaykum Salaam.

Islaantii: “Abaayo Kaambo Maroodi Baska aado inta ma maryaa?

Hooyo Kutubo: “Ma helo mana ogi, Yaa ii sheegay waxaas,anaaba teyda i heysataahe.”

Islaantii: “Abaayo , waa kaa muuqataahe, maxaa ku helay?”

Hooyo Kutubo: “Abaayooy canug yar aan dhalaa iga xiran,gardaroowna iiga xiran yahay, waxaan

suubiyana ma helo.”

Islaantii: “Ma loo tegey oo ma la soo arkay?”

Hooyo Kutubo: “Haa, Waxaw ku xiran yahay Saldhigga 5aad.”

Islaantii: “Meeqa sanow jiryaa canugga?”

Hooyo Kutubo: “Waxaan u mudaa toman iyo shan gu’ meelaahaas.”

Islaantii: Abaayo adiga magacaana?

Hooyo Kutubo: Kutubo

Hooyo Kutubo waxaya la wareersan tahay, lana yaabantahay su’aalaha faraha badan ee Islaantu ku wareerisay, waxeyse iyadu isku qancisay “Nin Bukaa boqol u talisay” bal waxa lagu weydiiyo uun uga jawaab, waa taasoo wax ku anfacaa ka yimaadiine.

Islaantii: Abaayo Anaa war kaaga keenaayo, arrinka canugga,ee adiga is deji. Gurigaagana ii tilmaan?

Hooyo Kutubo waa taa iyadoo faraxsan bilawday tilmaanta gurigeeda:

“Jidkaan gadaal u raac ,xoogaa markaad socoto,bidix u raac, waxaadna goysaa waddada kaddibna dhaaf labada guri oo kuugu soo horreeyo, ee gacantaada midig, guriga weyn ee cad hortiisana,geed talaalka weyn ku yaallo waaye abaayo”..ee adiga inteed warka iiga keeneysaa?

Islaantii: Abaayooy “Afkeennu waa isu ammaan”,waxaa ka shaqeeyo Saldhigga ninkeeyga walaalkiis.Mugga hee ususugaan kuugu tagaa, soona weydiihaa,usagaana noo soo furdaamihaayo.”

Kutubo: “Abaayooy, waad mahadsan tahay, Abaalkaagana,maba gudi kari, tabiin uun haddaad arrinkaas meel iga saarto,Waxaw sheektana waa iga diyaar abaayo.

Islaantii: “Abaayo hadda waxaan u socdaa Kaambo Maroodi,waxaana ka soo naqan doonaa cawada Muggaan soo noqdo ayaan soo maraa xaafaddiisa,berri waxaad iga helee akhbaarkiisa.

Kutubo: “Abaayooy hadda aan is raacno oon aadno xaafaddiisa.”

Islaantii: “Abaayo ,Aniga hadda hawlo kaloo adagaan leeyahay,isagana saacaddaan guriga ma joogyo, mugga hee  saas ha noo ahaato.”

Hooyo Kutubo waxay isla meeshii isku macasalaameeyeen Islaantii ay goobta ku kulmeen, taasoo sheekadeeda xitaa ka reebtay Baskii ay u raaci rabtay xaafadda Abti Axmed.Waxey dib isagagana soo noqotay gurigeedii,kaasoo ay markii hore miir la’aanta uga tagtay, si ay qado ugu diyaariso wiilka xiran.

La soco Qaybaha dambe

Waxaa qoray:Xuseen M.Cabdulle “WADAAD”

huswadad@hotmail.com

 

SHEEKOOYIN