Sheeko taxan:Horta yaa abaal gala hadduu jirona yaa guda? Q22AAD W/Q: Xuseen “WADAAD

Sheeko taxan:Horta yaa abaal gala hadduu jirona yaa guda? Q22AAD

Maalintu waa Subax Sabtiyaad, Maxaad Cali waxuu ku soo kallahay goobtiisii shaqada, oo aanu beryahaan si toosa u imaan, dhibaatooyinka is biirsaday ee isaga heysta dartood. Waxuuna abbaaray Qolkiisii yaraa, maxuuse la kulmay? qolku waa qol yar, waxaa dhex yaal waa Miis iyo kursi uu ku fadhiyo qofka ka hawl gala iyo laba kursi kale oo ka hor jeedo, waxaa dhinac yaal mkeesha uu fadhiyo ninka Armaajo dheer, dhinaca kalena khasnad yar oo bira.Miiska Dhinaciisa waxaa yaal miis kale oo yar oo ay marwaxad yar dul saran tahay.

Waxaa fadhiyo qof kale oo cusub, oo isagu aanu garaneyn, waxuuna ku billaabay Bariidin isaga oo leh: Asalaamu calaykum, see la yahay?
Ninkii cusbaa ayaa ka qaaday salaantii oo yiri: Wacalaykum Salaan, Nabade, maxaa daran oon kuu qabanaa?
Wagar haddana weger iyo ka waasacan, yaa tanoo kale arkay? Waa kaa dhulku la wareegay Maxaad Cali, Ma wuxuuna la wareeginaa? , Oday Maxaad, waa kaa jawaabta laga sugaayo bixin la’, waxaa maskaxdiisa dib u tustay Muggii uu shaqada imaahaayay iyo shaqaalihii sida fiican u bariidin jiray, oo hoos iska wada eegay markii ay arkeen, taas oo dareen hor leh gelisay isaga. Xoogaa markii uu aamusnaa, oo uu maskaxda kolba doc u warwareejiyay ayaa mug labaad lagu celshay: (Duqa, xaan kuu qabannaa?)
Ar adduunyadu yaab badanaa!! Maxaad Cali weli waa kaa jawaabi la’ ee uun ka fekeraayo waxa uu sameyn lahaa, mar waxuu is leeyahay u gacan qaad, kana baxso Qolkaaga, mar waxuu dib u xasuusahaa wareerka isaga heysto, kolna…
Ugu dambeystiisi waxuu goostay, inuu u tago Agaasimaha waaxdiisa Maaliyadda. Waana isaga soo baxyay Xafiiskiisa laga biliqeystay isagoon jawaab celin. Waxuuna u sii luuday Xafiis kale aan ka fogeyn, kolkuu soo galayna, waxaa si hoose isu fiirshay laba gabdhood oo miisas iska soo hor jeeda ku garaacayay Type kor saarnaa, kolkeey isha qac ku siiyeena, indhaha ayay iskala hadleen, waxeey og yihiin waxa dhacay asii odaygu moogyahay!!. Maxaad Cali ,waxaa galay dareen kolkuu arkay Gabdhaha sida ay isu eegeen, dhegse jalaq uma siin ,waxuuna yiri: Agaasimaha ma ku jiraa?
Waxaa u jawaabay mid ka mida Gabdhaha oo tiri: Haa, laakiin waa mashquul.
Waa erey aana weligiis la dhihin, Waxuuna yiri: Inaan arko waa muhiim, waxuuna u dhaqaaqay xagga Albaabka, Waxaase markiiba soo joogsatay Gabar ka mida gabdhihii oo tiri: Adeer Maxaad ,xoogaa sug, iyadaana u dhaaftay xagga Qolka agaasimaha, waana soo noqotay iyadoo leh, gudub adeer.
Maxaad Cali, wixii uu ku jiro qolka Agaasimaha, waxuu ka soo baxay isagoo dubnaha calalinayo, ciil iyo caro cusubina ku soo korortay. Waxa loo soo sheegay in isaga shaqada laga joojiyay, ninkaan cusubna loo keenay booskiisa shaqo. Waxaana la faray inuu wareejiyo Furayaasha uu hayo oo uu ku jiro kan Khasnadda, iyo Ducomentiga kale uu hayaba, Waxaana loo sheegay inuu la xiriiro Agaasimaha waaxda shaqaalaha. War kale maaba u yaal, waa inuu abbaaraa xafiiska loo tilmaamay. Waxuuna u tegey Agaasimihii loo diray, waxaana dhex maray sheekadaan:
Maxaad Cali: Asalaamu Calaykum Agaasime.
Agaasimaha: Wacalaykum Salaam, see la yahay Maxaadoow?
Maxaad Cali oo xanaaq iyo caro daran ka muuqato ayaa yiri: Nabadi ma jirtee, xeey tahay qurunkaan Xafiiskeyga la fadhiisiyay ee la leeyahay Furayaasha ku wareeji?
Agaasimaha: Maxaadoow, bal is deji, meeshaan waa meel Dowlo, waxaana la yiraa (Ammar Dowlo Mudiic,ninki diida dabbaal).
Maxaad Cali: Yaahuu! .Waxaas war maahane Agaasimoow, intaa hee layga galay?
Agaasimaha: Maxaadoow, beryahaan maqnaashadaada aa badatay, Taasaa keentay in shaqada lagaa joojiyo, xilkaagiina qof kale loo qoro.Marka waxaa lagaa rabaa in aad xilka aad heysay wareejiso maanta ama berri subax ugu dambeyn.
Maxaad Cali: Agaasimoow, xaa jiro ood saas iigu xumeyheysaa?
Agaasimaha: Adeer, Warkaas aniga waa iga weyn yahay, kor ayuuna nooga yimid, aniga waxaan madax ka ahay Guddiga xilwareejinta uun, Berri subax Laba saac u soo diyaar garow?xil wareejin, Haddana Nabadeey.
La soco  qaybaha dambe
Waxaa qoray:
Xuseen M.Cabdulle “WADAAD”
huswadad@hotmail.com

SHEEKOOYIN