Shidaalka Soomaaliya: Ma belayaa laga dhaxli doonaa mise Barwaaqo?Q2AAD W/Q: Hassan Mudane

Shidaalka Soomaaliya: Ma belayaa laga dhaxli doonaa mise Barwaaqo?Q2AAD W/Q: Hassan Mudane

Musiibada iyo mashaakilka Khayraadka

Waddamada dhaca qaaradda Afrika, heykal-dhaqaaleedkoodu inta badan waxa uu ku tiirsan yahay dhoofinta khayraadka dabiiciga sida dhoofinta shidaalka, saliidda, macdanta qeybaheeda kala duwan, dheemanka,dahabka,maarta iwm. Kaliya maahan waddamada dhaca qaaradda Afrika, waxaa kaloo jira waddamo badan oo ka mida dunida saddexaad oo dhaqaalahoodu weli ku tiirsan yahay dhoofinta khayraadka dabiiciga. Sida Michael (1999) uu tilmaamay, “Afar meelood saddex meel ka mida waddamada dhaca saxaraha Afrika, saddex meelood laba meel ka mida waddamada dhaca laatiin Ameerika, bariga dhexe,  waqooyiga Afrika waxa ay weli ku tiirsan yihiin dhoofinta khayraadka dabiiciga.”

Haddii waddan uu leeyahay khayraad dabiici ah sida shidaal, sidoo kalena uu dibadda u dhoofiyo khayraadkiisa dabiiciga, lacag badana ay ka soo gasho, sow maahan in dadkiisu ay ku noolaadan nolol ka baxsan xayndaabka saboolnimada. Sidaa cagsigeeda, inta badan dadka ku nool waddamada dhoofiya shidaalka waxa ay ku nool yihiin nolol saboolnimo iyo gaajo huban. Sida Collier (2007) uu xusay, “Boqolkiiba 19%, dadka faqriga ah waxa ay ku nool yihiin waddamada uu dhaqaalahoodu ku tiirsan yahay [dhoofinta] khayraadka dabiiciga.”

Bal isbarbardhig ku sameey heerka ay gaarsiisan tahay nolosha bulshada ku nool waddamada dhaqaalahooda uusan ku tiirsaneyn dhoofinta khayraadka dabiiciga sida Koonfurta Kuuriya, Jabaan, Talyaani, Taylaan, Malaysiya, Singabuur. Iyo bulshada ku nool waddamada uu dhaqaalahoodu ku tiirsan yahay dhoofinta khayraadka dabiiciga sida dhoofinta shidaalka, sida dalka Nayjeeriya, Fenusweela, Jaad, Koonfurta Suudaan, Zaambiya, Koongo, Sira-liyoon, Angoola, iwm. Adiga oo ka fiirinaya inta ay la’egtahay heerka waxbarashada, horumarka dhaqaalaha, caafimaadka, boqolkiiba inta wax qori karta waxna akhrin karta, sanadkiiba lacagta uu qofka mushahar ahaan u helo.

Natiijada aad heli karto waxa ay ku dul-wareeganaysaa farqiga weyn ee u dhaxeeyo nolosha labadaas bulsho. Sidoo kale, waxaad ogaanaysaa, sida ay wax noqon karaan haddii dal uu ku qanco in dhaqaalahiisa uu noqdo mid ku tiirsan kaliya dhoofinta khayraadka dabiiciga.

Waxaa jira waddamo fara-kutiris ah oo ka baxsaday dabinka ay dhigto ku tiirsanaanta dhoofinta khayraadka dabiiciga, waxaa ka mida: Sucuudiga, Kuweyt, Qadar, Baxreyn, Noorwey, Jili, Induniisiya iyo Butuswaana. Inta badan lacagta soo gasho waddamadaas waxa ay ka soo gashaa dhoofinta khayraadka dabiiciga sida dhoofinta shidaalka. Dadka ku nool waddamadaas, nolosha ay ku nool yihiin waa heer sare. Maxaa ka caawiyey in ay ka baxsadaan dabinka? Wax kale ma jiro oo aan ka aheyn sida wacan oo ay u maamuleyn lacagta ka soo xaroota dhoofinta khayraadkaas, iyo sida wanaagsan oo ay oga hortageyn musuq-maasuqa.

Sidoo kale, waxaa jira waddamo kale oo ayagana dhoofiya khayraadka dabiiciga sida shidaalka, balse bulshadoodu ay ku nooshahay nolol ku hareereysan faqri iyo gaajo. Haddaba maxaa u diiday in ay ku noolaadaan mid la mida tan ay ku nool yihiin bulshada waddamada khaliijka? Waxa kaliya ee sharxi kara arrinkaas waa musuq-maasuqa. Waxa biday in bulshadaasi ay ku hoos noolaato noloshaas faqriga ah waa musuq maasuqa baahsan oo ay sameeyeen madaxda hoggaamisa. Rejadii la filaayey oo aheyd, in noloshooda ay wax badan iska beddali doonto haddii ay soo saartaan shidaalka, balse rejadii waxa ay ku noqotay musiibo.

Shaki kuma jiro in haddii dal uu dibada u soo saaro khayraadkiisa dabiiciga sida shidaal, ay u badan tahay in uu ka mid noqdo waddamada ‘kireysta khayraadkooda dabiiciga,’ kana kireysta dowladaha lacagta leh ee reer galbeedka ama shirkadaha shidaalka ee gaarka loo leeyahay ee reer galbeedka. Dhoofinta uu dalkaasi dhoofinayo khayraadkiisa, waxa ay hilmaamisaa xoog saarida qeybaha kale ee illaha dhaqaalaha sida: horumarinta warshadaha, dhoofinta dharka, cuntada, dalaga beeraha, tiknoolijiyada casriga, ganacsiga, iwm.

Haddii dal uu galo jawigaas ama xaaladaas waxaa inta badan ku dhaca ‘Cudurka Dhajka.’ Cudurkan waxa uu yimaada marka dal si kadis ah ku soo saarto khayraadkiisa dabiiciga sida shidaal, kadibna dhoofinta shidaalkaas uu lacag badan ka sameeyo, taasi oo sababta in uu si fudud ku hilmaamo horumarinta qeybaha kale ee illaha dhaqaalaha. Ugu dambeyntiina, dalkaas waxa uu noqdaa mid aan dhaqaalehiisu isku dhafneen, kuna tiirsan daqliga ka soo gala dhoofinta shidaalka.

Bulshada ku nool dal sidaas oo kale u dhisan yahay dhaqaalehiisa, inta badan waxa ay ka mid noqdaan bulshooyinka caajiska badan ee ku nool lacagta bilaashka ah ee dowlada ka soo gasho dhoofinta shidaalka. Tusaale, bulshada ku nool waddamada khaliijka sida sucuudiga, kuweyt, qadar, intooda badan waa bulsho ku nool lacagta dowlada, mana bixiyaan canshuur.

Sikastaba, haddii  Soomaaliya ay doonayso in ay cagta saarto waddadii gaarsiin laheyd ‘Musiibada Khayraadka’ iyada oo  ka mid noqonayso waddamada uu dhaqaalahoodu ku tiirsan yahay dhoofinta khayraadka dabiiciga sida Nayjeeriya, Zaambiya, Fenusweena, Koonfurta Suudaan, Jaad, Gaana, Sira-liyoon, Angoola, Koongo, Kaamiruun, iwm. Waa in ay diyaar u noqotaa sidii ay u wajahi laheyd Musiibada Khayraadka!

Musiibada uu ka digayo maqaalkan waxa ay imaan kartaa, markii ay Soomaaliya dibadda u soo saarato khayraadkeeda dabiiciga sida shidaalka ama macdanta yuuraaniyoomta, kaddibna ay heshiis kula gasho mid ka mida shirkadaha shidaalka ee reer galbeedka sida shirkadan ‘Soma Oil and Gas’ (Sanadkii 2013, shirkaddan waxa ay heshiis ku saabsan sahminta shidaalka dhex yaalla xeebaha Soomaaliya la gashay dowladda federaalka Soomaaliya), waana shirkadda xilligan lagu xanto sahminta shidaalka Soomaaliya.

Haddii mid ka mida qodobbada heshiiskaas uu noqdo mid tilmaamaya in shirkadda ay maamusho ama qeyb weyn ku yeelan karto faa’iidada ka soo xaroota khayraadkaas, dowladduna ay daawade ka noqoto, dhaqaalaha waddankana uu noqdo mid ku tiirsan, iskuna haleeya dhoofinta shidaalka, markaas ayay soo muuqan doontaa MUSIIBADA KHAYRAADKA!

Mid ka mida waxyaabaha sababta u ah in ay dhacdo musiibadaas waxaa ka mida, qiima dulsaaran dhoofinta khayraadka dabiiciga sida shidaalka, waxa ay inta badan ku xiran tahay is bed-beddalka sicirka dunida, sicirka dunidana waxaa maamula reer galbeedka. Marka ay rabaan ayay hoos u dhigaan marka ay rabaana kor ayay u qaadaan. Marka sicirka hoos u dhaco waa marka ay billaabanayso gilgilashada dhaqaalaha dalka.

Haddaba, sidee looga hortagi karaa musiibadaas? Hadba waxa ay ku xiran tahay sida loo maamulo daqliga ka soo xarooda khayraadkaas, sidoo kalena in la abuuro dhaqaale isku dhafan oo aan kaliya la isku haleyn lacagta kirada ah ee ka imaanaysa dhoofinta shidaalka iyo helida dowladda xooggan oo ku dhisan maamul wanaag, taas oo ku timaada rabitaan shacab.

Musiibadaas waxa ay noqon kartaa mid muuqata oo la arki karo, waa marka ay isbiirsadaan maamul xumo ku dhisan musuq-maasuq iyo marka dhoofinta khayraadkaas ay noqoto illaha kaliya ee daqliga dowlada. Haddii shacabku uu ku fashilmo la socodka musuq-Maasuqa ku dhisan laaluushka oo ay inta badan sameeyaan madaxda dowladaha uu dhaqaalahoodu ku tiirsan yahay dhoofinta shidaalka, waxa ay noqon kartaa barta ay ka billaabanayso musiibada iyo maamul xumida ku’aadan sida loo mareyn karo lacagta ka soo xaroon doonta dhoofinta shidaalka Soomaaliya.     

Halista ugu weyn waxa ay soo muuqan karta marka Siyaasiyiinta Soomaalida, Maamul Goboleedyada, qaar ka mida Qabiillada Soomaalida uu dhex maro tartan loo galayo xaraashka iyo heshiisyada shidaalka Soomaaliya, taas oo keeni karta in ay ku deg degaan heshiisyo ay la galaan shirkadaha shidaalka, iyada oo aan si fiican looga baaraan degin. Haddaba, habka ugu muhiimsan ee looga hortagi karo waa in la abuuro jawi ku dhisan kalsooni iyo is aamminaad dhex mara Qabiillada Soomaaliyeed, Maamul Goboleedyada iyo Dowladda Federaalka.   

Su’aasha isweydiinta mudan waxa ay tahay, haddii la soo saaro shidaalka Soomaaliya, maxay ka beddali kartaa nolosha bulshada Soomaaliyeed? Waxaa jirta aragti suuqa ku dhex jirta oo ay inta badan ku dooddaan dadka aaminsan in la joogo xilligii ay Soomaaliya soo saaran laheyd shidaalkeeda. Aragtidaas waxa ay leedahay, haddii la soo saaro khayraadka Soomaaliya, waxa ay wax badan ka beddali doontaa nolosha bulshada Soomaaliyeed. Waxa ayna yareen kartaa khilaafka Soomaalida. Balse, taasi sida loo yiri mise sida ay wax noqon doonaan! Runtii aragtidaas waxaan u arkaa in ay tahay aragti lagu marin habaabinayo bulshada Soomaaliyeed.

Ku tiirsanaanta dhoofinta khayraadka dabiiciga sida dhoofinta shidaalka waxa ay sabab u noqon kartaa in dalka uu gaari waayo horumar dhanka warshadaha. Collier (2007) waxa uu ku doodday, “dhoofinta khayraadka dabiiciga, iska daa in ay wax ku kordhiyaan dhaqaalaha waddanka; waxa ayna ka qeyb qaadan karaan caqabadaha ka hor istaagi kara dalka in uu xaqiijiyo horumar dhaqaale, sida hurinta colaadda.” Sanadkii 2013, qoraal ka soo baxay wasaaradda horumarinta caalamiga ee dalka Ingiriiska, waxa ay ka digtay, soo saarista shidaalka Soomaaliya in ay sii hurin karto musuq-maasuqa iyo khilaafka Soomaalida. 

Sahminta shidaalka Soomaaliya waxa ay u badan tahay in ay kiciso xiisad siyaasaddeed, taas oo horseed u noqon karta dib usoo cusboonaanshaha colaadda Soomaaliya. (HIPS, 2014).

La soco qeybta saddexaad…

WQ: Hassan Mudane
Jaamacadda Istanbul Ticaret University.
Barashada Afrika iyo Xiriirka Caalamiga.
Homar.ahmed@istanbulticaret.edu.tr
Istanbul/Turkey

SHEEKOOYIN