Sheeko taxan:Horta yaa abaal gala hadduu jirona yaa guda? Q48AAD
Maxaad Cali, waxuu daal iyo warwareeg badan soo maraba waa kaa mininkiisii yimid. Islaantiisuna waa taa sida fiican, kalgacalnimada leh ee jaceylka ka muuqdo odaygeedi isugu duubtay,iyadoo is ilowsan. Usagana waxuu ku bilaabay inuu madaxa u salaaxo, dejiyana, hadda waa hee imidee bal oohintaan nagala her hee, ayuu yiri Maxaad Cali.
Waxaa qolkii uu ku jiray isna fud ka soo yiri Xamuud Cali oo isna wax ka sugaayay Maxaad Cali, waxaana indhahiisa qabteen Kutuboo ku duuban iyo isagoo madaxa u salaaxaayo, intaan la aragna gaddoon ayuu qolka ku soo yiri. Waxaa ku cuslaatay waxa indhahiisu qabteen.
Waaga muggoow baryay oo ay hawlihii xafiisyada bilaawdeen ayay labadii xaafad ee geeridu gashay ka hawl galeen qabanqaabadii Aasitaanka sida god qodidda iyo adeegyada kale ee lagama maarmaanka u ah, sida ogolaanshaha duugidda , soo saarista warqadda dhimashada iwm.
Xafiisyada Dowladda waxaa la geeyay, sidii caadiga aheyd Wargeyska Xiddigta Tashriin ee maalinlaha ah, Boggiisa 5aad waxaa ku qoran Mowduuc cinwaankiisu yahay ”Ma riyaa, ma runaa mise waa jilid”, kaas oo ka hadlaayay dhacdadii shalay ee dadka ka yaabisay hab wadiddii gaariga ee ku dhamaatay Dhimashada Caddiinle iyo dhaawaca culus ee Bajaq, qoraalka waxuu faahfaahin ka bixihaa wixii shalay dhacay inaaneey aheyn wax caadi ah, oo weliba uu suurtagal ka dhigaa in ay Qamri cabsanaayeen labadaba.
Avv.Cosoboow, waxuu u yimid Maamma Dahabo inta aanu aadin shaqa maalmeedkiisa, waxuuna u sheegay inuu aadayo arrinkii Maxaad Cali, waxuuna u sheegay inuu soo wacayo, haddii ay mininka joogeyso, iyaduna waxeey u sheegtay ineey rabta uun ineey soo fiiriso Xaafadda Reer Maxaad Cali si ay u soo ogaato Maxaad inuu yimid iyo in kale, sidaas ayaa lagu kala tegey iyo in laysku soo warceliyo.
Avv.Cosoboow, waxuu tegey Wasaaradda Macdanta iyo Biyaha, waxuuna u gudbay xafiiska Wasiirka, waxuuna galay qolkii xoghaynta, waxuuna u sheegay inuu rabo inuu la kulmo Wasiirka. Waxeey xoghaynti ku tiri: Mudane Qareen soo dhawaaw, xoogaa yar fariiso.
Waa tahay ayuu ku jawaabay, wuuna fadhiistay Qareen Cosoboow.
Gabadhii xoghaynta aheyd waxeey u gashay Wasiirkii, una sheegtay inuu u joogo Qareen Cosoboow, waxuuna ku yiri: Soo gudbi.Qareen Cosoboow Waxuu u gudbay Wasiirkii, oo albaabka uga horyimid, si diirrana u soo dhaweeyay.
Qareenka iyo Wasiirka waxeey wada fadhiyeen muddo aan ka yareyn 60 Daqiiqo, kadibna qareenkii waxuu ka soo baxay isagoo qanacsan. Waxuuna toos u abbaaray Xafiiskiisa, kolkii uu tegeyna waxuu hore ka wacay Maamma Dahabo, waxuuna ku yiri: Arrinkii Maxaad Cali waxuu ku soo dhammaaday guul iyo is afgarad, Sabtidana ha tago Xarunta Wasaaradda macdanta iyo biyaha. Maamada waxeey weydiisay tafaasiil kale, laakiin Garyaqaanku waa ka gaabsaday inuu tafaasiil kale siiyo.
Waxaa la gaaray Salaaddii Casar, dadku waxeey kala joogaan labada xaafad ee geeridu taal, dadkii qaybo iyo baabuur waxeey jiraan Cusbitaalka si looga soo qaado Meydadka, kadibna waxaa la kala geeyay laba masjid oo xaafaddo ku kala yaal,Waxaana lagu kala tukaday Salaaddii Janaasada, kaddibna waxaa la wada keenay oo lagu kulmiyay Qabuuraha Macallin Iftiin, waxaana bilaabatay Duugtii meydadka ”Allahu Rabbi nabi Muxamad” Allahu Rabbi nabi Muxamad”, Bur ciidka soo dhiiba , marada inta ka qabo, qoryaha keena iyo hawlahaas ayaa ka socday, muggeey dhammaatay Duugitaankii Toosheey, Waxaa godkii ag fadhiistay Wadaad ka mida wadaadadi goobta joogay waxuuna bilaabay inuu akhriyo Talqiin, muggoow dhammeeyayna waa duceeyay.
Dhinaca kale kolkii la aasay Marxuum Caddiinle, waa uun la duceeyay waana lagu soo kala tegey.
Labada Qabri ee lagu kala duugay ma kala dheero labada marxuum.
Waxaa lagu soo kala tegey Qabuuraihii iyadoo qolo walbaa barteey ka timid u jiheysatay.
Sida dad badani og yihiin waxaa la yiraa geeri ma qarsoonto, warkii oodda jabsay, meel kastaana laga maqlay geerida Caddiinle. Warku waxuu gaaray saaxiibkiis oo ay isku dheeraayeen oo aaney kala harin weligood waa ”Qodax afdahab”oo muddo kooban ku sugan Dalka masar,Waxaa bilaabay qarracan cusub, waxaa ku karay dhiigga, isagoo beryahaanba ay Hurdo la’aan iyo fikir badan haayay ayay tanna ugu darsoontay, Waxuu soo wacay aabbahiis oo ah Maareeye Afdahab, waxuuna weydiiyay sida ay wax u jiraan. Maareeye Afdahabna, Waxuu ugu jawaabay Wiilkiisa: Aabbo, is deji, saaxiibkaa wuu dhintay, mana soo noqonayo, Cabsidaan iyo welwelka ku haayana iska dhaaf.
Qodax: Maya,Maya aabbo, Tikid aan ku soo noqdo ii soo dir.
Maareeye Afdahab: Aabbo, aniga adaan ku dhalay mana kuu rabo rafaad iyo dhib inaad gasho, Wixii lacag aad u baahantahay waa kuu soo diraa laakiin meeshaada joog.
Qodax: fiq fiq fiq fiq, maya Aaabbo ma rabo adduunkaan.
Maareeye Afdahab: Aabbo, adiga maxaa kaa galay Caddiinle iyo cidda kale ee waalatay, aniga adaan ku dhalay,waadna ogtahay wiil kale iima joogo.
Qodax: May may aabbo, Malintii wixii ka dambeeyay, habeenkii ma seexdo, maalintii ma joogi karo, marka culeyskaan i haayo hal mar ha i dhaafo aabbe, waa ku tuugaa tikid ii soo dir.
Maareeye Afdahab: Aabbo, bal hooyadaa la hadal.
Qodax: Haye.
Qodax: Halloow Hooyo.
Hooyo Khadro: Haa Hooyo, Halloo. Waa maxeey warkaan jilcan aad aabbahaa kula hadleyso.Hooyo, wax tegey sooma noqonayaan ee taada ilaasho hooyo, nagana daa calool jileecaan hooyo.Wiil waa kii adadage.
Qodax: Maya hooyo, intaan ka badan ma xamili karo.
La soco qaybaha kale
Waxaa qoray:
Xuseen M.Cabdulle “WADAAD”
huswadad@hotmail.com