Sheeko Taxan:RUN MISE BEEN? Q2AAD W/Q: Axmed Xaayoow(Aun)

RUN MISE BEEN?Q2AAD

Bashiir gabadhi ugu horreysay ee uu xiriir la sameeysto waxaa la dhihi jiray Khadiija, wa xa uu ku bartay saaxiibkiis Cabdullaahi oo ay ilma adeer ahaayeen Khadiija, guryahoodana ay iska soo hor jeedeen, markuu Bashiir yimaado guriga saaxiibkiis Cabdullaahi waxaa inta loo sheegi jiray inuu aaday guriga adeerkiis, markaana uu Bashiir ugu tegi jiray, Khadiijana ay shaah ugu keeni jirtay walaalkeed iyo saaxiibkiis, xiriirka Bashiir iyo Khadiija wuxuu ku billowday si aan ku talagal aheyn oo lama filaan ah kaddib markuu Bashiir uga tegay miiski qolka fadhiga waraaq uu ku sawiray wadno dhiig ka da’aayo oo fallaar uu ku suran yahay, markaana ay Khadiija oo soo ururin laheyd koobabki ay ugu keentay shaaha ay aragtay warqada una qaadatay inuu ayada meesha ugu reebay Bashiir, wixii ka dambeeyay Khadiija waxay sugeysay fursad ay ugu gudbiso jawaabteeda ah ogolaanshaha.

Waxay fursadi noqotay habeenki ugu horreeyay ay Khadiija salaanto oo gacanqaaddo Bashiir oo ay wacday ayagoo sii baxaaya, Khadiija waxay Bashiir ku salaantay waraaqdi jawaabta aheyd oo uu isla markiiba jeebka gashaday, walaaca ay warqadaas ku abuurtay habeenkaas wuxuu saaxiibkii Cabdullaahi oo ay shaneemo u wada socdeen ka codsaday inuu fasaxo oo Filinka kaligii iska galo, asagoo u sheegtay inuu madaxa xanuunaayo uuna rabo inuu iska jiif tago, laakiin jiijiid badan kaddib waa la fasaxay, Bashiirna markuu hubsaday inuu ka soo fogaaday ayuu warqadii furtay asagoo la sugi waayay intuu gurigiisa ka tago.

Warqadda waxay Khadiija qortay 7-7-77 oo ah July 7. 1977 oo aheyd maalin khamiis ah, habeenki jimcaha soo gelaayay ayay gacanta u soo gelisay, Bashiir intaanu akhrinba wuxuu ku dheygagay taariikhda warqada, kaddib ayuu akhriyay:

 

Bashiir waan arkay wadnihi aad iiga tagtay ee dhiigu ka da’aayay, hadduu dhab kaa yahay anigana kula mid ayaan ahay diyaarna waa kuu ahay, waxaan kaa sugaa jawaab habeen dambe”.

Mar labaad iyo seddexaad ayuu akhriyay warqadi, wuxuu dib u daartay cajalad uu ka daawado muuqaalkeedi iyo dareenkeeda siduu ahaa intuu tegaayay gurigooda, waxaa u soo baxday inay xiisa gaar ah uga muuqatay sideey shaaha ugu keeni jirtay iyo sideey ina adeerkeed ugu khasbi jirtay hadduu diido shaaha inay u keento ayna dhihi jirtay “Haddaadan rabin Bashiir ayaa cabaayo”.

Habeenki jawaabta laga sugaayay Bashiir wuxuu noqday kii ugu horreeyay uu xiriir la yeesho gabar, Khadiijana waxay noqotay mid uu gabdhaha ka baadi goobo ayadoo kale, baadi goobkaas oo gaarsiiyay inuu Habboon ka dhur sugo ayadoo ay ula muuqatay inay tahay Khadiija oo yar.

Dhowr habeen markeey wada sheekeysteen Bashiir iyo Khadiija, fursadna ay u heleen inuu wax u akhriyo ayna sheekeystaan ayaa waxaa dhacay habeen uu ka soo baxay guriga Khadiija inuu jiiro uga hor yimid wiil la yiraahdo Cali Nuur oo ay ilma habreed yihiin Khadiija, markuu Cali Nuur istaajiyay Bashiir ayuu ku yiri “Saaxiib gabadhaad la sheekeysaneyso rag ayay u doonan tahay ee miyaadan ogeyn?”

Bashiir oo yaaban isuna diyaariyay dagaal ayaa yiri “Iima sheegin inay rag u doonan tahay, laakiin waa arki doonaa hadday middaas jirto” Bashiir intaa kaddib wuu iska dhaqaaqay asagoo qaba dareen weyn iyo digniin ah inuu foojignaanta badiyo.

Khadiija ina adeerkeed Cabdullaahi wuxuu guriga Adeerkiis ugu soo laalaabanaayay waxay aheyd inuu adeer u dhiibo gaari tagsi ahaa uu rabay inuu wado, markuu helay muraadkuu lahaana wuxuu ku mashquulay Tagsiga inuu ku shaqeeyo waayoo waxbarashadi wuxuu uga tegay fasalka 8aad markeey ka wada bexeen asaga iyo saaxiibkiis Bashiir oo Dugsiga sare sii watay haddana guriga ku yimaada madaxa Cabdullaahi oo reerka ay ku barteen una sheegay inuu yahay wiil fiican oo waxbarashadana ku fiican, sidaa daraadeed ayaa loogu aaminay inuu Khadiijo oo ah fasalka 8aad ka caawino waxbarashada.

Khadiija Hooyadeed iyo Aabbaheed waxay kala tageen goor hore, waxayna la joogtaa Aabbaheed, Hooyadeedna waxaa guursaday nin kale oo ay u dhashay carruur waxayna degan yihiin Degmada Wadajir.

Habeenki xigay wuxuu Bashiir weeydiiyay Khadiija wiilki jidka u galay, waxay u sheegtay in la yiraahdo Cali Nuur ayna wada sheekeysan jireen laakiin hadda ay kala hareen iyo inay dhashay habaryarteed, Bashiir oo ku andacooday inaanu hore ula socon inay wiil kale xiriir leeyihiin ayay Khadiija ku qancisay inay iskala sheekeysan jirtay laakiin aaneey wax dan ah ka laheyn xiriirkiisa, balse marki ugu horreeyay ay asaga aragtay inay jeclaatay, markuu Bashiir ka soo tegay Khadiija asagoo aad u digtoon ayuu Cali Nuur uga hor yimid barteey xalay ku kulmeen, markan asagoo ka duwan sidiisi hore kana codsaday inuu u daayo gabadha uu jecel yahay ugana soo horreeyay xaqna uu ku leeyahay, Bashiir erayadaas waxay taabteen laabtiisa isla markaana waxaa ka tan badiyay hadaladi ay Khadiija ku soo akhrisay oo ahaa inay wax dan iyo muraad ah ka laheyn wiilka hor taagan, markaa ayuu ku yiri ” haddaad xalay siddaan iila hadli laheyd waxbeey ahaan laheyd, laakiin afkaad igula hadashay inaad ku adkeysato ayaa caawa kuu fiican” wuuna ka dhaqaaqay asagoo ka xun jawaabta uu siiyay Cali Nuur.

Bashiir weli qalbigiisa kama go’in muddadi sanad ku dhawaadka aheyd ee ay wada socdeen Khadiija, siddeey hadalkiisa u dhageysan jirtay, qosolkeedi iyo ilka caddeynteedi, sideey diyaar ugu aheyd inay qaadato talooyinkiisa oo ay ka mid aheyd inay soo booqato Hooyadeed wanaajisana xiriirka qoyska Hooyadeed kuna dadaasho inay laba reerood safiir u noqoto, wuxuu Bashiir dhisay qofka uu noloshiisa ku aamini lahaa dhan walba.Khadiija waxaa ku dhacay isbedel weyn oo ay ka dareemeen waalidkeed, waxay ula muuqatay inay gabadhoodu la soo baxday firfircoonaan iyo caqli ay ku xaliso xumaan ay ku kala maqnaayeen muddo fara badan, una furtay baal cusub labada qoys ee Hooyo iyo Aabbe.

Waxaa kale oo ay saameyn ku yeelatay ardayda ay isku fasalka yihiin oo ka dareemay isbedel xaga waxbarashada ah iyo mid xaga hadalka ah, markeey hadleyso waxay u dhegeystaan siddeey u dhegeeysato Bashiir oo kale, Khadiija lafteeda ayaa isla yaabtay horumarka ay sameysay.Cali Nuur si sahlan kuma harin, wuxuu ku mintiday inuu gacanta ku dhigo Khadiija oo markaan intii hore ka sii qiima badan, Ammaanteeda waxay gaartay reeraha oo dhan taas oo Cali Nuur ku dhiirigelisay inuu Hooyadiis u adeegsado inay uga doonto walaasheed oo ah Khadiija Hooyadeed, taas oo noqotay fursada uu ku heli karo, nasiib wanaagna uu ku helay inuu weydiishada uga hor maro Bashiir oo qorshihiisu ahaa inuu doonto markuu Dugsiga sare ka boxo, labada Hooyo waxay isla garteen in arrinta lala sugo intay Khadiija ka baxeyso imtixaanka Dugsiga Dhexe markaana loo gudbiyo Khadiija iyo Aabbaheed halkaana lagu bixiyo Khadiija.

Arrinta doonashada Khadiija markii la gaaray ayuu waagu ku baryay Bashiir iyo Khadiija oo diidmadeedi ay socon weyday kaddib markeey hal dhinac ka soo wada jeesteen Hooyo iyo Aabbe oo wada jira, kaalma kasta ay weeydiisatay Aabbaheedna way ka weyday waxaana sabab u ahaa inuu ku ixtiraamaayay Khadiija Hooyadeed si aanu xiriirkoodu dib ugu xumaanin.Bashiir howl wanaagsan uu qabtay ayaad moodaa inuu ku waayay Khadiija oo uu Aabbaheed la safan lahaa haddii uu xiriirkoodu xumaan lahaa, walloow aanu Bashiir ka shalaaynin wanaagi uu kula talin jiray qofkuu damacsanaa inuu mustaqbalka ka dhigto, wuxuu u arkaayay geed uu abuuranaayo si uu u harsado.

Khadiija waxaa calfaday Cali Nuur habeenka arooskoodana Bashiir waxaa saarnaa buste weyn, asagoo ka xun in beertuu abuuray uu miraheeda guranaayo wiilki u istaagi jiray jiirooyinka xaafadda.

 

Lasoco qaybaha kale

W/Q: Axmed Xaayoow(Aun)

SHEEKOOYIN