Sheeko:Quraafaadka Faaliyaha Q7AAD W/Q: Cabdullaahi Macalin Maxamuud(Siyaasi)

pizap.com14732612463621

Quraafaadka Faaliyaha Q7AAD

Intaa markuu yirina Maryan oo hoos eegeyso ,damqayna nabar ku yiil iyada oo soo xasuusatay walaalkeed oo aynan mudda lix iyo toban ceshaa ka soo wareegin sidi foosha xumeyd oo nafta ku daysay ayaa tiri, “Waayahay walaal”.

Khadiija ayaana ku tiri, “Maya, maya, haddeer ayeyba bilowday xishood iyo hoos u jeesad, Maryan anniga ma rabo sidaa oo kale , waxaana kaa rabaa in aad addiga oo faraxsan ila joogto, iina sheegto mar walbo wixi kaa haleysan “.

Maryan oo niyaddeeda kula dirirayso in ay is hilmaansiiso dhibaatadi iyo rafaadki sy abaarta soo marsiisay iyada iyo reerkeeda oo ay dabargoysay, dhinaca kalana ku faraxsan sida ay kor ugu qaadeen una xushmeeyeen Dhamme Cusmaan iyo xaaskiisa ayaa tiri iyada oo aad moodo in ay qoslayso qosal aan dheereyn ,dhoola ka qosalna aan ahayn .” waayahay abbaay Kadiijo, ballan ayaan kaa qaaday in aadan mar kale arkaynin aniga oo u eg sidi ruux qariib ku ah reerka”.

Dhamme Cusmaan oo aad ugu farxay sida quraxda badan ee Maryan ula qabsaneyso dhaqankan reer magaalo iyada oo ah reer miyi , dhibaata fara badana la kulantay maalmihi u danbeeyay ee nolasheeda ayaa yiri,.”Maryan sidaas oo kale ayaan kaa doonayaa, Kadiija ayaana caawa ku kala bareyso sida loogu noolyahay gurigan maadaama aad ku cusub tahay nolashaan, anigana waxaan ku laabanayaa shaqo qabyo ii ahayd saakay inti aan ku howlanaa sidi aan kaaga soo kaxeyn lahaa isbitaalka oo xitaa dharka iska beddeli maayo haddeer, waana ku kaas ee habeen wanaagsan haddii aad iga hor seexato”.

Dhamme Cusmaan wuu baxay, khadiijana waxaay u dhaqaaqday in ay Maryan kala barto guriga gudihiisa,waxayna uga bilowday qolka ay ugu tala galaan in ay seexato una sheegtay in aynan baqin oo aynan is dhihin qol aad keligaa ku tahay maxaay kuu geeyeen, waxay haddana geysay laba qol oo isku furan oo gaar u ahaa Dhamme Cusmaan, iyada iyo wiilkooda ,haddana waxay u kaxeysay qolka ay seexato Adeegtada waxayna u tageen adeegtadii oo ku fadhida sariirteeda, Mahad yarana korka ku hayso, intaa keddibna Khadiijo waxay Maryan bartay gabadhii shaqalaaha ahayd iyo waxa ay gurriga u joogto, gabadhiina waa u sheegtay in ay Maryan ula dhaqanto sidi ay ula dhaqmi lahayd gabar la dhalatay ama sidi wiilkoodaba. in yar keddib waxaay u soo celisay in ay barto qolka kariska iyo labada musqul , waxayna marki intaa oo dhan ay kala tustay iyada oo weliba u sheekaynayso soo galeen qolka fadhida lagu nasto oo ku yiil bartanka gurriga .waxaana Khadijo ay u yeertay jaariyadi kuna tiri iyada oo willki inta qaadatay korka saaratay, ” orad noo keen cashadi haddii ay diyaar tahay”.

Gabadhii , marki ay intaa Khadiija ku tiri ayey aaday qolka kariska Khadiijana waxay sheeka u bilowday Maryan iyada oo ka ilaalineyso in ay dareento cidlo, waxayna uga sheekaysay magaaladi uu ka soo guursaday Dhamme Cusmaan oo ahayd degmada Kismaayo isla markaasna ahayd halki ay ku dhalatay kuna ay barbaartay intaana kula ekaatay, keddibna uu Dhamme Cusmaan oo beri ka shaqeyn jiray xarunta dhexe ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee degmda Kismaayo ka soo guursaday, inta Khadiija sheekada waddayna , Maryanna weli kaa koowineyso ayaa adeegtadii soo hoos dhigty casha aad iyo aad uga duwan tii ay horay u karsan jireen reerka ee loogu tala galay Maryan, si gaarana looga shaqeeyay iyo biyo lagu faraxasho.

Waxaa laysu diyaariyey in wax la cuno, keddib marki ay dhaqdeen gacmaha ,marki ay bogteena adeegtadii ayaa ka qaaday weelkii lagu cunteeyay lana aaday qolka kariska si ay u dhaqdo, Khadiijana waxaay Maryan ku tiri, “Maryan inna keen aan ku geeyee qolkaaga si aad u seexato, waayo haddii aad dhaqsi u seexato una soo toosto ,raashin fiicana aad qaadato jirkaaga dib buu kuugu soo noqonayaa, caafimaadkaagana wuu soo wanaagsanaanayaa mar walbo, anigana waxaan rabaa bilahaan fooda innagu soo haya in aad ku soo noqoto sidi uu u qurux badnaa jirkaaga ka hor inti aynan abaarti cunin iyo kasii wanaagsan”.

Maryan oo aad u jeclaysatay sida ay Khadiijo ugu bilowday dhaqaalaynta iyo ka warhaynta ayaa tiri “Maya abbaay waan garanayaa qolka , anniga ayaana tegayo ee habeen wanaagsan”. Khadiijo: “Marayan waa taa sida aan kaa rabo”.

Maryan waxay aaday qolkeeda ,sariirta ayeyna ku seexatay, in yar debadadeena waxaa ka soo dhacday hurdo iyada oo ay niyadeeda ka guurtay fikirki ahaa halkee ku noolaanee ayaahaada danbe.Khadiijana wiilkeeda oo korkeeda ku hurday ayey la aaday sariirtiisa kuna seexisay, deedna ku soo laabatay adeegtadii oo weli qolka kariska ku jirto waxayna ku tiri, “Jiif wanaagsan ee soo hubso in albaabka xiranyahay marki aad seexanayso”.

Adeegtadii: “Annigaba waan seexanayaa marki aan dhammeeyo dhaqista,albaabadana aniga ayaa soo hubinayo ee habeen wanaagsan”.

La soco qaybaha dambe

W/Q: Cabdullaahi Macalin Maxamuud(Siyaasi)

SHEEKOOYIN