Shirib Garnaqsi ah: Wariye Coldoon iyo Taliyihii xirey Laashin: Cabdi Nuur Waddani

 

quotescover-JPG-57

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Shirib Garnaqsi ah: Wariye Coldoon iyo Taliyihii xirey 

Waa shirib dood iyo garnaqsi ah, oo dhaxmaraya, weriye Cabdimaalik Muuse Coldoon iyo taliyihii soo xiray. Wariye  Cabdimaalik, waxa uu taliyaha waydiinaya, sababtii loo soo xiray, taliyuhuna wuxuu uga jawaabaya su’aalahaas, wuxuuna u sheegaya sababta rasmiga ah, ee loo soo xiray iyo cidda ka danbeysa xariggiisa. Shiribka waxaa billaabaya Cabdimaalik oo leh:
Coldoon;

  • Xaqsoor ma tahay xaakimoow
  • Xaa leeygu xiray ii xariiq?

Taliyihii;

  • Waa leey xukumay xaajiyoow
  • Inaan ku xiro, ee xishoo!

Coldoon;

  • Yaa kuu xakumay xaakimoow
  • Inaad i xirto waa xujee?

Taliyihii;

  • Xilalka kuwa loo xushaa
  • I soo xakumay xaajiyoow!

Coldoon;

  • Ma xumo haba ley xiree
  • Xaan ba’shay aan xisaabtamee?

Taliyihii;

  • Xigaaladeenna ow xanteey
  • Xaasha xun iigu soo xireen!

Coldoon;

  • Xigaala ma xummeyn karee
  • Haygu xadgudbin xaakimow!

Taliyihii;

  • Xabashadaad xagxagateey
  • Xaaji xertu xigaashataa!

Coldoon;

  • Xilal kuwaad u xeeriseen
  • Xabash miyeey xigaashadaan?

Taliyihii;

  • Xamarya xuddur xeradaan
  • Xaaji Xabashadoow xigtaa!

Coldoon;

  • Ximaar ma noqday hee xalaal
  • Xaraarug geeriyaa xigtee?

Taliyihii;

  • Xaaraanta ninki aan xishoon
  • Xisna lahaynin woow xalaal!

Coldoon;

  • Xumba ineeysan xaakimoow
  • Xarig naqayn xertaan u sheeg!

Taliyihii;

  • Xertaannu yeeli mee xuroow
  • Xabashaadaanna waa xusaan!

Coldoon;

  • Xashaa Lilaahi xaakimow
  • Xaqiiqdi waygu xaabisee!

Taliyihii;

  • Xabsiga ku jir xaajiyoow
  • Xurnimo waa lagaa xiree!

Coldoon;

  • Xukunka xeey dhaheen xertaad
  • Xaakim u tahay xogogaal?

Taliyihii;

  • Xukunka dhacay xaajiyoow
  • Xawaala waa ka sii xaraar.

Coldoon;

  • Xawaala wax ka sii xaraar
  • Xumaan ahaa ninkii xiroow!

Taliyihii;

  • Xumaanya xaaji waa xaraar
  • Xawaalna waa ku sii xigyaa!

Coldoon;

  • Xogta i sii bal xaakimoow
  • Xiisad xun ii xanbaarisee!

Taliyihii;

  • Xaalkaagu ma xuun yaree
  • Xaakimka tuuge is xijaab!

Coldoon;

  • Inaan xasilo xaakimoow
  • Xanta i sii bal xey dhaheen.

Taliyihii;

  • Xaaji ninkuu xanaaqsanaay
  • Laguuna xiray waa xumaan!

Coldoon;

  • Yaa leey xirxiray xaakimoow
  • Xabashadaan xummeyn jiraa,?

Taliyihii;

  • Xaaji ninkaad xummeysayeey
  • Xabsiga kuugu soo xireen.

Coldoon;

  • Xaqeey tegeehe xaakimoow
  • Xilli kalaya xaal qurxoon.

Taliyihii;

  • Xaaji inaad xaraashtahaan
  • Xa’leyda kuugu soo xiraa!

Dhammaad.

Laashin: Cabdi Nuur Waddani

SHEEKOOYIN