Sheeko taxan:Horta yaa abaal gala hadduu jirona yaa guda? Q21AAD W/Q: Xuseen “WADAAD

Sheeko taxan:Horta yaa abaal gala hadduu jirona yaa guda? Q20AAD 

Cali Gaab ayaa hadalkii ku jaray (Dhibse ma leh anaa xaggiisa kuula qummaayo ) , Soomaalidu waxay tiraa :”Laba kala bariday kala war la’”. Isagu waxeey la tahay uun inuu Abtigana yaqaan, Habartana soo maslaxeyn karo, waxaase ka maqan inuu gedefaysan yahay oo utun loo haayo. Oday Maxaadaase , (war iyo wacaal u leh oo hoos wax u og  arrinka lagu haysto iyo tuhunka laga qabona og ).
Maxaad Cali, oo yaaban, ayaa yiri: “Eeboow Caliyoow, Dhib maahane ha isku murjin middaas, ee xaalka canugga, seen wax yeelnaa”?
Xaaji Hiloowle:“ Arrinka Canugga, waxaa meesha ku haayo waa baqiilnimadiina,meelaha xoogaa beesaa inta laga daydayo ha lagu soo furdaansho canugga” Waxaan idinku dhaafay kheyraan dhammaan, arrimaha sahlan saqiran, Rabbi ha fududeeyo,waxaan isugu soo roorno Rabbi ha naga haayo”, waa tahee garabkiina Rabbi ha galo, waana sii socdee, macasalaama.
Maxaad Cali: ”Kheyr allaa ku siiyo Xaajiyoow, macasalaama”.
Waxaa si wada jira loo macasalaameeyay Xaaji Hilowle, Waxaana kolkaan isku soo haray waa Labadii Wadaay ee kale Maxaad Cali iyo Cali Gaab, hore ayayna isula jaanqaadeen, xoogaa yar muggeey socdeen ayaa waxaa hadlay Maxaad Cali oo yiri: Adeer Caliyoow, Arrinka Sopraloogooyinka waxaan uun iska sugeeynaa Xaajiga ee bal arrinkii kale ee canugga saan wax yeelnaa?
Cali Gaab: Adeer Maxaadoow, bal aan iska sugno illaa Jimcaha oo aan is arkeyno Saajinkii saaxibkeey ahaay la kulmaayo, isagana aan raacno waxa uu nagula taliyo.
Halkaasna waxaa isku macasalaameeyay Labadii Oday, waxaana la ballamay berri dambe oo jimco ah.
Waxaa magaalada oo dhan galay arrinka ilmahaan xiran, iyo geberta xaraarugga ah ee la dhaawacay ee teel Isbitaalka, Magaalada waxaa galay dhuxdhux iyo warar is khilaafsan oo ku saabsan arrinka iyo sida wax u jiraan! Waxaa arrinka dedaal iyo juhdi geliyay Dembi baarayaal is xilqaamay iyo Wariyayaal madax bannaan.Waxaa la ogyahay in aaney sahlaneyn, in waxa jiraa si cad loo tilmaamo.Warfaafintu maaheyn mid xura, waxaa jiray waxeey aheyn mid hal dhinac u raran , waa dhinaca Maamulka jira uun, ma jirin xitaa Hal Warside oo gaar loo leeyahay, balse waxaa jiray dad mararka qaar ku dhiirado soo bandhigidda waxa jira, kuwaas oo ku muteysto Xarig iyo ciqaabo kaloo adag.
Haddaba, iyadoo ay taasi jirto ayaa haddana waxaa arrinkaas u is taagay inuu si iskiis ah baaris ugu sameeyo Korneyl Cabaas oo ah khabiir tababar badan ku soo qaatay waddamo ay ka mid yihiin Italy,USSR iyo East Germany.
Col. Cabaas ,waxyaabaha uu soo bartay waa baaritaanada dembiyada qarsoon ee dhaca, kolkaanse maahan mid isaga loo diray in uu soo baaro, balse isaga ayay la ahaatay, kolkuu u gegsan waayay wararka suuqyada lala wareegaayo, waxa diraayo waa uun dareenkiisa…Waana runoo nin damiir leh oo wararka suuqa socdaa maqlo maahan wax loo gegsan karo.
Waxaa kaloo arrinka dhinaciisa ka rucleeyhaayo, waa ruugcaddaa saxaafadeed caalamiya, oo gudaha ka hawl galo, waxuu wataa xasuus qor aan buuxsamin, oo uu ku xarriiqo wax kastaa oo la yaab leh oo uu la kulmo, wixii dabagal u baahanna waxuu ku darsadaa Hawl maalmeedkiisa caadigaa, wuuna soo bandhigaa iyadoo toosa ama dadbanba, inkastoo aan la ogoleyn wax kastaa oo nidaamka toosh ku ifinaayo.
Waxaa kale oo uu warku gaaray Dahabo, oo iyadana rucleynta iyo garab qabashada ilmahaas xiran iyo reerkooda dhinac uga quntay iyadana si ay u siyaadsato ajarka iyo kheyrka una gargaarto dadkaas mudan gargaarka.

Kornayl Cabaas  ayaa si uu u helo tibaax iyo xog wuxuu xuuraan ugu dhaqaaqay, halkii ay dhacdadu ka dhacdey dadyoowga u dhaw, wuxuu tegay qoyskii gabarta dhibku gaarey ka dhalatey, wuxuuna arkay iney cabsi badani ku jirto oo hadalkooda oodhami waxaan la hubin isugu biyo shubanayo,  Odaygii ayuu weydiiyey  adeer  sidee wax u jiraan, Oday  ciise  waa nin in muddo ah deganaa magaalada oo ka yimid  dhul aad uga fog, carruurtiisa oodhamina ku dhalatey,  waa nin si weyn xaalka dalka iyo waayaha ula socda, wuxuuna ku yiri:  ” Maandhoow  aniga gabarteyda oo fayo qabta ayaan eebbe ka tuugaa maahine,  raggii dhibka  geeystay waa la yaqaan, waase haddii wax laga qabanayo”

Korneylka ayaa wareystay oo dhawr maalmood la fariistey dhallinyaro meel geed ah isugu tagta,  iyaguna wax cad uma sheegine  sheekada waa u dedbeen, waxayna dhaheen: ” Duqa meeshaan waa laysku guuraa, nin aan dambi lahayna  dambi waa loo yeeli karaa, midka dambiga galayna  waa laga baa’bin karaa,  see camal meeshan Bombaay camal waaye”

Korneylku waa nin dhaqanka guud iyo midka  dhallintaba yaqaan, halkaas waxaa uga bidhaamay in dhallinyarada  been lagu haysto, kuwii dhibka geeystayna  aysan ahayn, waxaanuse ogeyn oo ilaa hadda helin cid farta ugu fiiqda kuwii dhibka geeystay  taasoo u fududeyn karta waddada baaritaankana  uu ku heli karo.

La soco qaybaha kale
W/Q. Xuseen M.Cabdulle “WADAAD”
huswadad@hotmail.com

SHEEKOOYIN

Cart
  • No products in the cart.