Sheeko Taxan:RUN MISE BEEN? Q5AAD W/Q: Axmed Xaayoow(Aun)

Sheeko Taxan:RUN MISE BEEN? Q5AAD 

Qofka waxa ugu horreeya uu barto ayuu goor walba raadiyaa, middaasoo ah waxay dadku ka siman yihiin, Bashiir shukaansigi ugu horreeyay noloshiisa wuxuu ahaa mid qarsoodi ku billowday kuna dhammaaday ayadoo aanay qofna ogaan, sidaa daraadeed ma jecla inay qof ogaato xiriirka asaga iyo Habboon, sidaa ay tahayna wuxuu jecel yahay inuu sugo, inta ay Habboon oo hadda ah fasalka 2aad Dugsiga sare ay jaamicad ka bexeyso, waayoo wuxuu dareemay inay aqoonteedu dhisan tahay.

Sugida wakhtiga intaa la’eg iyo qarinta xiriirkooda ayaa ah mid aad u dhib badan, balse uu ku adag yahay Bashiir inaan sina loo ogaan xiriirkooda, waxay kaga dhegan tahay inuu noqdo sidi kii Khadiija kala dhexeeyay oo kale, wuxuu dhib ka jiraa Xaliima oo ka keensatay afka Habboon waxa kala dhexeeya Bashiir ayna ka baqday Habboon inay u sheegto waxa jira,wuxuu Bashiir ka yeeli lahaaba intaan la gaarin, dhowr jimco ayay Xaliima ka war sugeeysay Habboon inay istusto ayada iyo Bashiir, laakiin Habboon waxaa intaan soo gaarsiiyay inay ku ilowdo sheekada Bashiir oo aad ugu socotay, hadda inay u sheegto waxaa soo xasuusisay Xaliima oo go’aan cad ka qaadatay haddeey jimcahaan keeni weydo Bashiir iyo ayadoo ka ballan qaaday inay keeneyso jimcahaan, laakiin maadaama uu Bashiir cudurdaar sheegtay, Habboon waxay qabtaa inay Xaliima ku qanceyso, balse looga baahan yahay inay Xaliima u sheegto in aanay ku soo qaadin wax ku saabsan xiriirkooda oo ay iska dhigto qof aan ka war hayn, maadaama uu arrintaas ku adag yahay Bashiir.

Habeenki markeey ka soo baxeen shaneemada ayuu Bashiir ku yiri “Waxaan jecelahay inuu xiriirkeenu qarsoodi ahaado intaad jaamicad ka baxeeyso, waayoo aqoontaada aad ayay u fiican tahay waxaana rabaa inaad sii kordhiso haddii aadan adigu ogoleyna markaad dugsiga sare dhammeyso ayaan ka dhigan karnaa, hadba middii kula qumanaata” Habboon ayaa tiri “waa talo wanaagsan, waana kaa qaatay inaan jaamicad aado intaana howsheenu ay qarsoodi noqoto, waayoo cabsi aan kaa qabo ma jirto oo igu kalifaaya inaan markhaati u yeelano”.

Waxay kala tageen ayadoo uu mid walba dhan uga fekeraayo arrinta Xaliima oo ku noqotay utun cusub oo wax u dhimi karta xiriirkooda.Sidii ballantoodu aheyd Bashiir iyo Habboon waxay kulmi jireen habeenka axadda soo geleyso iyo habeenka khamiista soo geleyso, sidaa daraadeed ayay u kulmeen habeenki Khamiista, wuxuu Bashiir soo diyaariyay inuu uga hadlo barnaamijka hor yaal illaa ay ka gaaraan doonashada, wuxuu yiri “Waxaan jecelahay inaan leeyahay sir ii gaar ah oo aanu ogeyn qof kale, ha ahaado waalid ama saaxiib, sababtoo ah inay ogaadaan waxaa iiga amaan badan inay ogaanin sirteyda mustaqbalka, waayoo ma rabo inay fikrad ama talo igu biiriyaan xataa haddii aanan ka qaadan waxaa dhici karta inuu saameyn igu yeesho talada ay ii soo jeediyaan ama arrinta ay ii sheegaan, ha ahaato mid been ah ama mid run ah” Wuxuu Bashiir sii raaciyay qofka saaxiibka kula ah oo aad ugu kalsoon tahay hadduu kuu soo jeediyo arrin kuula muuqata suura gal waxaa dhici karta inaad ka qaadato, adiga oon ogeyn muraad inuu ka leeyahay iyo in kale, marka waxaa fiican inay sirtaadu kuu gooni tahay had iyo goor” Habboon ayaa tiri “Wax dhib ah uma arko in sirtaada kuu qarsan tahay, hadduu qof kaa ogaadana uma haysto inuu wax kuu dhimi karo, haddii aadan adigu raali ka aheyn” Bashiir oo ka dhexgalay warki ayaa yiri “waxaad tiri (Qofna waxba kaama haleyn karo, haddii aadan adigu raali ka aheyn) halkaa waxaa ka muuqata inuu qofku ku gaarsiin karo inaad raali warkiisa ka noqoto oo haddaad wax badan ka diido oo ay kugu celceliso inaad mar uun ka qaadaneyso, sidaa daraadeed waxaa ka mudan inuu sirtaada kuu gaarka ah ogaanin” Wuxuu waydiiyay “Saaxiibtaa Xaliima saaxiib miyay leedahay?” Waxay tiri “maya, ma aqaan oo iima sheegin inay leedahay iyo in kale”
Kaddib Bashiir oo rabay inuu ka baaro Habboon inay saaxiibteed isweeydiiyeen su’aalo la xiriiri ragga ayay Habboon ugu jawaabtay inaanay arrimahaas isku soo qaadin ayada iyo saaxiibteed.Habeenkaas Bashiir waxaa galay kalsooni yar oo ka saartay cabsi uu ka qabay inay Xaliima ogtahay afaarahiisa kala dhexeeya Habboon, laakiin Habboon waxaa maskaxdeeda ay ku daashay sidi ay saaxiibteed habeen dambe uga qancin laheyd imaasha la’aanta wallow uu cudurdaar jiro haddana sidda ay ugu xanaaqday ayay ka cabsi qabtaa inay habeen dambana ugu xanaaqdo muxuu u imaan waayay?

Usbuuci xigay habeenki ballanta ee axaddu soo gelaysay waxay Bashiir iyo Habboon isu raaceen Shaneemo Musuyooni oo ku dhowayd Hotel Shabeele, waxaa shaneemada gala odayaal si fiican u yaqaan luqada Talyaaniga oo aan jecleyn inay qofna hadlin intuu filinku socdo iyo labadooda oo raba inay shaneemada ku dhex sheekeystaan, waxaa loog guuray agagaarkooda oo ay odayaashu shuxshuxdooda ka fogaadeen, waxaa dhacda mararka qaarkood inay odayaasha rukunka u ah shaneemada qofka ay hadalkiisa ka dacwoodaan in digniin la siiyo hadduu maqli waayana shaneemada laga saaro, waayoo waxaa jira odayaal shaneemada ku gala teesaro ah mid ay bishiiba hal mar goostaan si ay shaneemada ugu galaan, halka dadka intooda badan ay ku galaan tigid ay habeenkaas goosteen, waxaa inta badan laga dhigaa aflaam ku saabsan baaris dembiyo iyo siyaasadda kuwa ku saabsan taasoo inta badan looga hadlo magaalooyin Talyaaniga iyo wax yaabaha ka dhaca.

Habboon oo u haysatay inuu Bashiir aragtida Xaliima uga baaqday jimcihi hore xuska gurigooda ka jira, ayaa caawa ku soo celisay oo tiri “Markeey Xaliima ii timid habeenki jimcaha oo ay rabtay inay ku aragto, markaan u sheegay inaad Xuska gurigiina ku mashquulsan tahay ayay tiri “dhib malaha ee igu salaan haddaad aragto, una sheeg jimcaha dambe ayaan is arkeeynaahe” sidaa daraadeed ayaan ballanti uga dhignay jimcaha dambe” Bashiir oon ku farxin soo laabashada warka Xaliima ayaa weeydiiyay “Waxaan kaa rabaa inaad runta iiga sheegto inay Xaliima wax ka ogtahay xiriirkeena iyo in kale?” Waxay tiri ” Soow hore kuuma dhihin cidd aan u sheegay majirto” wuxuu weeydiiyay “haddii aanay Xaliima waxba ka ogeyn xiriirkeena, sideey ku ogaatay inaan is arkeyno jimcaha ka hor?”

Waxay tiri “ma isweydiisay siddeey ku ogaatay inaad jimcihi hore xus ku mashquulsaneyd?” Bashiir oo isku buuqsan ayaa yiri “ma aqaan filinka meesha ka socdo laakiin anigu ma rabo inaan Xaliima is aragno” Habboon ayaa tiri “Ma waxaad diidan tahay Xaliima, mise inaad gurigeena isku aragtaan?” Wuxuu yiri “waxaan aaminsahay inay Xaliima muraad ka leedahay is arageena, haddeey wax naga ogtahay iyo haddii aanay wax naga ogeynba”.

Habboon iyo Xaliima tii ugu xumeyd ayaa dhax martay habeenki jimcaha, kadib markii ay ka doodeen imaansha la’aanta Bashiir iyo inay Haboon ka soo bixi weysay ballanti ugu dambeysay ay ugu qabato inay Bashiir ku keento, laakiin cudurdaarka jira ay ku qancisay Haboon, wixii ka dambeeyay ayaa waxaa ka dhax billowday dood ka kulul, kadib markay Haboon ka codatay Xaliima inay Bashiir ka qariso ogaanshaha xiriirkooda, halkaa ayay ka tolatay markeey Xaliima tiri “ma siddaas ayuu kaa dhaadhiciyay, ileyn geed ayaad ugu xiran tahay maba ogeyne, Haboon raali iga noqo, waayoo haddeey siddaa tahayba waa ka baxay la kulanka dumaashigeey” calaacal iyo baryo badan kadib ayay ku heshiiyeen inay Xaliima u cag dhigto mudo yar, wixii ka dambeeyana ay xaaladu caadi iska noqondoonto.

Habboon way ka heshay shaneemada ay caawa soo galeen oo ka duwan shaneemo Afrika, waayoo majiraan dad soo dhax maraaya kuraasta iyo kuwa fadhiya gadaashooda iyo hortooda oo ay xataa lugaha saaran karaan kuraasta ka horreysa.Habboon waxaa ay ogeyn in meesha lagu go’doomiyay oo nux nuxdooda laga fogaaday, odaygi soo gala oo dhankooda aada waxaa bakoorada dhulka ugu dhufta oday kale, taas oo ah baaq ay isla yaqaanaan odayaasha oo micnihiisu yahay (Ka soo laabo meeshaas, sheekaa ka socotee) hadduu maqli waayana salka markuu dhigo iyo markuu ka istaago waxba isuma jiraan.

Hubka dhaxanta (sabuulka) waxaad heli kartaa markaad hoos geleyso, laakiin kor markaad geleyso malaha meel aad ka gadato, haddii aadan ka doonaneyn kuwa dhanka hoose ku iibiya, sidaa daraadeed Bashiir iyo HabBoon waxay caawa soo galeen sabuul la’aan, walow ay loos iska iibsadeen.

HaBboon waxaa jiq ku noqotay sidii ay Bashiir uga dhaadhicin laheyd is araga Xaliima oo ballanti ugu dambeysay ay tahay jimcahaan soo socda inay kulmiso Gacaliyaheeda iyo Saaxiibteeda koowaad, waxay tiri “Xaliima inay ku aragto muraad aheyn kaama laha, haddii ay yeelatana maaha mid u suurta geli kara, marka jimcahan oo kali ah aan iskiin tuso” Bashiir wuxuu yiri ” haddaan jimcahaan is arki weyno maxaa dhacaaya?” Habboon ayaa ugu jawaabtay “Waxba, oo maxaa dhici lahaa!” Wuxuu yiri “Wixi dhici lahaaba adigaan ku weeydiiyay, waayoo waan kuu sheegay inay Gabadhaas muraad ka leedahay inaan is aragno, haddana waa runtaa inay waxba ka faa’iideynin haddii ay muraad leedahay, balse aniga waxaan u arkaa inaan u kashifanahay waana midda aan u jecleysan la kulankeeda” Wuxuu sii raaciyay “Haddii aad ku tiraahdo ismaan arag aniga iyo Bashiir habeenki sanadka cusbaa kaddib oo siddaa sheekadeeda uga baxdo, maxaa dhib ah oo ku jira?” Habboon ayaa tiri “Wixii ka dambeeyay soow inaad Xus qabtaan uma sheegin” Bashiir intuu qoslay ayuu yiri “Hadda ballan cusub ayaad soo qaaday soow maaha?” Habboon oo aan haa iyo maya dhihin ayuu sii raaciyay “Waxaad ku tiraahdaa ismaan arkin”.

Habeenkaa Axadda soo geleysay waxaa lagu kala tegay natiijo la’aan iyo qof walba oo ka fekeraaya xalka Xaliima laga gaari karo, Bashiir waxaa ka go’an inuu Xaliima la kulmin sidaasna ay sheekadeedu ku dhammaato, Habboona waxay isleedahay habeenka khamiista soo geleyso ka dhamee inuu Xaliima la kulmo.Si kasta oo ay Haboon iskugu dayday inay ogoleysiiso Bashiir inuu yimaado habeenka jimcaha, wuu ka diiday waxay habeenkaas ku kala tageen natiijo la’aan, balse Bashiir uma haysan inuu wax buuran yahay khilaafka soo dhex galay asaga iyo gacaladiisa Habboon.

January 15.1982 habeenki jimcaha markii ay Hanboon u sheegtay Xaliima inuu Bashiir imaaneyn uuna diiday inay is arkaan ayay Xaliima tiri “Maxaan ka haleeyay Bashiir, uu ku diiday inaan isaragno? War bal amuurtaan oo kale yaa arkay oo maqlay!” Habboon ayaa tiri “wuxuu Bashiir diidaa in sirteenu ay kashifanto, wuxuuna aaminsan yahay inaad ogtahay xiriirkeena” Xaliima ayaa ku dooday “Oo hadduu qof xiriirkiina ogaado maxaa ka macnaa, ma inaad geed ugu xirnaato ayuu rabaa?” Habboon ayaa tiri “Wuxuu Bashiir jecel yahay intaan jaamicad ka baxaayo inay arrinteena cidna ogaan, marka haddii aadan ogeyn xitaa ma rabo inaad wax naga tuhunto” Xaliima ayaa su’aashay “adigana sidaa ayaad ku raacsan tahay soow maaha?” Haboon ayaa tiri “Wallaahi ma aqaan sideey suuragal ku noqoneyso, balse waan ka ballan qaaday inaan cidna ogeysiin xiriirkeena” Xaliima ayaa tiri “Haddeey saa tahay inaad ii sheegto xiriirkiina ayaaba khalad aheyd iyo inaad iga ballan qaado inaan wada kulano, laakiin hadda marabo inaan caqabad idinku noqdo oo anigaa fudud” Haboon oo hadalki ka dhex gashay ayaa tiri “Waxaan kuugu sheegay xiriirkeena inaad saaxiibteey tahay, waxaan kaa qarsanaayana aanay jirin, adiga iyo Bashiir inaad is aragtaan waan jeclaa, adigana aad dhexdhexaad noo ahaato labadeena, balse isma laheyn sidaan ayay arrintu noqoneysaa iyo si la mid ah” waxaa hadalki ka daftay Xaliima oo tiri “Haboon haddana wax walba waa ok, wax halaabayna ma jiraan, wiilkaas xumaan aan u geystay haddii ay jirto u sheeg inuu iga raali noqdo iyo inaan idinka dhex baxay labadiina” Haboon ayaa tiri “Xaliima, maxaa inaad naga dhex baxdo keenaaya, haddii cid dhexda ka bexeyso asagaa baxaaya maahine adiga saaxiibteeda koowaad Adduunka ayaad tahay”.Xaliima oo muraadkeedi gaartay ayaa isku dayday inay Habboon ku celceliso Bashiir ayada oo aan hadaladeeda ku darin inay raali uga tahay Bashiir, saaxiibna la sii ahaaneyso, inkastoo ay Habboon afkeeda ka raadisay erayo sidaas ah, laakiin markeey ka weyday ku adkeysatay inay jareyso xiriirka Bashiir.

La soco qaybaha 

W/Q: Axmed Xaayoow(Aun)

SHEEKOOYIN