Shiribka Toddobaadka Magaalada Marka iyo Laashin Cabdi Nuur maxaa kala haysta?

 

pizap.com14551364153311

 

 

 

 

 

 

 

 

Shiribka Toddobaadka  Magaalada Marka iyo Laashin Cabdi Nuur maxaa kala haysta?

Waxaa halkan  wada hadal iyo  sheeko suugaaneed ku socota  Shirib ahaani dhex martey Laashin Cabdi Nuur oo ah,  Laashin da’ yar oo erayo muc iyo mug leh eebbe hibbo u siiyey,  Laashin Cabdi Nuur, waa daadihiya   Barnaamijka Toddobaadlaha ah ee Mareegta Laashin,  Laashin oo  inta badan  Suugaantiisa ku saabsantahay, hadba wacyigelinta iyo baraarujinta Bulshadiisa,  Suugaanta, Haddaba shiribkan wuxuu xog wareysanayaa, Magaalada Marka iyo xaalkeeda,  dhibka ay qabto iyo waxaa ay tirsanayso,  Bogasho wacan oo wanaagsan.

 

 

Cabdi nuur

 

  • Marko caddey salaan macaan
  • Midigta keen bal aan marshee,

Marko

  • Mahad sanid adaa mutee
  • mid la midana hoo markaa!

Cabdi nuur

  • Mariil inaad tahaan maqlee
  • Mucjisadaas bal ii micneey?

Marko,

  • Mariilki waaya maamulkiis
  • Maydoow ahayna waa maqle!

Cabdi nuur,

  • Mantagu wayga maajiyee
  • Ma miir gadoontay ii micneey?

Marko,

  • Madaxya majo meel fayaaw
  • Ma lihi waana lay miraa!

Cabdi nuur,

  • Maalma dhawaay adoo macaan
  • Muuqa arkaye maad miyaa?

Marko

  • Macaanti tiilay maalnahaan
  • Hal maaliney kusoo mersheen!

Cabdi nuur

  • Yaa u maxkamadeysanoo
  • Masuul ka noqday miinadaas?

Marko,

  • Maydkaad arkeehe meesha yaal
  • Mas la dileey la meel yihiin!

Cabdi nuur

  • Waa mashaqee muwaadinkii
  • Miyeey maska la meel dhigeen?

Marko,

  • Muwaadinki wuxuu mudnaa
  • Iyo ma helyo meel markiis!

Cabdi nuur

  • Madaxdi iyo maamulkii
  • Ya la murgooday maatidaan?

Marko,

  • Madaxdi wayga maajisoo
  • Waxaan maqlaayay waa mashquul,

Cabdi nuur

  • Nin mowta kaal u yaalo meel
  • Anni mashquulay waa maraan?

Marko,

  • Muranya malyankaan anaa
  • Meeleeysahaa ayeey maree!

Cabdi nuur,

  • Mushkilo waa dhacdee markooy
  • Malley bal waxa aad mudee?

Marko,

  • Waxaan mudaaya moogiyoo
  • Mooryaan jaweysku may murmee!

Cabdi nuur,

  • Miirkeey xanuunayee markooy
  • Hakuu maciino moowleheey?

 

 

Curiye: Cabdi Nuur Waddani

SHEEKOOYIN