Sheeko taxan:Horta yaa abaal gala hadduu jirona yaa guda? Q50AAD W/Q: Xuseen “WADAAD

Sheeko taxan:Horta yaa abaal gala hadduu jirona yaa guda? Q50AAD 

Waxaa la joogaa Maxkamadda ku taal degmada Raqay weyne,maxkamadda dadku waxeey u imaanaanayaan teelteel, waxaa lagu fadhiyaa kuraasta dhex taal gudaha Maxkamadda. Dadka maxkamadda yimid ee dhex fadhiya waxaa ku jira Maxaad Cali, Cali Gaab, Abti Axmed, Xaajiyo Batuulo iyo Maamma Dahabo.

Waxaa kaloo Maxkamadda waqti xoogaa dadku sii fadhiyeen soo galay Garyaqaan Cosoboow iyo Saaxiibkiis Ina Aw Maxamuud, waxeeyna fadhiisteen kuraas meel geesa tiil, waxeey gacmaha ku wataan Boorsada warqadaha iyo dokumentiska lagu qaato oo gar la qabto leh, waxeey labadaba ku lebisan yihiin Shaarar iyo saraawiil kala midaba iyo qoorxiro kala duwan, waxeeyse ka siman yihiin oo ay wataan Jaakadu isu yara midab eg.

Gudaha Maxkamadda iyo dibaddeedaba waxaa socsocdo Askar booliis ah oo lebisan. Dibadda baabuur shabaqleh ah oo taagan waxaa saaran dad xiran dharka maxaabiista. Baabuurkii kolkuu xoogaa taagnaa ayaa laga soo dejiyay Laba wiil oo dhallinyaraa, waana Dalmar iyo Axmed Dheere, waxaana loo soo gudbiyay gudaha Maxkamadda, waxaana la joojiyay meel geesa oo si gaara u dhisan.

Waxaa kale oo maxkamadda soo galay, Qof kale oo ah Xeerilaaliyaha dacwada ama dacwa oogaha kiiska, iyo Sarkaalkii baarista dembigaan lagu soo oogay Labadaan eedaysane.

Muddo kadib waxaa qolka soo galay nin dhar gaara wato, waxuuna ku dhaqaaqay Cod dheer uu ku leeyahay ”Maxkama”, dadkii meesha joogayna hal mar ayaa la wada istaagay, waxaana isla markiina soo galay Hoolka Saddex nin oo garbaha ay u saaran yihiin Baaldooyo isku midaba oo midabkoodu buluug yahay, iyo nin si caadiya u lebisan oo la socdo.

Waxeey fadhiisteen kuraas dadka ka hor jeeddo oo meel sare saaran, kolkeey fadhiisteen ayaa dadkiina hal mar wada fadhiistay. Saddexda isku lebiska ah ,waxeey fadhiisteen saddexda kursi ee siman, dhexda waxaa fadhiyo waa nin dhuuban, oo hareed iyo gar isku jooga leh, midabkiisuna maariin yahay , labada dhinac waxaa ka fadhiyo waa laba nin oo da’ ahaan ka da’ yar isaga. Ninka kale ee ku lebisan dharka caadigaa waxuu fadhiyaa kursi gees ka ah halka ay fadhiyaan waxaana hor yaal warqado iyo qalin. Sida muuqato waa qalinkii maxkamadda.

Maxaad Cali, Kolkuu indhaha ka qaaday wiilkiisa oo qafaska itihaamka taagan, ilmaa indhahiisa soo jabsatay, waxaana si hoose u dejiyay Cali Gaab.

Qaadigii ayaa hadlay oo yiri: Maxkamadda waa furan tahay, waxaana maanta oo ay taariikhdu tahay xx.xx.xxxx dhageysaneynaa dacwadda lagu soo eedeeyay eedeysanayaasha kala ah:

Dalmar Hareeri Dubbad & Axmed Maxaad Cali.

Dacwaddana waxaa soo gudbinaya Xafiiska xeer ilaalinta.

Waxaa markiiba istaagay Dacwa oogaha kiiska ,isagoo is jooxaarihaayo ayuu hadalkiisii ku bilaabay: Bismillaahi, Waxaan salaamayaa Golaha garsoorka iyo dhammaan qareenadda labadda dhinac iyo  ka soo qaybgalayaasha dhegeysiga dacwaddaan, Waxaan maxkamadda sharafta leh u soo gudbinayaa Labadan eedeysanayaal  oo kala ah:

 1 Dalmar Hareeri Dubbad, ina Cowrala Shamuuq, da’diisuna tahay 19 jir.

2.Axmed Maxaad Cali ina Ina Kutubo Ow Muxuddiin, da’diisuna tahay 19 jir.

Waxaan eedeysanayaashaan ku soo eedeynay anagoo tixraaceeyna caddeemaha aan fal dambiyeedkaan ka hayno ineey Toorreey ku dhaawaceen dhibane Toosheey Cabdi Carar, ina Salaado Mareer, da’deeduna aheyd 17 jir, ayagoo doonaya ineey si xooga ku kufsadaan, taariikhdu markeey ahey 00.00.0000, abbaarihii Siddeeda iyo 30 daqiiqo ee fiidnimo, Xaafadda Waraale ee Magaalada Raqay.

Mudane Guddoomiye iyo ku xigeennada iyo qalinka maxkamadda sharafta leh, Booliiska saldhigga 5aad, oo dedaal dheeriya sameeyay waxeey gacanta ku soo dhigeen eedeysanayaasha maanta hortiina taagan, kuwaas oo ka baxsaday, kolkii ay dhaawaceen Toosheey, taas oo ugu dambeytiina u geeriyootay dhaawacii ay gaarsiiyeen sida ku cad Warqadda sumadeedu tahay 00000,ee ah caddeynta dhaqtarka iyo warqadda kale ee Caddeynta dhimashada ee DH.

Mudanayaal, Baaritaano badan oo ay sameysay hey’adda dembi baarista iyo booliiska iyo Xafiiska xeer ilaalintuba waxa noo caddaatay ineey iyagu yihiin dadka faldembiyeedkaas geystay.

La soco qaybaha  kale.

Waxaa qoray:

Xuseen M.Cabdulle “WADAAD”

huswadad@hotmail.cm

 

SHEEKOOYIN