Shirib dood ah oo dhex maray Laashin Ibraahim Cali iyo Hoggaamiye Axmed Madoobe

 

 

pizap.com14538213984781

 

 

 

 

 

Shirib dood ah oo dhex maray Laashin Ibraahim Cali iyo Hoggaamiye Axmed Madoobe

Waa shirib dooda oo dhax maraya, Laashin Ibraahim Cali iyo  Hoggaamiye Axmed Madoobe, dooda iyo  waxay ku saabsantahay waxaad kaga bogan doontaa Shiribka ee bogasho wacan: waxaa bilaabay Laashin Ibraahim Cali  wuxuu yidhi;

Ibraahim

  • Aalaadka leyska dhex arkaad
  • Aqyaar ka tahay axmadoow

Madoobe,

  • Waadan ogeynin ee igaar
  • Aqyaarka ewelaan ahaay

Ibraahim

  • Illaah ka cabso axmadow
  • Amaantu waa afar cawee,

Madoobe,

  • Waxaan ahay anaa aqaan
  •  Mana ogoli eed cidlaa

Ibraahim,

  • Ayaan dhaweeday ingiriis
  • Inaad ka aamustaan ogaay

Madoobe,

  • Afkaada ka ahaaw agoon
  • Waa ey qoyan aroosla dheel

Ibraahim

  • Itaal yaraan ameey ahayd
  • Oo aadan afka gaal aqoon,

Madoobe

  • iskuul ma tegin ebedkeey
  • I love se waa ku adimaa,

Ibraahim

  • Horta afweyne xaad eheed
  • Aqoontu waa kugu intaay

Madoobe

  • Aqoon yahan ayaamahaan
  • Nin aarmi heystayaa ahaay

Ibraahim

  • Ayaan calanka aastayee
  • minkasuu abaal guddaa

Madoobe

  • Afkaar shisheeye i amroon
  • Hadaanka imidey eheed

Ibraahim

  • Irmaan guray ma ololee
  • Umadu maku aamineen

Madoobe,

Ujeedadaas anma aqaan

Ee iga aal ibraahimoow,
Curiye: laashin Ibraahim Cali

SHEEKOOYIN