Sheeko Taxan:RUN MISE BEEN? Q9AAD W/Q: Axmed Xaayoow(Aun)

Sheeko Taxan:RUN MISE BEEN? Q9AAD 

 

Maxamuud markuu waayay Habboon wuxuu soo aaday gurigooda, markuu soo galay ayaa loo sheegay inay Habboon ku maqan tahay Dugsi Bareyfit ah ay dhigato oo ku yaal Sarta Dabka agtiisa, Maxamud waa laga yaqaan guriga oo mar mar ayuu Haboon ugu imaan jiray berrigeey wada socdeen, Dabeecad ahaan waa nin aan hadal badneyn oo leh weji khamarji, waxaa ka muuqda dhaawacyo wejiga ka gaaray markuu yaraa, waa nin kuusan oo murqo waaweyn, wuxuu jecel yahay inuu qaato shaar gacma gaab ah oo weliba la sii laalaabay si ay murqihiisu u soo muuqdaan, markuu soconaayana waxaad moodaa inuu xoog la liicaayo, waxaa lagu naaneesaa Soomajeeste, sababta oo ah mergiyihiisa surka oo waaweyn ayaa u diida inuu dhakhso u soo jeesto, Maxamud waxbarasho goor hore ayuu ka tegay, wuxuuna ka shaqeeyaa Dukaan reerkoodu ku leeyihiin suuqa, Aabbihiis wuxuu damacsan yahay inuu howsha dukaanka ku wareejiyo wiilkiisa, markuu guursado kaddib.

Maxamuud waxaa saf ugu jira gabdho badan oo suuqa ka adeegta, qaar jecel inuu guursado iyo kuwa ka basareysta lacagta adeega inuu u dhaafo, si ay dana kale ugu qabsadaan oo maalin dhiibaan midda kalana shuud uga adeegta.

Wuxuu qaadan waayay Habboon ayaa Dugsi Bareyfit ah dhigata, haddii aanay u gelin fursad ay habeenki ku wareegto ileyn xalay wuu arkay, caawana ballan ayay lahaayeene, Maxamud intuu gurigi ka soo tegay, ayuu soo aaday Dabka, asagoo raba inuu Habboon ka raadiyo Dugsiyada Bareyfitka ah ee ku yaalla nawaaxiga Sarta Dabka, balse wax aan laheyn meel aad ugu hagaagto sida lagu helo way dhib badan tahay, laakiin baadi goobka Habboon waa siduu ugu billowday ilaa uu meel kaga soo haro.

Xaliima habeenki jimcaha ayay soo xaadirtay, ayadoo markaan ogaatay inay Haboon u kaxaysan karto meeshi ay doonto, waxaa albaab u furmay habeenki shaneema Musiyooni, siddaa daraadeed galabnimadi khamiista marki ay Xalane ka soo baxdayba, waxay soo abaartay Habboon.

Waxaa guriga leys kala soo baxay maqribki, ayadoo ay Habboon sidato buugti Bareyfitka, saaxiibteed Xaliimana ay laafyooneyso, gaarigi la raacay waxaa looga degay shabeelle, kaddibna waxaa la galay shaneemadi.

Xaliima waxay la yaabtay saaxiibteed Habboon oo marki ay aragtaba uga sheekeyn jirtay Bashiir, oo aan caawa soo hadal qaadin inta ay soo wada socdeen, markaa ayay ku tiri “saaxiibkaa Bashiir, waxaan filaa inuu kalsooni buuxda kugu abuuray, waayoo sheekadiisa waa iga xiratay sidi in aan mushkilad idinku ahaa oo kale”.

Habboon ayaa hadalki ka dhexgashay oo tiri “Bashiir waan ku kalsoonaa xataa markaan kaaga hadli jiray, adigana in aan kugu kalsoonahay ayaan kuugu sheegi jiray, wax muskilad ah oo aad nagu tahayna ma jiraan”.

Xaliima ayaa tiri “Habboon, ma aadan fahmin kalsoonida aan ka hadlay, waxayna tahay wuxuu Bashiir kuugu raali geliyay in aad is kaaya tusin aniga iyo asaga, waayoo marki hore waxaad ku dadaali jirtay sidi aan isku arki laheyn, wallow aad asaga iiga hiilisay marki aad igu tiri: (Waxaan kugu tusinaa si lama filaan ah) kaddib marki uu kaa diiday in aad si caadi ah isu kaaya tusto, laakiin haddana ay kuu suura geli weyday, xataa haddii aan kaa yeelay in aad lama filaan igu tusto”.

Haboon warka saaxiibteed waxay u aragtay mid macquul ah, garna ay u leedahay inay ka xumaato sida wax u socdaan.

Habeenki is araga Ballanta 27aad ee Bashiir iyo Habboon, ayuu Bashiir ka waayay Buundadi ay ugu imaan jirtay, ileyn lama socdo isbedelka ka dambeeyay oo ah in laga saaray Iskoolki Bareyfitka ahaa oo lagu qaraaban jiray, Bashiir asaga oon labalabeyn ayuu si toos ah u soo aaday guriga Haboon, markuu soo galayba wuxuu ugu yimid Maxamuud oo qolka kula jira Habboon, wuxuuna deyrka la fadhiistay Hooyo Faaduma iyo Gabadheedi yareyd oo markeey aragtay ku tiri “Aboowe Bashiir caawa shaneemo ma ii wadeysaa?” Bashiir oo niyad jabsan oo wuxuu Saciida ku yiraahdo aan garan karin ayay hooyo Faaduma ku tiri “walaalkaa Bashiir ha dhibin, waxba kama ogid inuu meel kale u socdo iyo in kale” Habboon ayaa soo istaagtay albaabka qolkeeda markeey maqashay inuu Bashiir soo galay, ayadoo taagan ayay kor ka salaantay Bashiir, laakiin waxay ku naqatay gudaha qolkeeda ayadoo rabta inay Maxamuud iska fasaxdo, Maxamuud ma yaqaano Bashiir laakiin Bashiir ayaa yaqaano Maxamud oo og inay Habboon saaxiib la ahaan jirtay, kaddib Bashiir wuxuu gaaray go’aan ah inuu Saciida u wado shaneemo, asagoo muraadkiisu yahay inuu Habboon oo firaaqa leh ugu soo laabto guriga si uu meel u saaro wixi ka wada dhexeeyay.

Habboon markeey Maxamud weeydeysatay inuu iska boxo ayuu ka diiday wuxuuna ku yiri “Maxaad ii eryeysaa hadda dhow ayaanba imide?” Sababta oo ah habeenki ay Habboon danta ka leheyd ayay Maxamuud u sheegtay inay rabto xiriirkoodi inay soo celiso, haddana wuxuu ugu yimid waa inay saaxiibtiis tahay oo aanu aheyn qof caadi ah, hooyo Faaduma waxay ku fiican tahay ma ogola in martida guriga timaado la cidleeyo, waxay gabadheeda ku dhahdaa (qofka martida ah ee kuu yimaada, haddii aad cidleyneyso marka horaba ha fadhiisin qolkaaga oo yaan arkin marti aadan la joogin oo qolkaaga fadhida, qofka u sheeg inaad firaaqo haynin si uu iskaga baxo) arragtida ah in martida la tixgeliyo waa mid lagu soo abaabiyay Habboon wayna qabatintay sidaa daraadeed ayay uga soo bixi karin qolka uu Maxamuud ku jiro illaa inay cabitaan iyo wax lamid ah u soo doonto maahine.

Maxamud iyo Haboon dood dheer ayay galeen kaddib markuu weeydiiyay “Ninkaan walaashaa filinka u waday oo aad daraadiis rabtay inaad ii dirto, filinkiisa ma fahmin” Habboon ayaa tiri “xaafaddeena ayuu deganaa jiray, wuuna nasoo salaamaa markuu xaafadda yimaado” waxay u raacisay “Ma garanaayo wuxuu yahay filinkaad sheegeyso?” Maxamuud ayaa yiri “Waxaan mooday inuu u yimid adiga daraadaa” Habboon ayaa tiri “maxaa dhacay miyaanan aheyn qof loo imaan karo?” Waxay u raacisay “Weli waxaan ahay qof xor ah, calafkuna waa halkiisa” Maxamud ayaa ku dooday “Ma waxaad i leedahay waxaan ahay qof aan meeleysneyn oo aan wax ballan ah qofna la gelin, oon leysku haleyn karin” Habboon waxay gashay feker maadaama ay arrinteedi kashifantay markaa ayay tiri “Maxamuud qofki calafku ii saamaxo ayaan isguursaneynaa, inta kale waa uun iska hadal”.

Maxamuud wuxuu ka tegay asagoo shakisan laakiin ku qanacsan inay Habboon asaga la joogtay uuna mudnaanta ka leeyahay midka yimid, inkastoo uu ka cabsi qabo inuu reerka kaga dhow yahay maadaama uu filin u kaxeeyay gabadha Habboon ka yareyd, wuxuu ku fekeray inuu laftiisa kalsooni ku abuuro reerka oo filin u kexeeyo Saciida iyo walaasheed arrintaasna uu ku darsado dadaalkiisa iyo weliba inuu hadiyado u keeno Hooyo Faaduma.

Bashiir intii ay shaneemada u sii socdeen ayay Saciida u sheegtay inay habeenki jimcaha ahaa inay is raaceen Habboon iyo Xaliima, habeenkaasna ay Habboon soo daahday, markaana ay hooyo ku tiri (waa habeenki labaad oo aad ku soo daahdo Bareyfitka, marka sheeko kalaa meesha ku jirta, laakiin caawa kaddib ma aadeysid Bareyfit) Bashiir oo gartay inay habeenki jimcaha ahaa Habboon inay raacday Xaliima lagana yaabo inay soo daahisay ayaa Saciida waydiiyay habeenka kale, waxayna saciida u sheegtay inuu ahaa habeen uu u maleeyay kii axadda soo geleysay uu ka cudurdaartay inay israacaan, Bashiir wuxuu qiyaasay in habeenkaa wax badan isbedeleen Maxamuudna uu meesha soo galay habeenkaa iyo wixii ka dambeeyay, laakiin wuxuu fahmi waayay inay Xaliima shirqoolka lug ku leedahay iyo in kale oo ay rabto inay Habboon ku celiso Maxamuud, waayoo ma aaminsana inay Xaliima wax ka ogeyn xiriirki ka dhexeeyay Habboon iyo Maxamuud ee asaga ka horreeyay,waxaana dhici karta inay ayada lug ku laheyd kala tagooda, kaddib Bashiir wuxuu isku dayay inuu qiyaaso waxa ay iskaga hor imaan kareen Maxamuud iyo Xaliima haddiiba ay tahay mida Habboon ku dirtay oo booska ka saartay!.

Bashiir oo fekersan ayay Saciida su’aalo ka weydiisay filinka, waana marki ugu horeysay ay su’aalo weydiiso, waayoo waxay Saciida aragtay inuu atooraha filinka Jeetandara oo ku jilaayay (Deepak) uu khayaanay xaaskiisi hore Rameshwari (Mala) uuna ka raacay Reena Roy (Aasha) oo filinka loogu magac daray, markaa ayay Saciida tiri “Aboow Bashiir nimanka saan miyeey u khayaanaan naagaha?” Wuxuu ku yiri “Ma asagaa wax khayaanay Deepak mise waa la khayaanay? aan sugno dhamaadka” wixii ka dambeeyay wuxuu ku mashquulay filinka, Mala waxaa guriga ka eriday Deepak hooyadiis marki la soo sheegay inuu wiilkeeda shil gaari ku dhintay, Mala markay reerkeedi aaday waxay tagtay Aabbaheed oo dhintay, markaana qaracan ayay webiga iskugu tuurtay, Deepak markuu soo laabtay waxay hooyadiis u sheegtay inay Mala webiga isku tuurtay, markuu ka sabray ayuu Aasha la saaxiibay, Mala waxaa badbaadiyay dad webiga ka kaluumeysanaayay kaddib waxay dhashay gabar ay u bixisay Deepimala oo ka kooban Deepak iyo Mala oo leysku daray, ilaa ugu dambeynta ay qoyski isku soo laabtaan Deepak, Mala iyo gabadhoodi Deepimala, markaana ay saciida ku faraxdo gabagabada sheekada.

Markay yimaadeen gurigi ayuu Bashiir asagoo aan fadhiisan reerka ku yiri “Habeen wanaagsan waan sii baxayaaye” hooyo Faaduma ayaa tiri “Bashiir eeda macaan waan ogahay inaad casha naga diidayso iyo sababta, laakiin eedoow maad koob shaaha naga cabtid xataa haddaad daahsan tahay wakhti badan kaama qaadaayee” Haboon oo sariirteeda ku dul fekeraysay ayaa intay soo booday oo qolka ka soo baxday ayay Bashiir ku tiri “Bashiir abboowe waxaan kaa rabay inaad xisaab yar i fahamsiiso markaad timaado, adigana waxaad leedahay waan baxaa” hooyo Faaduma ayaa Haboon ugu jawaabtay “naa wiilka wuu daahsan yahay oo saacadaan xisaab looma keensado dadka” waxay sii raacisay “haddaad rabto in wax laguu dhigo fiidka hore ayaa dadka la weeydiistaa, intaad sheeko maala yacnii ah ku jirto”.

W/Q: Axmed Xaayoow(Aun)

SHEEKOOYIN