Shidaalka Soomaaliya: Ma belayaa laga dhaxli doonaa mise Barwaaqo?Q3AAD W/Q: Hassan Mudane

Sidee looga baxsan karaa?

Soomaaliya waxa ay ka mid yahay dalalka leh ifafaalo wanaagsan ee xagga tamarta, waana dal ay haysato caqabado badan oo la xiriira sahanka shidaalka. Waxaa jirta caqabado badan oo is hor istaagi kara rejada soo saarista shidaalka Soomaaliya, waxaa ka mida, farsamada, kaabayaasha iyo isku socodka, sidoo kalena maahan oo kaliya caqabadaas balse waxaa kaloo jira culeysyo kale oo fara badan oo ay ka mid yihiin xiisad siyaasaddeed, amni darro, hey’ado nugul iyo mugdi baahsan oo ku saabsan xuquuqda lahaanshaha hantida. (HIPS, 2014).

Iyada oo intaasi caqabad jiraan, haddana aad bay u adag tahay in hal meel oo kaliya xalka laga helo, balse xalka ugu fiican waxa uu noqon karaa in la sameeyo ka hortag si aysan u dhicin musiibada. Xalka waxaa uu mar walba ku dulwareegtaa dal walba nooca ay tahay siyaasaddiisa, dhaqaalihiisa iyo arrimihiisa bulshada. (HIPS, 2014). Balse, mar walba waa muhiim in la feejignaado, sidoo kalena la isku diyaariyo sidii loo maareyn lahaa musiibada.

Haddaba, si looga hortago musiibada waa in loo sii maraa saddex waddo oo kala ah:

  • In la helo dowlad feejigan oo leh farsamo, aqoon iyo awood sharci oo ay kula gorgortami karto dhurwaayada doonaya in ay dhuuqaan khayraadka Soomaaliya.
  • In shacabku aysan marnaba u dulqaadan, una dhug-yeeshaan, kana hortagaan maamul xumo ku dhisan musuq-maasuq.
  • In la abuuro jawi ku dhisan kalsooni iyo is-aamminaad, taas oo sahli karta isfaham dhex mara dowlada federalka, maamul goboleedyada, iyo qabiilada Soomaaliyeed.

Haddii dibadda loo soo saaro shidaalka Soomaaliya, kadibna shacabku ay ku fashilmaan u dhug-yeelashada iyo la socodka musuq-maasuqa; musuqa-maasuqaas waxa uu noqon doonaa sumad ama calaamad dusha kaga sawiran tahay siyaasi walba oo talada waddanka hayn doona, xaalkuna wuxuu noqonayaa ‘waraabe hilbo ku raro.’

Casharada laga baran karo

Inkasta oo ay muhiim tahay horumarinta dhaqaalaha iyo maareynta siyaasadda si looga hortago musiibada haddana waxaad arkaysaa in xiriir weyni aysan ka dhaxeyn jahwareerka siyaasaddeed iyo musiibada khayraadka, sida lagu arkay dalalka Butuswaana, jili iyo induniisiya. Taasi waxa ay muujinaysaa casharadii laga bartay dalalkaas in ay aheyd: Maamul iyo shaqaale leh xirfad iyo aqoon, si loo maareeyo dakhliga shidaalka, loona abuuro wax soosaar dhaqaale oo isku dhafan, kana duwan kan shidaalka (HIPS, 2014).

Haddaba, waxaa jira waddamo badan oo dibadda u soo saaray khayraadkooda dabiiciga sida shidaal, saliid, macdanta qeybaheeda kala duwan, sida dheeman, dahab, maar, iwm. Ma sidii ay filashadoodu aheyd (Ka hor inta aysan dibadda u soo saarin khayraadkooda) mise sida ay wax noqdeen. Wixii ay filayeen waxa ay ku noqotay musiibo khayraad! Waddamada aan isleeyahay Soomaaliya waxa ay ka baran kartaa casharo wanaagsan waxaa ka mida: Nayjeeriya, Zaambiya, jaad, Koonfurta Suudaan, Fenusweela, Sira-liyoon, Leybeeriya, Koongo, Angoola, iwm. Tusaale, 50kii sano ee la soo dhaafay, dalka Nayjeeriya lacagta ka soo gashay dhoofinta shidaal waxay ay kor u dhaaftay $800 bilyan oo dollar, haddana celcelis ahaan maalintii lacagta soo gasho shakhsiga waa hal doolar. (HIPS, 2014).

Si kastaba, aad bay u adag tahay in maanta Soomaaliya ay hesho dal ama shirkad u soo saarta khayraadkeeda dabiiciga, iyada oo aan weydiisan boqolkiiba inta ay ku yeelan karto khayraadkaas. Musiibada heysata dadka reer Gaana waxaa ka mida in boqolkiiba 99, shidaalka ay dhoofiyaan faa’iidada ka soo xaroota ay ku raaxeystaan shirkad laga leeyahay dalka Maraykanka. Maanta bulshada reer Gaana waa  ay ka baahan yihiin khayraadkooda. Ma sidaas oo kale ayay Soomaaliya doonaysaa mise si ka duwan? Waa in Soomaaliya ay wax badan ka barataa waddadii ay mareen iyo sida ay ugu fashilmeyn waddamo badan oo horay u soo saaray shidaalkooda. 

Tusaale kale oo aan isleeyahay Soomaaliya cashar ayay u noqon kartaa, waxa ay ku saabsan tahay dhacdo ka dhacday dalka Zaambiya. Marka ay isbiirsadaan musuq-maasuq iyo dhoofinta khayraadka dabiiciga, natiijada soo bixi karta, waxa aynu tusaale ahaan ugu soo qaadan karnaa dalka Zaambiya oo ah waddan leh khayraad dabiici ah. Zaambiya waa dalka ugu badan ee dhoofiya macdanta maarta. Dhaqaalahiisuna waxa uu ku tiirsan yahay dhoofinta khayraadkaas. Inta badan godadka laga qodo martaas waxaa maamula mid ka mida shirkadaha shidaalka ee gaarka loo leeyahay ee reer galbeedka. Waxaa jira muuqaal ku saabsan dhacdo ay ku lug-laheyd shirkadaas oo ka dhacday dalkaas. Magaca muuqaalkaas waa bililiqaysiga Afrika (Stealing Africa).

Haddaad daawato muuqaalkaas waxaad ogaanayso musiibada ka dhalan karta isbiirsiga musuq-maasuqa iyo ku tiirsanaanta dhoofinta khayraadka dabiiciga. Maamulkii hoggaaminaayey dalkaas, waxa ay ku fashilmeyn maareynta dhaqaalihii ka soo galay dhoofinta khayraadka dabiiciga. Maantana dad reer Zaambiya waxa ay ka mid yihiin dadka ugu faqrisan dunida.

Casharada ugu muhiimsan ee laga baran karo waxaa ka mida:

  • In bulshada aysan marnaba u dulqaadan oo ay ka hortagaan, lana socdaan, musuqa-maasuqa ay sameeyaan madaxda dowladda.
  • In dowladda ay xoogga saarto qeybaha kale ee illaha dhaqaalaha sida: horumarinta warshadaha, dhoofinta dharka, cuntada iyo dalaga beeraha, horumarinta noocyada kala duwan ee ganacsiga. Si looga badbaado ‘cudurka dhajka,’ loona helo dhaqaale isku dhafan.
  • Abuurista dhaqan siyaasaddeed ku dhisan maamul wanaag.

 

 

 

 

 

Qasaaraha iyo Faa’iidada

Shaki kuma jiro soo saarista shidaalka Soomaaliya in uu qaasarahiisu wato. Qasaaraha la filan karo wax badan ayay noqon karaan, balse maqaalkan kaliya waxa uu tilmaamayaa saddex ka mida qasaaraha la filan karo, waxaana ka mida:

  • In musuq-maasuqa kordho.
  • In ay meesha ka baxdo nidaamka dimuqoraadiyada Soomaaliya.
  • Hurinta colaadda sokeeyo.

Kaliya maahan in loo fahmo, haddii dal uu soo saarto khayraadkiisa dabiiciga sida shidaal in ay ku noqonayso musiibo. Haddii si fiican loo maamulo, lagana dhowro musuq-maasuq, wax isdabamarin, tuugnimo, laaluush qaadasho; dakhliga ka soo xaroon doona dhoofinta shidaalka Soomaaliya. Waa suurtagal in ay soo saarto faa’iido badan, taas oo dalka ku hagta waddadii barwaaqada, Sidoo kalena ay wax badan ka beddasho noloshada bulshada Soomaaliyeed.

Yaa ka faa’ideysan doona?

Haddii ay dhacdo in Soomaaliya laga helo khayraad dabiici ah sida shidaal ama Yuuraaniyoom kaddibna dibada loo soo saaro. Waxaan ku dooddayaa, in khayraadkaasi ay afka u dhigan doonaan, oo ay ka faa’iideysan laba koox oo kala ah:

  • Siyaasiyiinta Soomaalida.
  • Shirkadaha shidaalka ee reer galbeedka.

Sikastaba, soo saarista shidaalka Soomaaliya laba waddo mid un bay u jiheyn kartaa: Mid gaarsiin kartaa musiibo iyo dib u dhac iyo mid gaarsiin karta barwaaqo iyo horumar.

Tallooyin

Talooyinka aan doonayo in aan usoo jeediyo siyaasiyiinta Soomaaliya gaar ahaan kuwa ay talada ka go’do waxaa ka mida:

  • In dowladda federaalka Soomaaliya ay dib u eegis iyo dib u habeynba ku sameyso mugdiga dhanka sharciga ah ee ku’aadan sida loo qeybsan karo khayraadka Soomaaliya, yeey tahay cidda xaqa u leh in ay heshiis la gasho shirkaddaha shidaalka, sidoo kalena yaa looga fadhiyaa fullinta heshiiskaas.
  • In la sameeyo daraasad ku saabsan dalka Butuswaana oo ah dal lagu naanayso ‘Mucjisada Afrika’ sidii ay oga baxsadeyn dabinka musiibada (Ku tiirsanaanta dhoofinta khayraadka dabiiciga), iyo sidii ay u maamuleyn dhaqaalahii kaga soo xarooday dhoofinta khayraadkaas.
  • In lagu dhaqmo xikmadii aheyd ‘Intaadan fallin ka fiirso,’ lana sameeyo qiimeyn ku’aadan sida ay mustaqbalka wax noqon karaan, ka hor soo saarista shidaalka Soomaaliya; inta aadan guurin ayaa sahan la dirsadaa.
  • In la dhiso lana xoojiyo hey’ad madax bannaan oo la dagaalanta, ka hortagta, lana socota musuq-maasuqa.
  • In la xoojiyo hey’adaha canshuur uruurinta si daqliga dowladda uu u noqdo mid ka soo xarooda canshuurta dadweynaha balse uusan noqon mid isku haleeya, kuna tiirsan kaliya dhoofinta khayraadka dabiiciga.
  • In dowladda federaalka Soomaaliya ay furto dood cilmiyeedyo ku saabsan shidaalka Soomaaliya, taas oo ay ka qeyb galayaan qeybaha kala duwan ee bulshda rayidka.
  • In dowladda federaalka Soomaaliya ay abuurto heykal-dhaqaale oo isku dhafan, balse aysan isku haleyn kaliya daqliga ka soo gali doona dhoofinta shidaalka.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Tixraac

Paul Collier (2007). The Bottom Billion: Why poorest countries are failing and what can be done about it. Oxford University Press.

Michael L. Ross (1999). The political economy of the natural resource curse. World Politics, vol. 51, 297-322.

Heritage Institute for Policy Studies (2014). Oil in Somalia: Adding Fuel to the Fire. HIPS Policy Briefing Issue. HIPS: Mogadishu.

 

Note

 

SHEEKOOYIN

Cart
  • No products in the cart.