Sheeko Taxan:RUN MISE BEEN? Q3AAD W/Q: Axmed Xaayoow(Aun)

 

Sheeko Taxan:RUN MISE BEEN? Q2AAD

Biibito ay dhallinyarada isugu yimaadaan habeenki ayuu Bashiir kula kulmay saaxiibkiis Yusuf oo markuu isha saarayba gacanta ku soo dhegay, markuu bannaanka biibitada ula baxay ayuu Yusuf yiri “Waxaad fiirisaa wiilasha dubnada ku cayaaraaya miiska midka u soo jeeda dhanka Albaabka biibitada oo wata shaarka leh diilimaha gacaarka iyo gaduudka ah.”

Isla markiiba Bashiir wuxuu insha ka buuxsaday wiilki loo tilmaamay, markaa kaddib ayuu Yuusuf intuu la dhaqaaqay oo ay fadhiisteen derbi yar ayuu u sheegay inuu yahay wiilka saaxiibka la ah Habboon, isla markiiba wadnaha Bashiir wuxuu billaabay garaac xoog badan, kaddibna wuxuu Yusuf u raaciyay sidduu ku ogaaday oo aheyd inuu wiilka laftiisa u sheegay inay wada socdaan Habboon asagoo ka codsanaayay inuu kala hadlo khilaaf soo kala dhexgalay aawgii, Bashiir oo intaa aamusnaa ayaa yiri “Waa mahadsan tahay saaxiib sidaad warbixinta iigu keentay”

Yuusuf ayaa hadalki uga dhexgalay “Sug saaxiib weli kuuma dhammeynine” wuxuu sii raacsaday “Markuu erga ahaanta ii dirsaday ayaan u tegay Habboon si aan u sii xaqiijiyo warka runtiisa, markaan kala hadlayna waxay igu tiri “Wiilkaas waa iskala hadli jiray maahane wax naga dhexeeyo ma jirin” markeey ku adkeysatay inay waxba ka dhexeyn ayaan ku iri wuxuu ii sheegay inuu ku jecel yahay wuuna ii soo kaa dirsaday, waxay tiri: “Waan ogahay taas oo mar kasta aan suuqa u aado adeega ayuu ii sheegaa, laakiin dhowrgoor oo aan niyada u dhisaayay ayaan wada kulanay, haddana waan u sheegay mowqifkeeyga” markuu Yuusuf hadalka intaa marinaayo ayuu Bashiir niyada iskala hadlay oo is yiri “Sheekadu u ekaa tii Khadiija iyo Cali Nuur” kaddib wuxuu ku soo baraarugay Yuusuf oo leh “adiga ayaan ku weeydiiyay inay xaafadda kugu aragtay iyo in kale, waxay igu tiri: “Bashiir mar mar wuu yimaadaa xaafada laakiin nooma soo galo anaga” waxaan ku iri haddaad aragto waxaad ku tiraahdaa Yuusuf ayaa kuu baahnaa, wayna iga ogolaatay,marka saaxiiboow waxaan Habboon ka dareemay inay aad kuu xiiseyneyso ee haddii aad xaafadda tagto salaanta ku dar inaad ayagana soo salaanto” intaa kaddib ayay biibitadi ku soo laabteen Bashiirna wuxuu si fiican u fiiriyay wejiga Maxamuud oo ah wiilki loo tilmaamay wuxuuna meesha iskaga tegay asagoo sawiri kara Maxamuud.

Habeenki uu Yuusuf ka tegay ayuu Bashiir go’aansaday inuu ka faa’iideysto fursada inta ay dagaalsan yihiin Habboon iyo Maxamud, asagoo isku qanciyay hadalkey Habboon ku tiri Yuusuf oo ahaa inay dhowr jeer iskaga tagtay Maxamuud laakiin aanay ujeeddo ka laheyn iyo rabitaan mustaqbal toona, Bashiir markuu miisaamay hadalkaas Habboon looga sheegay iyo midki ay Khadiija ku tiri markuu weeydiiyay Cali Nuur way iskula ekaadeen laakiin wuxuu mudnaanta ku siiyay midka Habboon inay ku tiri Yuusuf oo aaneey wax dan ah kala laheyn, laakiin Khadiija ay asaga ku tiri ayadoo rabtay inay asaga wax la wadaagto, halkaa waxaa Bashiir uga soo baxay fursad uu ku dhiiran karo inuu Habboon kula wareegi karo.

Habeenki xigay maqribka kaddib ayuu Bashiir aaday xaafadi xamar jajab asagoo salaanta soo wada mariyay dareski oo dhan ayuu ugu dambeynta wuxuu garaacay albaabka guriga Habboon oo ay ka furtay Hooyo Faduma oo maleysan weyday inuu gurigooda yimaado.Hooyo Faaduma markeey aragtay Bashiir ayay u yeertay Habboon kuna tiri “Habooneey hooyo waxaa noo yimid Bashiir Xaaji oo caawa na soo salaamay ee orod cabitaan ka keen dukaanka” Habboon waxay ka soo baxday qolkeeda oo ay la joogtay Gabar saaxiibteed ah oo ka weyn kuna jirta macalimiinta BBga oo Xalane ku xareysan, Gabadhaas oo la yiraahdo Xaliimo Cadeey, Bashiir oo diidan cabitaanka la doonay ayay Habboon ka talaabtay albaabka oo aaday Dukaanka.

Daqiiqado yar kadib ayay Habboon soo gashay ayadoo wada cabitaanki oo ay mid ugu tala gashay saaxiibteed, makaana Bashiir wuxuu Hooyo Faaduma uga warramaayay xaalada reerkiisa iyo xaafada Yaaqshiid ay degeen oo markaa u muuqatay baadiyo baadiyo camal, waxay noqotay inuu Bashiir galo qolki ay ku jireen Haboon iyo saaxiibteed oo la baray, kaddibna wuxuu Bashiir bilaabay sheeko caadi ah, maadaama aanu fursad u haysan muraadka uu u yimid, wuxuu ka sheekeeyay intuu xaafadda deganaa iyo inta jeer ay wada hadleen asaga iyo Habboon oo markhaati uga noqotay intuu tiriyay, Xaliima caddeey oo dhabanka haysata oo la yaaban hadalada Bashiir iyo markhaatiga Habboon ayaa tiri “Aboow horta magacaagi iigu celi adigoo raali ah” Habboon ayaa ugu celisay magaca Bashiir Xaaji, markaa ayay Xaliimo Caddeey tiri “walaal Bashiir siddee ku xasuusatay Toban jeer oo aad la hadashay Haboon?” Wuxuu ku yiri ” Waxaan daneeynaayo ayaan meel iigu qoran, hadda magacaaga iyo habeenkaan aan isbaranay waan kuu sheegi karaa 10 sano kaddib” Xaliima Caddeey ayaa tiri ” waa iga maskax fiican tahay” wuxuu ku yiri “wuxuu xiiseynaayo inta badan si fiican ayuu maskaxda qofka ugu keydsadaa, midaa ayaa keentay inaan xasuusto Habboon intaan wada hadalnay” Xaliima oo fahamtay ujeedka Bashiir ayaa Habboon su’aashay “Habooneey adiga ma xasuusataa?” Haboon ayaa tiri “maya, laakiin markuu ii tiriyay Bashiir ayaan wada xasuustay” kaddibna waa wada qosleen, xoogaa markuu joogay Bashiir ayuu go’aansaday inuu baxo, waxaana soo sagootiyay Haboon iyo Saaxiibteed, markeey xoogaa soo fugaadeen ayuu Bashiir ku yiri Xaliima Caddeey “Wax yar ayaan rabaa inaan Habboon ku iraahdo, adigoo iga raali ah haddii aad ii ogolaato” ogolaansho kaddib ayuu gees intuu ula baxay Habboon ayuu ka codsaday inay ballamaan si uu ugu sheego muraadkiisa, Haboona waa ka ogolaatay, waxayna balameen laba habeen kadib.

La soco qaybaha kale

W/Q: Axmed Xaayoow(Aun)

SHEEKOOYIN