Sheeko taxan:Horta yaa abaal gala hadduu jirona yaa guda? Q42AAD W/Q: Xuseen “WADAAD

Odayadi waa kuwaa ugu dambeyn si qurux isu fahmay isuna garaabay.

Cali Gaab waxuu garwaaqsaday dhibaha badan ee saaxiibkiis heysta. Adeer Hiloowle waxuu ka qaatay kaalin mug leh isu soo jiidjiidka iyo isu soo dhaweynta wadaayada ay soo kala dhex gashay wejiyo kala dadbashada. Waa Rabbi mahaddiis haddii ay iyagoo heshiis ah isla jaanqaadeen, kuna heshiiyeen in la is raaco Cali iyo Maxaad wejigana ay saareen Xaafaddii Abti Axmed. Adeer Hiloowle isaga waxuu la wareegay wicitaanka iyo diyarinta culumadii quraanka akhrin laheyd.

Maxaad Cali iyo Cali Gaab, kolkii ay dhawr tillaabo hore u qaadeen, ayaa Maxaad Cali yiri: Eeboow Caliyoow, aan guriga cagta sii marino bal.

Cali Gaab oo qoslaaya ayaa yiri: Waa tahay eeboow, minaan haddana dumaashideey kala kulmeyn dhib kale.

Maxaad Cali: Maya, maya eeboow, dhib dambe laguu geysa maa, ee bal wixii hore si niyada uga qanac eeboow.

Maxaad iyo Cali Gaab, iyagoo kaftan iyo sheekadoodii shubaayo ayay soo gaareen Mininkii Oday Maxaad Cali. Kolkii albaabka kub la siiyayba waxaa fak siisay Kutubo, oo dhararsaneyn soo noqoshada Odayga,iyadu waaba qalab qaadneyd ama waxay diyaar u aheyd si ay hawsha sugeyso u abaarto.

Kolkii odayadu soo galeen, Kutubana isha qac ku siisay Cali Gaab, waa taa is hagoogtay indhahana hoos aaddisay xishood dartiis ”Rabbiyoow ha na ceebeyn” Ceebta allaa asturo. Waxeeyna markiiba si hoose u tiri: Adeer Caliyoow, waa ceebeysnahay ee ceebta Rabbi ha asturo, ee bal iska keey cafi. Waan kuu gefey ma gafena waa Illaah, haddana waan gartay inaan si khaldan kuugu gefey, Waana taa kolkii ay intaa tiri oohin iyo fiqfiq cusub bilawday.

Cali Gaab, kolkuu intaa ka maqlay, arkayna oohinta dumaashidiis ayuu yiri: Raalli waa ahaye bal aamus. Waxuuna u raaciyay, waxaan nahay aadane, aadane kastaana waa khaldamaa, kan khaldamana waxaa ugu kheyr badan kan ka soo noqdo e.

Kutubana kolkeey intaas maqashay ayay oohintii iyo fiqfiqdii yareysay, jikadana abbaartay. Oday Maxaad ayaa saaxiibkiis ku yiri hore u soo soco hee, aan koobkoob shaah ah qac ka siinee. Cali Gaab, aniga aad ayaan u jeclahay shaaha gurigiina, weliba shaaha Raxmo yareey.

Odayadu kolkii ay salka kuraasta dhigeenba, Kutubo waxeey soo hor dhigtay Tarmuus afdheeraa oo shaah ka buuxo, Saxan canjeero ka buuxdo iyo Baaquli oodgac ah. Waxeeyna kaloo u keentay Baaquli ay ku jiraan biyo faraxal ah.

Maxaad Cali ayaa yiri : Haye, eeboow gacmaha dhaqo ee bismillaah.

Waana kuwaa faraxashay bilaabayna afbilaawgii . Kutubo iyada waa diyaarsan tahay, fadhina uma yaal biriga, waxaa sugaayo hawl aan fududeyn, waxaa saaran Xil culus waa ( Nin xilqaaday eed qaad).

Odayadu, iyaguna waa kuwaa dhammeystey quraacdoodii, sidii oday Maxaad Cali mug kastaba u lahaa wadaaygiis ku dar xabbaddaan canjeeraa ayay laasteen, wixii la soo hor dhigay, weliba citin la’aan. Mase ogi ma ka noqotay, mise?

Raggu waa ku ceeb ineey weelka murdiyaan oo aaney citin uga tegin. Ma dhaqankiyaa wax iska bedelay mise….?

Oday Maxaad, ayaa u yeeray Kutubo, kuna yiri: Waa sii soceeynaahe, adna bal hawlahaaga ku toos, Rabbina ha kula jiro. Waxuuna sii raaciyay Waxaan hadda aadeynaa bal xaggaa iyo Abti Axmed.

Kutubo:Waa tahay, laakiin isku meelaan u soconaahe, anba waxaan u socdaa Xaajiyo Batuulo, si aan hawlaha u qaybsano, una diro Maamma Dahabo ineey u sheegto.

Maxaad Cali: Waa tahay, ununkaa Taksi qaadeyno ,waana na sii raaceehe, Saan yeelnaahe Adeer Xamuud Cali, waa kaa daalka la gataatidhacsane?

Kutubo: Daal badanaa haayo ee ha iska sii jiifo, aniga waxaan u diyaarshay Shaah iyo quraacdiisa, intaan maqanahay hadduu kaco, afka ha ku sii dhifto,waana soo kudaahoo, anaaba dhaqsi soo naqaayo, insha allaah.

Cali Gaab: Ununkaba waa ku soo naqeynaa, muggaan abti Axmed soo aragnaba. Aniga Xamuud Cali, Mug horaa iigu dambeysay, waxaan aad u jeclahay sheekadiisa maadda badan.

Waxaa waddada juc iskula yiri Maxaad Cali, Cali Gaab iyo Kutubo, wax yar intaaneyna jiiradii ugu horreysay gelin, waxeey helleen Taksi dad dhigay, waxaana gacanta u haatiyay Maxaad Cali, waana loo joojay.

Taksiilihii waxuu furay Dariishadda, waxaana la hadlay Maxaad Cali oo u sheegay Rabta ay rabaan in la geeyo, waxaana dhex maray Heshiis lacageed, Maxaad Cali war kuma celin intuu dalbaday ayuu Marxabba yiri.

Waxaa hore fuulay Cali Gaab, Maxaad iyo Duqdiisana gadaal.

Xamuud Cali, Suu u jiifay, waa kaa mar uun haw ka soo yiri, sidii qof naxday oo kale, waxuu fiirshay hareerahiisa, waaba barqo. Waa kaa isla yaabay, maasaaba weligii jiif ku gaaray xilligan, waxuu ka yimid meel waaga qoorta lagu qaado. Minuu qolkii ka soo baxay gurigaba cidi ma joogto, waxaa miis daashka yaal u saaran quraac.

La soco  qaybaha kale

Waxaa qoray: Xuseen M.Cabdulle ”WADAAD”

SHEEKOOYIN