Sheeko taxan:Horta yaa abaal gala hadduu jirona yaa guda? Q45AAD W/Q: Xuseen “WADAAD

Sheeko taxan:Horta yaa abaal gala hadduu jirona yaa guda? Q45AAD 

Guriga Reer Maxaad Cali, waxaa ku qabsoomay quraan saarkii reerka, [k]qaas oo ahaa qadmo kaamila 114ka oo la akhriyay iyo duco wada socdo oo reerka loogu duceeyay in Rabbi u saqiro ummuurahaan cuslaaday.

Kolkii martidii gogosha fadhiday culumadii iyo intii kaleba si fiican loo aqoolay, dadkiina qayba ka mid ihi socdeen, gogoshase aan laga dhammaan ayaa waxaa guriga yimid Laba nin oo ku lebisan dhar caadiya kana socda NSSta, kuwaas oo soo garaacay guriga kolkii laga furayna weydiiyay Maxaad Cali, kolkuu u soo baxayna u sheegay in uu raaco, kolkuu weydiiyayna waxaa loo sheegay uun in loo soo diray ,iyaguna ka socdaan NSSta. Waa hadda iyo shiddo kale oo hor leh. Maxaad , isaga waa kaa dhankakaxay, waa tahay ayuu sii hoose u yiri, Guriga ayuuna dib ugu laabtay, waxuuna gooni u wacay Cali gaab una sheegay waxa cusub ee soo kordhay iyo in la watay isaga.

Cali Gaab, ayaa ku yiri: yeey yihiin nimankaan aad sheegeyso , inteeyse kuu wadaan?

Maxaad Cali: Ma ogi, waxeeyse i tuseen Teesare aqoonsi.

Cali gaab: Hadda xaan hee yeelnaa, Abuukaate Cosoboowna waa  naga tegee?

Maxaad Cali: Waxaa joogto oo Kutubo la fadhido Maamma Dahabo ee bal u sheega iyada.

Cali Gaab, muusaaba war kale ka sugay intuu Maxaad qalab qaadashada ku jiray ayuu u dusay Qolkii iyo Jikadii ay ku jirtay Maamma Dahabo iyo Kutubo, warkiina dhab ku yiri. Isla markiiba waxaa soo boodday oo dibadda u soo baxday Maamma Dahabo, waxeeyna bariidisay Nimankii albaabka hor taagnaa ee sugaayay Maxaad Cali, waxeeyna tiri: Asalaamu calaykum.

Wacalaykum salaam ayay ugu jawaab celsheen.

Waxeey weydiisay: ”Waxa ay yihiin iyo halka ay u wadaan”.

Waxeeyna ugu jawaabeen,”Isaga ayaan wada hadalnay.

Maammada waxa ay garatay waxa ay yihiin, waxeeyna qiyaastay halka loo wado, gaddoon ayayna ka soo tiri, waxeeyna u gashay iyadoo ay wehliso Kutubo Maxaad Cali.  Waxeeyna u sheegtay in uuna welwelin, iyo ineey iyada ka daba imaaheyso meel kastoo la geeyaba.

Cusbitaalka guud, waxaa isugu yimid reer Cabdi Carar iyo Jiiraankoodii oo ay soo gaartay qayla dhaanta geerida Gabadhooda Toosheey, Waxaa kaloo iyana goobta soo buux dhaafiyay Qoyska iyo asaxaabta reer Dhegeey oo iyana u yimid Geerida wiilkooda shilka Fatuurad ku geeriyooday.

Dadka labada reer ka kala yimid waxeey wada dhooban yihiin waa qolka ay ku jiraan Cambaro iyo Salaado.

Waxaa kaloo Cusbitaalka soo gaaray ehelka Cambuulo Bajaq oo dhaawac culus ka soo gaaray shilkii ay la gashay Marxuum Caddiinle.

Shaqaalihii Cusbitaalka, kolkii ay u adkeeysan waayeen oohinta iyo qaylada faraha badan ayay amreen in dhammaan dibadda looga baxo Cusbitaalka, goobta waxaa jiifa oo jooga Bukaan xanuunsan sidaa daraadeed dhammaan waa in la baxaa ayay ku celcelsheen, dadkiina waa kuwaa kolkeey quusteen iska soo wada dareeray.

Maamma Salaado, waxaa loogu caqli celshay oo la tusaaleeyay ineey aragto hooyadaan wiilkeeda oo fiyoow ka tegey haddana u timid Meydkiisa, iyadase gabadheeda ay muddo taallay Cusbitaalka ayna aad u dhibaneyd oo loogu duceyhaayay ”Labada layr midda u abshira Rabbi ha waafajiyo” Rabbi tii u aqbalay. Waxaa Cusbitaalkii laga soo saaray Maamma Salaado, iyadoo luudeeyso ayaa Bas laga soo saaray Cusbitaalka hortiisa.

Maxaad Cali, isagu waxa la tagtay fatuurad aan la aqoon halka ay ku wajahantay, waxaase lambarka fatuuradda qoratay Maamma Dahabo, waxeeyna u sheegtay Cali Gaab, Adeer Xamuud Cali iyo Kutubo, ineey fileyso maha loo wado ineey tahay ”Qabri Adduun”.

Waxeeyna u sheegtay ”ineey iyada iyo Avv.Cosoboow daba kacayaan iyaguna ka welwel la’aadaan”. Cali Gaab ayaa leh: Maammooy, meeshaas ma fiicno e amaa lagu jirdilaa miskiinkaan?

Maya maya, ayey ugu warcelisey annagaa isla hadda ka dabategeyno, ayay tiri Maammada.Kolkii intaas la is dhaafsadayba, maammadu waa taa istaagtay reerkiina macasalaameysay.

La soco Q.49aad

Waxaa qoray:

Xuseen M.Cabdulle “WADAAD”

huswadad@hotmail.com

SHEEKOOYIN