Shirkadaha Caymisyada, Sanduuqa Lacagta Adduunka, Bankiga Adduunka iyo Colaadda Soomaaliya

ddddd

Shirkadaha Caymisyada, Sanduuqa Lacagta Adduunka, Bankiga Adduunka iyo Colaadda Soomaaliya

 

Afartan iyo afar kun ( 44,000) oo Qori ayay Dawladda Ingiriisku Sanadkii ina Dhaafay ee 2013,kii u Daabushay Soomaaliya,sida ku cad Qoraaladda Dawladda. Hubkaas ayaa waxaa ka mid ahaa 30,000 ,oo Qoryaha Daran Dooriga u dhaca ah , 2,536 Bistooladood , kuwaas oo loo Dhoofiyay Soomaaliya lana tuhun san yahay in loo Gacan galiyay kooxo Burcad ah ama Diidan Xasiloonida Soomaaliya sida ay Qabaan qaar ka mid ah Xildhibaanadii Amuurtan Dood kulul ka dhaliyay.

Guddiga la socodka Dhoofinta Hubka kana tirsan Baarlamaanka Ingiriiska ayaa Dusha ka saaray arintan Wasaaradda Ganacsiga (Vince Cable, Wasiirkii Ganacsiga 1966 ilaa1968 wuxuu ahaa Ninkan La taliyaha Ganacsiga ee Kenya Wasaaraddan ayaana Ogolaatay Dhoofinta Hubkan ,sidoo kale Gudigu waxay Shaki Galiyeen Siyaasadda Dheeli tirka Dhoofinta hubka ee Boqortooyada Ingiriiska.

Agaasimaha Waaxda Dhoofinta Hubka Edward Bell ayaa yiri mar ay Gudigu Su’aalo waydiinayeen ‘’ Waan Dareemayaa Wer warka aad ka qabtaan Hubka Tiradaas leh ee loo Dhoofiyay Soomaaliya , laakiin waxaan idiin Hubaa inuu Hubkaas uu ku jiro Gacan la Hubo inay Danaha Boqortooyada Ingiriiska Dhawrayaan’’

Dugsiga Baarista Dhaqaalaha Jarmalka (DIW) ayaa wuxuu Daabacay Baaris uu ku sameeyay Cidda ay Faa’iidada ugu jirto sii socoshada Falalka Burcad Badeedda iyo Xasilooni Darrada Soomaalida waxaa ka mid ahaa Qoraalkaas oo laga Akhrisan karo Baalkooda www.diw.de Sidan: ‘’ Dhowr kooxood oo kala duwan ayaa Faa’iido Dhaqaale oo Xoog leh ka hela Dhaq-Dhaqaaqa Burcadda waxaana ka mid ah ( Burcadda Soomaalida ,Dadka Deegaanka qaar ka mid ah , Maamulada ka Dhashay meelaha ay Falalka Buracaddu ka dhacaan ,Maraakiibta Dagaalka ee Caalamiga ah , Shirkadaha Ammaanka ee Gaarka loo leeyahay , iyo Shirkadaha Caymiska (Insurance Industry ) oo ay intooda badan leeyihiin ama Saamiga ugu Ballaaran ku leeyihiin Siyaasiyiinta Reer Galbeedka.

Qoraaga Magaciisu yahay Patrick Henningsen wuxuu qabaa in Xiriir Cad uu ka dhexeeya Ganacsiyada Dawladda Ingiriiska iyo Bangiga Adduunka kuwaasoo Qorshahoodu uu yahay inay sii Quusiyaan Soomaaliya oo Daymaha lagu leeyahay Dalkaas mar walba ay noqdaan kuwo Wadanka Soomaaliya uu kuTtiirsanaado Dhinaca ‘’Gargaarka’’ , Sanduuqa Lacagta Adduunka ( IMF) iyo Bankiga Adduunka ( World Bank) waxay mar walba Shidaal ku sii shubaan Nabad Gelya Xumada, Saboolnimada iyo Gaajada ka jirta Soomaaliya iyo sidoo kale Dalal badan oo Caalamka ah iyaga oo doonaya Reer Galbeedku inaysan ka Hoos bixin Wadamadaas Gacantooda.

Ma ahan la yaab in Dawladda Ingiriisku ay ugu Deeqdo lacag dhan 2.2 Malyuun oo Dolar Xafiiska la Dagaalanka Maandooriyaha iyo Danbiyada ee Qaramada Midoobay ( UN ) si Xabsi looga dhiso Puntland isla markaana dib loogu Habeeyo Booliska Maamulkaas , iyadoo ay Ingiriisku ka fakarayaan ilaalinta Danaha ay ka leeyihiin Soomaaliya Cid u ilaalisa oo Daacad u ahaata haddii ay yimaadaan Hogaamiyeyaal Shacabka matala ee aan Jeebka ugu jirin Danaha Shisheeyaha .

Bilowga sanadkii 2013,ka waxaa la sameeyay Ciidanka Badda ee Ingiriiska oo si Gaar ah loo leeyahay 200, oo Sano kadib markii Koowaad waxaana Unkay ama sameeyey koox Ganacsato ah si ay uga Hawl Galaan Biyaha Soomaaliya waxaa lagu sheegay in ay la Dagaalamayaan Burcad Badeedda hasa ahaatee waxay Salka ku hayeen Shirkad Caymis oo uu leeyahay Lloyds ka London , Waxaa ka mid ahaa Raggaas Madaxii hore ee Caymiska Ganacsiga ee Bankiga ( HSBC ) Mr Typhon ahna Ninka iska leh Anthony Sharp Shirkadda Ammaanka ee Gaarka loo leeyahay kana Hawl Gasha Xeebaha Soomaaliya.

Lloyds Of London wuxuu bilaabay Durbadiiba Caymis Badaha sida Dulaaliinta Shirkadaha Caymisyada Labaad ee Dunida ugu Ballaaran. Willis Group Holdings plc ayaa waxay sheegeen sida ku cad warbixin ay Daabacdey Majalada Forbes 2010 kii ‘’ Haddii aad naga Iibsato Caymis Buuxa waxaad ka Bad Baadaysaa inay ku Bar Tilmaameedsadaan Burcad Badeedda ‘’ Hadalkaan iyo Xiriirka ka Dhexeeya Ciidanka Badda Ingiriiska ee Gaarka loo leeyahay ayaa Shaki Wayn Dhaliyay inuu jiro xariir ka dhexeeya Weerarada Burcadda iyo Shirkadaha Caymiska .

Ma ahan Sir Qarsoon in Dawladda Igriisku aad u Daneyneyso waliba si Xoog ah Dahabka Madaw ee ku Moosan ama ku Aasan Dhulka Soomaalida Gaar ahaan kan Hoos taga Itoobiya ( Somali Galbeed) iyo koofurta Soomaaliya waxaana si gaar ah ugu Loolamaya Boqortooyada Ingriiska iyo Talyaaniga oo Haatan u Muuqda in Looga Taag Roonaaday Baratanka Dhaqaalaha hasa ahaatee waxay mar walba iyaguna Maleegayaan Qorshe kasta oo ay ku Xagal Daacin karaan ama ay Qas ugu Abuuri karaan wixii ay is leeyihiin Ingiriiska ayay uga Qabsoomi karaan Dhulkaas Soomaaliyeed ee Hodanka ah ee ay Dadkiisu Gaajada iyo Harraadka ay u Dhimanayaan Xiliga Abaarta markuu Roob yimaadana wixii ka Haray Daadka uu Cagta mariyo.

Wargayska Financial times ee London kasoo baxa ayaa Qoraal dheer ka qoray Muranka ay soo kordhiyeen shirkadaha Shidaalka , Kulan uu xafiiskiisa kula yeeshay wargayska Wasiirkii Tamarta ee Xukuumaddii Ra,iisal Wasaare Saacid ayaa yiri ‘’ Aniga iyo Madax wayne Xassan Sheekh Maxamud Maalin walba waan kullanaa waxaana ka wada hadalnaa Shidaalka iyo Shirkadaha danaynaya’’ Baratankaan Saliida ayaa ku kordhiyay Muranka iyo kala Fogaan shaha Dalka u kala Qaybsan Kooxaha Dantooda Meeqaamka Sare dhigay ee iska Indha tira mar walba Shacabka ay Sheegtaan inay Matalaan.

Haweeney la yiraahdo Katrina Manson ayaa waxay Qoraal ay Barta la yiraahdo FT.com ku Daabacday ku sheegtay ‘’ Madaxda Soomaalida waxay Door bidaan Dantooda Qaaska ah ayagoo Murankooda uga Faa’iideeya Shirkadaha Shisheeye ee kala Ceynka ah , waxay Maalin Walba si Sahal ah u Lumiyaan Hantida Qaranka Soomaaliyeed uu leeyahay ayagoo Eeganaya Dan Gaar ah iyo Hadal Afka Baarkiisa ah oo Ajnabigu uu Dhagta ugu Sheegay oo ay Run moodeen markaas ayaa laga Dhamaystaa wixii laga doonayay.

Dhinaca kale Muranka ay Kenya galisay Badda Soomaalida ayaa wuxuu soo kordhiyey Eray Dublamaasiyadeed Cusub kaasoo ah ( Saddex Xagalka Wareerka ) waxay Kenya Daabushay Ciidan keeda waxayna Shab Siisay Soomaaliya ayadoon markii hore ka mid ahayn AMISOM hasa ahaattee Gadaalkii ayay ku Guulaysatay inay ka mid noqoto waxayna taabteen Dakadda Kismaayo ayagoo Dabada ka Riixaya Hogaamiye Dagaal oo ay Dan Gaara ka leeyihiin. Ujeedka Kenya ma ahan marna inay Soomaaliya ka dhisanto Dawlad Maamusha Guud ahaan Dalka ee waxay Doonayaan inay Muddo Dheer ku hayaan siday Haatan tahay ilaa laga gaaro Heer ay ku Murmi ama ku Doodi karaan Kismaayo iney iyagu leeyihiin ama Gadaalkana ay Dhulkaas Bar Qaadan karaan si ay u Hubiyaan Ceelasha Shidaalka ee Dhulkaas inay ka mid noqdaan Dhulka Kenya.

Ugu dambeyn Dawladaha Ingriiska,Mareykanka iyo Wadamada kale ee Reer Yurub waxay sugayaan Xiliga ugu Habboon ee ay si Toos ah u soo Guran karaan Khayraadka Soomaaliya inta ka horaysana waxaa jira Dhabooyin ama Wadooyin badan oo ay Lacag ku samayn karaan.

 

W/Q; Aadam Zaki

SHEEKOOYIN