Shiribka Toddobaadka iyo Laashin Cabdinuur Waddani

Shiribka Toddobaadka iyo Laashin

 

11753272_407581792785865_4043140117631554681_n

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

1.Tobban walxaato ceyn ku taal

Ciddeydu heedhe waaku caan,

 

Waxaadna ku caddey kartaa

Tobban kaloo ku taalla ceyn,

 

2.Culimo dadku ay cissaan

Ciddeeydu heedhe waaku caan,

 

Waxaadna ku caddeey kartaa

Cariifya mustafaa cidda a.

 

3. Ciidaan cudud leh oon cabseeyn

Ciddeeydu heedhe waaku caan,

 

Waxaadna ku caddey kartaa

Ciilkeey baddeen cadaw amxaar,

 

4.Caasho gabadh ah oo cuddoon

Ciddeeydu heedhe waaku caan,

 

Waxaadna ku caddey kartaa

Waxaa na coowrya caalamkaan,

 

5.Caruudda geellya cood lo,aad

Ciddeeydu heedhe waaku caan,

 

Waxaadna ku caddey kartaa

Caradu baddi waa caduun, (miyi)

 

6.Caaqilya odday loo ciydaa

Cideeydu heedhe waaku caan,

 

Waxaadna ku caddey kartaa

Colaadaheey naga celshaan,

 

7.Ceeriin dahabya ceel shidaal

Careey ka buuxdo, waa ku caan,

 

Waxaadna ku caddey kartaa

Cadaawaan nasoo curjaa,

 

8.Cuntaya dhul caddiinu taal

Cideeydu heedhe waaku caan,

 

Waxaadna ku caddey kartaa

Canbaya moos jawaan cunaa,

 

9.Curadya aan la caabinoon

Gumeysi ciirsan waa ku caan,

 

Waxaadna ku caddey kartaa

Cali-ya cabdullaa ciddaa,

 

10.Cosob dhul ah anii carfaa

Cideeydu heedhe waaku caan,

 

Waxaadna ku caddey kartaa

Cimiladeenu waa cajiib,

 

11.Ceyrtooda kuwa ceymiyoo

Coodsiiya heedhe waaku caan,

 

Waxaadna ku caddey kartaa

Cawa kasteey is caawiyaan,

 

Nikax(Gundhaad)

 

Wax caqli diiday ma curshee

Caana sidoodi muu cabteen. 

Ciddeeydu waxaan ula jeeda guud ahaan dadkayga Soomaaliyeed,haddaad si kale u qaadatay,

(1)Cariif waa sheekh Maxamuud aw Cabdulle Cariif, (2)Musfata waa sheekh Mustafa Xaaji Ismaaciil Haaruun, (3) Cali waa Cali Xasan Maslax oo ka mid ahaa dhalinyaradii gobanima doonka soomaaliyeed ee SYL, Cabdulle waa halgamaa Maxamed Cabdulle Xasan.

Mahadsanidiin.

SHEEKOOYIN