Sheeko taxan:Horta yaa abaal gala hadduu jirona yaa guda? Q46AAD W/Q: Xuseen “WADAAD

Sheeko taxan:Horta yaa abaal gala hadduu jirona yaa guda? Q46AAD

Dadkii goobta quraan saarka joogay waxay aad uga fajaceen dhibkaan reerka ku soo noqnoqday. Waxeey is tuseen ineey tahay uun adduunyo iyo jahwareerkeed, waxeey xasuusteen xikmaddii aheyd waa ”Adoo xumeyd xuun ha ku cuno”.

Waxaa hadlay isagoo yaabban Oday goobta wax ka joogay,waxuuna yiri: Xagguu maray quraankii iyo ducadii badneyd ee maanta rabtaan lagu qufaayay?Soow tii Rabbi quraanka ku yiri ”Adcuulii fastajib lakum”. Waa run haddana dhib kastoo jira waa uun laga baxaa ”Sida jirto siima ahaan doonto”ee waa uun Samirka la kaashtaa ”Rabbi Mumhil walaa yuhmil” . waxaa taas raaciyay qof kaloo maha wax ka fadhiyay. Cali Gaab aa asna ku darsaday: Waxaan uun hubaa biriga waxa inta lagu akhriyay inaaneey meel cidlaa dheceyn ee walaalaheeyoow jilibka waa furan yahay, Raallina ahaada, waxii aqoolahoo nagu xumaadayna ku sabra, walaala jira, Saantaad soo qaaddeen xaj aan noog laheyn allaa idiinkaga dhigo. Intaas muggoow dhammeeyayna, waa la wada istaagay, laysna maca salaameeyay reerka waxaa loo rajeeyay kheyr badan.

Maamma Dahabo, muggeey hee ka tagtay reerka, waxeey toos u abbaartay Mininka Abuukaate Cosoboow, waxeey fatuuraddeedu kolba meel wejiga saartaba waxeey hor istaagtay Guriga ay u muraad socotay ee Degmada Shangaani, Waana ka soo degetay waxeeyna garaacday Jaraskii albaabka ku yiil, intaaneey mug labaad garaacinba waxaa ka furay kuray yaroon mahaba ka dheereyn, waxeeyna weydiisay Abuukaate Cosoboow inuu yimid.

Haa, hadda ayuu yimid ee eeddo Dahabo soo gudub ayuu yiri.

Maamma Dahabo iyo Abuukaataha waa dad aad macaariif u ah, gurigiisa iyo Xafiiskiisaba lagama celiyo, saas darteed ayay hore ka gashay kana fadhiisatay Salootada Mininka. Xoogaa kolkeey fadhiday waxaa u soo baxay Abuukaate Cosoboow, kolkuu arkayba waxuu gartay in dhib cusub jiro, Waxuuna yiri Maamma Dahabo, Maxaa cusub oo soo kordhay?

Waxaa soo kordhay, NSS ayaa timid Guriga Maxaad Cali, isaga ayayna wateen, Mugga hee waxaa nagala rabaa inaan daba kacno, oon cadawga mahaas joogo ka soo dhicino,minii kale dhibaa loo geysahaa.

Abuukaate Cosoboow: Maamma, aan sugno illaa berri subax, berri aroorti ayaan ku bexeynaa.

Maamma Dahabo: Maya, Maya Mudane, Arrinkaas waa inaan hadda meel saarnaa, Soomaalidu waxeey tiraa ”BOODDO QOYAANKAA LAGU QABTAA”.

Abuukaate Cosoboow: Waxaan la hadlaa Taliye xigeenka, isla markiina waxuu soo qabsaday teleefan miis dhinaciisa yiil saarnaa, waxuu kala furtay buug yar oo ay lambaro teleefano ku qoran yihiin , xoogaa minoow daydayay ayuu teleefankii farta ku warwareejiyay, xoogaa kaddib ayaa laga qabtay, waxuuna yiri: Waa Abuukaate Cosoboow, Waxaan rabaa inaan la hadlo Taliye Khamiir.

Ok, Abuukaate Cosoboow, wax yar sug ayaa la yiri. Inyar kaddibna waxaa Halloow yiri Taliye Khamiir.

Muggii ay xoogaa wada hadleen ayuu Abuukaate Cosoboow yiri: In badan mahadsanid Taliye , wuuna isa saaray telkii.

Abuukaate Cosoboow, Waxuu u sharxay Maamma Dahabo Waxaa loo waday iyo arrinka lagu heysto iyo waxa ay isla garteen isaga iyo Taliyaha, Waxuuna yiri: Wax weyn maahan waxa loo heysto waa furayaashii shaqada oo uuna wareejin, Haddana wuu soo baxaa oo minankiisa ayuu u soo hoyahaa. Arrinka shaqadana berri anaa ka hawl galaayo si uu shaqadiisa ugu noqdo.

Maamma Dahabo: Hadda ma doonnaa oo ma soo qaadnaa, intuuse joogaa?

Abuukaate Cosoboow: Maya , uma baahno in la doono, isagaa iska imaahaayo kol haddii la soo deyhaayo. Maha uu joogo Qabri adduun. Ha aadin ee iskala her, isagaa imaahaayo.

Waa tahay ayay ku jawaabtay Maamma Dahabo, Waana istaagtay, waxeeyna tiri: Mahadsanid Mudane, Aad Ayaan kuu dhibnaye Raalli noqo.

Abuukaate Cosoboow: Taas ha u bixin, waa wax aad si weyn iigu leedahay. Maamma, Waxaan maqlay ineey Geeriyootay Gabadhii ay u xirnaayeen wiilasha darteed, ee taasna la soco.

Waa tahay ayay tiri Maamma Dahabo, waana ka soo quntay.

Abuukaate Cosoboow, isagoo aan ka kicin kobtoow fadhiyay ayuu dalbaday Kaffe.

Maamma Dahabo, kolkii ay ka soo baxday Mininka Abuukaataha waxeey soo fuushay Fatuuraddeedi, waxeeyna Darawalkii ku tiri:

Nagu celi Xaafadda reer Maxaad Cali.

Hayabo Maammo ayuu ugu jawaabay Darawalki.

Waxeeyna isla markiiba abbaareen Xaafaddii, waxeeyna yimaadeen Xaafaddii Reer Maxaad Cali oo dadkii intiisi badneyd ay ka tageen, waxaa uun ku haray oo markaan la joogo waa Abti Axmed iyo Xaajiyo Batuulo oo qalbiga u dejihaayo Kutubo oo aad u welwelsan. Weliba intaas ma fadhaan ee waxeey ku dhex wadaan hawshii Amuurta waxeey meyrayaan Weelashii wax lagu cunay iyo kuwii wax lagu karshay.

La soco Q.50aad

Waxaa qoray:

Xuseen M.Cabdulle “WADAAD”

huswadad@hotmail.com

 

 

 

SHEEKOOYIN