Sheeko taxan:Horta yaa abaal gala hadduu jirona yaa guda? Q44AAD W/Q: Xuseen “WADAAD

Sheeko taxan:Horta yaa abaal gala hadduu jirona yaa guda? Q44AAD 

Hooyo Salaado, intii Faliibadii iyo daawadii ku socdeenba hurdo ayay biliq la tiri.”Hurdooy hurdooy Kaalay” Maba ahan qofkii hadda timaha rifaayay, baroortana kala goyn la’ayd.

Waddooyinka magaalada waxaa socda dad teel teel ah, gaadiidka socdaahi ma badno, waa waqti shaqooyinkii laga kala carraabay. Jawigu waa kuleyl iyo hawo xiran, geedaha iyo calaamankoodu ma ruxmayaan, dabeyl ruxdaahi ma jirto. Waddooyinka hareerahoodu waxaa si teelteel ah ugu yaal goobo ganacsi oo qaarkood Biibitayaal la fadhiisto yihiin.

Waddada Makaad dhinaceeda koofureed waxaa ka yimid fatuurad ganmeyso oo xiimxiimteeduna baxeyso. Fatuuradda waxaa wado oo saas uga cabaadihaayo waa wiil dhallinyar cayil ba’anina ka muuqdo, waxaa horta u saaran Gabar timo gaaban oo yuucan leh a,waxeey gashan tahay surwaal ku dheggen jirkeeda, qarqarka kore waxeey ka waddataa funaanad gacma go’an . isku soo xooriyoo lebiskeedu waxaa ka muuqdo habdhiska jirkeedu. Fatuuraddu waxa ay xiimleyso dadkii teelteelka ahaanina tabiin uun socodkii wada hakiyeen, kuwii Biibitooyinka iyo meheradaha kalena ku jiray inta soo wada bexeen indhaha ku wada taagay Fatuuraddaan aan dhega la qabtaa laheyn iyo Sheelarahaan lugta midigeed xoogga loogu cadaadihaayo iyo cabaadka ka yeeraayo ayuu qof walbaahi is leeyahay bal arag Bandhigga socdo.

Oday ka mida dadka dhabbaha wax ka taagan ayaa leh: ”Saad si  aan arkay maahee, waxaan filaa waxaa saaran wad”. Odaygii intuuna war kaleba ku derin Fatuuraddii waxeey u leexatay dhinaca midig weliba waxaa muuqata inaaneey hal dhinac heysane kolba dhinac u duuleyso, waxeey ku dhacday waa waddo degaandeg ah oo sii kordhisay socodkii hore ay ku biibeysay fatuuraddu, intaaneeyba meel fog tegin, waa taa ku timid Baallo jidka dhinaciisa suran, waase kaa kolkiiba daf ka yiri kuna geeyay Biibito la hor tubnaa, kolkiise dadku arkeen qof kaanu inaanu alfaneyn ayay dadkii ka kala yaaceen, waxuuse ku xaabshay Kuraastii iyo miisaskii maha tubnaa, waana kaa oo haddana ka gundhiyay muggaanse waxuu afka la galay Derbi adag oo ku dheggen Farmashiga weyn dhinaca midigeed ee waddada.

Waxaa ku soo kala kuday dadkii daawanaayay Filimkaan oo sugaayay dhammaadkiisa, Judhiiba waxeey arkeen Dhiig ka socdo labadii qof ee fatuuradda saarnaa, waxaa ku dumay Muraayaddii Fatuuradda, Fatuuraddiina inta hore waxeey ka noqotay Koombo la buusbuusay.

Dadkii ku soo yaacay qaar, waxey hal mar wada yiraahdeen: Laa illaaha illallaah, Innaa lillaahi wa innaa ileyhi raajicuun.

Waxaa loo gurmaday sidii Baabuurka looga soo saari lahaa, lama oga nolol iyo geeri waxa ay ku sugan yihiin. Waxaaseba aad u adkaatay ka soo saaristooda, Dhib iyo rafaad badan oo laga maray kaddib ayaa la soo saaray labadooda Dadka xaafadda qaar ayaa gartay Darawalka oo leh ”Waa Caddiinle, Waa dhintay”, qaar kale ayaa leh ”Maya maya Waa nool yahay weli”, Isla markiiba waxaa goobta yimid Fatuuraddii Booliiska oo ka soo baxday Saldhig aan rabta la jooga ka fogeyn, Waxaa la saaray Baabuur rabta maraayay oo la joojiyay waxaana loola kuday Burunto Iskoorsada Isbitaalka guud.

Shilkaas muggoow dhacayba waxaa warkiisii gaaray, xaafadda Reer Dhageey, Waxaana la gaarsiiyay in wiilkoodi Caddiinle inuu shil babuur galay loona qaaday Isbitaalka Guud, Reerku miidaaba war u yaallaahee, waa taa la kala kuday Walaalkiis Cabdi Kalaay ayuu muggiiba furaha ku rogay Fatuurad cad oo Guriga dhex tiil, waxaa muggiiba hore ka fuushay Hooyo Cambaro oo aheyd Caddiinle hooyadiis, xoogaa kaddibna waa kuwaa tegey Isbitaalki. Cambaro, waxeey ku jirtaa oohin iyo baroorasho wada socdo, Cabdi Kalaayse isaga waxaa uun ka muuqdo fiigtaalnimo.

Muggii hee ay soo galeen ayaa Cabdi Kalaay weydiiyay shaqaalihii goobta joogay in war laga siiyo dadka shilka baabuur soo galay xaalkooda, Markiiba waxaa loo sheegay in Darawalku qur baxay, gabadhuna komma ku jirto. Markii intaas loo sheegayba Cambaro waa taa dhulka balaq ku dhahday,wargafashana bilaawday. Cabdi Kalaay, ayaa leh ”Hooyo hooyo hooyo”, Yaase u miir leh jawaabtiisa. Shaqaalihii goobta joogay ayaa qaaday, waxaana la geeyay qolkii ay jiiftay Maamma Salaado. Cambaro, waxaa lagu muday oo xididka laga siiyay Cirbad ah (Valium 10mg),inkasta oo aan si fudud loogu mudin, waxaa aad u adkaaday helidda xididkeeda, maadaama Cambaro tahay qof buuran. intaan cirbadda laga siibinba waa taa kala daadatay.

Maamma Salaaddo, Waxeey indhaha kala qaadday, iyadoo agteeda dad badani kor tuban yihiin, iyo Islaantaan kala daadsan sariirta agteeda ah. Dadka kor dhooban Cambaro ma aamusna qaar waa ooyayaan, qaarna waa shibihaayaan waxeey leeyihiin: (Kullu Nafs i daaiqatul mowd) Qaddarta waa in lagu sabraa, innaa lillaahi wa innaa ileyhi raajicuun.

 

La soco qaybaha kale

Waxaa qoray:

Xuseen M.Cabdulle ”WADAAD”

huswadad@hotmail.com

SHEEKOOYIN