Shiribka Toddobaadka ee Laashin, ayaa hadba waxaa lagu lafa guraa, marxalado kala duwan, Laashimiinta aad u yaqaan godka Shiribka waa furanyahay iney ka soo jawaabaan, Shiribka ku soo baxa, habeen kasta oo Jimce soo galaya Mareegta Laashin, Mareegta Laashin waxay shaqadeedu tahay tayeynta iyo dib usoo nooleynta guud ahaan, Suugaanta Soomaaliyeed, sidoo kale horumarinta Afka iyo dhaqanka, waxaannu leenahay ku soo dhawaada qof waliba halkuu jecel yahay, waa ka helayaaye.Shiribkan waxaa curiyey Laashinka da’da yar, Cabdi Nuur waddani isagoo ina bari doona, Toban walxaad oo u bogta Toban kale, haddaba bogasho wacan.
Tobban walxaato ba ku taal
Tobban kaleeto woow bugtaa,
Waxaadna ku bara kartaa
Tobban kaleeto ba ku taal,
Barbaar igaar ah oon baqayn
Birimo naag ah woow bugyaa
Waxaadna ku bara kartaa
Baashaalya raaxo waa berkaas.
Berya nin qaday baad walloow
Ku baahi beelyo woow bugyaa,
Waxaadna ku bara kartaa
Baahida waaba loo baqtaa,
Bireesmo ninki loo baxshaa
In la badbaadsho woow bugyaa
Waxaadna ku bara kartaa
Birtaan ahayn biya qabow,
Bistiis ninkii ah oo bukaa
Baxnaanin asna woow bugyaa,
Waxaadna ku bara kartaa
Inuu baxaa la baafiyaa,
Beer nin falaye bowd dhigaa
Badar abuur ah woow bugyaa,
Waxaadna ku bara kartaa
Badar la,aan ku bixi mee,
Bir iyo nin tumaa barmiil
Buufinya babis woow bugyaa
Waxaadna ku bara kartaa
Babis la,aan debkaan bexeyn,
Biya nin heesta woow bugyaa
Badar iyo bilcaan karee
Waxaadna ku bara kartaa
Bilcaan la,aanu wees birey,
Baabuur nin weday bir fayaaw
Iyo basiinka woow bugyaa
Waxaadna ku bara kartaa
Biya ka keeni maa burkaas,
Buubaal nin dhaanshay baariyoow
Binji xarig ah woow bugyaa
Waxaadna ku bara kartaa
Biligta yaru waa u baas,
Buug nin sitee wax kuu bartaa
Boogaadin asna woow bugyaa
Waxaadna ku bara kartaa
Boogaadintu waxbeey bishaa,
Curiye: Laashin Cabdinuur Waddani