Si ka mid ah war is gaarsiintii hore ee Soomaalida W/Q: Kaahiye Cismaan Xaashi

 

Si ka mid ah war is gaarsiintii hore ee Soomaalida

 

Halkan waxaad ka fahmi dontaa falsafad ahaan dhaqankii war is garsineed, ee Soomaalidii hore, iyagoo kumanyaal meel isu jiro, haddane aan akhbaar ku ka la seegganeyn.

Qaba’ilka Soomaalida iyo kuwa Gaalluhu waxey muddo dheyr ahayeen Xoolo raacato daris ah. Wixii ka horreeyay qarnigii 20aad waxey labadaa qomiyadood si joogta ah ugu halgami jireen lahaanshaha ceelasha iyo dhulka biyuhu ey ka dhaw yihiin, oo aan waraabka xoolaha iyo dadka looga marmi jirin.

Dhinaca Soomaalida dirirtu meel iyo deegaan walb ayey ka jirtay, gaar ahaan deegaannada ka la baro labo qabiil ama kuwa xad ahaan ay la leedahay Soomaalidu qawmiyadaha kale, sida; Oromada, Gaallaha, Booranta, Cafarta.

Dhana Gaallahane waxa Boqor u ahaa dagaalyahan mucangag ahaay, ee ay Gaal-Gureey Soomaalidu u tiqiinnay, haddaba dabayaqadii qarnigii 18aad ayey dagaallo ba’ani degaanka Jigjigo labada qolo ku dhexmareen, in kastoo Gaalluhu xogaa Bartiiraha ka itaal roonayeyn.

Haddane si ey ku dhacdayba waxey markii danbe gaareen is afgarad ku saabsan biyo qaybsiga Ceelka banka Jigjiga loogu soo aroorijiray. Waxey ku heshiyeen maalinta galinkeeda hore iney Gaalluhu ka cabaan, galinka danbane Bartiruhu xoolahooda ka warabsadaan reer guriguna uga dhansado, hasa ahatee, muddo gaaban ka dib ayaa waxaa soo ifbaxday heshiiskas inuu Bartiruhu ku hurgoobay, Gaalluhuna ey ku guulleysan yihiin, sababtuse tolow maxey ahayd?.

Waxaa la yirri dhulka ey JigJigo ku taali waa dhul jilacsan, sidaa darteedne, ceesha laga qodaa si fudud ay u dumaan. Gaalluhu waabarigii ayey yimadaan ceeshii oo xalay si wacan u maaxatay ay xoolaha ka waraabsadeen, sidii kale ey donaanna uga muraadsadan, galin danbe ayaa la soo garaay, kolkaas oo sidii lagu heshiiyey ahaa xilligii uu Bartiiruhu lahaa, hase ahatee iyaga iyo xoolahuuduba waxey dowda soo gaaraan ceshii, ey cagta Geellaha iyo is dhafan dhafkii Doowlisyada ey jilciyeen dabadeedna dhoowr hormo oo kiliya markey ka waraabsadaan ayey wada dumaan iyada oo intodii badneed xoolihii ey soo aroorsadeen ey ka oomman yihiin haamihii dhaamankana aan lagu dhibcin.

Waxey is ku dayaan in mar kale qodanoo ey ciidda dibadda uga soo saaran, waxse uga ma naaso caddadaan, maxaa yeelay, iyaga oo wili cii 8794dda bixintii ku howllan xoolihiina ey oomman yihiin ayey maalin walba qorraxdu ka dhacdaa.

Arrintaa Wiilwaal waa u cuntami weyday, haddii uu ka cawdayne Gaal gureey wuu ugu garaabi waayay markaas uu go’ansaday heshiiskii biyoqaybsiga ceelka Jigjiga ku sabsanaa inuu buriyo, dabadeedna maahmaahdii ahayd “Rag ciil cadaab ka dooray” inta leys dareensiiyay ayuu isaga iyo ciddiisaba waxey talo kaga ibabeeshay is la weyninimada Gaal-gureey iney dagaal ka xigaan, ha yeshee, tiro iyo hubba laga badane sidee bey wax yelaan, oo dagaal waa la ma huraane yey u hiildontaan, oo yey cudud iyo ciidan ugu irkan karaan?

Kolba waxey talo gorfeyaanba ugu danbeyntii waxey ka badin wayeen iney u qeylo dhansadaan Soomaalidii xilligaa ugu oodda dhaweyd ee xagga bariga ka xigtay kuwaas oo loo diray ergo ka kooban odayo culculus oo uu Garaadku soo soocay aadna uu ugu kalsonaa, waa dhaqankii hore e Soomaalida siduu ahaaye si gobeed baa martidaa loo marti galiyay, toddobaad markii reeraha ey dhax jogeeyn, waxaa loo sheegay war ey aad u jecleysteeyn waxaa loogu bishareeyay farriinta Garaadka in la yeelay codsigisiine laga oggalaaday, si aan leexleexad lahayn baa loogu ballanqaaday, in loo soo gurman doono, oo rag iyo fardo iyo qalab dagaal loo soo diri doono, si ey iyagu ceelka ugu adkadaan.

Raggii oo sidaa u gulleysan ayaa u darbaday socdaalkii ay ugu noqon lahayeen galbeed iyo dhulkoodii, ha yeshee, inta eyna anbababixin ayaa oday ku jiray cidihii ey martida u ahayeen waxa uu weydiiday su’aal ey ka garabeen jawaab wacanna ey ka bixiyeen, wuxuu ku yiri:- Ragow degamadayada iyo tiinnu wey ka la duruksan yihiin, ninka labo lugoodka ahi toddobaad ka badan, malahaa wa iskaga socdaa marka waxaan garan la’ahay sida anagu eynu ku ogaaneynaa in ciidankiina oo noso oo dhaw yahay iyo kolba inta uu noo soo jiro?.

Waa gartiis su’aasha, dhulku wuu ka la fogyahay wagaasne la ma aqoon qalabka uu Aadanuhu gadaalkii bartay, oo maanta heysanno qalabka iyadoo oo kumayaal meel isu jira layska maqlo farriimahane layskugu tabiyo. Odayadii ey su’ aasha ku socotay ee martida loo ahaay ayaa is ku noqday cabbaar ka dibne ergadii ayey u yimadeen iyaga oo jawaab u wada, waxey ku yirahdeen hadda is ka ambabaxa reerihiina markii aa gaartaan warmihiinna xeyr mariya dabadeedna dulsura xero walbo bowdkeeda markii aad ku aragtaan habaas yaroo fuulay waxaad ogataan laba maalin socod in ciidanka ay idiin soo jiraan, mugga xigane haddii aa argatan habaaskii oo warmaha wada qariyay waxaad ogataan in hal maalin socod oo ciidankayagu idiin soo jiro.

Waxey baaq ka dhigteen siigada ka dhalan doonto qoobabka fardahooda iyo dhulka ey gaari kareyso oo ey masaafadane uga qiyaas qaadan jireen.

 

W/Q: Kaahiye Cismaan Xaashi

SHEEKOOYIN

Cart
  • No products in the cart.