Shirib: Dood dhexmartey Laashin Shiribmaal iyo Rw Itoobiya

image

“Waa dood na dhex martay aniga iyo Reysalwasaaraha  Itoobiya iyo Laashin Shiribmaal.

 

Laashinka

 

” Wajiya sharaf weecisee
Wakiil tigree ma waalateen?

RW: Itoobiya
Ma waalane dad wiirsadaa
Warma lasoo baxeen walaal,

Laashinka

Weelaan la buuxin waligiis
Wadnaan baqeyn ammaad wadaa?

RW: Itoobiya
Ma wadee dad wareersanaa
Wajaanta iiga waaliyeen!

Laashinka

Waabaayadaad walaal badeen(soomaali)
Ameey idinku weecataa?

RW: Itoobiya
Wareerka waqtigaa wadee
Wadaayoow weeydintaa yareey!

Laashinka

Weesadii waalidkii nabruud
Weelkoogu kaadshay meey wadaan?

RW: Itoobiya
Werefya boob haddeey wadaan
Woodkaa idlaaday wees iraa!

Laashinka

Waarso iyo wakiilka good(UN)
Wehel ammeey ku waabayaan?

RW: Itoobiya
Wehel kama rabee wadaay
Wasiiradiina yaan la weyn!

Laashinka

Masida shiiq dad wacdiyaa
Wasiiradeeyna loo wacaa?

RW: Itoobiya
Weris walaaya dhiibatee
La wacdiyaa war diidi mee!

Laashinka

Wadan dhan rag wakiilanaad
Weceehe waali miis tiraa?

RW: Itoobiya
Waqti dhammaan walaaqayoo
kuwaan wakiisho sooma weyn!’

Laashinka

Haddeey ku weeynu wehsadaan
Yaa koo walaalahood wacdaa?

RW: Itoobiya
Weyne intii ka weecatoo(Allaah)
Sheeydaan wakiilataan wacdaa!

Laashinka

Waayeelku meey ku warsadaan
Wakiilka muu wareejihee?(Xilka)

RW: Itoobiya
Wakiilka waqtigoon dhamaan
Wareeji maahe waa wajaan(Dagaal)

 

W/C: Laashin Xasan Kaamil Cuute( Shiribmaal)

SHEEKOOYIN