Sheeko taxan:Horta yaa abaal gala hadduu jirona yaa guda? Q38AAD W/Q: Xuseen “WADAAD”

 

Sheeko taxan:Horta yaa abaal gala hadduu jirona yaa guda? Q38AAD 

Waqtigu waa galab gaab, casar liiq ah, qorraxdu waxeey u jiheysatay godkeedii, Roobkii mahiigaanka ahaana wuu joogsaday. Waxaase muuqdo raadkiisii, meelo badan ayaa biyihii yaallaan. Xaafaddaha qaar dadku waxeey la tacaalayaan bixinta daadadkii xaafaddaha ugu galay.

Garyaqaan Cosoboow, waxuu fadhiyaa xafiiskiisi Raqayweyne, waxuu ku mashquulsan yahay galdacweedka Dalmar iyo Axmed dheere.Garyaqaanka isagoo hawlahaa culus ee horyaal ku mashquulsan kuna galabsaday goobtiisa, ayaa waxaa lagu soo garaacay albaabka xafiiska oo u xirnaa. Isaga waxaa galay dareen culus,waxuu maskaxda geliyay ictiqaal inuu yahay garaacaan, Garyaqaanka maahan mid ka cabsada xarigga sharci darrada ah ee mar walbaa loo geysto, goobta uu joogo waxaa u yaal uguna diyaarsan firaashkii iyo qalabkii kale uu hore u qaadan lahaa.

Garyaqaan Cosoboow, kolkii uu xoogaa ku dhegeystay garaaca albaabka xafiiska, ayuu kolkii dambe soo sara kacay, bal si uu u arko ciddaan ka tegi la’ xafiiska hortiisa. Minuu albaabka furayba waa Saxafi Afrax, oo ugu soo leexday bal inuu wax uun ku biiriyo kiiska Dalmar iyo Axmed Dheere.

Qareenka iyo Saxafiga waxeey isu gacan qaadeen si qurxoon, kaddibna waxeey u wada gudbeen gudaha xafiiska, waxaana dhex maray is wareysi la xiriira xaaladaha guud ,si gaarana kiiska ka wada dhexeeyo ee wiilasha xiran.

Saxafigii wuxuu sheegay in  waalidkii gabarta dhalay, haddii awoodda la saaro oo cabsida laga saaro ay diyaar u yihiin in ay  runta sheegaan, balse, naftooda iyo tan gabarta ay u cabsanayaan, sidoo kale wuxuu sheegay xaalka gabartu inaysan waxba iska beddelin, dhakhaatiirtuna sheegtay in jug culus madaxa ka gaartey oo ay la tacaalayaan, haddana  dhakhtar caddaan ah oo talyaani ah masuuliyada caafimaadkeeda tuurta u ritey,  wuxuu saxafigu u sheegay inuu dhakhtarka hoos ula hadlay oo ka codsaday inay arrinteedu tahay  xasaasi laba qof oo aan dambi lahayna u xirantahay kuwii dambiga u geeystayna  ay bannaanka joogaan.

Dhakhtarku arrintaas waa iga ogolaado waxaana u sheegay inuusan cidna  arrimahaas waxba ka weydiin dowladda iyo shaqaalaha caafimaadka, Garyaqaanka oo si raysa u dhegeysahaayey sida uu dedaalka ugu jiro, aadna ula dhacay dedaalka Saxafi Afrax.

Waxaa ka soo baxay  gargaarka degdeg ah, Maamma Dahabo, Maxaad Cali iyo Raxmo yareey oo iyada la soo celiyay , Waxaa fatuuradda ku wado waa Darawalkii Maamma Dahabo, fatuuraddii muggeey xaafaddihii xagooda u soo jiheysatay, ayaa Maamma Dahabo waxey tiri: Na sii marsii, Farmashiga Dhexe.

Hayabana waxaa ku warceliyay Darawalkii fatuuradda, waxeeyna soo mareen Farmashiga iyagoo ka soo gaday Daawadii loo soo qoray Raxmo Yareey, lacagta daawadana waxaa bixisay Maamma Dahabo. Maxaad Cali, isaga afkii baa juuqda gabay, Waxuu xaalkiisu joogaa “ Allahayoow nin jeeb maran, ka janjeerta xaajadu caawimaaddu jecelaa“. Waa nin weyn oo mushkilado isu biirsaday heystaan jeebkiisuna maran yahay.

Fatuuraddii waxeey socotaba oo kolba jid ku leexataba, waxeey soo horistaagtay Xaafaddii reer Maxaad Cali, waxeeyna ugu yimideen Kutubo oo sideey uga tageen weli u barooraneyso, biyihiina ugu galeen xitaa qolalkii jiifka.

Maxaad Cali, kolkuu yimid mininka arkayna sida xaal yahay, ayuu afka furtay ”Xeey tahay saanna? Xaad qabeysay, muggaad mahaan iska barooreyso, xaad daadkaan nooga celin weysay”.

Waxaa u soo gashay Maamma Dahabo oo iyaduna aragtay sida xaalku yahay, aragtayna in meeshu aheyn meel la dhigaa qof buko oo u baahan Baan iyo nasasho. Inta ay saa indhaha ula raacday biyahi meesha yiil ayeey waxeey tiri : Maxaadoow, dhib maahee, biyaha iska bixiya, Raxmo anaa watay ee idinka is dejiya biyahana iska saara. Waxaa kale oo ay si gaara ula dardaarantay Maxaad Cali kuna adkeysay  inuuna mushkilo cusub abuurin ee uu reerka dejiyo. Isaguna wuu ka aqbalay.Raxmo Yareey waxaa la qumay Maamma Dahabo, intaaneey dhaqaaqin fatuuraddii ayaa Kutubo ka soo daba qaylisay oo tiri :Abaayooy, hore ugu sii qaada maryaheeda.Dhib maahan, xagaasaan uga heleynaahe idinka ka welwel la’aada, ayay tiri maamma Dahabo.

La soco Q.42aad

W/Q.Xuseen M.Cabdulle “WADAAD”

Huswadad@hotmail.com

SHEEKOOYIN