Sheeko taxan: RUN MISE BEEN? Q8AAD W/Q: Axmed Xaayoow (Aun)

Sheeko taxan: RUN MISE BEEN? Q8AAD 

Hooyo Faaduma Wiil weydiista gabadheeda waxay ugu jeceshahay Bashiir, haddana siddaa ay tahay uma diideyso midki ugu horreeya ee waydiista, marba haddeey guri xalaal ah ka geleyso Habboon, waayoo wadnaha ayay farta ku haysaa, xataa haddii uu yiraahdo ninka Habboon soo doonta (ma sugaaye intay Habboon ka dhammeyso Dugsiga sare) hooyo Faaduma waxay diyaar ula tahay in xataa Dugsiga laga saaro Habboon marba haddii la guursanaayo, islaantu waxay ku riyootaa guurka Habboon, waxayna ku Alla baridaa inuu Alle soo dedejiyo mid kheyr qabana keeno.


Habeenki markuu Bashiir ka soo tegaayay Habboon ayay ku tiri “Habeen dambe waxaan kuugu imaanaa Buundada” Bashiir madaxa ayuu u ruxay asagoo guriga ka sii baxaaya, markeey albaabka ka soo xirtay waxay Habboon aragtay hooyadeed iyo walaasheed oo intay baalka iska galeen ku hurday sariirti Jiiimbaarta aheyd, kalsoonida hooyo ku qabto gabadheeda waxay Habboon u sii kordhisay awood ay ku leedahay reerka dhexdiisa iyo inay ka baxday carruurnimada una dalacday derejo ka sarreysa, ayadoo siddi qof weyn isku xil qaameysa ayay hooyadeed ka hoos qaaday walaasheed Saciida intay sariirteedi u soo gogoshay ayay ku seexisay, markaa kaddib ayay toosisay hooyadeed oo u duceeysay markeey aragtay howsha ay gabadheedu qabatay, wallow aanay hooyo hurdin dad kale markeey Habboon la joogaan, haddana ma weydiiso inuu baxay iyo goortuu baxay Bashiir Xaaji.


Habeenki xigay waxaa lawada galay shaneemo musiyooni si caadi ah ayaa loo wada sheekeystay, cid walbana waxay iska ilaalisay hadal xanaf keeni kara, kulanki ku xigayna habeenki khamiista soo geleysa ayay ku kulmeen, waxay habeenkaas galeen shaneemo Afrika.
Habeenki jimcaha markeey timid Xaliima waxaa lala socodsiiyay usbuuci iyo wax yaabihi dhacay, kaddib ayay Habboon ku tiri “Habeenka axada soo socoto, waxaad gashaan shaneemo musiyooni, waxaan soo qaadanaa fasax si aan la ogeyne waan idiinku imaanaa” waxay Xaliima raacisay “Soow sax maaha inaan sidaa idinku qabto?” Habboon ayaa tiri “haa waa hab fiican, waa inoo sidaas” Bashiir waxaa loo degay shax fiican oo lagu qabto.

Habeenki shirqoolka kulanka oo ku aadanaa January 30 1982 oo aheyd maalin sabti ah habeenkeeda axadda soo geleysay, waxaa dhacday markeey Habboon iyo Bashiir ku kulmeen Buundada Vio Uganda dusheeda ayuu Bashiir ka cudurdaartay inay israacaan, wuxuu Habboon ku yiri “Waxaan ka baaqan waayay ballanta aan laheyn iyo inaad iga weyso halkaan ku ballanay, laakiin ma aheyn caawa inaan gurigeena soo dhaafo, sababta oo ah waxaa maanta xanuunsaday Aabbe oo aan Isbitaalka ula cararnay, siddaa daraadeed inaan la joogo ayay aheyd, hadda waxaan uga soo tegay wiilki iga yaraa, si aan ballanta u oofiyo daraadeed” Habboon oo qaracan ku dhacay barnaamijki ay wadatay siduu noqday, ayuu Bashiir u raaciyay “Waxaan kaa codsanaa inaad Bareyfitka iska aado, anigana aad i fasaxdo, markuu Aabbe fiicnaado ayaan kuu imaanaa”

Haboon ayaa tiri “Caawa hadda ma israaci karno miyaa?” Wuxuu yiri “Habboon waa ku siddee, miyaadan fahmin waxaan kuu sheegay oo ah inuu Aabbe xanuunsan yahay?” Markaas ayay Habboon isgaratay oo tiri “Waxaan u haystay inaad leedahay Aabbe wuu caafimaaday oo gurigaan ku soo celinay” wuxuu yiri “Hadda waa roon yahay, laakiin wuxuu u baahan yahay in daawada wakhtigeeda lagu siiyo iyo inaan leysku khaldin daawooyinka la siinaayo iyo wakhtigooda, siddaa darteed ayaan la iiga maarmin inaan ka war haayo” wuxuu u raaciyay “waxaa suuragal ah inaan caawa seexan oo aan la soo jeedo, marka Dugsigaagi iska aad anigaa kula soo xiriiraayo markeey wax isbedelaan”.

Habboon waxaa ku yeeray wiish, sababta oo ah xataa haddii ay aadi laheyd shaneemo Musiyooni ma haysato lacag ay gaari ku raacdo iyo mid ay shaneemada ku gasho.Habboon markeey iska fasaxday Bashiir ayay ku fekertay saaxiibkeedi hore Maxamud inay ugu tagto dukaankiisa ku yaalla suuqa, markaana ay ka qaadato lacag ay isku furdaamiso caawa, Maxamuud oo maleysan waayay inay Habboon u imaaneyso, markuu arkayna kala badbatay ayay Habboon si sahlan uga heshay muraadkeedi, isla markaana isku sii deysay shaneemo Musiyooni.

Xaliima iyo Habboon waa ku kulmeen shaneemadi laakiin muraadki wuu dhicisoobay, Xaliima waxay billowday tashwiish ay gelineyso Habboon, waxay tiri “Ragga waayadan jira waxay kuu sheegaan oo dhan lama aamini karo, waayoo waxaa dhici karta inuu saaxiib kale haysto oo uu siiyo wakhtiga uu kaa maqan yahay, intay god ku jiraan ayay mid kale raadsadaan, khaasatan markeey helaan gabar yar oo indha xiran maba ku sii jirto” Habboon ayaa tiri “Bashiir ma u maleeynaaye inuu gabar kale la sheekeysto” Xaliima intay qososhay ayay tiri “muxuu laba habeen rukun kaaga dhigay? Muxuuse kuu qarinaa, muu bannaanka iskeeno?” Haddaladaas Habboon maskaxdeeda ayay ka guuxeen, waayoo sidda ay caawa Maxamuud u soo martay oo ay ballanta beenta ah ugu soo dhigtay sidaas oo kale inay dhici karto ayay aamintay, ileyn khayaano ayay sameysay caawa, wallow ay Xaliima masuul ka tahay oo daraadeed ay beentaas u sheegtay.

Filinki ciyoow laga bixi jiray waa lagu daahay caawa, waayoo ninki saacada fiirin jiray ma joogo, Xaliimana waxba kama gelin inay daahdo iyo in kale, goor dambe ayay Habboon ku baraarugtay wakhtiga markaa ayay ka soo bexeen filinki, Habboon waxay gurigooda tagtay hooyadeed oo yaaban, waxay isku basarisay been ay Xaliima u soo dhistay oo aheyd inuu nalki ka tegay Bareyfitki mudana ka maqnaa, laakiin gadaal looga daray wakhtigi wax la dhiganaayay, Hooyo Faaduma waa galay hadalkaas, laakiin waxay gabadheeda kula dardaarantay “mar dambe hadduu nalku tago, hooyo iska soo bax goor hore oo siddaan oo kale ha ugu soo daahin” Illaahoow hooyo la’aan hana dhigin ayay Haboon niyadda ka tiri, Bashiir wuxuu noqday “Sir maqabe, saabaa biya u celsha” wuxuu ka badbaaday af libaax inuu ku dhaco.

Habboon habeen dambe waxay la balansan tahay Maxamuud oo helay fursadi ugu horreeyay ee uu Habboon kula kulmo habeen, ileyn inta ay saaxiibka ahaayeen, waxaa la sheekeysan jiray intay Dukaanka adeega ka qaadaneyso oon ka badneyn ilaa dhowr daqiiqo ama galab suuqa agtiisa loogu yimaado oo xoogaa lala joogo, ma asagaaba habeen arkay Habboon.Galabti axadda ayuu Bashiir soo aaday xaafaddi Habboon oo markuu soo galay gurigooda la yaabtay sababta uu u yimid, waayoo wuxuu xalay ku yiri (Ilaa uu Aabbe ka bogsoodo ma kuu imaan karo) galabtana waaba kan yimid, waxay istiri (Xaliima waxay xalay kuu sheegeysay miyaa run ah, oo malaha xalay Bashiir qof kale ayuu u socday, Aabbahiisna waa ku marmarsoonaayay?).

Markuu soo galay wuxuu la fadhiistay hooyo Faaduma oo uu u sheegay xanuunka Aabbe qabtay iyo inuu maantaba fiicnaaday oo shaqadiisa aaday subaxdaan, Haboon oo maqleysay hadalkiisa ayaa tiri “xagee laga qabtay Aabbe?” Wuxuu yiri “gaas ayaa ku kacay oo gaastarig ayuu qabaa, laakiin xalayba wuu caafimaaday” Habboon kuma qancin jawaabtaas, laakiin meel ay kula doodo lama joogin markaas.

Bashiir uma imaanin inay israacaan Habboon, laakiin wuxuu rabay inuu ogeysiiyo inay u dhammaatay howshi Aabbe uu u haayay diyaarna uu u yahay inay qorshahooda sii wataan, markuu firaaqo uu ugu sheego uu helay ayay Habboon ku tiri “Xalay waxaad iiga dhigtay inaad wax badan iga maqnaaneyso oo kale, haddana waxaad iila egtahay qof xalay muraad gaar ah lahaa oo soo dhammeystay muraadkiisa” Bashiir ayaa ku yiri “Waad ku mahadsan tahay siddaad calooshaada iigu furtay, shakiga kugu jirana aad iigu sheegtay, laakiin muraad aan aheyn midkaan xalay kaaga tegay oo aan lahaa ma jirin, mana laga yaabo inaan nolosheyda ku khayaano ama been kuu sheego waa haddii aad i aamineyso, haddaad caddeyn u baahan tahayna waxaan ku geynaa xaafadda si aad uga qanacdo shakiga iga kaa galay”

Haboon waxaa laabteeda qaboojiyay erayada Bashiir oo dhalaaliyay qalbigeeda aan waayadan dambe maqal erayada macmacaan ay ku baratay afka Bashiir, intay ilka caddeysay ayay tiri “hadalkaagaa igu filan, waana kugu qancay” Habboon way jeceshahay Bashiir ilaa xad, laakiin waxaa maskaxda ka haysata Xaliima oo ay u aaminsan tahay inay tahay walaasheed ka weyn oo ay ka faa’iideysato sirta ragga iyo khayaanooyinkooda oo ay uga digto, waxay Bashiir iyo Habboon ku ballameen inuu Buundada ku sugo.

Maxamud waa loo gooyay, asagoo isu diyaariyay ballanti ugu weynayd ee ay wada yeeshaan Habboon uuna ku fekeraayo xagee aadaan, ma Aaran Hamburger ayaad geysaa? Oo jumbo jallaato soo marsiisaa? Mise Baar Ceynushamsi ayaad casha ka soo siisaa, kaddibna Xalwa xaaji Ciisaad soo marsiisaa?, Maxamuud kuma fekerin Habboon ayaa intay ballan kuu dhigto ayaa kaa maqnaaneysa, wuu ku yaqaan waxay rabin inaan lagu kari karin oo ay ogoleyn, laakiin been kuma ogeyn iyo ballan laga boxo.

Haboon waxay soo nooleysay boog uu Maxamud ka bogsoonaayay oo sii raysaneysay, hammi uu laabtiisa ka jaray ayay Habboon dib u soo gelisay, waxaa Maxamuud u billowday isla hadal kale oo cusub iyo raja kale oo cusub, rajadaas oo ka awood badan tii ka horreysay, waayoo waxaa hortiisa ka muuqda sawirki Haboon habeenki ay ugu timid Suuqa iyo wejigeedi furnaa, sina inuu markan dib ugu laabto suuragal ugu noqon meyso, waa inuu meel cad uga soo haraa Habboon.

Caawa wuxuu Bashiir keenay Haboon shaneemo Xamar oo booskeeda kore uu ka sareeyo hoosta, waxaa shaneemada u badan lammaanayaasha raba inay si fiican ugu dhex sheekeystaan, jawi ahaan way ka degan tahay shaneemooyinka kale, dhallinta soo gashaa waxay u badan yihiin kuwa ku sugaaya inta laga furaayo Alcuruba Night Club oo la galo wixii ka dambeeya 11:00 habeenimo, kuwaas oo Shaneemada wakhtiga ku sii dila, wallow ay galaan wixii 8:00 ka dambeysa oo ah mar ay ka bexeen Bashiir iyo Habboon. 
Fadhiga shaneemada way ka heshay Habboon waxay Bashiir ku tiri “shaneemadaan way ka fiican tahay kuwaan geli jirnay” wuxuu ku yiri “Waa runtaa, wayna ka degan tahay” wuxuu ugu daray “waxaan ka xumahay inuu madmadow soo dhex galo xiriirkeena oo aad iga shakido anigana aan ku fekero inaad wax iga qarineyso, dadku waxay ku fiican yihiin inay isu sheegaan wixi dhib ah oo jira, si ay uga badbaadaan madmadow soo kala dhex gala” Habboon oo ka dhex gashay ayaa tiri “aniga shaki iigama kaa jiro, haddii aad adiga iga shakisan tahay, ii sheeg waxaad iiga shakiday?” Wuxuu yiri “habeenki aan kugu iri (ma rabo inaan Xaliima la kulmo) wixii ka dambeeyay dhowr isbedel ayaa kugu dhacay” Habboon oo rabta inay ka dhexgasho ayuu hadalka ka ceshaday oo yiri “Haboon marka hore aan kuu sharaxo waxaan rabay iyo sida wax iila muuqdaan, waxaan rabay inaan si qarsoodi ah xiriir u lahaano waana kuu soo bandhigay, adigana waad iga oggolaatay, sidaa daraadeed heshiiskeenu wuxuu ahaa inaan qofna u sheegin xiriirkeena, taana waa isku raacnay, marka hadduu isbedelaayo oo ah midka ii muuqday waxay aheyd inaan ka wada hadalno oo aan kuu sheego ama aad ii sheegto inta aan wax isbedel ah ku dhicin” Habboon oo iscelin weyday ayaa tiri “oo yaa baddelay ma aniga mise adiga?” Wuxuu yiri “marabo inaan kugu khasbo waxaan naftaadu raali ka hayn ama ay u aragto inay ciriiri ku jirto, wakhtigan la joogo inta gabar adduunka saaran adigaan kuugu jecelahay, siddaa ay tahayna ma rabo inaad naftaada igu khasabto ayadoo wiil kale iga doorbideysa, waxaan jecelahay inaad dhankeyga ku ahaato inay naftaadu raali ka tahay, waayoo waxaan tiigsaneyno waa nolol inaan isla dhammeyno, wadajirkeenuna wuxuu ku xoogaysan karaa runta inaan isu sheegno xataa haddii ay dhib keeneyso si aan xalinteeda u barano intaan bannaanka kala joogno” Habboon waxay damacday inay u sheegto Xaliima inay ogtahay, laakiin waxay is tiri “Ha u sheegin ee kala qari si aanay isu arkin” Markaa ayay ku tiri “Nafteyda raali ayay kaa tahay, raalina waa kugu tahay, cid sirteena og majirto, Xaliima waa saaxiibteey ayadaa iska rabtay inay ku aragto, laakiin haddaad dhibsatay xiriirka waan u jaraa” Bashiir ayaa la soo booday “maya, maya xiriirka ha u jarin, sidaa maaha waxaan uga dan lahaa, waxaan rabay haddaad u sheegtay inaan ogaado, markaana aan qaabilo anigoo og inay sirteyda ogtahay, laakiin hadda waa ok haddiiba ay sidaa tahay, anigana waan ka qancay shakigi igu jiray”.

Maxamuud markuu waayay Habboon wuxuu soo aaday gurigooda, markuu soo galay ayaa loo sheegay inay Habboon ku maqan tahay Dugsi Bareyfit ah ay dhigato oo ku yaal Sarta Dabka agtiisa, Maxamuud waa laga yaqaan guriga oo mar mar ayuu Habboon ugu imaan jiray berrigeey wada socdeen, Dabeecad ahaan waa nin aan hadal badneyn oo leh weji khamarji, waxaa ka muuqda dhaawacyo wejiga ka gaaray markuu yaraa, waa nin kuusan oo murqo waaweyn, wuxuu jecel yahay inuu qaato shaar gacma gaab ah oo weliba la sii laalaabay si ay murqihiisu u soo muuqdaan, markuu soconaayana waxaad moodaa inuu xoog la liicaayo, waxaa lagu naaneesaa Soomajeeste, sababta oo ah mergiyihiisa surka oo waaweyn ayaa u diida inuu dhakhso u soo jeesto, Maxamud waxbarasho goor hore ayuu ka tegay, wuxuuna ka shaqeeyaa Dukaan reerkoodu ku leeyihiin suuqa, Aabbihiis wuxuu damacsan yahay inuu howsha dukaanka ku wareejiyo wiilkiisa, markuu guursado kaddib.

Maxamuud waxaa saf ugu jira gabdho badan oo suuqa ka adeegta, qaar jecel inuu guursado iyo kuwa ka basareysta lacagta adeega inuu u dhaafo, si ay dana kale ugu qabsadaan oo maalin dhiibaan midda kalana shuud uga adeegta.Wuxuu qaadan waayay Habboon ayaa Dugsi Bareyfit ah dhigata, haddii aanay u gelin fursad ay habeenki ku wareegto ileyn xalay wuu arkay, caawana ballan ayay lahaayeene, Maxamud intuu gurigi ka soo tegay, ayuu soo aaday Dabka, asagoo raba inuu Habboon ka raadiyo Dugsiyada Bareyfitka ah ee ku yaalla nawaaxiga Sarta Dabka, balse wax aan laheyn meel aad ugu hagaagto sida lagu helo way dhib badan tahay, laakiin baadi goobka Habboon waa siduu ugu billowday ilaa uu meel kaga soo haro.

Xaliima habeenki jimcaha ayay soo xaadirtay, ayadoo markaan ogaatay inay Habboon u kaxaysan karto meeshi ay doonto, waxaa albaab u furmay habeenki shaneema Musiyooni, sidaa daraadeed galabnimadi khamiista marki ay Xalane ka soo baxdayba, waxay soo abbaartay Haboon.Waxaa guriga leys kala soo baxay maqribki, ayadoo ay Habboon sidato buugti Bareyfitka, saaxiibteed Xaliimana ay laafyooneyso, gaarigi la raacay waxaa looga degay shabeelle, kaddibna waxaa la galay shaneemadi.

Xaliima waxay la yaabtay saaxiibteed Haboon oo marki ay aragtaba uga sheekeyn jirtay Bashiir, oo aan caawa soo hadal qaadin inta ay soo wada socdeen, markaa ayay ku tiri “saaxiibkaa Bashiir, waxaan filaa inuu kalsooni buuxda kugu abuuray, waayoo sheekadiisa waa iga xiratay sidi in aan mushkilad idinku ahaa oo kale”.

Habboon ayaa hadalki ka dhexgashay oo tiri “Bashiir waan ku kalsoonaa xataa markaan kaaga hadli jiray, adigana in aan kugu kalsoonahay ayaan kuugu sheegi jiray, wax muskilad ah oo aad nagu tahayna ma jiraan”.

Xaliima ayaa tiri “Haboon, ma aadan fahmin kalsoonida aan ka hadlay, waxayna tahay wuxuu Bashiir kuugu raali geliyay in aad is kaaya tusin aniga iyo asaga, waayoo marki hore waxaad ku dadaali jirtay sidi aan isku arki laheyn, wallow aad asaga iiga hiilisay marki aad igu tiri: “waxaan kugu tusinaa si lama filaan ah” kaddib marki uu kaa diiday in aad si caadi ah isu kaaya tusto, laakiin haddana ay kuu suura geli weyday, xataa haddii aan kaa yeelay in aad lama filaan igu tusto”.Habboon warka saaxiibteed waxay u aragtay mid macquul ah, garna ay u leedahay inay ka xumaato sida wax u socdaan.

W/Q: Abwaan Axmed Xaayoow(Aun)

SHEEKOOYIN