Sheeko taxan:Horta yaa abaal gala hadduu jirona yaa guda? Q37AAD W/Q: Xuseen “WADAAD”

 

 

 

 

 

Sheeko taxan: Horta yaa abaal gala hadduu jirona yaa guda? Q37AAD 

Raxmo Yareey, waxaa la geeyay gargaarka degdega ah ee isbitaal Martiini iyadoo miir doorsoon, neeftuna dhibeyso. Shaqaalihii Caafimaadka ee goobta joogay muggeey arkeen xaalka Raxmo, waxeey markiiba saareen sariirta lagu baaro bukaanada. Shaqaalihii u badnaa Kalkaaliyaal iyo dhaqtar goobta joogayba waxeey galeen kala orod, qof Pulseha fiiriya mid la soo ordo Filiibo la suro, dhaqtarkiina waxuu ku dhegeystay samaacad markiiba waxuu amray in lagu xiro Oxygen, iyo in lagu mudo oo xididka laga siiyo cirbad la yiraa Hydrocortisone 100mg.

Maxaad Cali , isaga iyo Maamma Dahabo waa uun ag taagan yihiin, weliba Maxaad Cali waxa uu aad ula yaaban yahay xaalka gabadhiisa, iyo kala orodkaan shaqaalaha caafimaadka oo isaga si gaara dareen culus oo cabsi leh ugu beeray.Dhaqtarkii, waxaa kale uu amray in la suro NACH (Normal saline) kaddib markuu arkay in presurkeedu [dhaqaaqa wadnaha iyo dhiiga]hooseeyo looguna daro 5ml oo Aminophiline ah.

Hooyo Kutubo, waxaa looga yimid mininka, iyaduna xasil uma joogto ee waxeey ku jirtaa baroorasho iyo oohin aan kala go’ laheyn. Deriska ma jirto cid u soo wareegtaa,qof kastaa waxeey ku oodan tahay hooygeeda oo ay uga okorahee Roobka xoogga badan ee da’aayo, kaas oo diiday in la maqlo baroorta Kutubo.

Kutubo iyadoo sideedi u barooraheyso ayaa waxaa daakhilka mininka ugu soo qulqulay daad fara badan, kaas oo markiiba buuxdhaafiyay barxaddii daashka, xaalku ma sahlana waxuu u muuqdaa “ka daroo dibi dhal” iyo “kaaf iyo kala dheeri”. Daadku barxadda kuma ekee waxuu u sii gudbay jikada guriga. Kutubo iyadu waxaa ku jiro cabsi ah haddii ay dhaxantaan iyo roobka dhexdiisa isku daydo ineey daadka celiso oo ay biyaha dhex gasho in iyaduna hesho mushkiladdii heshay Raxmo oo kale. Haddana Kutuba xaalka saan maku fiiri karto, waxeey ka baqee in biyuhu wax badan ka halleeyaan, xaalku waa “Ma caraa dhamid leh, ma caanaa qubid leh”.

Raxmo yareey, xoogaa markeey daawadii iyo Oxygentii ku socdeen ayaa waxaa is bedelay midabkii buluugga ahaa oo caadi ku soo noqday ,indhahiina kala qaadday, waxeey bilawday ineey caadi u neefsato. Dhaqtarkii ayaa qolkiisa gaarkaa ugu yeeray Maxaad Cali iyo Maamma Dahabo, waxuuna weydiiyay su’aalo ku saabsan xaaladda guud ee Raxmo, waxuuna yiri: Gabadhu waa imisa jir? Waa 14 jir ayuu ku jawaabay Maxaad Cali.

Dhaqtarkii: Neef ama asthma hore ma u qabtay?

Maxaad Cali: Aasmaana xeey aheyd?

Dhaqtarki: Neefsashada ma dhibi jirtay ineey caadi u neefsato?

Maxaad Cali: Mugmuggoo waa ku arki jirnay, waase iska roonaa jirtay, tanoo kalese weligeey kuma arag.

Dhaqtarki: Hadda xoogaa kaddib waa roonaahe, waana wadeeysiin, waxaan idiinku qoraa daawo ee ha loo gado hana la siiyo sida aan idiinkugu qorayna ha loo siiyo, Dhiigag baaritaana waa u qoraa ee ha laga soo qaado, una geeya dhaqtarka idiin kugu dhaw ama igu soo celsha natiijada dhiigagga.

Muggaan waxaa jawaabtii ka boobtay Maamma Dahabo oo tiri : Marxabba Dotoore.

Dhaqtarkii waxuu warqad ku qoray daawooyinki iyo baaritaannadii loo baahna, wuxuuna u sheegay sida ay u adeegsanayaan iyo  goorta  ay qaadayaan dhiiga, sidoo kale  goorta ay soo celinayaan si mar danbe baaritaan guud loogu sameeyo, arrintaas waa laysla gartey, waana lays gacanqaaday, loona mahadceliyey dhakhtarkii iyo dhammaan shaqaalihii oodhan,  markaas ayaa Maxaad Cali iyo Maammo Dahabo u dhaqaaqeen dhinaca  qolka ay jiiftey  Raxma yareey oo soo naaxday  si wanaagsana markaan indhaha u kala haysa, balse  daalkii xanuunku ku reebay ka muuqdo weli indhaheeda.

 

La soco Qaybta 41aad

W/Q: Xuseen M. Cabdulle “WADAAD”

huswadad@hotmail.com

SHEEKOOYIN