Sheeko taxan:Horta yaa abaal gala hadduu jirona yaa guda? Q47AAD W/Q: Xuseen “WADAAD

Sheeko taxan:Horta yaa abaal gala hadduu jirona yaa guda? Q47AAD 

Maamma Dahabo, waa taa dib ugu soo noqotay Xaafaddii reer Maxaad Cali, kolkeey soo gashayba waxaa ku soo kala yaacay Kutubo iyo Batuulo oo ka soo kala kuday Jikadii ay weelasha ku xalayeen, Xaaji Axmed Isaga kolkii horeba waxuu sii fadhiyay daashka isaga ayaana ka furayba Albaabka, waxaana la fadhiyo Xamuud Cali.

Maamooy Bal soo dhawaaw hee ayuu yiri Xaaji Axmed.

Maamma Dahabana waxeey ugu warcelisay ”Waa dhawahay”. Kolkeey intaas tiri ayaa waxaa warkii boobtay Kutubooo welwel badani ka muuqdo waxeeyna tiri: Maammo Bal warka keen, xaad hee la soo kulantay?

Maamma Dahabo: Niyadda kheyr u sheega, Maxaad Cawadaba mininkiisoow u soo hoyaa, waxa loo heystana maahan wax culus.

Xaaji Axmed, ayaa yiri: Fariid, aan kalmad kale wehlin.

Batuulaase kolkeedi weydiisay: Maamooy, waa tahaye, xeey tahay arrinka loo heystana xoow ahaay?

Maamma Dahabo: Waa uun arrin la xiriiro xagga shaqadiisi, ee maahan arrinkaan kale oon ka baqeynay ee ah arrinka wiilasha xiran. Arrinka shaqadana birri subax waa uun dhammaahee, ee welwelka iskala hera, waana waqti dambe waa sii hoyahaahe, Xaajiyo Batuulooy idinka ma idin sii qaadnaa mise abaayo Kutubaad wehleysiin?

Maya Abaayo, waan joogeynaa oo ma unankaaba ka tegi karno reerka.

Waa tahay, ee kheyr badan ayay tiri Maammo Dahabo waana istaagtay.

Muggaan waxaa hadlay oo intii hore aamusnaa Xamuud Cali oo yir: Kheyr badan Allaha ku siiyo, waxaad jiriso ma weydid, fool ku guulle allaha kaa dhigo, kheyraad noo sheegtee Rabbi kheyr ha ku siiyo, mugga waad fasaxan tehee sii hoyaad, soona bari maandhaay. Rabtaas ayaana la isku macasalaameeyay.

Waxaa kaloo aan laga kala hoyan laba xaafad ee ay ka kala geeriyoodeen Marxuum Caddiinle iyo Marxuumad Toosheey, waxaa isugu yimid khalqi fara badan oo deris, ehel, qaraabo iyo asaxaaba leh. Isu tacsiyeeynta iyo baroor wadaagga kaliya maahan waxa oo wada fadhiyo ee waxaa ku jira hawsha in laga tashto bal sidii loo qabanqaabin lahaa Duugitaanka meydadka.

Labada dhinacba iyagoo isla socon ayay doorteen in lagu aaso qabuuraha Macallin Iftiin ee koofurta Raqay.

Maxaad Cali, waxaa la geeyay Xarunta ama Qabri adduun, waxuuna la kulmay Sarkaalkii heeganka ku jiray, ee amray in la soo qabto, waxaana dhex maray hadaladaan:

Sarkaal Bidaare: Adiga miyaa, ninka Towrad diidka ah ee quranka qabiilka ka buuxo ee xilkii qaranka diiday inuu wareejiyo?

Maxaad Cali, Oo aad u naxay handadaadda iyo dembiga culus ee lagu oogay ayaa yiri: Taliye, waxaan u filaa inaad qof kale igu khaldeeyso.

Taliye Bidaare: kkkkkkkkkk, Maanaa cid kale kuga khaldaayo, soow maahid Maxaad Cali?

Maxaad Cali: Haa, laakiin taliye, eedahaa aad sheegeyso aniga ma qabo.

Maxaad Cali oo aad u naxsan, kana cabsi qabo in maxkamad lagu geeyo waxaan jirin, oo weli fiigsan, indhahana lagu gubaayo, ayaa waxaa soo dhacay teleefan Miiska saarnaa, Sarkaalkii ayaa qabtay telkii, waxuuna guray haye taliye, Hadda ayaan ku bilaabay wareysi, haye,haye taliye…Haye taliye, haye laakiin illaa berri aan heyno, oo aan iska aragno markaad timaad shaqada, Haye haye, waa tahay Macasalaama taliye, telkiina wuu dhigay.

Taliye Bidaare, waa kaa is bedelay, waxuu caro ka qaaday hadaladii iyo ammaradii telka lagu siiyay ee laga garan karay Haye taliye fara badan. Waxuuna yiri: Waa bixi kartaa hadda, berri subaxna haddeey kula dhaafto Xil wareejinka iyo furayaasha aad Dowladda ka heysata, wixii kugu yimaad adaa is yeelay, orod wejigaaga iga qarina, yaanan kuu sii jeedin haya haya.

Intaas mugii la yiri Maxaad Cali, Waxaa ka soo fuqday neef weyn, usugoon dib u eegin ayuu qolkii ka soo baxay, waxuuse garan waayay meeloow wejiga saaro, waxuu ku soo baxay waa meel barxad ah, waa qof dawaqsan oo isagoo indhaha ka xiran maha la keenay, isagoo aad u qabto Mas madaxa gaad looga dhuftay oo meeloow aado aqoon ayaa waxaa baxraddii ugu yimid mid ka mida Dharcaddii keentay, waxaana lala galay mug kale qol kaloo aad u yar oo miis iyo hal kursi yaallaan, waana la fadhiisiyay, waxaana la yiri inta kama bixi karin, Oday Maxaad Cali, haddana cabsi kaloo hor lahaa gashay alla anaa gacan galay, intaa layga heystaa ? Hadda ayaa lay yiri orod bexe haddana xaalkaan kalena xoow ahaay. Waa laga tegey, waana lagu soo noqday, Labada gacmood ayaa haddana Katiibo dhab looga yiri, indhaha mirraaq madoow aa looga xiray, waa soow ku soo galay rabta. Waxaa la saartay Fatuura yaroo kuuran oo dusha darbaal ku wadato, waa fatuurad lagu sameeyay Waddanka USSR, waana lala baxay, fatuuraddii kolkeey beledka xoogaa warwareejisay ayay meel cidlaa oo aaney cidi ka agdhaweyn muggii la geeyay gacmahii iyo indhahii laga furay ayaa la yiri, naga deg , haddaad dib noo soo eegtana yeelkaa.

Ar yaa tanoo kale arkay? Xaggaan hee aadaa, dhulkaan dhulaan aqaanba maahee, Alxamdullillaahise kol haddaan ka soo baxay, oon hadda xor ahay. Waase yaabe xaggeen u dhaqaaqaa midig, bidix, hore mise gadaal, Waa shililiqoon cusub ”Inta maan ka baxa meel alladii aan maqli jiray waaye hadda” Yaan hee wax warsadaa, mahu waa cidla ciirsi la’, ma guryahaan gargaraacaa si aan u weydiiyo maha aan rabo… Maya maya, gurina ha garaacin ee iska soco…Intaan hee u socdaa…Waxaa qalaw ku soo yiri fikir ah Yamiin ”Maa asxaabul yamiin”, waxaa ku dhalatay sida uu u taagan yahay midigtiisa inuu u socda, jidka ugu soo horreeyana mid u gala, kan ku xigana midig u gala qaabkaasna ku socdo illaa uu ka arko meeloow yaqaan.

Xaafadda Reer Maxaad Cali, waxaa wada joogo, oo qolal ku kala jiro Xamuud Cali iyo Abti Axmed oo qolkii Axmeed Dheere jiifo,hurdase aan laheyn oo ay dhagaha u taagan yihiin, Qolkii Raxmo yareey oo ay iyadii ka maqan tahayna wada jiifo Kutubo iyo Xaajiyo Batuulo. Xaajiyo Batuulo iyada xoogaa indhaheeda waa is galeen laakiin Kutubo waxaa haayo welwel gabadhii oo ka jirto xaafadda Maammada iyo Odaygii oo dhiillo uga maqan. Kutubo  nafteeda  ayay xisaab ula dhaqaaqday, Yaad wax ka bi’iseen, intee inkaartani idiinka soo hirgashay,  habaar ma qabtaane xaw yahay dhibkaan aan kala joogsahayn, haddana waa shaydaanta inta naartey ay tiri, adduunkaan dhanaa imtixaan ahe, waa hee in lagu samraa, eebboow adigaa magantaa nahay.

Xaalka Guriga reer Maxaad Cali, oo saasa ayaa waxaa la gaaray Diiq yeerki, Masaajiddana laga wada Addimay addinkii salaadda subax, addinkii oo socdo ayaa waxaa albaakii soo garaacay Oday Maxaad oo daal iyo la dhacsan, waxaa markiiba iyadoon warsan yaa waaye fak ka siisay Kutubo, oo kolkeey aragtay isku duubtay oohinna la dhacday.

 

La soco Q.51aad

Waxaa qoray:

Xuseen M.Cabdulle “WADAAD”

huswadad@hotmail.com

 

SHEEKOOYIN

Cart
  • No products in the cart.